MOI OO MADAXDA SOOMALIDA KULA KULMAY MADAXTOOYADA ELDORET
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
Oct 31, 2002
Xafladdii saaka:
kabilow Bidix koofida qaba: Maxamed Cabdi Xaashi, Cabdilaahi Yuusuf, Mawliid Macaani,
Xasan Qalaad, Maxamed Seyid
|
Madaxweeynaha dalka Kenya madaxweyne Moi ayaa maanta gelinkii hore ka qayb
galay xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta madaxtooyada
Moi ee Eldoret, waxaana xafladdan looga hadlayey heshiisyadii ay madaxda
siyaasadda soomaalida ee Eldoret ku shirsani horay u gaadheen, madaxweeyne Moi
ka sokoow waxaa xafladdii saaka ka soo qayb galay wasiirka arimaha dibedda ee
Jabuuti, Wasiirka arimaha dibedda ee Kenya, Wasiirka dalxiiska ee Kenya,
Gudoomiyaha gudiga farsamada Igad oo ah ninka shirka soomaalida daadihinaya Mr.
Elijah Mwangale, dublimaasiyiin iyo wakiilo ka kala socda bulshada caalamka iyo
hayadaha caalamiga ah.
Xafladda oo ay dad dhawr ahi ka hadleen waxaa dhinaca soomaalida uga hadlay
Mr. Mawliid Macaani, Xasan Abshir, Gen. Aadan Gabyow, Caasha Xaaji Cilmi,
Cabdillaahi Yuusuf iyo Shariif Saalax Maxamed oo dhamaantood Ammaan iyo mahadnaq
ay madaxweyne Moi u soo jeediyeen ka sokoow carrabka ku adkeeyey baahida loo
qabo in shirka Eldoret uu noqdo shirkii ay colaadaha soomaliya ku soo geba
geboobi lahaayeen ee ay soomaalidu kaga raysan lahayd dhibaabahii waayahan
daashaday.
Qofkii ugu horeeyey ee fagaaraha ka hadlay oo ah Ergeyga gaarka ah ee ay
Kenya Arimaha soomalida u xilsaaratay isla markaana ah gudoomiyaha gudiga
farsamada Igad Mr. Elijah Mwangale ayaa Moi war bixin kooban ka siiyey hanaanka
shirku u socdo iyo marxaladihii uu wejiga hore ee shirku soo maray, isagoo
madaxweynaha mid mid u baray madaxda soomalida, kaddibna Mr. Mwangala wuxuu
shaaca ka qaaday inay soomalidu ku heshiisey wejigii hore ee shirka, isagoo
xusay inay soo saareen baaq kuna heshiiyeen habkii uu shirku u socon lahaa. Mr.
Mwangale wuxuu madaxweeynihiisa la socodsiiyey in ergooyinka loogu talo galay
inay ahaadaan 350 halka ay hadda ka marayaan 800-1000 taas oo uu sheegay in si
loo dhimo ay ka wada hadli doonaan madaxda soomaalida.
Gen. Aadan Gabyow oo ka mid ahaa ragii xafladda ka hadlay oo ku hadalayey
magaca SRRC ayaa isna caalamka weeydiistey inay tallaabo ka qaadaan cidii isku
dayda inay shirkan iyo wixii ka soo baxaba carqaladeeyaan, wuxuuna soo jeediyey
inaan wejiga hore ee shirka lagu kala tegin ilaa iyo inta dawlad laga dhisayo,
wuxuuna yidhi: “Ma doonayno inaynu kala tagno inagoon waxba dhisan”. Wuxuu
kaloo Mr. Gabyow adduunka ka codsaday in soomaaliya la geeyo ciidamo hubka ka
dhiga, wuxuuna xushmad darro ku tilmaamay in dagaal dhaco iyagoo xaajadii u
fadhiya.
Waxaa kaloo dhinaca soomalida ka hadlay Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sheegay
inuu ku hadlayo magaca dawlad goboleedda Puntland ayaa ugu horaynba carrabaabay
inuu Moi abaal weyn ku leeyahay oo uu markii uu soomaaliya 1978kii ka soo baxay
uu magan gelyo siyaasadeed siiyey isagoo goortaas ahaa madaxweeyne ku xigeenka
Kenya wuxuuna yidhi Cabdillaahi: “Xiligaas aniga iyo Moi midkaayana ma filayn
inaanu maanta Eldoret ku kulmayno oo soomaaliya oo baaba’day baad in wax loo
qabto gacmaha isu qabsanaysaan ismaanaan lahayn”. Wuxuuna Col. Cabdillaahi
shirka Eldoret ku tilmaamay shirkii ugu xasiloonida badnaa intii shirar la soo
qabtay oo uu tibaaxay inuu badiba shirarkaas ka qayb galay, wuxuuna xusay inay u
muuqato inshaaro nabadeed, inshaaro qarankii soomaaliya oo soo noqonayo, in
shaaro tilmaamaysa wadamada geeska afrika oo nabad ku wada nool, wuxuuna
rejooyinikaas u muuqda sabab uga dhigay laba arimood oo kala ah:
1- Gudiga farsamada Igad, waddamada safka hore, iyo bulshada caalamka oo uu
sheegay inay dadaal iyo hogaamin wanaagsan shirka ku wadeen.
2- Hohgaamiyayaasha siyaasadda oo sidii hore ka debecsan oo uu is bedel ka
muuqdo kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo wada xiiqsan oo dhiig-kar iyo
sonkor wada qaba.
Cabdillaahi Yuusuf oo hadalkiisii maanta si weyn loola dhacay ayaa fagaarihii
si qayaxan uga yidhi: “Inta madaxda soomaalida sheeganaysa ee halkan fadhida
anigaa ugu caafimaad roon anigana beerkaa la iga bedeley oo beer qof kalaan ku
shaqaynayaa”, Wuxuuna ballan qaaday in go’aamadii uu saxiixay ee halkan
lagaga heshiiyey uu dhulka Puntland oo uu ku tilmaamay sadex meeloodoow meel
soomaaliya ka hir gelin doono, wuxuuna madaxda soomaalida ugu baaqay inay
iyaguna go’aamada heshiiskan ka fuliyaan meelaha ay ka taliyaan isagoo ku
dardaarmay bar-bar-kay ka baxdaa waa Bakayle qaleen.
Cabdillaahi Yuusuf oo ay wejigiisa farxad weyni ka muuqatey ayaa fagaarihii
il-yartu is qabatay ee saaka si cad uga yidhi: “Belaayadan soomaaliya ka
socota ninkii bilaabay baan ahaa, haddana nabad baan doonayaa, haddiise la isku
dayo in la igu dur duriyo waan is difaacayaa”.
file:Madaxweyne Moi
|
Ugu dambayntii waxaa xafladdii saaka fagaaraha hore ee madaxtooyada Moi lagu
qabtay ka hadlay madaxweeyne Moi oo madaxdii soomaaliyeed ee hor fadhidey u
sheegay inay ballan qaadeen inay nabadda xoojiyaan, inay isu socodka gargaarka
bani adaninimo nabad gelyadiisa gacan ka gaystaan, inaad xabadda joojisaan iwm,
wuxuuna yidhi: “waxaa wanaagsan oo lagama maarmaan ah inaad ballan qaadkan ka
dhabaysaan, weliba waxaa wacan inaad Muqdisho ka degtaan oo dekadda furtaan”,
Madaxweeyne Moi wuxuu sheegay in haddii ay soomaaliya nabadoowdo ay soomaliya
iyo Kenya iskaashi dhaqaale yeelan karaan, sidaas oo kalena laga rabo inay
nabdoonaadan wadamada geeska afrika sida Suudaan oo kale, Madaxweeynaha martida
loo yahay wuxuu xusay inuu aqoon durugsan u leeyahay qaar ka tirsan madaxda
kooxaha soomaalida, kuwana ay saaxiibo yihiin.
Wuxuuna hogaamiyayaasha soomaalida ugu baaqay inay dagaalada joojiyaan oo
wixii ay saxiixeen ay ka dhabeeyaan, wuxuuna yidhi: “Ubadka, hooyooyinka iyo
bulsha weynta soomaaliyeed waa inaad uga midho dhalisaan rejadan nabadeed ee u
soo noqotay”. Wuxuuna shaaca ka qaaday inay bulshada caalamku diyaar u tahay
inay taageerto shirka iyo wixii ka soo baxaba, ugu dambayntiina wuxuu si rasmi
ah u saxiixay heshiiskii ay soomalidu shirka Eldoret ku gaadhay.
Madaxdii soomalida ee xafladda timid oo uu weriyaha somalitalk.com ee Eldoret
rejada shirka wax ka weeydiiyey ayeey qaar badan oo wufuudda xafladda joogtey ka
mid ahi u sheegeen inuu ilaa iyo hadda shirku u muuqdo mid rejo wanaagsan leh,
ayna aad ugu dhawdahay inuu noqdo mid guul ku dhamaanaya.
Ibraahim Maxameddeeq
Somalitalk.com
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

Heshiis
Ka Dhacay Shirkii Eldoret
»» Hogaamiyayaasha
siyaasadda Soomaliya ayaa qalinka ku duugey qodobadii habka dibu heshiisiinta
»» "... Moi inaad
heshiiseen aad ayuu ugu farxay wuuna iga rumaysan waayey inaad heshiiseen"
Mr. Elijah
»»Qowmiyadda Banaadiriga oo xubin loo
aqoonsaday
Dhammaan
Ka Akhri Warbixintii Ibraahim Maxamedeeq 27/10
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|