SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Qaxootiga soomaaliyeed oo rajo wanaagsan ka qaba shirka Eldoret iyo Dhibaatooyinka ay ku qabaan Xeyaha Qaxootiga ee Kenya.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Dec 18, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

soomaalida qaxootiga ah ee ku sugan xerooyinka ku yaala gobolka woqooyi bari ee soomaalidu ay dagto ee dalka kenya ayaa soo dhoweeyay go'aankii dhowaan ay kooxaha soomaalidu ku gaareen Eldoret.

qaxootiga soomaaliyeed oo aad ugu rafaadsan xeryahaas oo qaarkood aan la kulmay ayaa iisheegay in ay ka rajaynayaan shirka nabadaynta soomaalida ee IGAD iyo Beesha caalamku ay wado in uu ku dhamaado dawlad loo dhiso umada soomaaliyeed ee tabaalaysan.

qaxootigaas ayaa sheegay in ay dib uga laabanayaan soomaaliya hadii hogaamiyayaasha soomaalida ee ku shiraya eldoret ay midoobaan ,lana soo af jaro colaada sokeeye ee keentay burburka,gaajada iyo amaan xumo ku baahday dalka soomaaliya.

dhanka kale qoysas soomaaliyeed oo kamid ah qaxootiga ku dhibaataysan agagaarka xarunta UNHCR ay ku leedahay magaalada Nairobi ee xaafadda Westland oo aan ku booqday goobtaasi ayaa sheeganaya in UNHCR ay uqaban la'dahay wax kaalmo ah oo ay ku joogaan magaalada Nairobi iyagoo gaajo iyo caafimaad dari uga soo cararay xerooyinka qaxootiga ee Gobolka Woqooyi bari.

Hooyooyinkaas oo qaarkood ku dhalay afaafka albaabka UNHCR ayaa ii sheegay in ay habeenkii seexdaan Doqoshyada ama dhismayaasha ku meel gaarka ah ee ay ku ganacsadaan dadka Kenyaatiga ah ee dan yarta ah, mararka qaarkoodna laga buriyo oo darbiyada ay hooy ka dhigtaan iyagoon haysan bustayaal ay dhaxanta ka galaan.

mar aan wax ka waydiiyay shirka Eldoret aragtida ay ka qabaan ayay ii sheegeen in gaajada iyo dhibaatada ay ka bixi lahaayeen hooyooyinka iyo caruurta qaxootiga oo maanta iyagu ugu liita, iyagoo sheegay in ilaahay ay ka bariyaan guul laga gaaro shirka.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Nairobi,Kenya


Ergooyinka ka qeybgalaya shirka Eldoret ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka ay kooxaha Soomaalidu ku gaareen Eldoret.



Shalay ilaa iyo xalay ayaa lagu soo warramayaa in isbadal xagga moralka ah uu ku yimid ergooyinka shirka iyadoo inta badan ay siyaasiyiinta, duubabka dhaqanka iyo haweenka Soomaaliyeed ay iswaydiinayeen sida Soomaalida ay go’aan mideysan uga gaari laheyd shirka Eldoret.

-dhammaad-

.... HALKAN KA BAAR WARARKII  IQRA

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD