SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABOOYE

Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?

 

Maxamed Caabi (Saaqa)

Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika

London, UK

abby@london.com

 

Iyada oo laga warqabo in boqolaal sanadood ay soo jiitamaysay dhibaatada Cunsuriyada, Yasida iyo Kala Sarraynta ah ee haysatay beesha Gabooye oo ay gaadheen heer ay isu qaateen in ay yihiin “HANDICAP” amba qof kala dhiman waxaanay ku nool yihiin guud ahaan geeska Afrika, isla markaasana ay beeshaasi tahay beel ay hadheeyeen dib u dhac dhaqaale, waxbarsho iyo bulsho oo ay sababtay jahliga foosha xun ee dadkaas ay Soomaalidu kula kacday  deegaan kasta oo ay ku nool yihiin sida dalalka Somaliland,  Jabuuti, Soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiyaba.

 

Hadaba maanta waxaynu halkan ku xusi doonaa diiradana ku saari doonaa dhibaatooyinka lasoo dersay  sanadahan u danbeeyay Beelaha Gabooye ee ku nool Somaliland iyo baahida loo qabo in si degdeg ah oo wadaniyad iyo Islaamnimo ay ku jirto aan wax uga qabano.

 

Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu yara tilmaano qodobadan kooban ee argagaxa leh ee sanadahan u danbeeyay lasoo dersay beeshan Gabooye ee reer Somaliland.

 

1. Dhibaatooyinka Dilalka ah ee Beesha Soo Gaadhay

 

A.  Marxuum Qorane Qodax Digaale; Waxaa sanadkii 2001 lagu eedeeyay inuu dilay fanaankii Axmed Gacayte oo sanadkii 1988kii Hargeysa ku dhintay, waxaa markaas lagu sameeyay jirdil aad u foolxun, waxaana la horkeenay maxkamad, hadaba markii ay maxkamadu baadhay kiiska Marxuum Qorane lagu eedeeyay, maxkamada gobolka ee Hargeysa waxay caddaysay inaanuu ninkaas Qorane shaqo ku lahayn dilkii Marxuum Axmed Gacayte, hase yeeshee Maxkamadu waxay go'aamisay in Qorane Jeelka Hargeysa lagu hayo si aan suuqa loogu dhex dilin, Waxaana Qorane uu ku dhex dhintay Jeelka Hargeysa jirdilkii loo geysatay awgeed, eheladii uu Qorane ka geeriyooday ilaa maanta wax magdhow ah iyo raali galin toona kamay helin Dawlada somaliland.

 

 

2. Ina Xuseen Cayuun:  Sanadkii 2001 Waxaa uu guursaday gabadh ay is jeclaadeen oo u dhaltay beel ka mid ah beelaha Somaliland ugu waaweyn, nasiib darro habeenkii arooskiisa ayaa Ciidan ka tirsan Boliska Somaliland ay madashii aroosku ka socday ay rasaas Ooda kaga qaadeen, halkaasna waxaa ku dhaawacmay Saddex Dumar ah.

 

 

3. Axmed Maxamed Cabdilaahi (guray dayaxle).  Waxaa lagu

eedeeyay inuu xaday ilmo yar, waxaana xabsiga loo taxaabay isaga iyo ilaa labaataneeyo qof oo Beesha gabooye ah lagu tuhmay inay ilamaha lawaayay xadeen, muddo iyaga oo xidhan ayaa ilmihii yaraa laga helay xaafad ay lahayd qof u dhalatay beel ka mid ah beelaha ugu waaweyn Somaliland, ilmihii yaraana waxaa gurigiisa la geeyay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan. Taasina waxaa ku beenowday eedii iyo magac xumadii loo geysaty beesha gabooye ee lagu eedeeyay inay carruurta xadaan. Ilaa iminka wax xaal ah iyo Raali galin toona lama siin dadkaas sida khaladka ah loo xidhay.

 

 

 4. Gabadh Uur leh oo lagu dilay Xaafada Iftin (cakaara) oo ku taala Magaalada Hargeysa, iyada oo xilli habeenimo ah rasaas lagu furay, oo ay halkaas ku dhimatay walaalkeedna lagu dhaawacay, inkastoo beesha uu ka dhashay Dhagarqabaha gabadha dilay iyo beesha gabadhu ay ka dhalatay ay ka heshiiyeen dilkan, arrintana la dhameeyay.

 

 

5. Nin Dhalinyaro ah oo Beesha Gabooye u dhashay oo isaga oo la googooyay inta bac lagu soo riday laga helay agagaarka gurigooda, inkasta oo aan cidna lagu eedeynayn dilkan, hadana Boliska Somaliland wax xil ah iskamay saarin ilaa iminka kumay guulaysan inay baadhis rasmi ah ku sameeyaan cidii dilkaas geysatay si cadaalada loo hor keeno.

 

 

6.  Marxuum Khadar Aadan Cismaan Dhabbar: ayaa ahaa dilkii u danbeeyay ee qof beesha gabooye ah lagula kaco, waxaana uu Marxuum Khadar dhawaan ka soo guuray dalka Kuwayt si uu ugu noolaado dalkiisa hooyo, nasiib darro waxaa gacan ku dhiigle ka tirsan askarta boliska Somaliland xabad ku dhuftay si kibir ku jiro inkastoo la sheegay in lasoo xidhay danbiilahaas, waxaana dawlada ku waajiba inay sharciga dhaqso u hor keento, oo dil lagu xukumo sida uu dhigayu xeerka u yaala Somaliland oo ah qofkii qof dila  in loo dilo. 

 

 

2. Dhibaatooyinka Dhinaca  Dhaqaalaha ah :

 

Beeshan oo ay sanado badan haysateen dhibaatooyin dhaqaale hadana waxaa dhibaatadaasi ay kasii dartay markii 25 Dukaan oo ku yaalay badhtamaha suuqa Shiraaqle ee loo yaqaanay suuqa "hindhisada". Dukaamadaas oo Dawladii Ingiriisku uu u dhisay, isla markaasna ay ka ceeshi jireen boqolal qoys oo beesha ahi, waxaa sanadkii 1996 cagta mariyay oo burburiyay Eng. Maxamed Xaashi oo waagaas ahaa Mayorka Hargeysa, waxaana uu halkaas ka dhisay dhismayaal cusub oo suuq ah, nasiib darro dhismayaashii cusbaa waxaa qaatay oo la siiyay dad kale,  xataa makhsin ama qol kaliya lama siinin dadkii gabooyaha ahaa ee dhulka lahaa ee tukaamadoodii la burburiyay. Waxaa beeshani ay gabi ahaanba ka maqan yihiin goobaha shaqada ee wasaaradaha dawlada, hay'adaha samafalka, iyo xataa shirkadaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay. Waxaana gabi ahaanba ay ka hadheen xagii ganacsiga iyo tartanka suuqa xorta ah taasoo ay sababatay culayska nafsaaniga ah ee beeshan saarnaa boqolaalkii sanadood ee u danbeeyay.

 

Dib u Dhaca Dhinaca Waxbarashada

 

Iyada oo Waxbarashada Dawliga ah ee Somaliland ay u furan tahay muwaadin kasta oo reer Somaliland qoladuu doono ha u dhashee, hase yeeshee waxaa qof kasta oo Somalilander ahi uu qirayaa in  cunsuriyad xooggani ay  markiiba ka hortimaada Ardayga beesha gabooye u dhashay, waxaana ardayda ka dhaltay beelaha waaweyni ay ardayga gabooyaha ah ku eegaan il gaar ah oo shaki leh, waxaana taasi ay keentaa in inta badan carruurta beelaha Gabooye ay iskuulada ka tagaan iyaga oo aan dhamaystirin waxbarashadooda, taasina ay ku kalifto inay suuqa galaan oo ay xoogsi bilaabaan iyaga oo wali ku jira da'adii loogu talo galay inay waxbartaan.

 

 

Hadaba Maxaa Xal Ah? Maxaase Inagu Waajib ah Dadweyne iyo Dawlad Ahaanba Si aan Usoo Afjarno Dulmigan haysta Beelahan Gabooye ee Walaalaheen ah?

 

1. Dhinaca Dawlada Somaliland: Iyada oo Madaxweynaha Somaliland uu yahay Madaxweynihii u Horreeyay ee  Somaliland soo mara oo markii ugu horreeysay golahiisa wasiirrada ku soo daray Xubin u dhashay beelaha Gabooye, hadana waxaan shaki ku jirin in Beesha Gabooye ay xaq u leedahay inay hesho kaalin ka balaadhan shakhsi kaliya, waxaana Madaxweynaha Somaliland ku waajib ah inuu ku amrro Wasaaradaha dawlada ee kala duwan inay shaqo galiyaan dadka laga tirada badan yahay, sidoo kalana uu ugu yaraan xubin kale oo beesha u dhalatay uu ku kordhiyo golaha wasiirrada isla markaasna uu  dhiso Xarun Madax banaan oo hoos timaada Madaxtooyada oo ka shaqaysa  ilaalisa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo hurumarintooda.

 

2. Wasaarada Waxbarshada: Wasiirka Waxbarshada Somaliland Mudane Xasan Gadhweyne oo kaalin heer sare ah ka qaatay horumarinna waxbarshada dalka, isla markaasna si wadaniyadi ku jirto u habeeyay una  casriyeeyay waxbarshada dalka tan iyo intii wasaaradaas xilkeeda loo dhiibay, waxaan ugu baaqayaa inuu Dugsiyo Cusub ka dhiso deegaanada beesha gaar ahaan Xaafada Daami, isla markaasna waxaa lagama maarman ah in ardayda dugsiyada dalka la siiyo casharro ku saabsan sinaanta muwaadiniinta iyo la dagaalanla hayb sooca,   waxaa kale oo Mudane Gadhweyne aan ku dhiirri galin lahaa inuu hay'adaha waxbarshada caawiya uu ka codsado inay ka qayb qaataan kor u qaadista dhinaca waxbarshada ee carruurta iyo bulshada Gabooye.

 

Wasaarada Cadaalada, Arrimaha Gudaha, Taliska Boliska

 

Masuuliyiinta wasaaradahan aan kor ku xusnay waxaa ku waajiba inay baadhitaan ku sameeyaan dilalkan soo noqon-noqonaya ee lagu hayo beelahan gabooye ee muwaadiniinta ah, waxaana ku waajib ah oo looga fadhiyaa inay dadweynaha usoo bandhigaan cadaaladana hor keenaan kuwa dhibta u geystay muwaadiniintan reer Somaliland.

 

Laamaha Warbaahinta Dawlada iyo Kuwa Madaxa Banaan ee Somaliland

 

Waxaan ugu baaqayaa inay gutaan waajibaadka ka saaran wacyi galinta bulshada, isla markaasna ay  bulshada ku wacyi galiyaan inay soo afjaraan dulmigan boqolaalka sanadood lagu hayay beelahan, sidoo kalana saxaafada waxaa ku waajiba inay soo bandhigaan oo fadeexeeyaan cidii fulisa danbiyo la xadhiidha hayb sooca iyo kala sarrayntan dulmiga ku dhisan.

 

Ugu danbayn dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaa ku waajiba inay fadhiga ka kacaan una hawl galaan dulmigan haysta dadkan walaalahood ee muwaadiniinta ah, waxaana lagama maarmaan in maanka lagu hayo in Ilaahay agtiisa lagu ciqaabi doono qof kasta oo qof walaalkiis ah iska sarreeysiiya ama ku dulma magac qabiil.

Horumarka dalkeenuna waxa uu ku jiraa iyada oo aynu ummad ahaan gacmaha is qabsano.

 

Maxamed Caabi (Saaqa)

Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika

London, UK

abby@london.com

  

 Kaysar Cabdilaahi

Tafatiraha Wargeyska The Somali Voice

Bristol, UK

kaysar@europe.com

somalivoice@europe.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2005


Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD