Meded: Saarkii
nacaybkow soo deg
Cabdillaahi
Cawed Cige,
Liverpool UK
email:
edleh@hotmail.com
22 Nov. 2005
Akhriste haddii aad ka
dhalatay quruumo kale oo aan Soomaali ku abtirsan se fursad u heshay barashada
afka Soomaaliga, sidaas darteed aad akhriyikarto maqaalkan ama aad ka soo
hayaantay cirjiidhaha sare oo booqashadaadu tahay barashada aadamaha ku uumman
koonka islamarkaana si lamafilaan ah qoraalka ishaadu ugu dhacday, ku soo dhowow
saacaddii nacaybka Somaliland soo degijiray.
Waxa aad u dulqaadataa
caaddifadda dadka qaarkood la madax maranyihiin, sababta oo ah waa saacaddii “saarka”.
Saarkani wuxuu soo degaa
sannadkiiba mar, mararka qaarkoodna dhawr jeer buu sannadkii soo noqnoqdaa. Waa
iska caadi, maaha wax laga naxo, waa saar u saamaxa ummad dhan in ay nefisto oo
ku dhereg dhacsato dad kale oo ay leeyihiin wax baannu isu nahay haddana “hor
ilaahay” in ay masaxmaan oo boodhkii la afuufay noqdaan baannu jecellahay.
Sabab? Way hawl badanyihiin.
Sidee? Doorashada ayaa ku badan. Dhankee? Dhinaca waxa ay doonayaan. Oo ah?
Jihada ay u dhaqaaqayaan? Oo xaggee ah? Meesha ay markaas doonayaan.
Waan ogahay in ay tahay
arrin lagu dhakafaaro, bal se nolosha iyo aayaheeda oo dhan ayaa dhakafaarkaas
ah.
Ismaaciil Mire wuxuu ahaa
nin reer miyi ah, wuxuu u egaa nin daacad ah, wuxuu si mukhlisnimo ah u
rumaystay nin waalan oo weyso sita oo yidhi wixii aan Ustaad igu odhan waa gaalo
dhiiggoodu ii bannaanyahay.
Si hagar la’aan ah buu
Ismaaciil ugu hiiliyay ninkaas waalan iyo barnaamijkiisii siyaasadeed. Wakhtigii
ay gaadhay in taariikhda ninkaas waalani dhammaato ayaa Ismaaciil oo wax badani
u caddaadeen, islamarkaasna weli rumaysan in halganku sax ahaa wuxuu yidhi;
“Kaakici wadaadkii dagaal;
Laguna kaalmeeye
“Kuman iyo lag wada duub cad
buu; Keenay Beerdhiga’e
“Waxse kadabkii go’ay
maalintuu; Kariyay reer Khayre”.
Ismaaciil wuxuu tilmaamay in
odayga kawkabluhu go’ay saacaddii “saarkii” nacaybka ee uu tujinayay cidwalba oo
kale soo dhaafay ee soo gaadhay jifadii reer abtigii.
Bal ka warran ninka
tixraaciisa aqoomeed yahay taariikhda ninkaas waalani dhigay ee u haysta in
Maxamed Cabdille Xasan xitaa risaalada diinta Islaamka isagu keenay dhulka
Soomaalidu degto.
Ka warran ninkan kale. Wuxuu
rumaysanyahay in cawadarantii ku habsatay Mudug iyo Nugaal ee Khaliif(Eebbe ha u
naxariistee) ka yeedhsiisay:-
“Wiilyahow madluun baan ahaa;
Maalin iyo leyle” ay ahayd sheeko khiyaali ah oo odaygii Siyaad Barre uu ahaa
weli soo daahiray.
Bal indhaha isku yara qabo.
Iska dhaaf Burco, Hargeysa iyo Berbera iyo cabashadooda joogtada ah iyo wax baa
nalagu sameeyay. Ka feker Siyaad Barre iyo khudbaddiisii taariikhiga ahayd ee uu
kaga baxay diinta Islaamka.
Aaah? Miyaan maqlay adiga oo
igu leh been baad sheegaysaa? Haddii beeninta aayadaha Quraanka ah aan diinta
lagaga baxayn ii sheeg meesha lagu tegayo?
Bal ka warran ninka rumaysan
taariikhda uu dhigay ninka sidaas ahaa ee ku leh “dunidu waxa ay ajar laga
shaqaysto lahayd maalintii Fircoon ku amar ku taaglaynayay”.
Goorma ayuu xaqu xaq yahay?
Goorma ayay gardarro gardarro tahay? Goorma ayaa hiil kuu bannaanyahay?
In saarka nacaybka
Somaliland soo degaa waxa ay beryihii hore ku xidhnaanjirtay fal Somaliland
samayso, ama lagu tuhmo in ay samaysay, ama la yidhaahdo waxa la yidhi waxa lagu
tuhunsanyahay in ay samayndoonto. Waxyaabaha saarka dabinkiisa duulinjiray ee
had iyo jeer lagu garanjiray waxa ka mid ahaanjirtay, dayuurad libaax ku
sawiranyahay oo Hargeysa fadhiisatay, niman qoryo kuwa wax dila ah lagu qabtay
oo xabsi la geeyay, markab Berbera ku soo xidhay oo inuu Itoobiya caawimo u sido,
inuu shaah madow iibinayo iyo inuu sibidh soo rogayo loo kala garanwaayay.
Mid ka mid ah astaamahaas
marka la arko ayaa waxa caado ah in aad aragto ummad dhan oo mar qudha hindhiso
ku waalatay; “Somaliqif, landqif, muqaddisqif, qarandumisqif, goosashoqif iwm”.
Bisha Noofambar 11keedii
sannadka 2005 ayaa madaxa wasiirrada ee dawladda KMG XV aad ee Soomaaliyeed,
Mudane Cali M. Geeddi wuxuu waraysi idaacadda BBC-da (British Broadcasting
Corporation) laanta af Soomaaliga uu siiyay ku tiraabay “in haddii Somaliland la
aqoonsado aanu waxba ka qabin”.
Iyada oo aan hadalkii Geeddi
weli ka wada bixin waayirradii ka soo qaaday telefoonkii uu afka ku hayay ayaa
“saarkii” oo malaha hore ugu talagalay inuu iska soo dego degdeg loogu arkay
meelwalba.
Mid baa ku baaqay in Geeddi
maxkamad la saaro, mid kale ayaa yidhi waa inuu iscasilaa, mid baa yidhi
Cabdillaahi Yuusuf xiniinyaha ha ka saaro, midna wuxuu sheegay inuu isagu
gacantiisa shaqo kaga qabanayo. Gabadh baa tidhi anigu toban sannadood baan
daba-soconayaa oo aanan ka hadhayn ilaa uu haraaryo u dhinto.
Geeddi muxuu dhimay bay
weydiinta meesha taal noqonaysaa? Erayga uu yidhi ee ah, “haddii Somaliland la
aqoonsado waxba kama qabo” maxaa madaxwareer iyo colaad looga qaadayaa?
Muxuu Geeddi Jabbuuti u
aqoonsanyahay ee loo doonayaa in aanu aqoonsiga Somaliland raalli uga noqon?
Maxa loo doonayaa Soomaali Galbeed oo Ogaadeeniya loo bixiyay inuu ugu hiiliyo
ee loogu diidayaa inuu Somaliland u hiiliyo?
Jawaabaha oo dhammi waxa ay
ku aroorayaan gardarro. Waxba yaan aayado Qur’aan ah iyo salaad foodda la dhigo
la isugu gabbannin, Maxamed Siyaad intuu yidhi, “Aayadaha Qur’aanku waa wax
gaboobay oo laga baxay” oo wadaaddadii kula yaabay dhegta dhiigga u daray, ayuu
weli Muslin sheeganayay oo weli rag iyo dumar ku taageersanyihiin oo ku
nalloonayaan kalgacalkiisii iyo wanaaggiisii.
Maxamed Cabdille Xasan intuu
aayado daliiliyo ayuu haddana ubadka solayga saarijiray, markaasaa dadka lagu
khasbay in ay taariikhdiisii dhiigga ku dhoobatay oo la qurxiyay sandulle ku
bartaan, rag iyo dumarna maanta ayay u haystaan in ay Nebi Maxamed(NNKHA)
habrawadaag ahaayeen oo aanu dembi ifka ka gelin.
Saarka nacaybka Somaliland
ee kolba sidii weedhka dhinaca ka soo burqanaya ee maantana Geeddi loogu
gabbanayaa waa mid ka qoto dheer dhulku yaanu kala go’in.
Kaama raalli ah in aad
noolaato, sandaqaddaada in aan kaa qaado oo meesha ay ka dhisantahay daar ka
dhisto, ayaa ka roon in la isu kaa bihinbihiyo oo iyada oo lagula damacsanyahay
dabargoyn laguugu soo gabbado diin, diir iyo dal aan cidi muraad ka lahayn.
Mudane Cali Maxamed Geeddi
waa geesi u badheedhay runtu halka ay fadhido, ninkii iyo gabadhii arrintaasi
yaab ku noqotay ee ka naxayna naftooda uun bay been u sheegayaan ee waxa habboon
in ay toos u badheedhaan oo ka soo baxaan galka ay sidii diinka isku
qarinayaan.
Cadhadu haddii aanad iska
keenin way ku dishaa, ku dhinta cadhadiinna sidii diinta Eebbe(SWT) ku sheegay.
Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK
email:
edleh@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2005
|