Waxaana xafladaas khudbad
dheer oo ku saabsan raad raac xuquuqda aadanha ka akhriday Maryan Ismaaciil
Awreye oo wakiil ka ahayd ururka xuquuqda aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale
Cosoble iyo kooxda taageerada nabadda soomaaliyeed, mar ay ka hadlaysey
xuquuqda aadanaha iyo sida sharciga loogu siman yahay waxaa hadalkii
gabadshaas ka mid ahaa: “muwaadin kasta lab iyo dhedig, qani iyo faqiir,
yar iyo weyn, waxay u siman yihiin qaanuunka, taas macneheedu waa inuusan
jirin qof qaynuunka ka sareeyaa, ama ku amar ku taaglayn kara sharciga,
dadka oo dhan wuu ka sareeyaa, , xuquuqda aadanaha iyo hourmarka bulshadu
way isku xiran yihiin, haddii aan xuquuqda aadanaha la tix gelin lagama
hadli karo, lamana higsan karo horumar bulsho”.
Waxay sheegtay inay soomaaliya ka dheceen
xad gudubyo aan la soo koobi Karin oo argagax leh kuwaas oo loo geeystay
dhamaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan dadka aan hubaysnayn, waxayna tiri:
“waxaa xusid mudan in dad badan oo ka mid ah dadkaasi ay badaha ku
dhinteen iyagoo ka cararaya xad gudubyada socda kaddib markii loo diiday
inay dalkooda si nabad ah ugu noolaadaan”. Waxay xustay in dawlad la’aanta
soomaaliya ka jirta iyo fawdada gaamurtay ay sahleen dagaalo abaabulan oo ay
ku naf waayeen muwaadiniin aan waxba galabsan, waxay kaloo sheegtay in
dumarka la fara xumeeyey, lana dhacay oo la boobay hatidii ay dadku sida
gaarka ah u lahaayeen iyo in si ula kac dil loola beegsaday dadka aan
hubaysnayn ee ay ka mid yihiin, dhakhaatiirta, suxufiyiinta, fanaaniinta,
iyo hawl wadeenada hayadaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah.,
Maryan Ismaaciil waxay kaloo talo ku soo jeedisayin la xaq dhawro xabad joojintii Eldoret ee lagu heshiiyey 27 Octobar.
Qaybta ugu dambaysa ee Xaashidii ay
khudbadeeda ka akhriyeysey waxay Maryan ku soo ban dhigtay xad gudubyada
sanadkan ka dhacay oo sheegtay in xad gudubyada sharafta qofnimo ay sanadkan
u dhinteen dad gaaraya 277 qof, halka ay isticmaalka xoog siyaado ah iyo ku
xad gudubka sharciga bani-aadamka ee goobaha dagaalkana ay ku dhinteen dad
gaaraya 470 qof. Dadka kufsiga sanadkan lagula kacayna waxay ka dhigtay 50
qof, iyadoo tirada dadka sanadkan soomaaliya lagu afduubayna ka dhigtay 133
qof.
Ugu dambayntii waxaa xafladdaas lagu
maamuusayey sanad guuradii 54 aad ee ka soo wareegtay ku dhawaaqiddii
qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha waxaa ka hadlay wakiilka
xogahayaha guud ee qaramada midoobey oo isagoo tixraacaya ninkii yidhi: “soomaaliyi
waalataye, caalamkuna ma waalan yahay” sheegay in marka uu soomaalida la
joogo uu dareemayo inay soomaalidu cid walba ka og tahay dhibaabaha jira oo
ay yihiiin dad ogaal badan, wuxuu yidhi: ‘dadka soomaalidu waa dad leh
awoodda wax sheegidda wixii markaa laga hadlayo ee la doonayo in horay loogu
socdo”, wuxuu soomaalida u sheegay in New York laga og yahay bur burka
soomaali ku dhacay balse soomaalida laga rabo inay wax qabad ku dhaqaaqaan
markaas buu yidhi caalamku wuu idin taageeri karaa, wuxu sheegay inay
soomaalidu tahay hal qoys wuxuuna intaa ku daray oo yidhi: “ ma aha inaad
dhibka idin haysta sheeg sheegtaan uun ee waa inaad ku dadaashaan sidii aad
dhibka idin haysta uga bixi lahaydeen, markaad sidaas fashaan caalamka oo ay
UN hor socotaa way idiin iman doonaan”.
Wuxuu xusay inay arinta xuquuqul Insaanku
tahay arrin asaasi ah oo ixtiraam u baahan taas oo uu ku tilmaamay mid
haddii uu qof waliba fuliyo ay dadka kalena u soo joogsanayaan, mar uu
wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey ka hadlayey hubka soomaaliya ku
soo qul-qulaya oo ay soomaali badani ka hadashayna wuxuu sheegay inaysan
dadka madoobi hubka samaysan haddana ay si weyn u haystaan oo uu si daran u
dhibaateeyo, isagoo carabaabay inuu arinta hubka gaadhsiin doono madaxda ka
saraysa, wuxuu sheegay in markuu hadalkii soomaalida dhegaysanayey uu
yaqiinsaday inay soomaalidu hal qoys wada tahay haddana ay is
weeydaarsanayaan figrado mararka qaarkood si weyn isu diidan oo iska soo hor
jeeda, wuxuuna hadalkiisii ku soo geba gebeeyey isagoo sheegay in
taagweerada UN’ta ay soomaalidu arki doonaan marka ay wejiga sadexaad ee
shirka Eldoret ka midha dhaliyaan.
Xafladdaas waxaa laga sheegay in la qaban
doono tartamo suugaaneed lagu maamuusi doono sanad guurada 54 aad ee ka soo
wareegtay ku dhawaaqiddii qaraarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha taas oo
ay ciddii wax isku haysaa kaga qayb qaadan karto sawir gacmeedyo, gabayo,
geeraaro, heeso iyo wax kasta oo la is leeyahay waa lagu tar tami karaa oo
ka mid ah waxyabaha ay dadku curiyaan.
Human Rights
Day - Click
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Liiska
Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah »»
Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne
Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri
Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq. 09/12
Sagaal
ilaalada Col.C/laahi Yusuf oo ku geeriyootay
shil baabuur oo ka dhacay meel u dhaxaysa
Qayaadsame iyo Dalweyn, waxa kale oo dhaawacmay 7..
GUJI 9/12
Hogaamiyo
Kooxeedyo Walaac Kamuujiyey Baaqii Muqdisho
iyo Booliska Dalka Kenya oo Eldoret xabsiga ugu taxaabay Saddex
Soomaali ah oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen.... Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq. 07/12
"Cali
Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na
waxay xiriir la leeyihiin Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen
Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo
dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI..
[Fahad Yaasiin]
Dhibaatooyinka
Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer Banaadiriga
Ibraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid
ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12
Mowliid
Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid
Macaane oo SomaliTalk u Waramay
"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u
ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka
jawaabayey.... GUJI... 02/12
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|