SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GUUL
LACAGTII WAA LABIXIYEY

June 27, 2003

Waxaa Lacagtii bixiyey Walaal Soomaaliyeed oo Jooga Dubai, oo Weydiistey in aan la Magcaabin.

  • Guul usoo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed iyo
  • Kalsooni buxda oo la siiyey ubadka Soomaaliyeed
Walaal Soomaaliyeed oo jooga Dubai ayaa kharashkii tigidhada oo dhan baxshey, waxana uu weydiistey in aan magaciisa la sheegin maadaama uu arintaas u sameeyey Allah dariis.
MAASHA ALLAH, ALLAH WALAALKAAS MAALKA IYO QOYSKA HA U BARAKEEYO.

Bahda SomaliTalk ayagoo aad ugu faraxsan waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiinayaan in la bixiyey lacagtii codsiga ahayd ee carruurta Tigidhada Soomaaliya lagaga soo qaadi lahaa ee aan codsigeeda saakay soo daabacnay.

Markii aan codsiga shacabka Soomaaliyeed u soo bandhignay wax yar kaddib, ayaa nin Soomaaliyeed oo jooga Dubai markiiba la xiriiray Ciise Dhollowaa, waxana uu u sheegay in uu gebi ahaanba lacagtaas bixinayo.

Ninkaas Soomaaliyeed waxa uu codsaday in aanaan magaciisa sheegin maadaama uu arintaas u sameeyey ALLAH HORTIIS.

Waxaad halkaas ka arkeysaa sida sharfta, qadarinta iyo maamuuska leh ee ummadda Somaliyeed isugu howleen in ay caruurtaas kharjkooda bixyaan. Waana guul usoo hoyatey shacabka Soomaaliyeed maadaama ay ubadka Soomaaliyeed ku niyad san yihiin in walaalohooda Allah maalka siiyey u hurayaan wixii Allah ugu deeqay ee maal ah, marka loo baahdo.

Waxaa niyad sami weyn ah sida dhaqsaha leh ee walaalkeen Soomaaliyeed durbadiiba booskaas banaanaa u buuxiyey, waana mid carruurta Soomaaliyeed, iyo gebi ahaan shacabka Soomaaliyeed, ay abaal ugu hayaan, Allahna uu ajar iyo xasanaad ka siinayo, Insha Allah.

Ugu dambayn, waxaan ku baraarujineynaa walaalaha Soomaaliyeed in mashruucan carruurta gargaarkeeda ah uusan intaas ku ekayn, wixii gargaar loo baahdona aan halkan idiinku soo tebin doono marka ku haboon, insha Allah.

Mahad iyo amaan ayaan u soo jeedineynaa dhammaan intii kasoo jawaabtey qoraalkii codsiga ahaa, kuwaas oo qoraalo iyo telefoono si-daba joog ah soo gaarsiiyey Ciise Dhollowaa.

Waxaa qoraalkaan igala qayb qaatay Ciise Dhollowaa oo jooga Australia oo lagala xiriiri karo imfarah@students.latrobe.edu.au

Ummada Islaamku waa kuwo u tartama Khayrka.

Qore: Eng. Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
SomaliTalk.com | Minneapolis, USA

QORAALKII AAN SAAKAY DAABACNAY WAAKAN HOOS KU QORAN, LACAGTA HOOS KUQORANA WAA TAN LA BIXIYEY.


CARRUUR SOOMAALIYEED OO GARGAAR DEGDEG AH U BAAHAN:

Carruur Soomaaliyeed oo Loo Hayo Cisbitaalkii iyo Dhakhaatiirtii Daweyn lahayd, Laakiin aan loo hayn Tigidhadii lagaga soo qaadi Lahaa Soomaaliya 

  • Waxaa Caruurtaas laga soo qaadayaa: Bosaaso, Garoowe, Dhahar iyo Hargeysa, waxaana la geyn doonaa Australia si loogu soo daweeyo.
  • Caruurtaas tigidhadooda Somalia-Dubai kama badna 1000 Dollarka Maraykan-ka ah.
  • caruurtani waxay Melbourne ku soo beegan yihiin horaanta ilaa bartamaha bishan July, hadii aan kharjkaas loo helina waxa ay noqoneysaa in ay gadaal uga dhacaan, ilaa kharjkooda tigidhada la helo.
  • Waxaa si gaar ah codsiga loo gaarsiinayaa xawaaladaha, ganacsatada iyo shirkada diyaaraha Soomaaliyeed, iyo dhammaan qofkasta oo gacan ka geysan kara.

Waatan Warbixintii Ciise Dhollowaa Soo Gaarsiiyey Shacabka Soomaaliyeed

Waxaa la soo gaarey wakhtigaan ku noqon lahaa Somalia si aan u cesho Cumar Yare oo halkan loo keeno si mindhicirkiisa oo awal dibada yaaley saabka loogu cesho. Cumar Eebbaha qaadirka ahi caafimaad ayuu ka siiyey qaliimadii is daba jooga ahaa ee uu soo maray.

Marka aan Bosaaso, Somalia, ku cesho Cumar, waxaa soo noqodkayga soo qaadayaa 4 caruur Somaliyeed ah oo Melbourne, Australia la keenayo si loogu daaweeyo. Afartaa oo laga soo kala qaadayo Bosaaso, Garoowe, Dhahar iyo Hargeysa. Waxaa kale oo naga baaqday gabar sadex sano ku dhow oo la yiraahdo Maryama Cabdulaahi Bashir oo laga soo qaadi lahaa Muqdisho, waxaan sababay laba caloolyow iyo daahid rabi datiis ku dhacday. Caruurtaas intooda kale waxaa hada ay sugayaan visihii ay Australia ku soo geli lahaayeen iyo tigidhada diyaarada ee Somali-Dubai. Visaduna waxaa ay qaadan kartaa ilaa labo asbuuc ugu badnaan.

Caruurtaas waxaa magacyadooduu kala yihiin

a) Bashir Axmed Bashiir; (Cardiac) Wadnaha ayaa laga hayaa.

b) Faizal Maxamed Salax; (Plastic) Fayx ayaa sanka gadaashiisa ku taal taas oo labada hunguriba tayadooda iyo tabartooda xanibtay.

c) Seynab Yusuf Axmed; (Cardiac) Wadnaha ayaa laga hayaa.

e) Hoodo Cabdi Xirsi; (Plastic)Waxaa ay ka gubatay wejiga ilaa xundhurta inta u dhexaysa.

Caruurtaas, oo Hoodo ka maqan tahay, waxaa arintoodu socotey mudo u dhexaysa todoba bilood ilaa sanad. Waxaana taasi sahashey in iyaga arimohoodu suurta gal noqdaan, halka Hoodo arimeheeda aan bilaabnay sadexdii asbuuc ee ugu danbayey. Dhakhtarka la dhigayo iyo cida qalaysa iyo meesha la dejinayoba waan haynaa, sida caruurta kaleba, laakiin kharjeeda socdaalka, kan dhakhtarka iyo daawaddaba anaga Somalid ah ayaa laga dhowrayaa. Waxaase aan goosanay in aan sidhakhso ah u keeno maadaama caafimaadkeeda uu hada aanu saas u wanaagsanayn.

Caruurtani waa qaybtii ugu badnayd ee iyaga oo hal mar ah Somaliya laga soo qaado. Waxaana Ebbe mahadiis ah in dhakhaatiir iyo cisbitaalo caawina loo helay.

FADLAN KA QAYB QAADO GARGAARKAN BINI AADAMINIMO:
Fadlan wixii taageero iyo taakulan aad u fidineysid carruurta Soomaaliyeed ee gargaarka degdega ah u baahan, ku hagaaji:
Ciise Dhollowaa:
61 415 172 025
 imfarah@students.latrobe.edu.au
Melbourne, Australia

Caruurtaas, marka laga reebo Hoodo Cabdi oo xil gooniya ay cidi isaga saartay kharjaka diyaarad ee Somalia-Australia, intooda kale waxaa ay u baahan yihiin tigidhada diyaarada lagu raaco oo ah Somaliya-Dubai oo keliya. Waxaana ummadda Somaliyeed ka codsanayaa in ay iga caawiyaan kharajkaas caruurta ee Somalia-Dubai. Khaasatan waxaa si gooniya uga codsanayaa shirkadaha diyaaradaha taga Hargeysa iyo Boosaaso iyo weliba shirkadaha xawaaladaha Somaliyeed sida DAHABSHIIL, DALSAN, AMAL, KAAH iyo kuwa kaleba. Caruurtaas tigidhadooda Somalia-Dubai oo lix bilood ahi kama badna 1000 Dollarka Maraykan-ka ah. Dhinaca Australia wixii laga bixin karey waa la baxshey.

Ebbe wuxuu ii sahley in aan soo helo kharajka caruuta, Hoodo ay ka maqan tahay in aan u helo kharjookooda haynta, daawada cisbitaalada kala duwan iyo kan tigidhada ee Duba-Australia. Waxaan qabaa in intaas hadii aan soo xero geliyey aan intaas yar ka heli karo ummadda Somaliyeed ee jecel in sadaqo la baxaan.

Waxaan kale oon ka codsanaya, si goono gooni ahna u weydiisanayaa in ay xil saaraan Dawlad Goboleedka Puntland iyo Dawlada Somaliland, sidii codsigani dhakhso u suurta geli lahaa.

Walaalayaal caruurtani waxa ay halkan Melbourne ku soo beegan yihiin horaanta ilaa bartamaha bishan soo socota ee July, hadii aan kharjkaas loo helina waxa ay noqoneysaa in ay gadaal uga dhacaan, ilaa kharjkooda tigidhada la helo. Sidaas darteed, waxaan idinka codsanayaa, si Allah ka cabsiya, in aad arinkan iiga gar gaartaan, si ay caruurtani ay gargaar u helaan.

Fadalan arinkani waa mid u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

dholowaa dhollowaa

Qore: Ciise Maxamuud Dhollowaa
61 415 172 025
 imfarah@students.latrobe.edu.au
Melbourne, Australia

 

SOMALITALK.COM | June 27, 2003

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

WARBIXINTII CUMAR YARE.....

LIFAAQ: 1

Maadaama aysan jirin dawlad dhexe ee Soomaaliyeed oo gargaar u fidinkarta carruurta Soomaaliyeed, ayaa dantu noqotay in shacabka Soomaaliyeed si caam ah gargaar loogu weydiiyo carruurtaas Soomaaliyeed. Waa ajar iyo xasanaad aad u weyn marka loo gargaaro qof aan awood u lahayn in uu wax qabsado, caafimaadkuna wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu qaalisan oo Allah qofka bini aadamka ah ku mannaysto, hadaba fadlan gargaarkan ka qayb qaado si ay carruurtaasi u helaan daawada ay u baahan yihiin. Fadlan.

LIFAAQ: 2

Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayuu u hayaa wadan kasta oo gargaar u fidiyey xilligii ay shacabkaasi dhibaataysnaayeen, gaar ahaan waxay shacabka Soomaaliyeed wuxuu abaal gaar ah u hayn doonaan dalka AUSTRALIA oo gacan weyn ka geystey gargaarka ubadka Soomaaliyeed, wadankaas oo dal-ku-galka (VISAS) u fududeeyey carruurta Soomaaliyeed xannuunsan (waa inta hadda lagu soo daweeyey dalkaase) iyo dhakhaatiirta dalkaas oo siweyn gacan uga geystey daaweynta carruurtaas, waxaa ayaguna ammaan leh shacabka Australia oo gacmo furan kusoo dhoweeya ubadka Soomaaliyeed ee jirran marka ay dalkaas gaaraan. Waxaa kale ammaan leh dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo ah dalka ugu horeeya ee ay Carruurtaasi sii caga dhigtaan si ay u helaan Visa-yaasha Australia.

LIFAAQ.3
Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waxaa sugaaya in ay baaritaan cilmiyeed ku sameeyaan waxyaabaha sababaya xanuunada aan Soomaaliya horay loogu arkijirin ee hadda kusoo badanaya. Su'aal ay dadbadani isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay, sunta lagu duugey Soomaaliya, (sida ay caddeysay cilmibaaristii Dr. Bashiir Sh. Maxamed) , imisa raad ah ayey ku leedahay xanuunada kusoo batay Soomaaliya. Jawaabteedu waxay sugeysaa Soomaalida aqoonta uleh cilmigaas......

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD