Bidix:Cabdillaahi Sheekh iyo ergayga
Itoobiya Cabdicasiis Axmed |
"Ugu horayn waxaan kaaga mahad celinayaa xog
waraysigan aynu wada yeelanay, marka xiga shirku si
wanaagsan ayuu ku furmay, si wanaagsana wuu ku socdaa,
caqabado hor yiiley oo xagga tirada iyo xagga isu
dheeli tirka wufuudda ku saabsanaa waa laga soo
gudbey, hadda marxaladdii koowaad wuu ka soo gudbey oo
tii labaad ayuu marayaa, gudiyadiina hawshoodii way
bilaabeen, gudiyadu waa gudiyo lix ah oo waxyaabaha
saldhiga u ah khilaafadka soomaaliya ka soo talo
bixinaya, hadday tahay xagga dastuurka, hadday tahay
xagga dhaqan celinta, hadday tahay xagga hub
uruurinta, hadday tahay xagga dhulalka la isku haysto,
hadday tahay habkii khilaafka loo dhamayn lahaa,
waxaas oo dhan bay ka soo talo bixinayaan, marka anigu
rejada waxaan u arkaa mid aad yididiilo fiican u leh,
arimuhuna guul ayeey ku dhaman doonaan".
SomaliTalk: Goor dhoweyd oo aan hotel Sirikwa soo
maray yooyaal baa ka kacsanaa, dadkuna badiba waxay
dhaleecaynayeen habka ay gudiga farsamadu hawlaha
shirka u wadaan, adigu ma ku jirtaa siyaasiyiinta
maamulka gudiga farsamada saluugsan?.
Cabdillaahi Shiikh: yooyaalka maanta shirka ka taagani
wuu I soo gaadhay waana arimo lug ku leh sidii loo
dhimi lahaa tirooyinka wufuudda halkan timid,
xaqiiqaduna waxa weeye meeshan tiraa la gooyey oo
afarta qabiil ee waaweyn lagu saleeyey iyo qaybta
shanaad ee soo raacda, marka waxaa jira reero ku yimid
tirada loo qoondeeyey in ka badan, waana la sheegay
inaan meesha dhaqaalo loo hayn, marka aniga waxay ila
tahay haddii dadka waa la dhimayaa la leeyahay oo
dhaqaalo la'aan baa loo dhimayaa, haddee in loo
hogaansamo oo loo daayo sida ay madaxdu hawsha u
waddo, gudiyada iyo madaxda wufuudda in loo daayo inay
hawsha wadaan, dadka kalena ay dadka martida loo yahay
culayska ka fududeeyaan khaasatan gudiga farsamada.
SomaliTalk: marka taladu ma gudiyadaa soo hadhaya oo
wejiga saddexaad baa ergooyinka kale loo yeedhayaa
baa?
Cabdillaahi Shiikh: haa ergooyinka wejiga sadexaad baa
loo yeedhayaatalada socotaa intaa weeye, tasna haddee
haddii aan la is xambaari karindhaqaalo xumo awgeed in
qaylo laga kiciyaa iima muuqato.
SomaliTalk: haddii aan hadda la sii habayn ergooyinka
hadhow loo yeedhayo sow sidii hore la iska wada iman maayo?.
Cabdillaahi Shiikh: ergooyinka waa la qaybiyayoo qolo
walba 84 ergey baa la siiyey, marka wixii iska
yimaaddaa tirada rasmiga ah ee loo gooyey kuma jiraan.
SomaliTalk: Beryahan waxa la leeyahay SRRC bur bur baa
ku dhacay, maxaa sababay bay kula tahay bur burkaas?
Cabdillaahi Shiikh: walaahay aniga bur bur SRRC ku dhacay
ma arko, markii meesha la yimid SRRC iy waxaa lagu
yimid ururo madax banaan, iyo wax TNG la yidhaahdo oo
aanan anagu dawlad u aqoonsanayn, iyo ergooyin ka
socda bulshada rayidka ah, arimihii markii hore qaabab
ababulan oo siyaasadeed ku qotomey baa qabiil loo
rogey, marka dadku taas ayeey bur bur u malaynayaan,
ee hadday SRRC qabiil tahayna way jirtaa, hadday ururo
ahydna way jirtaa, hadday dawlad guud ahydna way
jirtaa, sida ay kuwa kaleba arintu ugu dhacdaybay u
qabsatay, wax kala bur burayna ma arko anigu.
SomaliTalk: lakiin markaad dhugato Muuse Suudi iyo
Xuseen Caydiid oo ka mid ahaa ragii SRRC ugu xooga
badnaa oo wax la saxeexaya ama ay is bahaysanayaan TNG
oo aad horay si weyn isaga soo hor jeeddeen mayaadan
indhaha ku dhufanayn iyagii oo idinka faquuqmay?.
Cabdillaahi Shiikh: Horta TNG awooday horay Xamar ugu
weeydey oo ay shirkan ku heshay anigu uma jeedo,
raggana hadday wax la saxiixeen sidii Xamar gudaheeda
nabadda loo xasilin lahaa ayuun bay aragtidu ka tahay
ee inay tahay ictiraaf ay ula tageen anigu uma arko.
SomaliTalk: Wakhtigan Cismaan Caati iyo Xuseen Caydiid
aad bay isugu dhow yihiin, raggana ay hadda wax la
saxeexeena waxaa muuqata inay si weyn SRRC uga soo hor
jeedaan, dhinaca kalena magaaladii xarunta u ahyd SRRC
ee Baydhaba uu Sheekh Aadan Madoobe oo idinka soo hoir
jeedaa gacanta ku hayo, marka sidaad u inkiri kartaa
inay guul darro badani SRRC u soo hoyatey?
Cabdillaahi Shiikh: arimuhu laba heer weeye waa kuwo guud
iyo kuwo hoose oo dad u gaar ah,masalan haddii aniga
manta la igu yidhaahdo, Marka iyo Shabeelada Hoose
ayaa nabad laga xasilinayaa waan ku khasbanahay inaan
wixii haysta la fadhiisto oo aan kala sheekaysto,
taasina markaa ma noqonayso inaan SRRC ka baxay, sida
aan u arko arinta Xamar jirtana sidaa weeye, ragga
iska soo hor jeeda ee meesha joogana waa la yaqaan,
hadday wada fadhiistaan oo is weeydiiyaan sida ay
Xamar nabad uga dhalin lahaayeen oo ay arintaa wada
tashi ka yeeshaan, anigu mid dareen leh uma arko,
arinta kale ee aad taabatay ee Baydhabana iyo sida ay
RRA u qaybsameena khilaaf siyaasadeed baan u arkaa
mooyaane dagaalka maanta adihgaa meel haysta berrina
waa lagaa qabsan karaa, inay is rogi doonto iyo in
kalena Illaah baa yaqaan, taasi wax weyn oo ay
muujinayso ma arko, liciifnimo SRRC la soo deristeyna
anigu maba arko.
SomaliTalk: soomaalidu Itoobiya waxay ku tilmaamaan
cadow weyn oo aan ogolayn dawlad adag oo soomaaliya ka
dhalata, haddaad SRRC tihiina aad ayaad siyaasadda
Itoobiya ugu xaglisaan, iyaguna ay idiin taageeraan,
marka haddaad hogaamiyayaasha SRRC tihiin miyeeysan
cadowtinimadaasi idiin muuqan?.
Cabdillaahi Shiikh: walaahay ragga cadowtinimada Itoobiya
ku halqabsanayo had iyo jeer waan la yaabanahay, oo
meeshay cadowtinimadas kala yimaadeen baan la
yaabanahay, waayo soomaalida maanta jirtaa tii shalay
ee dhul doonka ahayd maaha, Itoobiyada hadda jirtaana
mid jiritaanka soomaaliyeed colaad u qabta maaha,
hogaamiyayaashii labada dhinacba way is
bedeleen....madaxda soomaalida ee maanta jiraa maaha
kuwii lixdankii iyo todobaatameeyadii, madaxda
Itoobiyana maaha kuwii afartameedyadii iyo
kontomeeyadii iyo lixdameeyadii iyo todobaatameeyadii,
marka meesha ay colaadda ka eegayaan oo ay Itoobiiiya
u nisbaynayaan, anigu garan maayo, runta markaynu ka
hadlayno colaaddda maanta soomaaliya haysata ilaheeda
waaweyn waa soomaali dhexdeeda dad, dad ku duulaya dad
meel kale ka imanaya oo gobolo kale qabsanaya, kuwaas
ayaa maanta soomaaliya bur burinaya ee cid kale oo
maanta bur burinaysaa ma jirto, dhibkuna soomaali
dhexdeeduu ka socdaa, marka anigu cadowga soomaaliya
ugu weyn soomaali baan u arkaa.
SomaliTalk: laakiin Ambasador Cabdillaahi, waxaa la
leeyahay, aadna mooddaa inay muuqato inaysan Itoobiya
doonayn dawlad xooggan oo soomaaliya ka dhalata,
bedelka arinkaasna waxay soomaaliya ka rabtaa dawlad
itaal daran, adigu miyaad doonaysaa inay soomaliya
dawlad aan awood lahayni ka dhalato.
Cabdillaahi Shiikh: soomaalidu dawladdii dhexe ee awoodda
badnayd iyada dumisey, haddana iyagaa doonaya is xukun
goboleedama federaal, marka dunidu waxaad ula tagto
ayeey kula qaadanayaan, dawladda xoogga badani marka
nabad la helo iyadaa iska dhalanaysa, laakiin haddii
nabad la waayo oo qaab la isu xukumo la waayo, wax
dhibka lagaga baxaa la raadinayaa, aniguna ninka ugu
horeeya ee inay dawlad fedaraal ahi soomaaliya ka
dhalato hor boodayaan ahay.
SomaliTalk: maxay tahay danta aad dawlad fedraalka ah
ka dhex aragtaa?
Cabdillaahi Shiikh: duulaanka qabiilka ayaan uga hor
tegaynaa iyo dhulalka la kala qabsanayo, iyo inuu reer
waliba meeshuu dego yeesho oo aan kor looga iman.
SomaliTalk: ma kula tahay inay taasi imanayso haddii
dawlad federaal ah la helo, armuuse qabiilku sii xoogaystaa?
Cabdillaahi Shiikh: khasab qabiilka awood dhexe oo
xakamaysaa loo adeegsanayaa si uusan u xoogaysan.
SomaliTalk: shirka Eldoiret ee rejada wanaagsan ka
muujisay abshir Allaha ka dhigee dastuur caynkee ah
baad is leedahay waa lagu dejin doonaa?
Cabdillaahi Shiikh: waxaa la goostay dastuurku inuu noqdo
mid fedraali ah, ka shaqayntiisa uun baa dhiman waana
lagu guda jiraa?
SomaliTalk: dad baa qaba in dastuurkaba horay Itoobiya
loogu soo diyaariyey, taas maxad xog ka haysaa adigu?
Cabdillaahi Shiikh: kaasi waa mid caqliga soomaaliyeed
cay ku ah.
SomaliTalk: haddaan u gudbo dhinaca magaalada Marka
iyo deegaanka aad ka soo jeeddo, bal xaalkeeda iiga
waran?
C/llaahi Shiikh: maleeshiyadii haysatey oo boqol jeer
midab rogatey ayaa joogta, taas oo marna SNA ahayd,
marna maxkamad isku sheegtay, haddana uu C/qaasim la
wareegay oo ciidan ku tilmaamo, waana iska burcad
dadka boobta oo dhacda, kufsata, iyagaana colaadda
gobolka ka jirta saldhig u ah oo hurinaysa, marka
xaaladaasi wax is bedel ah ma leh, haddii halkan
heshiis lagu gaadho oo ay maleeshiyooyinkii si nidaam
ah uga baxaan waa tii la doonayey, haddii la waayana
dadku xuquuqdooda way u halgamayaan kuwo iska ilooba
ma noqonayaan, ma noqonayaa.
Waraysiyadii Ibraaim
Maxameddeeq
|
SomaliTalk: marka ma waxaad leedahay dadkii reer Marka
way joogaane cadaadis baa ku dul gawdiida?.
Cabdillaahi Shiikh: dadku ma dhamaado, ciidduna ma guurto
waxa wax cadaadiya uun baa baaba'a, taas bayna ku dambaynaysaa.
SomaliTalk: adiga goormaa Marka kuugu dambaysey?
Cabdillaahi Shiikh: markii la iga soo caydhiyey 1994kii
bishii April ee meesha la qabsaday meesha kuma laaban.
SomaliTalk: ma waxaad tahay siyaasiga qudha ee reer
Marka metela mise waxaa jira siyaasiyiin kale oo jira.
C/llaahi Shiikh: gobolku waa gobol Digil iyo Biyamaal
ka dhexeeya, dhinac RRA baa ka metesha, dhinacna
anagaa ka metela, dhinacna waxaa ka metela ree
Banaadirka nimanka la yidhaahdo laakiin xaaladdgobolka
haysataa waa mid isku mid ah.
SomaliTalk: Banaadirigu waxay yidhaahdeen annagu Digil
iyo Mirifle ma nihin, Otheres iyo minority'na ma
nihin, qaar ka mid ahina waxay ii shegeen inay iyagu
reer Marka tirsanayaan, maxaad hal dhinac isugu luga
duwan weeydeen?
Cabdillaahi Shiikh: qowmiyadaha waa lagu kala duwanaan
karaa, meelna waa la wada degi karaa, marka arintu
taas uun weeyee nin meesha laga riixayaa ma jiro.
SomaliTalk: madaxtinimada Eldoret la filayo inay ka
dhalanayso adigu ma ku talo jirtaa inaad jagada
madaxweynanimada isu taagto?
Cabdillaahi Shiikh: inaan is qaddimo ma doonayo, intaan
wax riixi karo waan ku dadaalayaa, haddii ay I
qabsatose ka carari mayo.
SomaliTalk: wararka ay soomaalidu isu tebinaysey
bilahan waxaa ka mid ahaa inuu saaxiibkaa C/llaahi
Yuusuf oo aad isugu dhowdihiin u dhow yahay inuu ku
soo baxayo jagada madaxweynanimada, taasna bal ka waran?.
Cabdillaahi Shiikh: walaahay anigu wax xog ah kama hayo
laakiin Cabdillaahi Yuusuf waa nin aan jagadaas
madaxweynanimo u jeclaan lahaa.
SomaliTalk: ma waxaad ula jeclaatay karti iyo
caddaalad aad ku tuhunsan tahay mise isbahysiga
siyaasadeed ee idinka dhexeeya?
Cabdillaahi Shiikh:Cabdillaahi Yuussuf inuu yahay dadka
ugu hurmuudsan halgamayaasha isbedelka soomaaliyeed
waa la og yahay, nin keliyihina wax ma noqdee dad baa
wax ka dhiga, marka haddan soo wada halganay oo aan
kartidiisa ku kalsoonahay, hormuudyadii halgankana uu
ka mid yahay sabab aan ku dhaliilaa meesha ma taallo.
SomaliTalk: haddaan u soo noqdo saxiixii madaxda
Muqdisho ee baaqii nabadda, waxaa jira hogaamiyaal ka
hor yimid oo kuba tilmaamay talaabo lagu doonayo in
shirka Eldoret lagu fashiliyo, adigu sidee heshiiskaas
u argtaa?
Cabdillaahi Shiikh: markaan arinta Xamar ka hadlayno waa
caasimadda wadanka soomaaliyeed oo dhan, shacbiga
soomaaliyeed haybihiisa kala duwan oo dhan baa ku nool
oo waa magaalo qaran, qabiilna keligiis waxba kuma
xalin karo, qaranka iyo qabiilka kooda booda ee
xaqiiqda ka tagaana waxba ma xalin karo, marka in
labadii wejiba la is waafajiyo oo la isu duwo baa loo
bahan yahay, marka anigu inay rag talo bilaabaan waxba
kama qabo, inay soomaali weyn ku biirtana waxba kama
qabo, wayo haybaha soomaaliyeed oo dhan baa meesha ku
dhan
SomaliTalk: waxayaabaha dawladdii Carta fashiliyey
had iyo jeer waxa lagu tilmaama inay kala qaybsanaanta
siyasadeed Muqdisho koow ka ahayd sidaa darteed miyaad
qabtaa haddii halkan dawlad soomaaliyeed lagu dhiso in
Muqdisho oo sidaas ah la geeyo?
Cabdillaahi Shiikh: xaaladda haddaan loo gogol xadhin ma
noqonayso miduu wanaag ka imanayo, hubka meesha jira
waa in laga uruuriyaa, waa in maleeshiyooyinka la
xareeyaa, waa inay magaalo qaynuun gaara leh noqotaa,
waa inay taladeeda soomaali oo dhami u dhamaataa,
arimaahaas oo dhan waa in laga heshiiyaa, loona
sameeyaa qaab hsehiiskaas loo fuliyo, markaas uun baa
Xamar caasimad lagu tilmaami karaa oo ay dadkuna ku
soo wada hiran karaan, haddiise taas la waayomeeshii
Tuulo'ba ha noqotee wa lagu sii wadi karo loo wada
dhuran doonaa.
SomaliTalk: laakiin hor iyo horaanba madaxda
soomaalidu ma isla ogoshahayba in laga wad hadlo
magaalo madaxnimada Muqdisho?
Cabdillaahi Shiikh: haa boqol jeer baa la isla soo qaaday
waana ka mid arimaha laga wada hadlayo.
SomaliTalk: Mudane sidee u argtaa socdaalkii dhiigu ku
daatay ee uu Daahir Riyaale magaalada Laas-caanood ku tegey?
Cabdillaahi Shiikh: dhulka soomaaliyeed wuu isu furan
yahay, waxaan qabaa inaan Hargeysa tegi karo, Daahir
Riyaale Xamar iman karo, cid kastaana ay meeshay
doonaan tegi karaan, marka booqashada Riyaale hadday
ahaan lahayd mid soomaalinimo ku fadhida waxaan ku
diidaaba ma jiraan, hadday tahayse meesha colaad ha
laga sii abuuro tasi waa mid nabaddii guud ee la
raadinayey wax u dhimaysa.
SomaliTalk: laakiin daahir Riyaale wuxuu laascaanood
tegey isagoo sheeganaya madaxweyne dal madax banaan oo
ay Laascaanoodna dhulkiisa ka mid tahay, sidee taas u argtaa?
Cabdillaahi Shiikh: wakhtigii la is khasbi jirey waa la
soo dhaafay, dadkuna halkay rabaan iyaga dooranaya,
meesha ay ka tirsan yihiin siday xor ugu yihiin bay
halka ay raacayaana xor ugu yihiin, sidoo kale lama
odhan karo haddii ay Sool iyo Sanaag doonayaan inay
Puntland maamul la qaybsadaankhasabbaad Hargaysa ku raacaysaan.
SomaliTalk: waxaa igu maqaala ah inaad shirkii Carta
ilaa dhamaadkii joogtey, mar dambese aad ka boodey,
maxaad markii dambe kaga biyo diiddey?
Cabdillaahi Shiikh:waxaan u arkayey xukun kor laga
dhoodhoobay oo aan hoos waxba ka fuli karinoo raggii
wax ka fulin lahaana laga yureeyey oo jalaafooyin loo
dhigay, waxaan arkay inan nabaddiiba laga shaqaynine
xukun doon la yahay, markaasaan idhi anigu xukun doon
ma ahiye, nabad-doon baan ahay, markii nabaddii la
isla fahmi wayeyna dib ayaan uga istaagey.
SomaliTalk: Gobolka aad ka soo jeeddo maleeshiyooyinka
aad sheegtay inay ku sugan yihiin wax dhibaato ah ma
ku hayaan dadkaaga?
Cabdillaahi Shiikh:dhibaatooyinku waa badan yihiin,
isbaarooyin dadka lagu baado, waxaa la gaaray heer
dadka xoolo dhaqatada ah biyaha webiga laga iibiyo,
daaqii in xoolihii laga gato, marka beeraha la tabco
waxa la gaadhayin dadka dalaga soo go'a laga dhoco,
fara xumayntuna iayduna xisaabba ma laha, marka
dadkaasi waa dad la dul fadhiyo oo iyaga iyo
hantidoodaba la leeyahay.
SomaliTalk: kuwa la kor fadhiyo iyo kuwa dul fadhiya
iyo soomaalida kaleba maanta maxaad odhan lahayd?
Cabdillaahi Shiikh: soomaaliya nabadeeeda ha laga shaqeeyo, inta dulmana in garab la siiyo sida kuwayaga
oo kale, xaq bay ku tahay, waajib bay ku tahay, inaan
laga xishoon oo garab nalagu siiyo, maxaa yeelay
shabeelada hoose oo la haysto, dadka shabeelada hoose
oo la haysto, hadday yihiin reer Banaadiri, hadday
yihiin Biyamaa iyo Digil iyo Mirifle oo la haystaa cad
ka mid ah soomaali oo dhibaataysan weeye, caddaaladina
ma iman karto ilaa qof dhibaataysani uu jiro, sidaas
oo kale ayaan xaaladda Kismaanyo iyo Jubooyinka ka
jirta aan u arkaa, dadka soomaaliyeed nabadbna ha ka
shaqeeyaanokuwa dhibaataysana gar gaar iyo hiilloha u fidiyeen, intaasaan odhan
lahaa.
Waxaa Eldoret ku waraystay
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|