WASIIRU DAWLAHA HAWLAHA GUUD: (WARAYSI)
CALI FIQI
Maanta oo sabti ah waxaan xarunta uu shirka dibu
heshiisiinta soomaalidu ka socdo ku waraystay wasiiru
dawlaha dawladda ku meel gaadhka ah Mr. Cali Fiqi oo
ka mid ah ergooyinka shirka dibu heshiisiinta
soomaalida ka qayb qaadanaya, su’aashii ugu horaysay
ayaa ahayd waxa uu Cali ka filayo shirka Eldoret inuu
ka soo baxo, wuxuuna iigu jawaabay:
Walaal Ibraahim waxaan shirka ka filayaa inay midnimo
soomaaliyeed iyo midnimo qaran ka soo baxdo.
Su’aal: ma jacayl aad arimahaas u qabtaa hadalkaas kaa
keenay mise saansaan rejo wanaagsan ayaa shirka kaaga
muuqda?.
Jawaab: horta jacayl kama madhna, san saankeediina wuu
iiga muuqda shirka waayo hogaamiyaasha kooxaha iyo
TNG’ba way wada joogaan shirka, dhinaca kiale wadamada
ku bahoobey urur goboleedka Igad ayeey iiga muuqataa
inay shirka daacad ka yihiin, sidaasaan ugu
malaqynayqa inuu shirku najaxayo.
Su’aal: Adigu waxaad tahay wasiir TNG ah marka haddii
ay kooxaha kale ee3 halkan ku shirsani wax isla
gartaan, xaggiina Malaga caal helayaa?.
Jawaab: haa walaal waa nalaga helayaa taasina waa
midda aanu Eldoret u joogno.
Su’aal: Xalay shirkii siyaasiyiinta waa lagu kalam
kacay natiijo la’aan kaddib markaad ku adkaysatee4n in
magaca TNG la idiin qoro, kooxihii kalena way diideen,
waxaadna leedahay waa nalaga caal helayaa miyeeydan u
muuqan kuwa isku dhejinaya waxyaabo shirka fashilin
kara?.
Jawaab: Anagu haddaan nahay TNG halkan dibuheshiisiijn
baanu u nimid soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa
belaayo aan kaa qoslin belaayo maaha, annaga markii
casuumada naloo fidiyey waxaa nalagu casuumay magaca
TNG, halkana aqoonsi umaanu soo doonan, dawladda Carta
ayaa lagu soo dhisay, madaxweeynayaal iyo wufuud
caalami ah ayaana goob joog ka ahayd, eedda hadda
shirka ka taagana hogaamiyayaasha kooxuhu masuul kama
aha ee wax masuul ka ah gudiga farsamada Igad ee marna
TNG nagu casuumaya marna magaca dawladda qoraalada ka
reebaya, xalay waxaanu diyaarinay qoraal aanu ku
caddaynay inaanu halkan TNG ku joogno…waxaanuna ka
codsanay inay qoraalada iyo qodobka laysku hayaba
magaca TNG ku xusaan, iyagaanuna jawaab ka sugaynaa,
kamana yeelayno haddaysan magaca TNG ogolaan.
Su’aal: Inkastoo aad xoogaa aqoonsiya haysataan
haddana itaal dawladnimo lagu sheegan karo faro kuma
haysaan oo Xamar inta aad ka talisaan iyo inta aydaan
xukumin waxaa afar jeer laab badan inta aydnaan ka
talin, marka haddii ay soomaaliya ku heshiinayso oo uu
dhibkii xalka loo waayey uu TNG oo aad ka tanaasushaan
ku dawoobayo, miyeeysan waajib idinku noqonayn inaad
TNG ka takhalustaan?.
Jawaab: haddii ay dhamaan soomaalidu heshiis ku wada
noqdaan isla markaana wakhtiga doorashadu noo dhamaado
waxaan diyaar u nahay iftiinka carta ka soo baxay inay
ku soo biiraan kooxaha soomaaliyeed. Wixii geedi socod
nabadeed ah oo Soomaali dan u ahna diyaar baanu u
nahay.
Su’aal: Mudane Cali Fiqi waxaad ka soo jeedaa dadka
reer Baraawe, haddaba yaa dadka deegaankaas u dhashay
shirka ka jooga?.
Jawaab: dadkaas waxa shirka ka jooga qayb ka tirsan
todobada tol ee qoowmiyadda baraawe, waxayna la kala
socdaan DIGIL, TNG, BANAADRI, BULSHADA RAYIDKA AH,
IWM.
Su’aal: dadkaas aad ii tirisay ma mawqif midaysan bay
ku kala socdaan mise waxy u socdaan jaantaa rogan?
Jawaab: mawqif maidaysan oo wanaagsan bay leeyihiin,
wixsii ay Soomaliyi qabto ayeeyna la qabaan, wixii ay
helaana way la qaybsanayaan.
Waxaa Eldoret ku waraystay Ibraahim Maxamedeeq
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Eldoret, Kenya
Oct 26, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|