Qaramada midoobay oo canbaaraysay shaqaaleheeda
soomaaliya lagu af duubay.
Qaramada Midoobay Waxay Shalaay Cambaaraysay
Afduubkii Afraad Ee Loo Geysto Xubnaha Shaqaaleheeda Sanadkan 2002.
Maxamed Farax Cumar Oo Xubin Ka Ah Shaqaalaha
Mashruuc Qarameed ee Qaramada Midoobay Ayaa Waxa Dabley Hubaysani Ka Afduubtay
Aagga Towfiiq Ee Magalada Mogadisho Subaxnimadii Talaadada Ee Bishan August
27dii Isagoo Ku Sii Jeeda Xafiiska.
MR. Mxamed Farax Cumar Waxa Uu Ka Shaqeeyaa
Xafiiska Hay’ada Qaramada Midoobaee FAO Qaybteeda FSAU Ee Mogdishu.
Qaramada Midoobay Waxay Cambaaraysay Fal
Dembiyeedka Waxyeelada U Geysanaya Xilkeeda Bani’adnimo Ee Lagu Kaalmaynayo
Dadka Soomaaliyeed,Waxayna Ka Codsatay Dhamaan Hoggaamiyaasha Mas’uulka Ah In
Ay Kala Shaqeeyaan Sida Ugu Dhasaha Badan Loogu Soo Dayn Lahaa Mr. Cumar.
8 Soomaali ah oo Maanta la hor keenay Maxkamada
Nairobi.
30 Augast 2002
IQRA FM
Manta waxaa maxkamada magaalada Nairobi la
horkeenay 8 soomaali ay tahay dhalashadooda oo lagu ee deeyay in ay dalka ugu
noolaayeen si sharci dara ah iyo isticmaalka baasabooro ayna lahayn.
Qaadiga maxkamada Nairobi ayaa dacwadaas kadib
dhagaysigeedii waxaa 7 soomaali ah lagu xukumay lacag ganaax ah oo u qiimeheedu
uu yahay 63.000 KSH ama 6 bilood oo xarig ah kadibna lagu celiyo dalka
soomaaliya.
Midka 8aad oo lagu magacaabo fu’aad cabdi
qaadir ayaa dib dacwadiisa waxaa loo dhagaysan doonaa bisha October 11keeda.
iqrafm@bidii.com
ama ridwanhaji@journalist.com
WARARKII HORE EE IQRA
FAAFIN: SOMALITALK.COM
|