GABAY: DUMAR
Daabacaad: Oct 4, 2002
Dumarka waxay u roonyiin
10/03/02
Tiriye: Maxamuud Axmed Cabdalle Gabaygan waxan tiriyey malintan kor ku xusan. Waxa igu kallifay tirintiisa waa
iyadoo bulshada soomaaliyeed ay had iyo goor dhaqankeennu siduu ahaan jirey ka
doodaan. Haddaba gabaygani waa mid tusaale ah, ugamana jeedo inaan dumarka qaar
hoos u dhigayo. Gabaygu xaqiiqada kama fogaado si kastaa oo aad u dhuudhuubtid
waa haaddaad gabyaa tahay.
Qaybo kale oo raga, fardaha, geela, adhiga ah ayuu gabaygani leeyehee la soco
Gabaygu sidan ayuu u dhacayaa. Waxii faallo ah: mohamoud@ameritech.net
ku soo hagaajiya.
Wuxu yiri:
Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye
Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye
Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye
Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye
Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye
Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye
Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe'
Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye!
DIGNIIN:
»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka
Dhammaan ka akhri halkan |
GABAYADII HORE EE GABAYAAGA:
GABAYGII A. K ee Ikraam
BOGGA
GABAYA - BAAR HALKAN
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|