SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
MAANTA IYO SHIRKA ELDORET:

KOOXIHII MAANTA SHIRAY OO CODSADAY 38 XUBNOOD OO LAGU DARO ERGOOYINKA

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 14, 2002

 
RAMADAAN KARIIM
 

I  I  D  H  E  H

Waloow uu shirku xalay u muuqday mid kulamadii hore dhaama oo ay isla meel dhigeen inay kooxaha qaarkood dulman yihiin isla markaana isla garteen in kuwa cabanaya wax loo celiyo haddana isbahaysiga SRRC ayaa shirkii xalay ka dalbaday in la siiyo wakhti dheeraad ah oo ay arrintaas kaga soo wada tashadaan maadaama ay xalay kala maqnaayeen. Waxayse arrintii cirka isku shareertay markii ay saaka shir gaar ah oo ay SRRC yeesheen ay ku kala qaybsameen sida ay ka yeelayaan kooxaha cabanaya ee inay u cad gooyaan ka sugaya. Waxayna shirkii guud ee maanta SRRC la gola yimaadeen figrado kala duwan oo ka duwan aragtiyihii isku duubnaan jirey ee ay soo bandhigi jireen.

Muuse Suudi Yalaxow oo ku hadlayey magaca USC/SNA/SRRC ayaa shirkii maanta ka sheegay inuu aad uga xun yahay inuu shirku u dhutiyo caqabad Soomaali ka timid, halka ay shisheeyuhuna ku bixinayaa qarash aad u tira badan, wuxuu kaloo caddeeyey inay SRRC isku af garan waayeen in kooxaha cabanaya wax la siiyo, isagoo shaaca ka qaaday inuu ururkiisu qabo in wakiilada ka socda bulshada caalamka iyo gudiga farsamada Igad laga codsado in ergooyinka loogu daro 38 xubnood oo kuwa cabanaya lagu qanciyo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ereyadan: “waxba la kordhin maayo, waxa aan haystana waan haysanayaa aniga way ila ahaan weeydey”. Ragii kale ee SRRC ka tirsanaa ee ay Mr. Yalaxow isku figradda noqdeen waxaa ka mid ahaa Xuseen Caydiid, waxaana shirka ka maqnaa Shaati Guduud, Cabdillaahi Yusuf iyo Gen. Morgan.

Waxaa kaloo fadhigii maanta ka hadlay Cawed Casharo oo magaca Puntland ku hadlayey oo ugu horaynba xusay inay saaxiibadooda halkan ka hadlay ee figraddii SRRC ka baydhay hab Qabiil ay isku khilaafeen, wuxuuna sheegay inay markii hore Igad hab Qabiil ergooyinka ku jaan gooysey ayna jiraan meeshay doonaan ha ku jireene qabiilo tiro badan haysta iyo dad dulman oo kale, sidoo kalena wuxuu sheegay in dadka ergooyinka badan haysta iyo kuwa cabanayaa isku qabiil u badan yihiin loona baahnaa in ay iyagu wax isu celiyaan, Mr. Casharo oo gadhkiisa weyn ee ciradu manka dhigtay salaaxayaa ayaa sheegay inay jiraan dad kale oo dulman oo ay ka mid tahay SPM, SANU iyo dhamaan dadyoowga laga tirada badan yahay, loona baahan yahay in wax la siiyo ee aysan baahidu inta cabanaysa ku sinayn, Ugu dambayntiina wuxuu Cawed Casharo shaac ka qaaday aragtida Puntland wuxuuna yidhi: “ Mar haddii la wada qaylinayo waa in qabiil ergooyinka lagu qaybsadaa si ay qolo waliba u sii kala qaybsato”. Waxaa Cawed la argti noqday SNF/SRRC oo golihii maata ka sheegay inuu xaqii feedhaha ka dilaacay loona baahan yahay in qabiil wax lagu qaybsado.

Badiba kooxihii maanta shiray waxay isku raaceen in bulshada caalamka laga codsado in 38 xubnood oo ergooyinka loogu daro si dadka cabanaya loo qaybiyo, waxayna gabadha shirka ayaamahan gudoomisa oo lagu magacaabo Sahra Ugaas sheegtay in aragtiyahan loo gudbin doono gudiga farsamada Igad isla markaana ay iyagu go’aan ka gaadhi doonaan.

Waxaa kaloo maanta shir jaraa’d qabtay Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay oo aad loogu dhibtooday sidii looga saari lahaa caqabadan hor-taala isla markaana ay maalmahan hogaamiyayaasha siyaasadda soomaalida oo keligood uu shir u socday wax guul ahna ay gaari waayeen, wuxuu kaloo sheegay inay badiba kooxuhu liiskii u soo gudbiyeen maalmihii ay Igad ergooyinka u qaybisay, wuxuu carrabka ku dhuftay inay arintu ribatey oo ay goor dhow gudiga farsamadu ka fadhiisan doonaan sidii ay go’aan uga gaadhi lahaayeen, shirka jara’id waxaa Mwangle ku weheliyey ergeyga Itoobiya u qaabilsan arimaha soomaaliya iyo wakiilka ergeyga Jabuuti u qaabilsan soomaaliya oo mar ay weriyayaashu weeydiiyeen inay dawladohoodu ka midaysan yihiin dhex dhexaadinta shirka sheegay inay dhamaatay markii la odhan jirey dawlad hebel baa koox heblaayo wadata kooxaha soomaaliduna ay isugu mid yihiin.

Warbixin: Lacagta Macmalka ah oo Somaliya
Kasoogashay Marsada Laasqoray: laba warbixinood oo kusaasabnay in ugu yaraan 50 Bilyan oo lacagtaas ah ay.. GUJI 14/11

Mr. Mwangle oo la weeydiiyey marka uu 362 ergey ee wejiga labaad ee shirka ka qayb qaadanaya la soo reebo waxa uu ka yeelayo dadka kale ee soo hadha ayaa sheegay in ciddii xaq ugu yeelata ee uu xuquuqda safarkoodu korka ka fuulo ay diyaaradda ka bixinayaan. 

Kooxaha soomaalida ayaa hadda ku jira shirar kala gooni gooni ah, SRRC ayuu iminka shir uga socdaa guriga uu Cabdillaahi Yuusuf degan yahay, in kastoo uu shirku turaanturo badan soo maray waxaa la saadaalinayaa in caqabadan goor dhow laga gudbi doono. 

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Rajada Shirka Eldoret oo Sii Xumaaneysa
 Keneya oo Dib ugu celisey ergadii inay Soomaalidu markale dib usoo Qaybsadaan iyo Soomaalidii oo taas xalay ku heshiin weydey .iyo weliba iyadoo saakay shirkii lagu kala dareeray kaddib markii..... Dhammaan ka akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 13/11

Awood Qaybsiga Soomaaliya oo Laga Salayn doono hab Qabiil
 Mr. Mwangale oocaddeeyey inuu wejiga labaad ee shirku ku saabsan yahay arimo farsamo ... C/Laahi Yuusuf oo sheegay inta shirka kamaqan inay yihiin kuwa carqalad wada ... Mr. Glen Warren oo beeniyey war ay Cismaan Caato iyo Maxamed ... Qanyare u qabsadeen GUJI 10/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD