MAS'UUL MIDOWGA YURUB KA SOCDA OO SHIRKA ELDORET BOOQDAY
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
Nov 23, 2002
Maalintii Jimacaha ee ay bisha November laba iyo
labaatanka ahayd waxaa xarunta shirka dibu
heshiisiinta soomaalida ee Eldoret booqasho ku yimid
agaasimaha guud ee midowga Yurub u qaabilsan nabad
gelyada iyo horumarka oo ah ninka lagu magacaabo Koos
Rechalle oo kulamo la yeshay hogaamiyaasha siyaasadda
soomaalida,Haweenka soomaaliyeed iyo Bulshada rayidka
ah.
Wuxuuna kulankii ugu horeeyey oo uu madaxda siyaasadda
la yeeshay kula socdsiiyey inaan loo dulqaadan doonin
qarashka shirka oo uu sheegay inay halkii maalin ku
baxdo 60,000$ , isagoo intaa ku daray in haddii todobaadka
soo socda uu shirku horay u socon waayo ay go'aan deg
deg ah qaadan doonaan.
Dhinaca soomaalidana ragii
kulankaas ka hadlay oo kala ahaa Xuseen Caydiid, Xasan
Abshir, iyo kuwa kale waxay ninkaas ka codsadeen
inaysan midowga yurub ku deg degin inay qarashka
shirka joojiyaan maadaama dhibaato laba iyo todban
jirsatey lagu xalinayo oo aysan arintu xurguf sahlan
ahayn.
Kulankii uu Mr. Rechalle haweenka soomaaliyeed la
yeeshayna wuxuu dumarka soomaaliyeed ugu sheegay inuu
Eldoret u yimid sidii uu shirka culays u saari
lahaa,isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu
hor fadhiisto laba gabdhood oo soomaaliyeed oo
shahaado caalami ah haysta oo uu ula jeeday gabdhaha
kala ah: Maryan Yuusuf iyo Faadumo Jibriil, haweenka
soomaaliyeed ee ninkaas la shiray Wuxuu Mr. Rechalle u
ogolaaday inay samaystaan guddi dhex dhexaadiya
siyaasiyiinta soomaalidu kolka ay is mari waayaan oo
ay horay dumarku u codsadeen. Intii uu ninkaasi
xarunta shirka joogeyna wuxuu xadhiga ka gooyey xafiis
loogu talo galay bulshada rayidka ah oo ay maal
gelintiisa iska kaashadeen Midowga Yurub, UNDP iyo
hayadda loo yaqaan SIDA Sweden.
Mr. Koos Rechalle oo ahaa masuulkii midowga Yurub ugu
sareeyey ee madasha shirka soo caga dhiga oo meel
fagaara ah weriyayaasha ugu waramayey ayaa sheegay
inaysan midowga yurub qarash dambe shirka ku bixin
doonin haddii uusan wejiga labaad ee shirku haray u
socon, wuxuuna xusay inay lacagtii hore ee shirka loo
qoondeeyey gebo gebo tahay laakiin haddii ismari waaga
laga gudbo ay lacag hor leh shirka u soo furi doonaan,
wuxuu kaloo Mr. Rechalle noo sheegay inay bulshada
caalamka iyo wadamada soomaaliya la jaarka ahi diyaar
u yihiin inay shirka iyo wixii ka soo baxaba
taageeraan, mar aan weeydiiyey figraddiisa ku aaddan
ismari waagii labadii todobaad ee u dambeeyey shirka
ragaadiyey ayuu Mr. Rechalle ii sheegay inuu ku rejo
weyn yahay inay hogaamiyayaasha siyaasadda soomaaliya
wax ka bedeli doonaan shaxdooda siyaasadeed isla
markaana ay talaabo caaqiibo leh horay u qaadi
doonaan.
Sifaha
Siyaasiyiinta Soomaalida
iyo Siyaalaha ay u wada Hadlaan:
Ibraahim Maxameddeeq oo jawaab ka bixinaya su'aal laga weydiiyey
siyaasiyiinta Soomaaliyeed (eldoret) ayaa sheegay in.. GUJI... 23/11 |
Habaynkii Jimcahana shir ay gudiga farsamada Igad ugu
talo galeen in lagu soo gudbiyo liisaskii gudiyadii
lixda ahaa ayeey gudiga farsamada iyo qaar
hogaamiyaasha soomaalidu isku maan dhaafeen kaddib
markii ay Qanyare, Xuseen Caydiid iyo Muuse Suudi
dalbadeen in ergooyinka habka qabiil laga daayo oo
habkii kooxaha lagu celiyo, Hogaamiye Kooxeedka la
yidhaahdo mr. Qanyare ayaana shirkii ka sheegay in
haddii aan ergooyinka sidii hore lagu soo dabaalin uu
weftigiisa u qaybin doono tigidhadii ay ku noqon
lahaayeen, waxaana hadalka Qanyare ka jawaabay Mr.
Mwangale oo sheegay in ciddii baxaysa ay iriduhu u
furan yihiin.
Qabiilooyinka Daarood, Minority, Dir, Digil iyo Mirifle
ayaana shirkii Jimcihii ka sheegay inay Maalinta
Sabtida ah liisaskooda soo gudbin doonaan.
Maxamed
Qanyare Afrax ayaa iminka u muuqda inuu saaxiibadii G
8 ka figrad duwan yahay maadaama ay saaxiibaddii hadda
qaybta qabiilka lagu saleeyey la dhacsan yihiin,
maanata oo Sabti ahan wufuudda qabiilooyinka
soomaalidu waxay si gooni gooni ah ugu jiraan shirar
ay kaga wada xaajoonayaan sida ay xubnaha gudiyada
108'da ah u qaybsan lahaayeen. Waxaana caawa la isugu iman doona shir
looga wada hadlayo sidii arimahaa loo soo dedejin lahaa, shirkaas oo ay gudiga farsamada iyo madaxda
kooxuhu ka soo qayb geli doonaan.
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk.com |
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

DKG
oo Diidey Go'aankii Shalay iyo
Safarkii C/Laahi Yuusuf oo Dib u Dhacay:...
DKMG ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in
hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaa hadda arintaas diidan Warbixintii
braahim Maxameddeeq 20/11
Ergooyinkii
Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid
noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta
lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 19/11
Qaar
Kamida Kooxihii G8 oo Wax Loo Kordhiyey Mr.
Elijah Mwangale kulan gaar ah oo uu la yeeshay Cismaan Caato, Qanyare, Col.
Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ayuu ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey....
Warbixintii Ibraahim
Maxameddeeq 18/11
Bulshada
Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa:
Akhri Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 17/11
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|