SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - IQRA
   

 IGAD oo sheegtay in talada ay la wareegayaan hadii soomaalidu ku heshiin waayaan qabinta ergooyinka.

IQRA FM Laanta Afka soomaaliga
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
15/11/2002

I  I  D  H  E  H

Gudiga farsamada ee igad waxay warqad ay soo saareen ku adkaysanayaan 362 xubno ee tirada ergooyinka shirka soomaalida eldoret kuwaas oo laga dhex xulayo 93da xubnood ee gudiyada lixda ah ,waxayna isku soo duba ridi doonaan qaabka ay noqon doonto dawladda.

warqada shalay ay soo saareen gudiga farsamada waxaa kamid ahaa in wajiga 3aad ee shirka gabi ahaanba ku wajahnaan doono awood qaybsi ku saabsan qaabka qabiila,gudiga farsamada igadna waxay xaqiijin doonaan isku dheeli tirka beelaha soomaaliyeed.

shirkii jaraai'id ee shalay galab uu qabtay ergayga arimaha soomaaliya Elijah Mwangale ayaa waxaa uu ka sheegay in markii hogaamiyayaasha soomaaliyeed ay ku heshiin waayeen ay ku soo celiyeen talada, gudiga igadna ay go.aan ka gaari doonaan hadii ay qaybsiga ku heshiin waayaan.

dhanka kale faadumo cabdulaahi maxamuud oo ka mid ah ergooyinka shirka daganna dalka maraykanka waxay ahayd doblamaasiyad ka tirsanayd ergadii soomaalida ee new york xiligii dawladii ay jirtay oo maanta eldoret ugu warmaysay wariyaha IQRA Maxamed Aden Terrra ayaa sheegtay in bulshada rayidka oo haweenka,oday dhaqameedyada,salaadiinta,culimaa'udiinka iyo dhalinyardu ay yihiin laf dhabarta bulsho walba ay leedahay sidaas daraadeedna tix galin gaar ah ay leeyihiin loona baahanyahay in ay ka taliyaan arimahooda, waxayna u rajkaysay shirka in wajigiisa labaad lagu guulaysan doono sida ay rajaynayso inkastoo dhibaatooyin uu yeelan doono.

 ridwanhaji@journalist.com 

WARARKII HORE EE IQRA... 

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD