SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

BAAQ AY SOO SAAREEN WAXGARADKA DHALINYARADA WAAMO


KU: Dhammaan Ergooyinka Somaliyeed ee ka qeyb galay Shirka Eldoret
OG: Gudiga Farsamada ee dib u heshiisiinta Somaliya (IGAD)
OG: Dhammaan warbaahinta Somaliyeed iyo tan Caalamka.

Ka: Ururka waxgaradka Dhalinyarada Waamo [WaamoUnity2002].

 WaamoUnity2002@aol.com | Nov 25, 2002 

UJEEDO: Talo bixin ku wajihan Shirka Eldoret:
Anagoo tixraaceyno fashilaadii ku timid waxii kasoo baxay shirkii Carte, taas oo sal u noqotay mowqifkii ay ka qaadatay TNG Qadiyada Kismaayo iyo tixgelin la-aanta Dastuurkii loo sameeyay TNG, waxaana taa marqaati u ah August 31, wareysigii uu la yeeshay Christ Bickerton oo katirsan BBC's Focus on Africa Abdiqasim Salaad ee ku saabsaneed Xaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku jawaabay Cabdiqasim Salaad in Kismaayo wax dhibaato ah aysan kajirin isla markaana dadka reer Kismaayo ay lasoo xiriireen maanta kana codsadeen in uu booqasho ugu tago, Isagoo og in dadka deegaanka Kismaayo ay Qaxooti ku yahiin xerooyinka dalka Kenya iyo meelo farabadan oo katirsan Aduun weynaha isla markaana kooxda uu ku sheegayo Dadka reer Kismaayo ee lasoo xiriiray maanta, og inay yahiin kooxo katirsan Jifadiisa ee kasoo duushay Galgaduud Xaqdarona ku heysato magaalada Kismaayo,
Lixda Guddi ee Shirka Eldoret
  • 1- gudida dastuurka iyo maamul sal balaaran
  • 2- gudida dibu heshiisiinta, xuquuqda aadanaha, iyo anshaxa guud
  • 3- gudida dhismaha hayadaha iyo dumidda khayraadka
  • 4- gudida nabadaynta, hub ka dhigidda, dhaqan celinta, dib u dhiska iyo isu keenida
  • 5- gudida gobolada iyo xiriirka caalamiga ah
  • 6- gudida lahaanshaha dhulka iyo arimaha dadka laga tirada badan yahay.

Warbixintii dhismaha gudiyada.... 

 

Jawaabtaasi oo saameyn weyn ku yeelatay Shacabka Gobolka J/hoose isla markaana ku hungoobay rajadii ay ka qabeen wixii lagu soo dhisay Dalka Djabuti ayaa Gudoomiyaha Jaaliyada Kismaayo ee Waqoyiga Ameerika gaar ahaan Toronto, Canada Cabdi Muse Cismaan wuxuu u gudbiyay Cabdiqasim Salaad waraaq tibaaxeyso dareenka Shacabka Waamo iyo aragtidooda ku wajihan jawaab bixintiisii, sikastaba ha ahaatee 2dii Sano ee maamulkii Cabdiqasim Salaad Malaayiin doolar oo ku yimid Mucaawino iyo hawlo militari oo caalami ah waxay ku danbeeyeen dad yar oo Xamar jooga waxaana loo isticmaalay dullaynta Ummadda Somaliyeed.

Sidaa awadeed waxaan ugu baaqeynaa Ergooyinka Somaliyeed in ay ka fiirsadaan doorashada Shaqsiyaadka aanan laheen dareenka wadaninimo isla markaana raadinaayo Madaxtinimo ayagoo adeegsanaayo Qabyaalad, Shaki kuma jiro dadka Somaliyeed inay hayaan sababo badan oo ay bogsiino la-aanta xanuunkooda ugu eedeeyaan habdhaqanka Qabiilka, magaalada Kismaayo oo aheed xaruntii 3aad ee Somaliya maanta waa magaalada Qabta Faqriga, Qulubka, iyo Qaxootinimada ugu weyn Soomaaliya, waxaana ugu baaqeynaa Ergooyinka Somaliyeed ee ka qeyb galay Shirka eldoret in ay ka hadlaan Arinta Kismaayo.

Dadka Somaliyeed waxay u baahan yahiin inay kala gartaan Xaqa iyo Baadilka, Dulmiga iyo Cadaalada, xumaanta iyo samaanta dabadeedna goostaan midkay garab istaagi lahaayeen,dabciga Siyaasada Somaliyeed waa iska hor imaad iyo is eedeeyn ku saleysan isu Qabyaaladeen, isbadal la-aanta dhaxaltooyada Garaadka Siyaasadeed ee Somaliya waa masuuliyad saaran Dhalinyarada Somaliyeed badalaadiisa iyo in ay lasoo baxaan ama layimaadaan Xal waara. 

Waxii su-aal ah ee ku saabsan qaraalkan waxaad kala soo xiriiri kartaan Ururka waxgaradka Dhalinyarada Waamo WaamoUnity2002.

Qoraalkii hore ee WYIL.... GUJI 

WaamoUnity2002@aol.com

Nov 25, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh waamoUnity

I  I  D  H  E  H

 

G8 ma diidana Go'aankii Ergooyinka Qabiilka lagu saleeyey
Sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha dibedda ee isbahaysiga Dooxada Jubba (JVA) Mr. Cabdirisaaq Khaliif Ashkir oo u waramayey Ibraahim Maxameddeeq... 24/11 

Midowga Yurub oo Ku Hanjabay Joojinta Kharashka Shirka ELdoret
Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Muuse Suudi oo dalbaday in ergooyinka habka qabiil laga daayo oo habkii kooxaha lagu celiyo....  warbixintii Ibraahim Maxameddeeq... 23/11

Sifaha Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan: Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI... 23/11

DKG oo Diidey Go'aankii Shalay
iyo Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:... DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii braahim Maxameddeeq 20/11

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiilka Yar caloosha ayaa bannaanka taal -  taageero ayuu u baahanayahay -- GUJI

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD