I I D H
E H
|
|
Shirka Eldoret oo maanta lagu kala yaacay
lagana yaabo inuu burburo
Nov 5, 2002
Shirkii maanta uga socday siyaasiyiinta
soomaaliyeed magaalada Eldoret ayaa lagu kala dareeray ka dib markii
siyaasiyiinta la soo hordhigay warqad loogu sheegayo in wareega labaad ee shirka
ey ka qeyb galayaan oo keliya 90 xubnood. arrintan ayaa lagu tilmaamay iney
fajac gelisay siyaasiyiinta soomaaliyeed oo iyaga filaayey in ka qeyb galayaasha
shirka lagu soo koobo 350 qofood.
Mudane Muse Sudi Yalaxow ayaa markiiba ka
istaagay shirka isagoo ku tilmaamay iney arrintan ka soo horjeedo habka wada
tashiga oo tilmaamay ineysan jirin wax wada tashi ah oo lagala yeeshay
siyaasiyiinta soomaaliyeed oo ah kuwa la rabo iney xal u raadiyaan siyaasadda
waddanka. Mudane Muse wuxuu ka codsaday madaxda IGAD iney u soo kala caddeeyaan
in arrinta kadiska ah ey iyaga ka danbeeyaan iyo iney haya'addo kale ey rabaan
iney si kali tashi ah u soo afjaraan shirka oo illaa iyo hadda ku socday si
habsami ah. Xaajigu wuxuu sheegay haddii aan arrintan wax laga bedelin uu dhumay
kalsoonidii laga qabay shirka burburna u keeni doonta oo uu caddeeyey inuusan
marnaba ogollaan doonin in shirka lagu fushado arrimo gaar ah oo ey kooxo aan
soomaali aheyn ey wataan.
Sidoo kale Cabdullahi Yusuf ayaa isagana ka
istaagay shirka oo caddeeyey in qeybsigan cusub uusan ku saleysneyn si caddaalad
ah. Dhamaan siyaasiyiinta ayaa caawa la la'yahay oo mid walba uu la
fajacsanyahay arrintan cusub ee soo korortay lana filaayo in berri haddii aan
wax laga bedelin arrintan in shirku fashilmay. waxaa la qorsheynayey in
hoggaamiyeyaasha ey soo magacowdaan guddigii uga qeyb geli lahaa guddi hoosaadka
loo qoondeeyey iney 6 guddi hoosaad oo dhemeeya warreega labaad ee shirka.
Guddiga IGAD ayaa ka gaabsaday in arrintan
cusub ee afduubka ah ey iyaga ka danbeeyeen waxaana la sheegayaa iney galabta
illaa iyo caawa ey shir ku jireen siddii arrintan looga gudbi lahaa.
Mahadsanid
Eng. Yarisow yarisow70@hotmail.com
.. ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|