-
Ciidamada Itoobiya oo gubay tuulada Fool-Jeex.
-
Shir xasuuq Qabridaharre ku saabsan oo ka dhacay Nayroobi.
-
Ciidammo Itoobiyaan ah oo galay dhulka millatariga ka caaggan.
-
Madaxwaynaha Kenya oo dawladiisii kala diray.
-
Barnaamijkii Xog-Warran (Hal
Gawracan Geedo Kama Leexato)
======================
Shir
xasuuq Qabridaharre ku saabsan oo ka dhacay Nayroobi.
Shir si
wayn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya
markii ay taariikhdu ahayd 20/11/05, kaasoo lagaga hadlayay xasuuqii dhawaan
ka dhacay magaalada Qabridaharre iyo guud ahaan arrimaha xuquuqul insaanka
ee dalka Ogaadeenya.
Shirkan waxaa ka soo qayb galay
dhammaanba qaybaha bulshada iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
Masuuliyiintii Jabhadda ee shirkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Suldaan
Aaden Yuusuf Muxumed Suldaan oo ah guddoomiye ku xigeenka Hay’adda
Hantidhawrka ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, kaasoo shirka u
jeediyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee sii murgaysa ee
ka jirta gumaysiga Itoobiya iyo horumarka uu ku tallaabsaday halganka
Ogaadeenya ee JWXO ay hormuudka ka tahay.
Wuxuu
kaloo ka hadlay xasuuqii loo gaystay dadkii rayadka ahaa ee 15kii bishan
November 2005 lagu xasuuqay xarunta gobolka Qorraxay ee Qabridaharre,
wuxuuna caddeeyay inaysan ahayn markii kowaad iyo markii u danbaysay ee
ciidammada gumaysiga Itoobiya ay xasuuqaan dad rayad ah oon waxba galabsan,
isagoo xusay xasuuqyadii kan ka horreeyay, sida midkii Shilaabo iyo dadkii
lagu laayay magaalooyinka Farmadow iyo Daakhato bishii Oktober
dabayaaqadeedii.
Suldaanku wuxuu tacsi u diray dhamaan shacabka Ogadeniya, gaar ahaan ehelada
iyo qarabada ay ka tageen dadka lagu xasuuqay dhamaan goobahaas kor ku
xusan. Gaar ahaana midii Qabridaharre ee dadkii shicibka ahaa sida naxariis
darada ah xabada loogu furay.
Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay madax dhaqameedyo badan iyo dad kale oo
bulshada dhexdeeda mudnaan gooni ah ku leh. Waxaa sidoo kale shirkaas gabayo
aad u qiiro badan ka soo jeediyay Abwaan Axmed Sh Cali Heellaale.
Shirkan
waxaa lagu go’aamiyay; In taageero buuxda lala garab istaago halganka
hubaysan ee ka socda Ogadenya ee JWXO hormuudka ka tahay. In besha caalamka
loogu baaqo inay si dagdag ah wax uga qabato Gabood-fallada hadh iyo habayn
ay Itoobiya kula kacdo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya iyo in la sameeyo
bannaanbaxyo gabood-falladaas lagu diiddan yahay, isla markaana lagu
taageerayo halganka Ogaadeenya.
Wararka
ka imanaya magaalada Qabridaharee ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya in
ciidamada gumaysiga Itoobiya ay dab qabadsiiyeen guryihii tuulada Fool-jeex
33 kilo mitir u jirta Qabridaharre, isla markaana u dhexaysa magaalooyinka
Qabridaharre iyo Shilaabo.
Ugu yaraan 45 guri oo isugu jira goobo ganacsi iyo guryo hooy ahaa
ayay ciidammada Wayaanuhu dab qabadsiiyeen oo halkaas ku gubeen. Waxay sidoo
kale raashiin aad u fara badan oo ah dalaggii Beeraha ka soo go’ay.
Dadwaynihii magaaladaas ku noolaa oo duullaanka ku so maqan ka sii war-helay
ayaa intooda badani ay magaalada ka baxeen intii ayna ciidammada Wayaanuhu
soo gaadhin, hase yeeshee waxaa loogu yimid dadwayne maxas u badan. Wararku
waxay intaas ku darayaan inay jiraan dadwayne aan tiradooda la haynin oo
tuulada Fool-jeex laga soo qaqabtay, kuwaasoo hadda ku xidhxidhan magaalada
Qabridaharre.
Ciidammada Wayaanaha ayaa ku gadooday tuulada Fool-jeex, ka dib markii
tuuladaas dusheeda lagaga gubay afar baabuur oo ah kuwa ciidammadu
adeegsadaan, iyadoo baabuurtaas mid ka mid ah uu saarnaa Qoriga Zuuga loo
yaqaano ee lidka diyaaradaha. Iyadoo weerarka baabuurtaas lagu gubat uu
khasaare ba’an u gaystay ciidammada Wayaanaha.
Ciidammo Itoobiyaan ah oo galay dhulka millatariga ka caaggan.
Ciidammo
Itoobiyaan ah ayaa galay dhulka millatariga ka caaggan ee ku yaalla dhinaca
Eritereya eek u dheraran xuduudda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya, sidaas
waxaa sheegay ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Itoobiya iyo
Eritereya.
Afhayeen
u hadashay ciidammada nabad ilaalinta u jooga xadka Itoobiya iyo Eritereya
ayaa sheegtay in ciidammo Itoobiyaan ahi ay maalintii sabtida ahayd soo
galeen dhulka millatariga ka caaggan ee xuduudda kaga dheraran dhinaca
Eritereya, isla markaana ay halkaas joogeen ilaa iyo maalintii arbacada
ahayd.
Afhayeenkani waxay kaloo sheegtay in ciidammada Itoobiya ay aaggaas ka
baxeen, ka dib markii ay Qaramada Midoobey ka dalabtay inay ka baxaan.
Qaramada
Midoobey ayaa arrintan ku tilmaantay inay sii calwinayso xaaladdii xuduudda
oo markii horaba aad u kacsanayd, isla markaana ay xadgudub cad ku tahay
heshiiskii nabadda ee Eritereya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen markii la
joojiyay dagaalkii labada dal dhex maray sannadkii 2000.
Maalintii
arbacada ahayd wuxuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu hanjabay
labada dale e Itoobiya iyo Eritereya inuu cunaqabatayn dhaqaale ku soo
rogayo haddii ay isku dayaan inay khilaafka xuduudda dagaal ku xalliyaan.
Qaraar uu
Golaha Ammaanku arbacadii soo saaray wuxuu xukuumadda Itoobiya ugu baaqay
inay oggolaato go’aankii ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee lagu
dhammaynayay khilaafka labada dal udhexeeya. Wuxuu sidoo kale Eritereya ka
dalbay inay ka noqoto go’aankeedii ay ku mamnuucday duullimaadka diyaaradaha
ay ciidammada nabad ilaalintu adeegsan jireen.
Dalka
Eritereya ayaa qaraarka Golaha Ammaanka ku tilmaamay mid laga xumaado,
wuxuuna sheegay in qaraarkani uu ka turjumayo dhaqanka danaysiga ah ee
quwadaha waawayn ee adduunku ku can-baxeen.
Madaxwaynaha Kenya oo dawladiisii kala diray.
Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa kala diray golihii wasiirrada ee
dawaldiisa, hal maalin ka dib markii uu ku guul darraystay aftidii dadwayne
ee loo qaaday dastuurka cusub ee Kenya, kaasoo ay diideen 58% dadwaynaha
Kenya.
Madaxwayne Kibaki ayaa ballanqaaday inuu muddo labo toddbaad ah dawlad cusub
ku soo dhisi doono, isagoo tilmaamay in dastuurka cusub ee la diiday uu
Kenya u horseedi lahaa inay qaado tallaabooyin xilliga la socda.
Hase
yeeshee xisbiyada mucaaradka ah ayaa madaxwayne Kibaki ku eedaynaya inuu ka
baxay ballanqaadaydii uu horay u galay ee ahaa inuu qaybo awooddiisa ka mid
ah ku wareejinayo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalku yeelanayo.
Radio Xoriyo
25
November.
2005
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay
9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005


|