SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
QAAR KA MID KOOXIHII G 8 OO WAX LOO KORDHIYEY 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 18, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
 

 

I  I  D  H  E  H

Mr. Elijah Mwangale ayaa maanta kulan gaar ah oo uu la yeeshay hogaamiyayaasha kala ah Cismaan Caato, Qanyare, Col. Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey isla berrina ay soo gudbiyaan liiska ergooyinkooda wejiga labaad ee shirka ka qayb gelaya, isagoo madaxdaas u sheegay inay gudiga farsamada Igad ku hawlan yihiin sidii ay Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdillaahi Yuusuf u dhex dhexaadin lahaayeen. 

Ragga uu Mr. Elijah wax u kor dhiyey ayaa weli ku jira wada tashi ku saabsan sida ay ka yeelayaan arinta loo soo jeediyey, iyagoo qaarkood u arka inay xaajadani tahay mid G 8 lagu kala qaybinayo maadaama aan weli wax la siin hogaamiyayaasha kala ah Sheekh Aadan Madoobe, Ina Isaaq Biixi, Jaamac Cali jaamac, Axmed Cumar Jees oo dhamaantood ka tirsan kooxihii isu bahaystay cabashada ergooyinka lagu yareeyey.

Dhinaca Gudoomiyaha ergooyinka bulshada rayidka ah Dr. Shariif Saalax ayaa shir uu maanta u qabtay bulshada rayidka ah ugu sheegay in laga sugayo inay gudbiyaan xubnihii lixda guddi uga qayb geli lahaa sidaa darteedna uu go’aansaday in xubnaha loo qaybiyo afartii qolo iyo badhkii ay soomaalidu wax ku qaybsan jirtey. Go’aankaasna waxaa dood qaylo iyo buuq isu rogtay ka keenay Xubnaha Jareer Weyn bulshada rayidka ah kaga jira oo isla shirkii ka sheegay inaysan marnaba wax badh la yidhaahdo aqbalayn maadaama ay soomaalidu ka kooban tahay Shan qabiil oo is le’eg, kan shanaadna uu yahay Jareer Weyn. Badhka oo ay jareertu si weyn u diiddey waxaa aqbalay qolooyinka yar yar ee Soomaaliyeed oo shirkii ka sheegay inay iyagu ogol yihiin in Badh lagu tilmaamo maadaama ay yihiin da yar. 

Dr. Shariif Saalax oo aan shirka kaddib la kulmay ayaa ii sheegay inuu isla maanta gudbin doono liiska gudiyada, wuxuu kaloo Shariifku ii sheegay in ciddii ka tirsan bulshada rayidka ah ee ilaa iyo hadda maqan qabiilada ay u dhasheen bedelan karaan.

Bulshada Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa

In kastoo aan weli si rasmi ah loo soo afjarin is mari waagii ka dhex taagnaa madaxda kooxaha ee ku saabsanaa sida loo qaybsanayo ergooyinka wejiga labaad... GUJI

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Kooxihii Shiray oo Codsaday in 38 Xubnood Lagudaro
Ergooyinka si loo siiyo kooxihii cabanayey.... shirar gooni-gooni ah oo u socda kooxaha.... Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay .... iyo saadaal in caqabadan goor dhow laga gudbi doono .. dhammaan ka akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 14/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

 

I I D H E H


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD