WARAYSI GEN. MORGAN ELDORET
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
Oct 30, 2002
Gen. Maxamed Saciid
Xirsi Morgan
|
Galabnimadii Talaadada ee ahayd
ee ay bisha Oktoobar 29ka ahayd anigoo ah Ibraahim Maxameddeeq waxaan hoteelka
uu degan yahay ku booqday Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo ka mid ah maadaxda
siyaasadda soomaaliya ee Eldoret ku shirsan isla markaana aan ayaamahaasba
doonayey inaan waraysi la yeesho laakiin isagoo aad u mashquulsanaa darteed ay
ii suuroobi weeydey inaan horay ula kulmo, gaadhigii aan watay markii uu i dhigay Hotelka uu Jeneraalku degan yahay hortiisa waxaan kula kulmay dad faro
badan oo doonaya inay jananka la kulmaan iyo weriyayaal shisheeye u badnaa oo ku
xoonsanaa iridda Hotelka aadna u danaynayey inay Morgan arkaan, Laakiin anigu
waxaan haystey ballan ii saamaxday inaan halkaa la igu hor joogsan, markaan
gudaha sii galay waxaan la kulmay dublimaasiyiin caaddaan ah oo iridda guriga
Jananka tuban oo iyaguna doonaya inay Morgan la kulmaan.
Cabbaaar markaan sugayey oo ay
dadkii iga horreeyey Jananka u galeen ayaan qolkii uu Gen. Morgan ku jirey horay
u galay, waxaan la kulmay Gen Morgan oo gadh weyn iyo shaarubo isku baxay leh oo
si degan u dhex fadhiya qolka uu hoteelka kaga nool yahay, waa nin si qaboow u
hadla oo aad u dabci-san, wixii aad weeydiisana si aan dhirif lahayn kaaga
jawaabaya, Kolkaan u soo galay intuu sigaar uu cabayey dib u jiiday ayuu igu
idhi: "soo dhowoow". Markiiba waxaan jeclaystay inaan hawshayda guda
galo waayo waxaan dareemayey inay dad badani weli iridda Jananka dhoobnaayeen oo
aanan wakhti dheer haysan dabadeedna si boobsiis ah ayaan su'aalahaygii ugu
qadimay, ugu horrayna waxaan weeydiiyey bal inuu ii guud maro taariikh
nololeedkiisa inta uu iiga sheekayn karo, wuxuuna iigu war celiyey sidan:
"Waad mahadsan tahay,
Waxaan ku dhashay magaalada Qardho, dugsiga hoosena waxaan ka dhigtay isla
Boosaaso iyo Qardho, Fasalkii koowaad ee dugsiga dhexe ayaana Xamar u soo
wareegey, iskuulkii Carabta Masaarida dugsigii Allaahida ayaan dugsiga dhexe iyo
dugsiga sareba ku soo dhamaystay 1967kii ayaan dugsiga sare ka baxay,
markaan ka baxayna waxaan galay ciidamada kaddibna sadex sano oo kooras ah ayaan
dalka Raashka u aaday, markaan ka soo laabtayna waxaa dhashay kacaankii 21ka
Oktoobar, kacaankaas ayaanna ku noqday saraakiishii ugu horaysey ee Raashiya ka
timaada, laba kooxood keliyaa iga dambaysey, kaddib waxaan ka mid noqday rag loo
doortay inay la shaqeeyaan madaxtooyada , oo madaxweeynaha la shaqeeya, muddo
lix sano ah ayaan madaxweeynaha la shaqaynayey mar aan u ahaa body guard iyo mar
aan u ahaa xoghayn intaba waan la soo maray ilaa iyo 1976kii.
Siyad Barre
|
Kaddib dagaalkii 1977kii waxaan
taliye ka noqday guutadii koowaad ee madaafiicda goobta waxaana dhacay dagaalkii
77kii, waxaana ka mid ahaa saraakiishii dagaalkii gashay, waxaanuna ka dagaal
galay aagga Doolow ilaa Nagayle muddo kadibna aaggii waxaa loo soo bedeley oo
taliye ka noqday Cabdillaahi Yuusuf, anigana waxaa la igu soo celiyey taliyihii
guutada koowaad halkaas oo ay markaa abaabul iyo tababaro ka socdeen ilaa aan
noqday taliyaha deegaanka Xamar.
Markaas kaddib waxaan kooras
laba sano ah u aaday Maraykanka Commander General Staff College oo Kansas
ku
taala ayaan ka soo baxay, markaan ka soo noqdayna waxaan noqday taliyaha qaybta
21aad ee Dhuusa-Mareeb oo ay markaa dagaalo xoogani Balanballe ka socdeen
xiligii Mingisstu, saddex sano ayaan ka soo sheqeeyey halkas oo ahaa meelihii
ugu dhibaatada badnaa, kaddib waxaa la ii bedeley qaybta 26aad ee Waqooyi
galbeed oo aan iyana laba sano iyo badh ka soo shaqeeyey, dagaaladii sokeeye ee
meesha ka dhacayna ay ila soo gudboonaadeen, Markaan qaybta 26aad joogey waxaan
noqday hogaamiyihii gudigii loo saaray kala raridda ciidamada Soomaaliya iyo
Itoobiya labada dhinacba, markaan ka soo noqdayna waxaan noqday wasiir ku
xigeenka gaashaan dhiga, kaddibna wasiirka hawlaha guud iyo gurayaynta, ugu
dambayntiina wasiirka gaashaandhiga.
Markii ay dawladdii bur
burtayna waxaan ka mid noqday ragii hogaamiyayaasha jamhadaha oo dalka kama
bixin Jubba land meesha la yidhaahdo oo uu ururka SPM masuul ka yahay ayaan
guddoomiye ku xigeen ka ahay Adan Gabyowna waa guddoomiyaha ururka, waan dhaaf
dhaafayaaye intaas baan ku soo koobi karaa".
Su’aal: Gen: Morgan markaad
yarayd ma ku hamiyi jirtay inaad noqoto sarkaal sare oo ciidamada ah?
Gen Morgan: waagii aan ardayga
ahaa asxaab badan ayaa wadaka ka jirtey, urur dhalinyaraa jirey waxaanna ka ahaa
xubin weliba waxaan ka mid noqday xoghayayaasha sare ee ururka, waxaan ka mid
ahaa ragii mudaharaadyada qaban qaabin jirey sida mudaharaadyadii xornimada
Jabuuti iyo NFD sidaa darteed milateriga waagaas wixii i geeyeyba waxay ahayd
wadaninimo ku dhisan in dalka soomaaliyeed iyo dhulalka maqan la helo, anigu
waxaan ku soo bar barbaaray wadaninimo, taas ayaana darajadan i soo gaadhsiisay
baan odhan karaa, qof kastoo dhalinyaro ahna waa inuu ku hamiyaa inuu wax noqon
karo, dalkiisana wax ka noqon karo waayo dadka jiilba jiil buu bedelaa, annagu
jiil baan bedeley, berrina jiil baa na bedeli doona, laakiin muhiimaddu waa inuu
qofku wadaniyadda dalkiisa ku bar baaro, sidaasaa ku haboon.
Su’aal: Gen. Morgan qof
waliba wuxuu leeyahay hiwaayad uu si gaara u xiiseeyo, adigu maxaad ka heshaa oo
hiwaayadaada ah?
Gen. Morgan: Hiwaayadayda aan
jeclahay weligayna aan ka helo ilaa ardaynimadaydii waxaa weeye iboortiga
qaybihiisa kala duwan, dabaasha waan jeclahay, noocyada isboortiga oo dhan waan
jeclahay, ama orod ha noqoto, ama lug ha noqotee hiwaayadaydu waa middaas.
Su’aal: Sidee baad shirka
Eldoret u aragtaa?.
Gen. Morgan: saddex iyo
toban
shir baa hadda ka hor la qabtay intooda badan anigu kama qayb gelin, shirkii
Soodare ee Itoobiya iyo kii Kenya waagii UNISOM lagu qabtay ayaan ka qayb galay,
wuu yaraa ka qayb galkaygu waayo waxaan qabay ilaa iyo haddana qabaa si
soomaaliya xal loogu helo waxay u baahan tahay in la derso dhibaatooyinka jira
haddaan dhibka gudaha soomaaliya ka jira iyo dagaalka 12ka sano socday aan xal
loo helin dawlad baan dhisaynaa, bani aadamka qaar baa waxay halkan u joogaan
xukun raadis, meel aan waxba jirin buu nin xukun ka raadinayaa, xaqiiqda dhabta
ah ee aan ummadda soomaliyeed maqashiinayaa waxay tahay xal soomaaliyeed waxaa
la heli karaa marka dhibaatooyinka dalka gudihiisa ah ay xaliyaan dadka
soomaliyeed oo ay daacad isaga noqdaan, maalin walba in waraq la saxiixo oo baaq
la saxiixo haddee sadex iyo tobankaasba waraaqaa la saxiixi jirey, annagu ma
doonayno inay tii oo kale noqoto. Kan waxaad moodaa inuu xoogaa kuwii hore ka
duwan yahay sabatuna waa saddexda weji ee shirkan loo qaybiyey, wejigan koowaad
ee hadda la isugu yimid ee baaqa laga soo saaray, joojinta colaadaha, gudiyaal
in la saaro kaddibna wejiga labaad inay gudiyaashu ay xaliyaan, dhibaatooyinka
talo ka soo jeediyaan, dhibaatooyinka dalka gudihiisa ka jira ay ka soo talo
bixiyaan waxaana taas ka mid ah dad dhulkoodii xoog lagu haysto, dad beerahoodii
la haysto, dad waxyaabihii ay gaarka u lahaayeen la haysto, waxaa ka mid ah
caddaalad xumo xun oo dalka gudihiisa ka jirta, oo uu dagaalka sokeeye sabab u
noqday haddaba hadaan intaas oo dhan marka hore la xalin dawlad baan soo
dhisaynaa, hebel baa is magacaabaya, madaxweeynaan ahay, Raysal wasaaraan ahay,
magac waxba ma tarayo, waxa wax-tarka ahi waxa weeye in ummadda soomaliyeed ee
12ka sano dhibaatada ku soo jirtey in wax loo qabto, karaamadii iyo sharafkii aynu lahayna aynu soo ceshano, kii aan adduunka ku lahayna aynu soo
ceshano, dawladaha deriska ah ee shirkan inoo qabtayna aynu derisnimo wanaag
kula noolaano.
Hadaba haddaan wadadiisa la
bedelin kani kuwii hore wuu rejo dhaamaa, dad baa waxay qabaan, in hal weji laga
dhigo oo wejiyada kale la tir tiro, dadka sidaas wataana waa dad aan doonayn
maslaxad soomaaliyeed laakiin anagu waxaan ayidsanahay wejiyadaa loo qaybiyey
iyo qaabkaas lix bilood iyo sideed bilood hadduu doono ha qaatee in loo daayo si
ay natiijadu u noqoto mid sharaftii iyo karaamadii qaranka soomaaliyeed soo
celisa.
Su’aal: Laakiin ma kuula
muuqdaa mid midho wanaagsan dhali kara?.
Gen. Morgan: haddii aan laga
bedelin wadada uu iminka ku socdo oo dadka arimaha gudiyaasha loo xulayo aysan
ka iman dadkii dagaalamay, waxaa la yidhi Bulshada rayidka ah waa qabiil,
bulshada rayidka ahi halkan cod kuma laha dadka codka laga rabaa ee xalka laga
doonayaa waa ragayaga la yidhaahdo siyaasiyiinta, marna la yidhaahdo qab
qablayasha dagaalka ee magacyada badan loogu yeedho, haddaanan anagu is afgaran
oo aanan si daacad ah isu afgaran waxaa weeye xalku wuu adkaanayaa haddase
haddii wadada uu shirku ku socdo aan laga bedelin, waxaan qabaa inuu shirku rejo
yeelan karo laakiin haddii jidkiisa laga weeciyo kuwii horuu la mid noqonayaa.
Su’aal: Magaalada Kismaanyo
ee aad badiba xiliyadan colaadaha sokeeye ka talin jirtey iminka waxaa ka taliya
Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ay halkan ergooyinkii ka socdey joogaan haddaba
haddii deegaankii aad meteli jirtey lagaa haysto yaad shirka u metelaysaa?
Sanguuni: Dhulbaraha Soomaaliya
|
Gen: Morgan: Horta deegaanka oo
dhan lama wada haysto, SPM deegaankeedu waa jubbada dhexe iyo jubadda hoose,
waxaa la haystaa magaalada Kismaanyo, annaga ciidankayagu 40km ilaa 50 km ayuu
Kismaanyo u joogaa, Afmadow bay joogaan oo 120km Kismaanyo u jirta, Buulo Xaaji
bay joogaan oo 80km Kismaanyo u jirta, Joore oo dhan bay joogaan, dhulka xaq
darraa lagu haystaa, budh cad isa soo abaabushey oo walaalaha Galgaduud la
baxday ayaa qabsatay waxaana gacan ku siiyey Kooxda Carta ee Caabdi qaasim
hogaamiyo, dagaaladii ugu danbeeyey ee July'dii ugu dambaysey dadku
deegaankoodii inay ku noqdaan way damceen waana ku laabteen waxaa u soo hiiliyey
oo soo abaabula Cabdi Qaasim, waxa weeye inuu dhulkaasi dadkii lahaa gacantiisa
ku soo noqdo, cid taas laga baryayaana ma jirto, waayo nin waliba soomaaliya
deegaan buu degan yahay adduunka oo dhan waa sidaas, nimanka isbahaysiga la
baxay hadday moodayaan inay dhul dad leeyahay haysan karaan, ma haysan doonaan,
waa haddii la doonayo inay nabad soomaaliyeed timaaddo, horseed waxaa u noqon
kara dhulka la haysto oo xal loo helo, macno kasta oo ay ku timaadaba anagu
taasaan soo dhoweynaynaa, haddii nabad la waayana wejiga labaad oo lagu galo
anagu waan soo dhoweynaynaa, deegaankaasi dadkii lahaa inuu gacantiisa ku soo
noqdaa muhiim ah, kuwa xaaraanta ku haystaana inay ka baxaan.
Su’aal: Waxaa jirtey inaad
muddo gaaban Magaalada Kismaanyo gacanta ku dhigtay, maxaa haddana markiiba kaa
soo saaray?.
Gen: Morgan: Waxaa naga soo
saaray Cabdi Qaasim oo qaab qabiil ciidan ku soo abaabuley, taas ayaana sabab u
ahayd inaan ka soo baxno, waxa dhulka dhibaatada ka wadaana waa Cabdi Qaasim iyo
kooxda Carta oo dhib ku haysa, dooxada Jubba yaa abuuray?, yaa aasaasay?, waa
dad gobolada dhexe iska soo bahaystay, haddana Cabdi qaasim baa taageera, waa
kuwaas kuwa dhibaatada deegaanka ka wadaa.
Su’aal: Intii uu shirka
Eldoret socdey Habayn waxaan u jeeday adiga iyo Col. Barre
Hiiraale oo is gacan
qaadaya, salaantaas maxaad ku fasiri kartaa?.
Gen: Morgan: Cid kastoo shirka
timaadaa way is gacan qaadayaan oo haddii qof salaan kula soo aado waad
salaamaysaa laakiin iskuma xira salaanta iyo waxa jira ee la isku haystaa,
xaqiiqdiina salaani waxba ma kordhiso, waxaanu isku haysanaa wax ka weyn..
Su’aal: Gen. Morgan, markaan
muuqaalkaaga wax ku cabiro marka aad xarunta shirku ka socdo ee Sirikwa dhex
joogto waxaad u muuqtaa nin halgan ku jira waayo waxaad tahay janaraalka keliya
ee Buud iyo dhar ciidan shirka ku yimaadda, maxaad u halgantaa?.
Gen. Morgan: waxaan u
halgamayaa nabadda soomaaliyeed inuu qarankii soomaliyeed soo noqdo, Buudka aan
gashanahayna kabaha caadiga ah ee la gashaduu ka mid yahay, anigu tuutana ma
qabee dharka aan qabo waxaan u arkaa fashion, su'aashaaduna wax la yaaba ma leh
oo dad horaa I weeydiiyey adiga keligaa maaha, qof waliba wuxuu xidhaa wuxuu ka
helo marka anigaa ka helay inaan qaabkaas u lebisto.
ka
biloow bidix: Ibraahim Maxameddeeq, Col. Barre Hiiraale, Mr. Deeq, iyo Col.
Yeey. waraysigii
Barre
|
Su’aal: Mar aan Col. Barre
Hiiraale waraysi la yeeshay wuxuu ii sheegay inuu wada hadal u socdo saraakiil
iyo wax garad adiga horay kuu taageeri jirey oo ay haddana waraaqihii heshiiska
soo wada saareen, maxaad heshiiskaas kala socotaa?.
Gen. Morgan: Soomaalidu waxay
ku maahmaahdaa habar dhali weeydey Aleele ku waalatay, meesha afar nin oo inta
qol lala galay waraaqo saxiixay oo yidhaahda dad baan magaciisa ku heshiinay wax
macno ah kuma fadhido talada jubboyinku waxay ka go'daa ururka SPM
hogaamiyayashiisa, odayaashiisa, wax garadkiisa, ciidamadooda, niman aan cidna
metelin oo meelahaas iska ordaya wax macna ah hadda inay ku fadhido uma arko,
cid loo wakiishay oo heshiis la gashayna ma jiraan, intay deegaankaas dhex
fadhiyaan heshiisba ma dhici karo, heshiis wuxuu iman karaa markay ka baxaan.
Su’aal: Laakiin Janaraale
Col. Barre Hiiraale wuxuu ii sheegay inuu heshiis iyo nabad diyaar u yahay,
adigu miyaadan sidaas doonayn?
Gen. Morgan: Hadda ka hor baanu
Ceel Berde isku hor fadhiisanay, isagu ma joogin ee wakiil buu u soo dirsaday,
waxii aanu ku kala tagnayna waxay ahayd heshiis marka la doonayo gurigaagii baan
fadhiyaa, dad baan xoolahoodii qabsaday, dhibaataan dadkii ku hayaa, sidaas aynu
ku heshiino adduunyada meel laga yaqaanaa ma jirto, ciidamadiisa Kismaanyo ha
kala baxo oo ha ku noqdeen meelihii ay ka yimaadeen, markaas ayaan is hor
fadhiisan karaa oo wixii dan ah oo jira aanu ka wada hadli karaa?.
Su’aal: Waxaad tahay nin in
badan siyaasadda soomaaliya ku soo dhex jirey oo la odhan karo wuxuu khabiir ku
yahay siyaasadda soomalida haddaba sidee bay shaqsiyan kuula muuqataa in
mashaakilka soomaaliya lagu xalin karo?.
Gen. Morgan: mashaakilka
soomaliya xalintiisa waa la khalday oo dad badan oo dano gaara leh baa khalday,
kuwaas oo bulshada caalamka been u sheega, aragtidoodana ay damacnimo
siyaasadeed ku salaysan tahay, xaqiiqda dhabta ahina waxa weeye xal soomaaliyeed
waxa uu ku iman karaa marka dadka 12kii sano dagaalamayey ay daacad ka noqdaan
in waxa jira laga wada hadlo, la xaliyo, haddan dhulka la kala haysto la xalin
oo beeraha iyo guryaha la kala haysto la xalin, ma qabo inay nabadi iman karto,
nabadi waxay ku iman kartaa caddaaladda, dalka soomaaliya reer reer sida loo
kala degan yahay waa la yaqaan, marka haddii reer dhulkiisa lagu duulay oo reer
kale qabsaday dawladda markaas caddaaladda u arkaysa oo odhan doonta hadhow baan
kaaga kicin doonaa markuu hadhoow xukunkii helana ku sii adkaysanaya meeshaas
wax nabadihi kama iman karto.
Xaqiiqda dhabta ah waxaan u
arkaa haddii la doonayo inay nabadi timaaddo mashaakilaadka gudaha ka jiraa waa
inay horta dhamaadaan kaddib waa inay ummadda soomaliyeed isu timaaddo
madaxweyne ha doorteen, Raysal wasaare ha samaysteen, anigu xukun ma danaynayo,
laakiin waxaan danaynayaa nabad soomaaliyeed iyo in mashaakilku dhamaado, dadka
xukunka u ooman anigu kuma jiro wixii aan dadkaygu ila rabinna ma doonayo inaan
laaluush ku baxsho, ma doonayo inan lacag ku fund gareeyo, ma doonayo
inaan i doorta idhaahdo, soomaali bay u taalaa ciddii maanta dhibka ka saari karta,
cidday doonayaana iyagay jirtaa.
Su’aal: Gen. Maxamed Saciid
Xirsi Morgan hadda wada hadlaka waad ku jirtaa, heshiis baad wax ka saxeexday,
kuwii dhulka laga haystey iyo kuwii haysteyba way is hor fadhiyaan, adiguna
waxaad aad ugu dheeraatay in dhulka la kala haysto wax laga qabto, xagee bay
arintu iska qaban la'adahay?.
Gen. Morgan: Horta baaq baa
hadda la saxeexay, heshiis lama saxeexin inaanu ogolahay in soomaaliya nabad
laga dhaliyo ayaanu saxiixnay, haddii aad qodobada akhriday waxaa ku hoos jira
waraaqo kale oo laga hadli doono, in dastuur la sameeyo, in dhulka la kala
haysto laga hadlo, waxa ciidanka isku haysta, waa hawlahaas sababaha gudiyada
loo magacaabayo, gudiyadaasaa talo ka soo jeedinaya qaabka arimahaas xal loogu
heli karo, marka arintu weli way laalan tahay.
Su’aal: Soow kumaydnaan
heshiin qaabkii shirka lagu wadi lahaa?.
Gen.Morgan: Haa, kaas waa la
isla ogolaaday habka ay shaqadu u soconayso.
Waxaa Eldoret ku waraystay
Ibraahim Maxameddeeq
Somalitalk.com
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

Waraysigii
Col. Barre Hiiraale
Ibraahim Maxamedeeq wuxuu
waraysi ku saabsan shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ka socda iyo
arimo la xidhiidha deegaanka Kismaanyo kula yeeshay raarta dambe ee Hotel
Sirikwa guddoomiyaha isbahaysiga dooxada... GUJI.Halkan
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|