SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
GO’AAN GUDIGA FARSAMADA IGAD EE SHIRKA ELDORET KA SOO BAXAY 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 7, 2002

 
RAMADAAN KARIIM

Gudiga Farsamada Igad ee shirka dibu heshiisiinta soomaalida hagaya ayaa shir ay maanta yeesheen go’aano ka soo saaray qaybintii ergooyinka shirka oo ay ka dhigeen 362 iyo qaybintii xubnahii lixda gudi oo ay ka dhigeen 93 xubnood, Qaybinta hawshan oo ay horay isugu maan dhaafeen madaxda kooxuhu ayeey gudiga farsamadu u qaybiyeen sidan:

Group            Ergada la siiyey         xubnaha Gudiyada laga siiyey

 

TNG                       65                                          16

SRRC                     65                                         16

PUNTLAND              28                                          7 *

RRA/shaati             14                                           4

RRA/madobe          14                                           4

JAWHAR                 14                                           4

JVA                        13                                           3

NAKURU                   9                                           2

SNF/biixi                  7                                            2

SNF/Seyid                7                                            2

JAREER WEYN           7                                            2

QANYARE                 7                                            2

UMBERELLA GROUP   5                                            1

SNU/Benadiri            3                                            1

SDU                         2                                            1

BAJUNI                     2                                            1

CIVIL SOCIETY        100                                         25

 

I  I  D  H  E  H

Warqadda ay maanta gudiga farsamada Igad soo saareen waxaa kaloo ku xusnaa in maalinta sabtida ah la samayn doono diiwaan gelin cusub oo ay koox waliba soo gudbisato ergooyinkooda iyo cidda uga mid noqonaysa gudiyada lixda ah oo si gaara xaashida loogu sheegay inay noqdaan dad aqoon sare u leh hawsha gudiyada loo xil saari doono, waxay kaloo ku sheegeen in laga bilaabo Sabtida aysan dadka aan 362ka ergey ku jirin ku lahayn wax marti qaad ah oo ay iyaguna isu diiwaan gelin doonaan sidii ay soomaaliya ugu duuli lahaayeen.

Markii uu go’aankani soo baxay waxaa fagaaraha weyn ee Hotel Sirikwa shir jaraa’id ku qabtay Col. Barre Hiiraale, Maxamed Qanyare, Cismaan Caato, iyo Cumar Finish oo habka ay Igad wax u qaybisay ku tilmaamay caddaalad daro ay wakiilada Itoobiya ka dambeeyaan, waxayna sheegeen inay qaadaceen oo aysan sinaba u ogolaan doonin. Iyagoo carrabka ku dhuftay inay arintan go’aan deg deg ah berri ka soo saari doonaan, ayna arintu u dhowdahay ina shirkaba ka baxaan.

Waxaa kaloo jira inay kooxuhu shirar gaar gaar ah ku kala jiraan oo arintan ka wada hadlayaan, wakiilada Puntland iyo SRRC ayaan weli juuq laga hayn iyadoo ay kooxaha qaybtan qaadacay gudiga farsamada Igad ku eedeeyeen inay u xaglinayaan dhinaca Puntland iyo SRRC, Mawliid Macaane oo ahaa ninkii ugu kululaa kooxaha sida weyn u diidanaa qaybtii hore ee Igad ayaan isaguna maanta ka qayb qaadan shirkii jaraa’id ee ay saaxiibadii qabteen, galabtana waxaan arkayey iyagoo la doon doonayey inuu waraaq ay doonayeen inay saxiixaan si uu u saxiixo, waxaana la isla dhex marayaa inuu Mawliid dhinaca kale u janjeedho.

Horay ayeey madaxda kooxaha soomaalidu ugu heshiin waayeen qaybsiga ergooyinka oo dhawr goor laga dalbaday inay kala qaybsadaan, kolkay isku dayeena ay ku sii kala fogaadeen, haddana waxaa muuqata inay weli xaaladdu qasan tahay oo Igad laga doonayo sidii ay kooxdan kacasan u qancin lahayd.

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

* sixid: xubnaha Gudiyada Puntland laga siiyey waa 7, ma ahan 16.

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»»
Ibraahim Maxameddeeq  

Is-Maan-Dhaaf ka Dhacay Shirkii Eldoret
 
Middi-middi ku taag iyo is mariwaa laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray madaxda kooxaha siyaasadda..Guji... 04/11  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD