Muddo dheer baa wax laga qoray, sidii wax looga badali lahaa maskax
Siyaasa-deedka Soomaalida, waxaa xoog weyn lagaliyey in la soo celiyo fakarkii
saxda ahayd ee ay umadi u baahneyd. 14.Sano oo dowlad la’aan ah, waxaa qalin iyo
waanoba la galayey sidii magacii ba’ay dib loogu unki lahaa.
Intaan ku dhex jiray qoraalka ima soo marin inaan Soomaali ku dhaho iska
ilaaliya kiristanka, sababtoo ah Soomaali iney taas ka weyn tahay baan u qabay.
Waxaan islahaa dadkaad ka dhalatay iyo gaal-nimo is heli mayaan Insha’alaah, saa
Soomaali waa dad aan diintooda laga soo agmari karine, waa dad ilaashanaya
Islaam-nimadooda, waa dad gaalo neceb dhaqan ahaan iyo diin ahaanba. Waxaase
nasiib darro noqotay in malahaas uu sidaas noqon waayo. Isma oran abaabulka
intaa le’g oo olole kiristaameyn ah bey Soomaalidu qaayibi doonaan. Hadiiba ay
dhacday iney Soomaalidu qabiil dartii isu laayeen, oo ay misana u dhintaan.
Maxaa loo waayey in la arko iyagoo dintooda difaacanaya? Maxay ku dhacday in
hortooda lagu faafiyo ololaha Kiristaa-meynta?
Culimada Soomaaliyeed waxay ahayd iney hawshoodu ku koobnaato sidii ay
habaaska uga tiri lahaayeen anshax xumida ay dadka qaar ku dhaqmaan, is dilka
caadada loo arkay, dhaca ay dad badani ku nool yihiin, dhiig cabayaasha magaca
qabiil ku nool, ganacsatada ka macaasha dacdarada dadkooda. I.w.m. laakiin
waxaan nasiib darro labaad ah, in Culimadeennii Soomaaliya ee aan hawlahaas oo
dhan ku mashquulinay ay hadana ka soo bilaabaan iney na dhahaan SOOMAALIYEY HA
GAALOOBINA. Sow naxdin iyo filan waa, kuma’ahan Culimadeenna?
Hay’adihii Islaamiga ahaa markii wadanka laga saaray, dad badan baa moodayey
inaan Soomaali loo dan lahayn ee ay dulucdu tahay, Maraykan oo kudaba jooga
dhaq-dhaqaaqa waxa uu yaqaan Argagixisada. Sow hadeer lama ogaan in dhulka loo
faaruqinayey ururr leh magac samafal, laakiin u socda iney naga saaraan diinta
islaamka, si loogaaro maalin ay ku faani karaan, in dalka Soomaaliya ay ku dhool
yihiin dad laga tiro badan yahay oo aan haysan diinta islaamka.
Ninkii sii joogow maxaa aragti kuu laaban. Marna makugu soo dhacday iney
Soomaali gaari doonto, mar aan aragno Xisbiyo Siyaasadeed oo leh waxaan nahay
dad matala Kiristanka, hadaadan wali maqal Eldoret intii ay Soomaali fadhiday
baa la arkay urur warqad soo qortay oo leh xaqeennii hanala siiyo. Yaa yiri
Soomaali waa wada Islaam? Intaasi waa warqad kaliyee, ma dheero inaan goor dhaw
maqalno ama aragno xaafad kamid ah magaalooyinka Soomaalida oo la leeyahay
xaafadan waxaa u badan dadka Kiristanka ah ee Soomaaliyeed.
Maxaa noo tala ah? 14.Sano hadaan isleynay, oon waliba qabiil dartii
dalkayagii iyo dowladyadii u weynay, ma inaan ogolaanno gaaleysiin baa noo
danbeysay? Aaway sharafkii iyo qabkii qofka Soomaaliga ah lagu amaani jiray? Wax
kastaba waan soo marnay, dhawr milyan oo qoxooti ah ayaa dibada u dhoofay oo aan
lagaran karin wax ay la soo noqon doonaan, boqolaal kun ayaa dhimatay iyagoo
laga gar darnaa, sideen ugu sabri karnaa inaan aragno diinteennii oo dib nalooga
tirtirayo, muuqaal Hay’adeed ayaa nalagu khaldayaa, iyadoo ay u qarsoon tahay
sidii aan u qaadan lahayn diin cusub oo nalooga badali lahaa magacyada qurxoon
ee hada naloo yaqaan.
Mudarahaad waxaa dhiga nin tabar kale waayey, waxaa qayliya nin aan wax ficil
ah samayn karin, waxaa fatwo doonto qofkaan hubin talaabada uu qaadayo,
ilaalinta diinta culimo iyo caamo sow looma sinna? Maxaa ka dhigay arintan mid u
taal dalada Culimada Soomaaliyeed? Maxaa loo waayey dowrkii Aqoon-yahanka
Soomaaliyeed? hadduu dowladii soo celin waayey, sow inaan diinta ilaalinno
ma’ahan. Maxay u hadli waayeen Ganacsatadeenni? Hadey qaarkood dhaqaale ku
bixiyeen burburintii dalka, hadda mey dhaqaale ku bixiyaan sidii Islaam-nimada
loo xajisan lahaa. Aaway dowrkii Suxufiga Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay
wareerinta maanka Soomaalida, mey hadda u qalin qaataan dib u soo nooleytii
diintii dadkan.
Qoraageenna magaca weyn leh ( Maxamed Cali Daahir) ayaa dhamaadkii
8.tanaadkii inta u qaadan waayey Soomaali baa hadda gaaloobeysa, oo Kaniisad
galaysa, waliba ay dawladi jirto, ayuu wuxuu qoray buug aad magaciisa ka
garaneyso sida uu u fajacsan yahay qoraha Buugga, wuxuu ahaa cinwaanka Buuggaas
( Sub-xaana-laahiyee mahaddaan kirishtaamoobi karaa?) hadaba qofkii la yaabanaa
in qof Soomaali ah uu gaaloobo xili ayba dowladi jirtay, hadda oo aysan dawladi
jirin, hadaan damco inaan buug qoro cinwaankee u samayn lahaa, adoo eegaya sida
ay hadda Soomaali utaal, iyo waxay Hay’adaha gaaladu ka damacsan yihiin.
Waxaan u mahadcalinayaa dadkii qiireysnaa ee soo ogaaday in Soomaali
diintoodii loo gol leeyahay, misana jiif iyo joogba uga tagay iney ehelkooda ku
dhahaan war hooy gaal-nimo iska jira.