REJO QARANIMO OO SHIRKA ELDORET KA DHEX HILAACAYSA
FAALADII
IBRAAHIM MAXEDDEEQ
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret,
Kenya
|
Shirka Eldoret iminka ka socda ee ay dawladaha Igad ugu talo galeen inay
soomaalidu kaga maydhato dhibaabaihii diihaalka badnaa iyo raadkii Hogoshii belo
ee 1991kii geyiga soomaaliyeed ka curatay oo intay oogada sare ee bulsha weynta
soomaaliyeed ku hoortay u gudubtay dareenka iyo maanka Ummaddeena taas oo
soomaalida gaadhsiisay heer loo arko wax aan dad iyo duunyo midna lagu sheegi
karin, (dusha aadmigay shaabahaan ficilla duur jooge1), shirkaas ayaa la is
weeydiinayaa halka uu guul iyo guul darro ku dambayn doono, maadaama shirar ay
shirkan isku ujeeddo ahaayeen soomaalida loo qabtay oo faro madow lagala
hulleelay kaddib markii ay hogaamiye ku sheegyada soomaalidu awood qaybsiga
xukunka dalka isku maandhaafeen, shisheeyaha qaarkoodna ku taageereen inay
fuliyaan rabitaankooda dawga hagaagsan iyo danta ummad weynta soomaaliyeed
weeydaarsan.
Haddaba marka aad Eldoret ku sugan tahay oo aad ficilada iyo afkaarta
soomaalida halkan ku shirsan si u fiirsasho leh uga dhugsato waxaa dareenkaaga
isu daba maraya sawiro kala duwan oo mar rejo wanaagsan ku soo hor dhigaya,
kolna waxyaalo ku quus gelin kara docda dhanka kale kaa tusaya.
Tusaale ahaan markaad si gooni gooni ah madaxda kooxaha arrinta shirka ugala
sheekaysato waxay koox waliba kuu dudubinayaan hadal dhan loo eegaba haddii
ficil loo rogo noqon kara biya kama dhibcaan soo noqoshada qarankii soomaaliyeed
wax weyn ka tari kara, haddana in yar kaddib markaad isha geliso kuwiiyoo hoolka
shirka si cadowtinimo ka muuqato isugu xag xaganaya oo intay wax aan sidaa u sii
ridnayn isku qabsadeen durba kala kacay ayuu dareen quusasho ku soo wajahayaa.
Mar kale haddaad dhegaha u raariciso sheekooyinka mustaqbalka shirka ku
saabsan waxaa jira hadallo ku tiri ku teen ah oo aan wax xaqiiq ah loo hayn oo
sheegaya inay jiraan rag dibedda laga keenayo oo ay caalamku wataan oo noqon
doonaa Xaamid Karsayada Soomaalya, taasoo haddii xal lgu gaadhayo wanaagsan
laakiin markaad qiyaasto khatarta ka iman karta hogaamiyayaasha kooxha ee
jagooyinka sar sare ee dawlad dhalata heliddooda dhuunta isaga lisay oo nin aan
damaca madaxnimo geedna uga soo laaban laga kor keenay waxaa kuu muuqanaya
dagaal hor leh oo mar kale soomaaliya ka curtay, Magan Allah.
Sanguuni: Dhulbaraha Soomaaliya
|
Waxay kaloo farxad iyo naxdini isu kaa bedelayaan
markaad gocato doonista
wakiilada dawladda ku meel gaadhka oo u ololaynaya in xagooda lagu soo biiro
maadaama ay dawlad isu haystaan, dhinac kalena aad ka daymooto wakiilada Eldoret
ka jooga kooxaha kale oo si xoogan ugu adkaysanaya inaysan wax lagu biiro iyo wax
dawalad ahi jirin...Doodda arintaas ka kacdaana cirka isku shreerto, taas oo
shir guulaysta iska daaye aad markaa is weeydiinaysid su'aasha ah: shirkuba ma
sii socon karaa?, waxaadse yare qaboobaysaa marka ay gudiga farsamada Igad
madaxda kooxaha hor yimaadaan go'aana ka gaadhaan arintii la isku hayey oo aad
dabeed aragto buuqii iyo murankii oo dar Alla u damay.
Waxaa intaaba ka daran kolkaad Eldoret soo caga dhigato oo aad indhaha mariso
qaar ka mid ah dadka ergo ahaan loo soo wakiishay oo u badan dad ugu horaynba
laga yabaalayo, kuwaas oo aan ku rejo weynahay inaad akhristoow is weeydiin
lahayd, qaranimada la baadi doonaya iyo xajmiga ay leedahay waxa maanta soomaali
ka maqan qofkani ma fahmi karaa?, haddaad si degan u sii dhuuxdana waan hubaa
inaad isugu jawaabi lahayd maya. Laakiin waxaa jira kuwa badan oo dhanka
wadaninimada iyo dhanka aqoontaba inay heer qaran ka ergeeyaan u qalma. Intaas
iyo in ka badan oo aan garmeemayaa ha jireene haddana haddii aan hadda kaddib
wax is bedelin waxaa si isa soo taraysa iigu bidhaamaysa rejooyin ay ka dhex
muuqato heshiis madaxda siyaasadda soomaalida dhex mara oo sahla dawlad hir
gasha oo ay soomaalidu Eldoret ka unkato, taas oo aan ku xoojinayo arimahan soo
socda:
Sida uu in dheer garadka soomaaliyeed yaqiinsan yahay siyaasadda dhabaqsan ee
soomaaliya murginteeda waxaa lug weyn ku lahaa loolanka siyaasadeed iyo legdanka
aan arxanka lagu ogayn ee ka dhexeeyey dawladaha danaha kala duwan soomaaliya ka
leh, taas oo ay dawlad waliba dabada ka riixaysey koox dhabarka ku sidda weelkii
ay danahooda ku shuban lahaayeen isla markaana liddi ku ah danaha dawlad kale oo
ay iyada muran dhaqaale ama siyaasadeed kala dhexeeyo, iyadoo ay tan kalena
dhankeeda ka soo abaabuli jirtey kooxo iyada daacad u ah oo dhanka ay is hayaan
ay ku caddaadinayan.
Haddase inta ii muuqata waxaad moodda inay wax iska bedeleen oo ay shirka
dhexdiisa si wada jir ah ugu shaaciyeen in la gaadhay xiligii ay soomaaliya
dawladi ka dhalan lahayd, waxaan arkaa iyagii oo si siman uga wada shaqaynaya
dibi heshiisiinta soomaalida, iyadoo ay hogaaminta shirkana si gaara gacanta ugu
hayaan dalalka loo yaqaan safka hore Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti, kuwaas oo uu
ugu xoog badan yahay Mr. Mwangale oo ah wakiilka dalka kenya ee martida loo
yahay oo aysan soomaalida iyo kooxaha siyaasaddu wax cuqdad ah ka qabin, taas oo
rejada sii bilaysa maadaama ay wadamada Masar iyo Itoobiya si qayaxan arrinta
dibu heshiisiinta soomaalida isugu fashilin jireen waxaa jirta in hadda
labadoodiiba laga fara maroojiyey oo ay xaajada soomaalida maamulayso Kenya oo
aan xiligan colaadaha soomaalida godob siyaasadeed ka gelin, inta aan ka war
qabana aan kooxna si gaar ah ula safan, halka ay Masar iyo Itoobiyaba mid waliba
kooxaha soomaaliya isku khilaafsan la kala jireen. Ilaa iyo intii uu shirka
Eldoret socdayna saraakiishooda shirka hogaanka u haysa marna lagama dareemin
koox ay si gaar ah ugu xaglinayaan oo ka mid ah kooxaha is haya ee Eldoret
martida ugu ah.
Waxyaabaha kale ee markaynu dhugano rajada weyn ina gelin kara ayaa iyana ah
in shirka la isugu keenay dhamaan ragii in muddo ahba soomaaliya isku
sabaaxadaynayey isla markaana talada iyo go'aamada kama dambaysta ah ee shirka
gacanta laga geliyey, Kuwaas oo ah ragga badiba gobolada dalka xukuma, taas oo
la og yahay in haddii ay wax isla ogolaadaan inay ka fulin karaan meelihii ay ka
kala yimaadeen, rejada kale ee inuu shirku najaxayo inshaaraysa ayaa iyana ah
bulshada caalamka oo si isdaba joog ah oo aan leex leex lahayn u qirtay inay
taageersan yihiin shirka oo wixii ka soo baxana ay hiil iyo hooba la garab geli
doonaan, ifafaalaha arintaasna durba wax laga arkay maadaama uu cadaadis caalami
ahi shirka kor saaran yahay, badhtilmaameedka hanaanka shirku u socdana ay ka
mid tahay in wixii ay madaxda kooxuhu isku diidaan uu gudiga farsamadu
go'aankeeda la wareegayaan, taas oo kalena uu gudiga farsamadu dhawr jeer ku
tilaabsaday sida tii in la isticmaalo magaca TNG.
Rejada kale ee weyn ee bar bar kale iiga bidhaamaysa ayaa ah inay madaxda
kooxaha soomaalidu iminka si weyn u qab jabeen oo madax taagii iyo gafuurkoodii
cirka ku faruur xidhnaa hadda si weyn hoos ugu dhacay oo uu khiyaaligii lagu
meel mari jirey gabaabsi noqday isla markana ay runi run geydey, xeedhada
salkeediina la isku wada arkay oo ninkii waayo Arbe ahaa oo madaxweynanimo
soomaaliyeed buur iyo banaanba u maray hankiisii hadda sidee wasiir ku heshaa
isugu soo biya shubtay, taas oo aan filayo inay keentay kaddib markii uu
awooddii qabiil iyo dablaydii uu qoodha ku ahaan jirey ay malaha wax badan is
weeydiiyeen ama si uun wax isaga bedeleen oo uu is arkay isagoo cidla madaxa
liiliijinaya ama ay u muuqdeen mid beri hebel la odhan jirey oo hadda Bisad ka
yaraaday oo markaa uu is yidhi: "armay adigana sidaasi kuu dambaysaa!".
Waxaa kaloo rejo loo muhdo kugu abuuraya inay hogaamiyayaasha maanta Eldoret
ku sugan qaarkood wax isku qirayaan masalan Col. Cabdillaahi Yuusuf ayaa dhawr
goor shir dhexdii ka yidhi:"Belaayada soomaaliya ka dhacday waxaan ahay
ninkii bilaabay, mana bilaabeen haddaan sidan moodayo, haddana nabad baan
doonayaa", ereyadaas oo makhraati u noqon kara inay madaxda soomaalidu
hadda bilaabeen inay ku dhiiradaan qirashada khaladkooda iyo inay diyaar u
yihiin inay wixii ka xumaaday saxaan.
Goobta ay wufuudda soomaalidu ku qadeeyaan ee Hotel Sirikwa waxaa loo galaa
fayl dheer, haddaba maalin iyadoo faylkii oo aad u dheeraaday la is daba taagan
yahay ayuu nin madax soomaaliya ka ahaan jirey, haddeerna weli si uun madax u
ahi ka yaabay faylaka dhererkiisa oo yidhi: "war bahalku maanta dheeraa",
dabadeedna nin garanayey ayaa ku yidhi: " Iska gal Hebel idinkaa noo
gartaye", isagiina isagoon wax dood ah ka keenin ayuu iska dhaqaaqay oo
faylkii dabada ka qabsaday, waxaan sheekadan u soo qaaday in aan muujiyo sida ay
soomaalidu maanta ugu bislaatay dhibka jira ee aysan ugu murmayn halka iyo cidda
uu ka yimid.
Luuq Ganaane, Somalia 1987
Bilicda Soomaaliya oo Nabad ah |
Khilaafyadii shirarkii hore guul darada u horseedi jirtey waxay ka bilaabmi
jireen deegaanada la kala haysto laakiin hadda gudiga farsamada Igad waxaad
mooddaa inay arintaas jid kale u qaadeen, waxay macsuumeen midkii dhulka
sheeganayey in laga haysto iyo kii haystey oo mid walba la siiyey ergooyin
shirka uga qayb gala, iyadoo gudiyada la dhisi doonana uu ka mid yahay mid ku
saabsan xuquuqda lahaanshaha dhulka. Waxaa iyana shirkan Eldoret ammaan u noqon
karta guushiisana ka qayb qaadan karta iyadoo laga reebay inay shirka ka qayb
galaan dad ku andacoonaya inay Somaliland ka socdaan laakiin aan waxba ka fulin
karin deegaankaas oo haddii ergo ahaan loo aqoonsado la hubo inaysan waxa lagu
heshiiyo Hargeysa la tegi karin, arintuna sida muuqata ay noqonayso marka
Koonfur la dejiyo in labada gobol wada hadal loo furo, taasina waxay ina
tusaysaa sida ay bulshada caalamku fahanka xaqiiqda xaalka soomaaliya ka jira
ugu soo dhowaanayso, waana mid iyaduna rejada shirka sii hagaajinaysa. Iyadoo
aysan gudiga farsamda Igad marna meesha ka saarin inay midnimada soomaaliya
muqadas tahay, Somaliland'na ay qayb ka tahay dalka Soomaaliya.
Siyaasiyiin badan ayaa ku andacoonaya in la raaco habkii iyo hanaankii ay
gudiga farsamada Igad u qaydeen inuu shirku u socdo oo ahaa saddex weji oo kala
dambeeya halka ay kooxaha badankooduna u dalbanayaan inaan shirka loo kala tegin
ilaa inta dawlad soomaaliyeed la dhisayo. Taas ka sokoow waxaa jira xubnaha ka
socda dawladda ku meel gaadhka ah oo danaynaya in aan la nasakhin dadaalkii
Carta ee wax laga bedelo waxna laga qaato taas oo sidaan horayba ku soo sheegnay
ay badiba kooxuhu diidan yihiin, dawladda ku meel gaadhka ah wakiilada shirka ka
joogaa waxay dugsanayaan qodobka koowaad ee habka barnaamijka shirku u soconaya
oo ay ku doodeen in magaca TNG loogu qoro, dood dheer ka dibna ay gudiga
farsamadu u yeeleen, kooxaha kalena waxay daliishanayaan bayaankii ay dawladda
ku meel gaadhka ahi saxiixday oo qodob ka mid ahi uu leeyahay: "waxaan ku
dhaaranaynaa in la dhiso dawlad loo dhan yahay oo isu keenta ayna wada
ogolaadaan dhamaan dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasadda soomaaliya",
waxayna leeyihiin maadaama ay qodobkan saxiixeen iyagaa xaqiijiyey inaysan
dawlad ahayn, taasina waxay shirka Eldoret ka dhigi kartaa mid dawladda ku meel
gaadhka ah u dhamaynaya.
Waxaa kaloo cabsi weyn laga qabaa in la isku qardoofo sida ay kooxuhu u kala
qaybsanayaan xubnaha gudida lixda ah oo loo xilsaari doono hawsha ugu muhiimsan
shirka Eldoret, waxaan la is weeydiinayaa sida wax loogu qaybinayo kooxaha sii
kala jajabay ee jilib, jilibka u sii kala baxay ee iyagoo isku qoys ah haddana
shirka si kala gaar ah loogu marti qaaday, waxaad arkayasaa saddex nin oo isku
jilib ah oo saddex urur kala hogaaminaya, guddiga hogaamiyayaasha siyaasadda
soomaalida oo go'aamada shirka loo igmadayna ku wada jira, waa qodobka aan is
leeyahay waxaa ka iman kara khilaafka ugu culus shirka Eldoret, laakiin gudiga
farsamada Igad ee intas wada marti qaaday ayaa looga fadhiyaa sida ay u
maaraynayaan.
Teendhadii Shirkii Carta
|
Turaanturo way dhici kartaa sida la moodayana xaajadu way iska bedeli kartaa
laakiin halkan qof kasta oo aad warysataa wuxuu kuu sheegayaa inuu shirkani aad
uga duwan yahay shirarkii hore ee la qaban jirey, Wuxuuna shirku u muuqdaa mid
ay rejooyin aan indhaha laga lalin karini ku dahaadhan yihiin oo haddii uu
sokeeyaha hagardaamaynta soomaalida u xaydan ee haddaba Eldoret qaarkood qaska
la joogaan uu ka nabad galo isla markaana hawshu siday u socotay lagu sii wado,
caalamkuna uu sidaa u wada socdo, ugu yaraan wuxuu noqon karaa mid soo dedejin
kara xal u helida siyaasadda cakiran ee soomaaliya, waayo belaaba badane xitaa
hadduu fashilmo waxaa laga kororsanayaa khibrad hadhoow loo noqdo sidii shirkii
Carta’ba loogu ogaaday inaysan bulshada rayidka ahi maanta soomaaliya nidaam
siyaasadeed oo ay ku xoogan yihiin ka fuli Karin, Hadal iyo dhamaantii Bad nin
dhuray dhamayn waa.
FAALADII HORE: SHIRKA
ELDORET, MARBA WEJI
Ibraahim Maxameddeeq
Somalitalk
Eldoret
Imdeeq@hotmail.com
XUS TUDUC GABAY:
1- wuxuu ku jirey gabay uu Abshir Bacaadle xiligan colaadaha tiriyey
FAALOOYINKII HORE: 2
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|