SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 Igad OO GO'AAN KAMA DANABAYS AH KA GAARTAY QAYBINTII GUDIYADA IYO ERGADA. 

 

 

daek.gif (34396 bytes)Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Eldoret, Kenya.
Maxdeeq50@hotmail.com 

8/11/02

I  I  D  H  E  H

Guddiga farsamada ee IGAD oo ay wehliyaan goobjoogayaal ka socda dalalka iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa shalay galinkii danbe gaarsiiyay madaxda waftiyada Soomaalida ee ka qayb galaya shirka dib un heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret go'aan kama danbays ay ku tilmaameen oo ay ka gaareen qaybintii gudiyada iyo ergooyinka sii joogaya ee shirka.

Guddiga farsamada ayaa waxa uu qoondadiisan ugu danbaysay ku saleeyay 362 ergay oo rasmi ah oo ka kala socota qaybaha kala duwan ee Soomaalida, kuwaasoo si u dhiganta tirada ergada loogu qaybiyay tirada ka qayb gali doonta lix guddi farsamo oo midkiiba ka kooban yahay 15-16 xubnood, kuwaasoo isu geyn noqon doona 93 xubnood.

Qaybtan cusub ee guddiyada iyo ergada sii joogi doonta ayaa waxa ay kooxuhu u kala helkayaan marka la soo koobo sidan:

Magac ........tirada guddi ........ tirada ergo

TNG ........................... 16 xubnood ...... 65 xubnood
SRRC .......................... 16 '' ................. 65 ''
RRA 1&2 ....................... 8 '' .................28 ''
Puntland ...................... 7 "................... 28 ''
Jawhar ........................ 4 ''........... ....... 14 ''
SNF 1& 2 ..................... 4 '' ................. 14 ''
Nakuro ........................ 2 '' .................. 9 ''
Doxa/Jubba .................. 3 '' ................. 13 ''
Qanyare ...................... 2 '' ................... 7 ''
SNU ............................ 1 '' ................... 3 ''
SDU ........................... ..1 ''.................. 2 ''
Jareer .......................... 2 '' .................. 7 ''
Amprella Group ............ 1 '' ................. 5 ''
Baajuun ....................... 1 '' ................. 2 ''
Total Gudi k/siyasadda:...... 68 ........... 262
Qayb civil Society .......... 25 ............. 100 '
Tiro Guddi Guud: ........... 93. ...... ergo guud 362.

Gudiga farsamada ayaa waxa ay shaxdan raaciyeen qoraal kale oo ay madaxda wufuuda kaga dalbanayaan in mid waliba sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyo magacyada dadka uu u xulayo qaybta guddiga ee uu helay iyo qaybta dheeraadka ku ah tirada waftigiisa rasmiga ah si loogu diyaariyo gaadiidkii dalka diob ugu celin lahaa. Waxaa kaloo lagu wargaliyay dadka ka baxsan tirada guud ee waftiga in aysan ku lahayn IGAD wax raashin iyo Hoteel ah wixii ka danbeeya maalinta Jimcaha ah ee Berito.

Qaybtan cusub ayaa waxaa aan ku qanacsanayn qaar badan oo ka mid ah ka qayb galayaasha shirka, sida dadka degaanka Jubooyinka iyo madaxdooda oo sheegaya in ay tahay khalad bareer ah in kooxda BBC-da afka Soomaaligu u bixisay dooxada Jubba la siiyo xubnaha degaankaas, hase ahaatee Guddiga farsamadu waxa ay ku adkaysanayaan in shaxdani tahay kama danbays ciddi aan ku qancina ay xor u tahay in ay dalkeedii dib ugu laabato.

Lama oga illaa iyo hadda go'aanka kama danbaysta ah ee ay beelahaasi iyo madaxdoodu qaadan doonaan, waxaase aad moodaa in kooxaha ciilka qaba intooda badan ay isku qancinayaan in la iska qaato go'aankan si loogu gudbo in la helo dawlad Soomaaliya u dhan tahay iyo hanaan nabadeed oo cid waliba ku soo ceshan karto xuquuqda ka maqan.

-dhamaad-

Go'aan Kasoobaxay Gudiga farsmada IGAD ee Shirka Eldoret
 
go’aankaas oo ergooyinka shirka ka dhigay 362 iyo qaybintii xubnahii lixda gudina 93 xubnood Akhri Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 07/11 somalitalk.  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD