W/Q: Axmed Iid Aadan
Muranka ay kooxi ka abuurtay jawaabihii mudane Cali Maxamed Geeddi ee
British Broadcasting Corporation laga sii daayey wuxuu muujinayaa in ay weli jiraan dad aamminsan
fikradihii hore loo tijaabiyey ee shaqayn waayey. Dadkaasi sida ka
muuqata ra'yigooda ma doonayaan in uu dhaco isbeddel waxtar leh, oo ay
ummaddu degganaansho rasmi ah ku gaadho.
Hadallada dadkaa ka soo yeedhay marka aynu dhuuxno waxaa inoo
muuqanaya labo arrimood: in aanay jawaabihii Geeddi dhuuxin ama
fahminba; iyo in ay jirto hubsiimo-la'aan qabyaaladi ku qasan tahay.
Labadaa arrimood middood ama iyagoo isku darsamay ayaa laga yaabaa in
ay keeneen buuqa iyo cadhada lala sooyaamayo.
Haddaba mar kasta oo la doonayo in arrin ummadeed laga hadlo, waxaa
door ah in deggenaan la muujiyo, dhinacyo badan wax laga eego, dadka
arrinta garashada u lehna aan la horboodin. Haddiise jaahil ama burge
kasta oo malabsanayaaba uu arrinta isku qaado waxba ma hagaagayaan,
waxaana abuurmaysa fawdo. Dadna waxa ugu daran qof arrin uu sahal ku
abbaari kari lahaa rako iskaga laala!
In uu Geeddi sheegay in ay dawladdiisu la shaqayn doonto Somaliland
haddii la aqoonsado iyo in ay jiraan Bulshooyin Soomaaliyeed oo wax
ka dega dalal deriska ah qaarkood ayaa muranka gebigiisaba laga
abuuray. Waxaase isweyddiin u baahan haddii aqoonsigaa la helo in ay
wada-shaqayntu noqon doonto mid loo baahanayo, iyo inay noqonayso wax
si caadi ah iskaga iman doona. Arrinta qaybaha kale ee soomaalidase ma
dood baa ka taagan. Sowta la wada og yahay in aan marnaba sidii hore
loo wajihi doonin. Maxaa mar walba asaraar aan faa'iido lahayn loogu
daalaa?
Haddaba, haddii uu hadalka mudane Geeddi yahay mid uu isagu aamminsan
yahay iyo haddii uu yahay mid culays saarani ka keenayba, waa mid
xaqiiqo ah. Wuxuu ka turjumayaa dhabta lama-dhaafaanka ah ee ina
hor-taalla. In kasta oo siyaasiyiinta Soomaalidu ay hadalka marba si u
dhigaan, oo aanay lahayn mabda' cad oo loogu soo hagaago, haddana
waxaa habboon in aynaan durin marka ay xaqiiqada inoo sheegaan. Wax
kasta oo gar ah in aynu ka qaadanno ayaa habboon. Mudane Geeddina
arrintaa waa uu ku ammaanan yahay.
Waxaynu mar hore maqaal ku sheegnay in dhismaha bulsho habaysan oo xor
ah, caddaaladna higsanaysaa uu ku toosnaanayo hab maamul oo la isla
oggol yahay, iyo in sidii awel wax loo waday wax laga beddelo.
Hababkii hore haddii laga dhaxlay burbur iyo guuldarrooyin waaweyn,
laguna hanqaarmay, waxaa fiican in hab kale oo habboon la qaado si
hayaanka nololeed hore loogu sii wado, fawdo dambena looga dheeraado.
Hab aan ahayn labo maamul oo la kala yeesho – Somaliland oo mid ah iyo
Soomaaliya inteeda kale oo mid ah – oo xasillooni dhammaystiran lagu
gaadhi karo ilaa hadda lama hayo, ifafaalihiisuna ma muuqdo.
Soomaalida iyo Carabta markii loo fiirsaday waxaa la ogaaday in ay
meelo badan iska shabbahaan, hal maamulna aanay si caadi ah isugu wada
iman karayn. Carabtu arrintaas way garowsatay, hase ahaatee
Soomaalidu waa ay ka meeraysataa. Wax ay ka meeraystoba mar uunbay
runta dani tusi doontaa. Midnimaduna sideedaba marka ay hoog iyo
khasaare keenayso midnimo ma aha ee waa aafo; aafona in laga dheeraado
ayuu Soomaali oo dhan wanaaggeedu ku jiraa.
Haddaba dadka muranka wadaa ha ogaadaan in danta Soomaalidu ay ku
jirto maamulladaas aan soo sheegnay oo hirgala. Sidoo kalena ha
ogaadaan in falalkooda qaylada ahi ay fadqalallo yihiin, fadqalallano
aanay samaan ahayn. Xalku waxa uu ku jiraa in la iska dhaafo fikradaha
fadhiidka ah ee aan shaqaynayn, iyo aan xaqiiqada laga gabban ee la
wajaho.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@gmail.com
ahmediid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan