Doorashada gobolka soomaalida kenya
gobolka woqooyi bari ee dalka kenya somaalidu
ay dagto ayaa haatan waxaa ka socda olole balaaran oo loogu diyaar garoobayo
doorashooyinka guud oo dhici doona 27 dec 2002 waxaana ku loolamaya axsaabta
siyaadeed oo ay uugu xoog wayn yihiin KANU iyo NARC.
gobolkaasi waxaa haatan si wayn looga dareemayaa sida dadku ay ugu kala
codaynayaan labadaas xisbi ee ugu xooga wayn iyadoo doorashooyinkii 1992 iyo
1997 gobolkaasi laga taagrri jiray xisbiga KANU ayaa haatan uu ka gadisayahay
xiliyadii lasoo maray.
sadexda magaalo ee ugu waawayn gobolka soomaalidu ay dagto ee kala ah
gaarisa,wajir iyo mandhera ayaa waxaa ku tartamaya axsaabtaasi.
cabdi raxmaan xasan cali coloow oo ah musharaxa ku guulaysatay tigidkii KANU ee
koonfurta wajir oo horay looga soo dooran jiray wasiir ku xigeenka arimaha
dibada ee dalka kenya MR Maxamed Cabdi Afeey oo aan waraysi kula yeeshay
magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu damacsanyahay isbadalo cusub oo koonfurta
wajir ah hadii uu ka guulaysto musharaxa NARC Axmed Cabdi Oogle oo mudo 10 sano
kabadan ahaan jiray mudane baarlamaan.
Ridwaan Xaaji
Nairobi,Kenya
.... HALKAN
KA BAAR WARARKII IQRA
ELDORET:
Taxanaha Wararka
FAAFIN: SOMALITALK.COM
KAYDKA WARARKA
EE IQRA - News Archive -
GUJI/CLICK
|