SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
XOGHAYAHA ARIMAHA DIBEDDA EE JVA: “Cid diidan go’aanka ah in qabiil ergooyinka lagu qaybsado oo G 8 ah kama war qabo”.

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 24, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
Bidix: C/risaaq Khaliif, xogahayaha arimaha dibedda JVA oo hoolka shirka dhex fadhiya 

Waxaan hotel sirikwa oo xarun u ah shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ku waraystay xogahayaha arrimaha dibedda ee isbahaysiga Dooxada Jubba (JVA) Mr. Cabdirisaaq Khaliif Ashkir oo ah nin dhalin yaro ah oo ka mid ah ergooyinka shirkan uga qayb gelayaa isbahaysiga dooxada Jubba, waraysigaas oo aan qaaday 22/11/2002 wuxuu u dhacay sidan:

Su’aal: muxuu isbahaysigiinu ka qabaa go’aanka ergada shirka ee qabiilka lagu saleeyey?

Jawaab: kaddib markaan in badan anagoo g 8 ah Igad uga dacwoonayney in ergooyinka la simo hab qabiil lagu saleeyo oo ay ogolaadeen waxba kama qabno waayo waaba wixii aanu dalbanayney.

Su’aal: Danta aad urur ahaan ka dhex aragteen in qabiil wax lagu qaybiyaa waa maxay?

Jawaab: dataan ka dhex aragnay waa caddaalad waayo waxaanu nahay caddaalad raadis.

Su’aal: maadaama aad caddaaladda sidaas u jeceshihiin waxaad la socotaa inuu isbahaysigiinu haysto gobolo had iyo jeer la idinku eedeeyo inaydaan u dhalan, maxay caddaaladdu dhinaacaas idiinakaga muuqan weeydey?

Jawaab: mabada’iyan isbahaysigayagu ma rumaysna inay soomaaliyi dhul kala leedahay, waxaan qabnaa qof kasta oo soomaali ahi inuu soomaaliya meeshuu rabo kaga noolaan karo, su’aashaasina hadda ma taagna waayo dadkii adeegsan jirey waanu la heshiiney.

Su’aal: soow lama socotid in loo haysto dadkan aad la heshiiseen inaysan miisaan culus lahayn?

Jawaab: Ilaahay dadka ma kala fadalin ee waa isku mid dadka deegaanku inay heshiiyaan uun baa muhiim aha, annagu dad gaar ah ma raadinayno, dadkii deegaankuna way nala heshiiyeen, dhulkana waa in lagu heshiiyaa dadaal badana arintaa waan ku bixinaynaa.

Su’aal: Waxaad la socotaa dadku inay kala culus yihiin oo aany sinayn waxay leeyihiin madax dhaqameedyo, siyaasiyiin culayskooda aan indhah laga lalin Karin, saraakiil qab qablayaal ah, dadyoowgaa ayaan rabaa inaad wax nooga sheegto cidda aad ka heshiiseen?

Shirka Eldoret ee Dib u Heshiisiinta Soomaalida Waxaa Maalintiiba ku baxa kharash dhan $60,000 , sidaas waxaa sheegay..... GUJI

Jawaab: haa way ku jiraan waxaa ka mid ah raga nala heshiiyey isimada kala ah Ugaas Xasan Hilaali, Nabadoonka Waamo Ismaaciil Xaaji Warsame, Col. Xagaafe, Col. Laba tinle, iyo kuwo kale oo dadkii deegaanka ka mid ah ujeedadayaduna ma ahayn shaqsiyaad ee waxay ahayd dadka deegaanka guud ahaan.

Su’aal: Waxaad ka mid ahaydeen isbahaysigii ka cabanayey ergooyinka iyo sida loo qaybiyey ee la magac baxay G 8, is bahaysigaasi ma sii jiri doonaa mise haddii aad dantiinii ku gaadheen waad kala tagteen?

Jawaab: G 8 ujeedadii loo asaasay kama sii fogayn inaanu xuquuqdii naga maqnayd ku wada raadsano inay isku sii xidhnaadaana arimaha mustaqbalka iman doona ayeey ku xidhan tahay.

Su’aal: Ogaantaa ururadii G 8 ku bahoobey ma wada aqbaleen in qabiil ergooyinkla lagu qaybiyo?

Jawaab: Cid diidan go’aanka ah in qabiil ergooyinka lagu qaybsado oo G 8 ah kama war qabo laakiin waxaan ogaa iyagoo wada ogolaaday.

Su’aal: G 8 waxaa lagu xantaa inay TNG abuurtay iyadoo dano ay leedahay ku beegsanaysa arintaasi soow ma jirto?.

Waraysiyadii Ibraahim Maxameddeeq
Waraysigii Gen. Moorgan

Waraysigii Col. Barre Hiiraale

Waraysigii S. Aadan Madoobe

Waraysigii Cali Fiqi 

Jawaab: taas wax jira ma aha waxaa nalagu marti qaaday magacyadayada, aragtidii isku midka ahayd ee aan ka wada cabanayney ayuun baa isku kaaya dartay, TNG’na waxaan u aragna iftiin soomaali u soo baxay, haddii wax dhaama halkan lagu gaadhana kaba sii wanaagsan.

Su’aal: Sheekh Aadan Madoobe iyo Xaabsade waxaa la sheegay inuu isbahysigiinu soo hubeeyey, maxay tahay siyaasadda idiinku jirtey inaad ragaas oo ay Col. Shaati Guduud is hayeen aad taageertyaan?

Jawaab: Wax hub ah iyo wax shaqo ah oo aan ree Baydhaba iyo ragaas ku darsanay ma jirto , waxaanu nahay dad deris Jubooyinka iyo Gedo ka ah oo walaalo ah.

Sua’aal: TNG mar waxaa ka soo duulay inay idinla heshiinayaan haddii uu shirku horay u socon waayo, idinkuna mar waxaad sheegteen inaad TNG xoojin doontaan haddii shirka fara gelinta shisheeye laga dayn waayo, hawshaasi ma dhab bay idinka ahayd mise waad ku caga juglaynayseen?.

Jawaab: Igad waxaanu u sheegnay haddaan caddaalad wax lagu qaybsan iyo inuusan shirku ahayn shir soomaaliyeed, mar haddii aanu saxeexayno wax aanan go’aansana aanu TNG xoojinayno, caqabdaasna hadda waa laga soo gudbay.

Su’aal: aragtidaada shirka ku wajahani waa maxay?.

Jawaab: waxaan qabaa inuu shirkani noqon karo mid soomaali dawlad loogu dhisi karo haddii an la marin habaabin, hadda qabiil, qabiil baa la isku arkayaa, jawiguna kii todobaadkii hore waxaad moodaa inuu dhaamo, waxaan rumaysnahay in TNG xal loo heli doono, sidaasna uu shirku u bilaaban doono.

Waxaa waraystay Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com | Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

Midowga Yurub oo Ku Hanjabay Joojinta Kharashka Shirka ELdoret
Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Muuse Suudi oo dalbaday in ergooyinka habka qabiil laga daayo oo habkii kooxaha lagu celiyo....  warbixintii Ibraahim Maxameddeeq... 23/11

Sifaha Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan: Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI... 23/11

DKG oo Diidey Go'aankii Shalay
iyo Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:... DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii braahim Maxameddeeq 20/11

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiilka Yar caloosha ayaa bannaanka taal -  taageero ayuu u baahanayahay -- GUJI

 

 

I I D H E H

 


I I D H E H 

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email: gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

 

Mashruuca samafalka Carruurta Soomaaliyeed GUJI...


Mashruuca Naafada iyo Da'weynta Soomaaliyeed GUJI...
Jamciyadda Samafalka Almanhal iyo waxqabadkeeda GUJI.... 
Ardayda Soomaaliyeed ee Ka qalinjebiyey Minnesota GUJI...
Columbus, Ohio iyo SomaliTalk KA.AKHRI.HALKAN 
BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM Warbixintii Ahmed-shil Mohamed
 GUJI HALKAN 

DADAALKA SOOMAALIDA AUSTRALIA
DADAALKA SOOMAALIDA MARAYKANKA 
DADAALKA SOOMAALIDA SWEDEN 
DADAALKA SOOMAALIDA INDIA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD