SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
SHIRKA ELDORET IYO MAANTA OO SABTI AH

Gen. Gabyow oo ilmeeyey Gen. Gaani-na katirayo qiiro awgeed

 

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 26, 2002 

I  I  D  H  E  H

 

Subaxnimadii hore ee saaka ayeey xubnaha dawladda ku meel gaadhka ah metelayaa sheegeen in aysan cag soo dhigi doonin hoolka shirka tan iyo inta ay gudiga farsamada Igad ka soo jawaabayaan xaashi ay xalay u direen oo ka hadlaysey sida loogu xusayo magaca dawladda ku meel gaadhka ah barnamijka qabyada ah ee weli la isku mari la yahay, Wasiir ka tirsan TNG’da ayaa ii xaqiijiyey in ay Igad markii horeba ku marti qaaday magaca TNG, khaladkana ay iyagu iska leeyihiin ee aysan kooxaha soomaalidu waxba ku lahayn.

TNG’du kolkii ay horay shirkii u iman weeydey ayuu wasiirkii gaashaandhiga ee Dawladdii Soomaaliya ugu dambayswey Gen. Aadan Gabyow oo ka qiirooday dayaca maanta Soomaali haystaa, isagoo ooyaya ka khudbadeeyey barxadda dambe ee hotel Sirikwa, Janaraalka oo lug iyo gacan si weyn uga xanuunsan isla markaana Ul ku tukubayey ayaa sidii uu u fadhiyey kor u hinqaday oo cod dheer ku kulmiyey badiba Soomaalidii markaa ka ag dhoweeyd, wuxuuna Soomaalidii ku soo xoontay u sheegay in aysan cid rabtaa jirin haddii aysan iyagu wax qabsan. Aadan Gabyow oo ay oohini ka xayirtay hadaladii uu doonayey inuu Soomaalida u soo ban dhigo ayaa shaaca ka qaaday inuu ka qayb galay ilaa laba iyo toban shir oo aan mid keliya wax guul ah laga gaadhin. Midka manta loo fadhiyaana uu kuwii hore la mid noqon doono haddii aysan soomaalidu is daba qaban.

Mr. Gabyow oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeedka SPM ayaa loo dhigay kursi kaddib markii ay baroortii ka badatay waxaana jananka garbaha hayey oo sufuleeti ilmada kaga tirayey Gen. Gaani oo ay laftiisaba qiirada Aadan la ooyey sida uu uga damqaday wejigiisa laga garanayey. Dhamaan dadkii uu Aadan ka dul ooyey ayaa iyaguna si weyn ay damqasho wadaninimo ay u gil gishey, cabbaar kaddibna dumarkii iyo ragii ku soo xoomay ayaa jananka u gelbiyey meel geed hoostii ah waxayna ka daba qaadayeen ereyo ay ka mid ahaayeen: “soomaaliyeey silic ku dhimo” iyo wax la mid ah, taasoo markii dambe isu rogtay banana bax ay xayn dumar ahi kula dhex meeraysteen hotel Sirikwa.

Intii uu mudaharaadku socday waxaa mudaharaadayaasha ka hor yimid hogaamiye kooxeedka Cismaan Caato oo ay dumarkii iyo ragii qaylinayey si kulul ugu sheegeen inay heshiiyaan madaxda kooxuhu, Cismaan Caatona intuu aayar doc isu taagay ayuu shiddo la’aan u yidhi: “haddaad rabtaan in dawlad soomaaliyeed la dhiso nimankan Carta bakhtigan ay afka ku hayaan ha laga soo tufo”. Laakiin nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kuwii mudaharaadayey ayaa intuu aad Cismaan ugu dhowaaday si karoox ah ugu sheegay inuu wakhtigoodii dhamaaday oo haddii aysan halkan ku heshiin laga tashan doono.

Si kastaba shirka Eldoret ha ku dambeeyee hogaamiye kooxeedyada dhulka soomaaliya ka taliya ayaa manta kulan ay u dhan yihiin kaga soo qayb galay shirkii caadiga ahaa ee ilaa shan iyo tobankii bishan ay halkan u joogeen, ugu horayna Guddoomiyaha gudiga farsamada Mr. Elijah Mwangala ayaa shirka soo hor dhigay barnaamijkii qabyada ahaa ee ay ayaamahanba madazxda soomaalidu ka doodaysey isagoo qodobkii la isku mari waayey wax ka soo bedeley, is bedelkaasoo ah in ereyga ka qayb gale lagu macneeyo TNG, SRRC, PUNTLAND, SRRC/Nkuru, iwm, taasoo noqonaysa mid taageero u ah wixii ay dawladda ku meel gaadhka ahi dalbanaysey.

Mr.Mwangala oo sharaxaad ka bixinayey sababta uu sidaas u yeelay ayaa sheegay in dawladda ku meel gaadhka ah ay Igadh ku macsuuntay magaca TNG, waxaana dood kulul arintaas ka keenay ururka SRRC iyo Puntland oo sheegay inaysan sidaasi macquul ahayn, galabta shanta galabnimo ayeey mar kale madaxda kooxuhu dib ugu kulmi doonaan qolka shirarka iyagoo doodooda sii amba qaadi doona.

Shirka Eldoret, Marba Waji
Gudiga lataliyayaasha Shirka Eldoret ee IGAD oo laga horyimid, danjiraha Itoobiya u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyey waraysi uu ku tilmaamay mid been abuur ah, iyo...  GUJI.Halkan

 


Ibraahim Maxamedeeq

 E-mail: imdeeq@hotmail.com

Eldoret, Kenya 

Oct 26, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD