SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ELDORET
ALLAHA U NAXARIISTEE DR.RAAJIS OO ELDORET KU GEERIYOODEY

  Nov 22, 2002 | SomaliTalk Eldoret, Kenya

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
 

Bogga Tacsida Marxuumka Dr. Raajis  -- GUJI Halkan 

Xalay oo jimce ahayd in yar uun ka hor waa soo dhowaadkii saacadda afrikada bari markii ay ahayd 4:00 waxaa isbitaalka loo yaqaan Moi Hospital ku geeriyopodey Dr. maxamed Raajis Maxamed oo ka mid ahaa ergooyinka shirka dibu heshiisiinta soomaalida ka qayb gelayey, isagoo u geeriyoodey cudurka neefta oo laba beri ka hor si xun ugu qabtay magaalada Eldoret, marxuumkaas oo ka mid ahaa dadyoowga soomaalida ugu caansan isla markaana ay wufuudda soomaaliyeed ee Eldoret ku shirsani geeridiisa murugo iyo tiiraanyo weyn ka muujiyeen, In kastoo aanan helin ilo si quman igaga warama soo yaalkiisa bal aan isku dayo inaan wax ka idhaahdo taariikh nololeedkiisa, waana sidan:

Allaha u naxariistee Dr. raajis wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii1928kii, wuxuuna wax barashadiisa bilowga ah ku soo qaatay isla magaalada Muqdisho, wuxuu dhalinyaranimadiisii ka mid ahaa dhalintii dooratay inay ka mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee soomaaliya, wuxuuna wax barasho ciidan ku soo qaatay wadanka Talyaaniga isagoo gaaray derejada gaashaanle isla markaana ahaan jirey taliyaha ciidamada gaashaaman, wuxuu kaloo isla wakhtigaa ahaa guddoomiyaha maxkabadda ciidamada, wuxuuna ugu dambayntii shaqada ciidamada ka ruqsaystay 1963kii, markaas oo uu ka mid noqday xisbiyadii siyaasadeed ee wadanka soomaaliya ka jirey isagoo gudoomiye ka noqday xisbigii SANU (Somali national union), isagoo tartamo doorasho oo la qabtay ku guulaystey mid ka mid ah kuraastii baaarlamaanka ee Muqdisho, markii uu kacaanku dhashay 1969kii Dr. raajis wuxuu ka mid noqday siyaasiyiintii xabsiga la dhigey, wuxuuna xiraa lix sanadood, markii xabsiga laga sii daayey wuxuu noqday garyaqaan isagoo xubin ka ahaa ururka looyarada Afrika.

Xiligan bur burka iyo barakacu wadankeena aafeeyeen waxay dadkiisu u doorteen inuu ururka SANU guddoomiye ka noqdo, wuxuuna isagoo ururkaa metelaya ka wada qayb galay dhamaan shirarkii loo qabtay in siyaasadda qasan ee soomaaliya lagu soo af jaro, isagoo shirkan Eldoret ka qayb gelayana uu geeriyoodey 22/11/2002.

Allaha naxariistii Janno ha siiyee Dr. Raajis oo ahaa nin waayeel ah oo mu’min ah waxaan Allaha awoodda leh uga baryaynaa inuu Jannadiisa Fardoowsa ka waraabiyo, Dembi dhaaf iyo xasanaad uu ku waarana guddoonsiiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Bogga Tacsida Marxuumka Dr. Raajis  -- GUJI Halkan 

 

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Qaar Kamida Kooxihii G8 oo Wax Loo Kordhiyey
Mr. Elijah Mwangale kulan gaar ah oo uu la yeeshay Cismaan Caato, Qanyare, Col. Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ayuu ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 18/11

Bulshada Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa: Akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 17/11

Kooxihii Shiray oo Codsaday in 38 Xubnood Lagudaro
Ergooyinka si loo siiyo kooxihii cabanayey.... shirar gooni-gooni ah oo u socda kooxaha.... Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay .... iyo saadaal in caqabadan goor dhow laga gudbi doono .. dhammaan ka akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 14/11

Awood Qaybsiga Soomaaliya oo Laga Salayn doono hab Qabiil
 Mr. Mwangale oocaddeeyey inuu wejiga labaad ee shirku ku saabsan yahay arimo farsamo ... C/Laahi Yuusuf oo sheegay inta shirka kamaqan inay yihiin kuwa carqalad wada ... Mr. Glen Warren oo beeniyey war ay Cismaan Caato iyo Maxamed ... Qanyare u qabsadeen GUJI 10/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - GUJI HALKAN

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD