9 Qarax oo ka dhacay Johannesburg iyo
Masaajid la bur-buriyay Axmed Dowlo
| dawlo@hotmail.com | Oct 31, 2002
Musaliin ku tukanaysa baaqigii ka soo hadhay
Masjidul-Ummah (Soweto) oo qarax bur-buriyay habeenkii Khamiista
|
Habeenimadii ay Khamiista waxay dadka degan
deegaanka xaafadaha Soweto, Lenasia iyo Eldodaro Park ee magaalada Johannesburg
ku tooseen qaraxyo aad u waaweyn oo aynan maqal 8 sano ee la soo dhaafay.
Qaraxyadan oo ahaa 9 iyo laba booliisku ay joojiyeen iyagoon qarxin waxay
waxyeelo xoog leh u goysteen xadiidka tareenka ee xaafadahaas, buundooyinka iska
kor mara ee loo yaqaano "fly-overs", guryo iyo ruggo ganacsi, iyo
waliba mid ka mid ah Masaajida ugu waaweyn xaafada Soweto oo la yidhaahdo
Masjidul-Ummah. Masaajidka intiisa badani way burburay.
Qaraxyadan waxaa canbaareeyay dhammaanba
axsaabta siyaasada, diimaha iyo ururada bulshada ee wadanka oo dhan.
Madaxweynaha wadanka K/Afrika Thabo Mbeki na wuxuu ku tilmaamay inuu falkani
yahay mid argagixiso ah oo la doonayo in lagu minja-xaabiyo isu soo dhawaanshaha
isa soo taraya ee mujtamaca K/Afrika oo soo maray taariikh is gumaysi iyo isku
dul noolaansho oo aad u dheer una fool xun.
Walow nasiib wanaag ayna is lahayn qaraxyada
badnidooda iyo waxyeelada bani'aadamka soo gaadhay oo ah hal ruux oo kaliyahi uu
ku dhintay iyo laba ku dhaawacantay wali lama oga cida dhab ahaan ka danbaysay.
Laakiin waxay dawladu rumaysan tahay in dad cadaan ah oo "cunsuryiin"
ahi ay ka danbeeyeen qaraxyadan. Booliisku waxay sheegayaan in labada banbaano
ee ay fashiliyeen ay dadkii soo war galiyay u sheegay inay dhigayeen laba nin oo
cadaan ah.
Umuurtani waxay walaac weyn ku abuurtay dadka
reer K/Afrika oo dhan gaar ahaana dadka Muslimiinta oo sida uu sheegay Sheekh
Ibraahiim Bham oo ah madaxa culimada K/Afrika ay dad badan oo muslimiin ahi
heleen hanjabaado isla habeenkaas in la qarxin doono "meelaha ay wax ku
caabudaan iyo ganacsiydooda".
I I D H
E H
|
|
Waraysi
Gen. Morgan
Ibraahim
Maxameddeeq ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Gen.
Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo jooga Eldoret Guji.... |
Dhawrkii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa wadanka
K/Afrika oo dhan laysla dhex maray in qolyo cadaan ah oo xag jira ayna ka dagi
la'dahay dadka madowga ah ee wadanka xukuma ay doonayaan inay af-ganbiyaan
dawlada madaxweyne uu madaxa ka yahay Mr. Mbeki. Waxaa la qabtay bishii la soo
dhaafay baabuur waday hub culus oo ay lahaayeen kooxdaasi.
Kooxahan cadaanka ah ee la tuhunsan yahay waxay
xoogoodu ka tirsanaan jireen ciidankii hore ee dawladii cunsuriyada ee K/Afrika.
Waxayna la ollog yihiin kooxaha loo yaqaano Ku Klux Klan (KKK) ee wadanka
Maraykanka ee rumaysan in dadka cadaanka ahi aduunka leeyahay dadka kalena ay
yihiin adoomo.
Qaraxyadan waxaa dadka reer K/Afrika ugu
danbaysay sanadkii 1994 oo taqriiban ay qarxeen 500 oo banbaano oo ay badankooda
ka danbeeyeen kooxahan aan kor ku soo sheegnay, ujeedadoodu ahayd in ayna
doorashooyin ka dhicin wadanka.
Ciidamada militariga iyo kuwa booliiska ayaa
heegan la galiyay wadanka oo dhan, booliiskuna waxay ka codsanayaan dadka inay
si dhakhso ah u soo wargaliyaan haddii ay arkaan waxay ka shakiyaan.
Axmed Dowlo
dawlo@hotmail.com
Johannesburg
Dagaal
Dhexmaray Somalida Johannesburg
iyo Booliis Burcad ah
oo shaci darro
kusoo galay guri qoys Soomaaliyeed,
waxaana xabisga loo
taxaabay saddex boolis ah iyo qof shacab ah GUJI
26/10
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|