SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Dhismaha Gudiyadii Shirka Eldoret oo la Guda Galay

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

November 2, 2002

I  I  D  H  E  H

 

Moi oo Madaxda Soomaalida kula kulmay  Eldoret
  “waxaa wanaagsan oo lagama maarmaan ah inaad ballan qaadkan ka dhabaysaan...” Moi, »»“Ma doonayno inaynu kala tagno inagoon waxba dhisan” Gabiyow, »»"Hadda Nabad ayaan doonayaa ... bar-bar-kay ka baxdaa waa Bakayle qaleen" Cabdulaahi Yuusuf .. GUJI  

Waraysi Gen. Morgan
 
Ibraahim Maxameddeeq ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo jooga Eldoret Guji....

Weli waxaa magaalada Eldoret ee dalka Kenya ka socda shirkii dibu heshiisiinta soomaalida oo uu wejigiisii koowaad geba gebo ku dhow yahay kaddib markii ay madaxda kooxaha soomaalidu ku heshiiyeen habka iyo hanaanka barnaamijka shirka loo wadayo isla markaana ay Axaddii dhoweyd qalinka ku duugeen baaq ka kooban todoba qodob oo Madaxweeynaha Kenyana maalintii khamiista ku saxiixay xaflad lagu qabtay qasriga madaxtooyadiisa Eldoret.

Xafladaas oo madaxwene Moi ka sokoow ay ka soo qayb galeen madax ka kala socota bulshada caalamka, wakiilada haydaha caalamiga ah ee shirka, wasiirka arimaha dibedda ee Jibuuti iyo dhamaan madaxda siyaasadda soomaaliya ayeey dadkii ka hadlay isku raaceen baahida loo qabo in dib loo yagleelo qaranimadii ee uu bur burka baaxadda weyni saameeyey. iyadoo uu madaxweyne Moi'na soomaalida ugu baaqay inay dagaalada joojiyaan kana dhabeeyaan baaqa ay Eldoret ka soo saareen.

Madaxda soomaalida qaarkoodna waxay xafladdii khamiista bulshada caalamka kaga dalbadeen in soomaaliya la geeyo ciidamo hubka ka dhiga iyo in la ciqaabo ciddii isku dayda inay shirka iyo waxa ka soo baxaba carqaladeeyaan iyagoo weliba qaarkood madaxweeynaha Kenya si gaar ah uga codsadeen in sadexda weji ee shirka la is raaciyo oo aan loo kala tegin ilaa iyo inta Dawlad soomaaliyeed la dhisayo.

Wejiga hore ee shirka waxaa ka hadhsan hal qodob oo sheegaya in la dhiso lix guddi oo ka soo tala bixisa lix arimood oo ay ka mid yihiin:

1- gudida dastuurka iyo maamul sal balaaran

2- gudida dibu heshiisiinta, xuquuqda aadanaha, iyo anshaxa guud

3- gudida dhismaha hayadaha iyo dumidda khayraadka

4- gudida nabadaynta, hub ka dhigidda, dhaqan celinta, dib u dhiska iyo isu keenida

5- gudida gobolada iyo xiriirka caalamiga ah

6- gudida lahaanshaha dhulka iyo arimaha dadka laga tirada badan yahay.

Waxaana shalay jimcihii dhacay shir ay isugu yimaadeen gudiga farsamaada Igad iyo madaxda kooxaha soomaalida oo looga wada hadlayey dhisida gudiyadan, iyadoo la soo bandhigay inuu halkii gudiba ka koobnaado 15 xubnood taas oo tirada guud ee gudiyada ka dhigaysa 90 xubnood.

Dhisidda iyo doorashada gudiyadan ayeey gudiga farsamadu u xilsaareen hogaamiyayaasha soomaalida iyagoo sheegay in haddii ay awoodi waayaan go'aan ka gaadhida doorashada gudiyadan ay gudiga farsamada Igad samayn doonaan xulashada kama dambaysta ah ee gudiyadan, taasina ay sii muujinayso ficiladii horayba u muuq muuqday iyo tuhunkii ahaa inuu shirka cadaadis caalami ahi saaran yahay.

Sida loo kala qayb sanayo xubnaha gudiyadan ayaa laga yaabaa in is jiid jiid badan lagala kulmo, meelaha kale ee laga cabsi qabo in caqabado lagala kulmo ee ay dadku is weeydiinayaan ayaa ah: Dastuurka Carta wax ma laga qaadan doonaa mise dastuur cusub oo hor leh ayaa la dejin doonaa?, baarlamaanka iyo dawladda Carta ma lagu biiri doonaa mise waa laga takhalusi doonaa?, wuxuu kaloo jaahwareer ka taagan yahay arinta ah in shirka hal weji lagu soo koobo oo ay kooxaha qaar u ololaynayaan taas oo gebi ahaanba ka baxsan hanaankii ay gudiga farsamada Igad barnaamijka shirka u dejiyeen. Laakiin dadka u dhuun daloola siyaasadda qasan ee soomaaliya ayaa inshaaraya inaysan waxaas oo dhami shirka turaanturo ku noqon doonin maadaama horay soomaalida loogala quustay inay tashadaan iminkana loo arriminayo.

Ibraahim Maxameddeeq

somalitalk

Eldoret, Kenya

E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Moi oo Madaxda Soomaalida kula kulmay  Eldoret
  “waxaa wanaagsan oo lagama maarmaan ah inaad ballan qaadkan ka dhabaysaan...” Moi,
»»“Ma doonayno inaynu kala tagno inagoon waxba dhisan” Gabiyow, »»"Hadda Nabad ayaan doonayaa ... bar-bar-kay ka baxdaa waa Bakayle qaleen" Cabdulaahi Yuusuf .. GUJI
 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD