Ka biloow kuwa taagan: Khadiijo Suufi, Axmed Shujaac, Cismaan Abuukar, Aadan
Amiin Shiikhey,Cismaan Maxamed Cismaan, Saynab Aweys, Col.Abukar Shiikh.
Kuwa fadhiya: ka bilow bidix, Ibraahim Maxameddeeq, Maxamed Cismaan Manye,
Eng.Aweys Cadde, maalintii waraysigan.
|
hadaba inkastoo uu dhibku soomaali
wada taabatay haddana looma sinna ee waxaa jira dadyoow iyagu tirsanaya in
iyaga si gaara badhtilamaameed looga dhigtay oo si xun loola dhaqmay,
dadkaas waxaa ka mid ah dadka ree banaadiriga oo ah dadka haddii ay
soomaaliyi ilbaxnimo leedahayba ugu tug tugta roon xagga magaalanimada,
ganacsiga, iyo ilbaxnimooyinkii soo jireenka ahayd ee ay soomaalidu sheegato.
Dadka reer banaadirigiu waxay taariikh
wanaagsan ku leeyihiin halgankii xornimo doonka soomaaliya oo ay ururkii
wadaniga ahaa ee SYL kaalin wanaagsan dad reer banaadiri u dhashay ku
lahaayeen, waa dad xagga ganacsiga aad ugu horeeyey soomaalida dhexdeedana
ka sheeganaa oo lagu tilmaami jirey inay yihiin dad ilbax ah, dadkaas
dagaalada sokeeye ee soomaaliya 1991kii ka dhacay waxay gaadhsiiyeen dhaawac
culus oo isugu jira mid dhaqaale, mid naf iyo mid niyadeed, qalbi jab ayaa
hareereeyey kaddib markay arkeen dad walaalohood ah oo soomaaliyeed isla
markaana muslim ah oo wax aan ka qaban kula dhaqmaya, qaar ka mid ahi waxay
ka dhuyaaleen meelihii ay isir ka isir ku noolaan jireen iyagoo maciinsaday
deegaan ka dheer oo aysan dabcigiisa iyo hawadiisa midna af aqoon, kuwa kale
waxay u yahoomeen dhul gaalo oo aysan tegidiisa weligood ku riyoon, qaarna
waxay iyagoo ay tiiraanyo iyo urugo daahsatay ku hadheen guryihii ay
awoowayashood ka dhaxleen ee ay ka ab ka ab ku soo noolaayeen.
Si kastaba dhibkaasi ha ku dambeeyee waxaan
maalin maalamaha ka mid ah la sheekaystay wiil reer Banaadiri ah oo aanu ku
kulanay xarunta uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo ee Eldoret,
sheekooyinkii na dhemaray ayaana igu kal;ifey inaan barnaamijkan sameeyo,
barnaamijkan oo ah xog waraysi ay bixinayaan dad reer Banaadir ah oo
dhibaatada dagaalada sokeeye ka soo gadhay ka sheekaynaya waxaa ka qayb
qaadanaya mudanayaasha kala ah, Maxamed Cusmaan Maye oo ah gudoomiyaha
ururka Banaadiriga ee SANU, Cismaan Abuukar Mahdi, Cismaan Maxamed Cismaan,
Eng.Aweys Cadde Maxamed, Saynab Aweys Cismaan, Khadiijo Suufi Xuseen,
Col. Abuukar Shiikh Baafo, Axmed Shujaac Suufi, Aadan Aamiin Shiikhey.
Ugu horayna Cismaan Maxamed Cismaan ayaa ka
waramaya dhibataada dagaalada sokeeya ka soo gaaray qowmiyadda banadiriga,
wuxuuna yidhi:
"Qowmiyadda Banaadiriga dhibaatada
dagaalada waxay caam ahaan la wadaagaan ummadda soomaaliyeed, gar ahaana
maadaama ay ahaayeen beelo aan hubaysnayn, dhac, dil iyo bara kacba wuu soo
gaadhay, dhibka na soo gaadhayna mood iyo noolba wuu leeyahay, kufsi, baa ka
mid ah, guryaha iyo hantida oo nalaga boobay baa ka mid ah.
Dhibkaas guud ka sokoow Cismaan ma soo
joogey iyadoo marnaba qof reer Banaadiri ah la dhibataynayo, ma xasuustaase
dhacdo dadkiisa loo geeystey oo xusuus naxdin leh ku reebtay?, waa kan
Cismaan oo arintaas ka waramaya:
"intaas oo dhan waan soo joogey waxaan
xusuustaa gabadh aan adeer u ahaa oo uur sagaal bilood ah lahayd oo
caruurteedii dhinacyada ka ooyayaan oo hortayda lagu watay".
Suuqa Alkarama:
Ma u baahantahay dukaamo iyo xafiisyo
kiro ah, la xiriir Alkarama Somali
Mall oo kuyaal xaafada Cedar ee Minneapolis, USA. GUJI... |
Khadiijo Suufi iyadu waxayba qabtaa in
looga daran yahay kufsiga iyo dhaca oo weerar lagu yahay sidii loo suulin
lahaa jiritaankooda, waxay xusaysaa dhib loo geystey dad reer Banadir ah
iyadoo qabta sababta loo dhibay inay tahay hubka ay banadirugu qaadan
waayeen, waa tan iyadoo ka waramaysaa arintaas, waxay tidhi:
Dhibka reer Banaadiriga loo geeystey tan
kufsiga waxaa uga daran magaca xun ee xiligan dagaalada sokeeye dadka reer
Banaadiriga loo sameeyey, kaas oo ay ujeedadiisu tahay in jiritaankooda lagu
suuliyo, waxaa loo sameeye magac aysan lahayn oo ah OTHERS, kaasina wuxuu
nagu kalifey inaan u ekaano dad aanan ahayn, dhinaca dhibaatada banaadiriga
soo gaadhay soomaali oo dhami way qabtaa, laakiin qabaa'ilada hubaysani si
gooni ah ayeey u gumaadeen reer Banaadiriga taasina waxay kaliftey inaysan
qori qaadan, waana sababta ay wax u gaadheen, waxyaabaha aan xasuusto in
kastoo aanan goob joog ka ahyn waxaa la iisheegay in Magaalada Baraawe
masaajid dhexdiis hablo loogu galay oo lagu fara xumeeyey, qaarkoodna laga
soo kaxaystay oo gobolo aysan weligood arag la geeyey sidaasna ay ku dan
daroobeen.
Dr. Saynab Aweys Cismaan oo ah wasiirka
haweenka ee dawladda ku meel gaadhka ahi waxay ka waramaysaa faraqa u
dhexeeya habkii waayadii nabadda loo guursan jirey gabadha reer banaadiriga
ah iyo sida ay hadda baylahda u muteen, waxay ka war haysaa hablo reer
banadiri ah oo gacanta la iska qabsaday oo aan ilaa iyo hadda laga war hayn
meel ay ku nool yihiin, iyadoo xusaysa qiimihii ay hablahaasi lahaan jireen
waatan Saynab oo leh:
"Haweenka soomaaliyeed dhibaato waa
loo wada geeystey waayo haweenku ma hubaysna, haddan kuwa reer Banaadir u
soo noqdo dhibkii loo geeystey ma yarayn, waxaa jira haween reer Banaadiri
ah oo aan la ogayn meel ay ku nool yihiinoo intay rag kaxaysteen guryahooda
ku haystaan oo guursadeen iyagoon reerahooda la soo xiriirin, ree baanadirku
waa dfad xadaarad leh oo aad u edab badan, gabdhohooduna waxay ahaayeen kuwo
an marnaba gurigooda ka bixin, marka ay wax baranayaan guryahooda wax ku
barta, waxaana loo soo dooni jirey si sharaf leh oo xurmo badan, raguna
waxay ku tar tami jireen sidii ay ku heli lahaayeen, wakhtigan xaadirka ahna
gabdhihii waxay muteen xurmo darro oo waa la karaamo tiray oo dariiqyadaa
lagu jiid jiidey, nin aan ahayn ninkii guursan lahaa ayaa gabdhihii
soomaaliyeed ee reer banaadiriga ahaa helay, waana ka xumahay".
Haddaba ragga gabdhahaas kaxaystay ma af
duub bay ku kaaxaysteen mise xeerkii hablaha reerBanaadiriga lagu guursan
jirey bay raaceen?, mar kale Dr, Saynab ayaa ka jawaabaysa:
"Awood bay ku kaxaysteen, qaar
waalidkii bay handadeen markaasay gabdhihii sidaas ku kaxaysteen, qaarna
iyagii oo arkayeey qaateen oo haystaan".
Eng. Aweys Cadde Maxamed wuxuu isagu ka
hadlayaa dhibaato ka duwan kuwii ay dakii hore ka soo hadleen wuxuu leeyahay
waxaa jira afduub loo geeysto dadka reer Banaadirga ah oo si dadban u dhaca
odayaashuna aysan waxba ka qaban karin aan ka ahayn raali ahaada, Injineerku
wuxuu arintaas u arkaa guumaysi dadka reer baanadirga ah lagu hayo, waana kan
isagoo arintaas ka hadlaya:
"dhibaatada ugu dambaysey ee weli
xusuustayda ku sii jirta waxaa ka mid ah afduubka oo reer Banaadiriga
ganacsatada ah si weyn loogu geeysto, kaddibna la warsado lacag tiro badan
oo aysan bixin karin, haddii ay diidaana lagu dhibaataynayo, in muddo ahna
afduubloo haysto ilaa qolada wax af duubtay waxii ay dalbadaan la siiyana la
hayo, taasi waa addoonsi dadka reer Banaadiriga ah loo geeysanayo, oo aysan
odayaashu waxba ka qaban karin, waana arin xun oo in laga waantoobo u baahan
maadaama ay dadka reer Banaadir xaq u leeyihiin inay deegaankooda si nabada
ugu noolaadaan".
Eng. Aweys wuxuu is bar dhigayaa faraqa u
dhexeeya xiligii nabadda iyo xiligan colaadaha, waa kan mar kale:
"labada xili faraq weyn ayaa u
dhexeeya qofka reer banaadiriga ahi markii hore wuxuu dareemayey inuu
xoriyad haysto, meel kasta uu tegim karayo, inuu gaanacsan karo, inuu wax
baran karo, waxaa ku jirtey kalsooni ilbaxnimo oo ku damci karo inuu wax
badan abuuri karo, maantana waa qof la cadaadinayo, waxba ma qaban karo,
baabuur ma wadan karo, guryihiisii uu xaqu lahaa ma geli karo, waa xir xiran
yahay, wuxuuba ku fekerayaa ma noolaan kartaa!".
Markii uu dagaalku soomaaliya ka qarxay
waxaa jiray dad badan oo reer banaadiri ah oo dalka ka bara kacay una qaxay
wadamada deriska ah ee ay Kenya ka mid tahay, kuwa badan intay jidka ku
jireen ayeey dhibaato soo gaadhay, hadaba waxaa is weeydiin leh kuwii
dibedda nabad gelyo ku tegey maxay muteen, sidee bayse adduunyadu ula
dhaqantay, dhibkii ay wadnkooda uga carareense ma kaga raysteen dhulalka
shisheeye?, waxaa ka hadlaya guddoomiyaha ururka banaadiriga Mudane. Maxamed
Cismaan Manye, wuxuu yidhi:
"Fool xumadii soomaaliya ka dhacday
markii la arkay adduun weeynuhu wuu u soo gurmaday, wax weyna guud ahaan way
u qabteen, dadkaii ka soo qaxay magaalooyinka marka, Muqdisho, Baraawe iyo
Kismaanyo waxaa ugu tira badnaa dadka reer Banaadiriga ah waxaana loo
aqoonsaday qaxooti, cadow kalena kama soo cararin ee walaahood bay ka soo
ordeen, markii ay muddo xeryihii qaxootiga ee Kenya ku sugnaayeen ayeey
caalamku u gurmadeen loona qaaday dibedda, dadka la qaaday aad bay u
badnaayeen baraawe waxaa laga qaaday ilaa 4500, Utanga-banaadiri iyadana
waxaa laga qaaday ilaa 4000 iyo wax la jira, Santa-anna iyadana waxaa laga
qaaday dad tiro badan". Dadkaasi haddii run laga hadlo wadankoodii kama
raysan waayo nin dhulkiisa hooyo jooga wax u dhaama ma jiraan, waxaase
lagaga badbaaday in ka mid ah dhibka maanta reer banadiri haysta, iyagoon
wadankoodii ka shaqaysan karin, xamaali loo diidey, waxba aysan lahaan karin,
oo ay wadankoodii hooyo kafiil ku joogaan ayaa la qaaday markaasay dadkii
taas u baxsadeen oo boqol boqolkas loo soo dirayo hadaysan heli lahayn
macaluul iyo gaajo ayeey u le'an lahaayeen".
Caalamka oo dhan waxaa ka jira minority iyo
majority, dadka reer Banaadirigu waxay ka mid yihiin dadka diidan in loogu
yeedho magaca magacyada minority iyo others, haddaba Mr, Maxamed Cismaan
Manye oo ah hogaamiyaha siyaasadda banaadiriga ayaa sababta ay ku diidan
yihiin ka hadlaya:
"Anagu minority ma nihin, goormaa
soomaali la tiriyey, dadku meelahay degaan baa wax lagu qiyasi karaa,
magaalada Muqdisho oo ah magaalo madaxdii dalka todoba xaafadood oo ka mid
ah yaanu si khaas ah u degan nahay, xaafadaha kalena wax baanu ka
degnaa,taasaa kuu caddaynaysa in aanan minority ahayn".
Diidmada magaca minority waxaa iyana diidmo
cad ka muujinaysa gabadha magaceeda la yidhaahdo Khadiija Suufi Xuseen oo
iyadu qabta inay wakhtigan xaadirka ah qabiilooyin badan oo soomaaliya ka
badan yihiin hadday yihiin reer banaadiri, in minority loogu yeedhana waxay
u aragtaa gef cad oo loola badheedhay, waxay tiri:
".....waxaana laga yaaba in maanta iyagu majority yihiin oo
dadka kale ka badan yihiin kuwa tirada badan sheegtaan ay minority yihiin
barkee dhimashadooda ayaa badan". Khadiija Suufi Xuseen |
"Marka hore waxaa diiddan nahay qof
bani'aadam ah in magac loo sameeyo, Islaamkuna ma ogola in qofku magac uusan
lahayn loogu yeedho, taasina waa gef aan geedna loogu soo gaban, tan kaloo
xigta anigu minority ahaan waxaan ka aaminsan nahay hal shay oo aysan dadku
ku fekerin oo aan anigu ku fekerey, sababtoo ah qabiilooyinka kale way
dagaalameen tasina waxay ku keentay inay tiradoodu ku yaraato, reer banaadir
way is badbaadiyeen, waxaana laga yaaba in maanta iyagu majority yihiin oo
dadka kale ka badan yihiin kuwa tirada badan sheegtaan ay minority yihiin
barkee dhimashadooda ayaa badan".
Dadka reer Banaadir ee magaca minority la
huudmay ma yara, waxaa iyana ereyga minority dood ka qabta Dr. Saynab Aweys
Cismaan oo iyadu diidmo ay ereygaas ka muujisay ka sokoow saadaal ka
bixinaysa inay goor dhow magacaas ka takhalusi doonaan, waxay tiri:
"Sida ay walaashay Khadiijo sheegtay
dadku wax uusan raali ka ahyn in loogu yeedho ma aha, minority oo ah waa
lagaa tiro badan yahay ma ogolin, fekerkaas ma qabno, haddii dadka la isu
tiriyo waxaan u malaynayaa inaan majority noqonayno, magaca aan leenahay ee
Qowmiyadda banaadiri ayaa doonaynaa in naloogu yeedho, insha allaah waana ku
dhownahay in aanu ku guulaysano".
Dadka reer banaadir waa dad soomaaliyeed,
soomaaliduna way wada hubaysan tahay hadaba maxaa reer banaadir ka duway
soomaalida kale?, dhalinyarada reer Banadirse ma ku jiraan kuwa hubka qaata
oo mooryaameeya, waxaa ugu horaynba arimahaas ka hadlayaa Maxamed Cismaan
Manye:
"sideedaba dadka reer Banaadir waa dad
nabadeed, mana aha dad hubaysan, marnabana hub ma aysan qaadan, waxayna
walaalohooda soomaaliyeed ee kale ku booriyaan inay hubka iska dhigaan,
dagaalkana joojiyaan, oo ay wada hadlaan, mana jiraan dhalinyaro reer
Bnaadiri ah oo mooryaan ah".
Gudoomiye Maxamed Cismaan in kastuu dhawr
goor ka hadlay ereyga minority weli wuxuu u sii ciil qaba inuu mar kale
ka hadlo, waa kan isagoo ciddii keentay isaga iyo others'ba ka hadlaya:
"Dadka minority keenay hadda ka horna
waxay keeneen others, ulajeeddooyin ayaa laga leeyahay, waana ujeeddo
siyaasadeed, sidaa darteed dad magac leh oo beelo ah oo 1200 oo sanadood
magaalooyin la yaqaano oo qadiimi ah ku noolaa in hadda magacyo fusuuqa loo
bixiyo oo aan u qalmin aad baan uga xumahay".
Ninka lagu magacaabo Aadan Amiin Sheekh
wuxuu hayaa qiso naxdin leh oo reer Banaadiri lagu sameeyey oo ay
gocashadeedu sawir sas leh qalbigiisa kaga tagtay, bal indhaha mari
sadaradan uu Aadan kaga hadlayo wixii lagu dhigay:
"Dhacdooyinka xanuunka lehee aana
iloobi karin oo buugga madoow aanu ku qoray waxaa ka mid in maalin aanu
maydkii nin naga geeriyooday qaadanay si aanu u soo xabaalno, markaan
damacnay inaan aasno oo xabaashii dul dhignay ay niman hubaysani hor
istaageen oo ay noo sheegeen inaan maydka halkaaa lagu aasi karin oo aanu
markaa maydkayagii ka qaadanay xabaashii aanu u diyaarinay, taasi waxay ka
mid tahay dhibaatada ay walalahayaga soomaaliyeed noo geeysteen, dadka
banaadir waa dad nabadda jecel oo aan rabin inay wax dhibaato ah geeystaan,
waxay xusuusan yahiin murti ay awoowayashod uga tageen oo ah: Saddex in lagu
dhowaado ayeey ku roon tahay, waa Deeqsiga, Daruurta iyo Diinta, saddexna in
laga fogaado waa Dabka, Dawladda iyo Dabaysha, maahmaah kalena waxay ahyd
Talo xume tol ma badiyo, ama mid kale oo ah; xaaraanta xushmeeye, xabaal ma
xasuusto, waxaas oo dhan waxay ahaayeen digniino ay awoowayaasheen nooga
tageen oo aan kaga waantoowney dagaalada".
Dhibaatooyinka dadka loo geeysto waxaa ka
hadlaya Axmed Shujaac Suufi oo laftiisa si gaar ah loo dibin daabyeeyey
iminkana dabiin ku jooga meesha uu ku nool yahay oo uu shirka Eldoretka soo
aaday, wuxuu yidhi:
“Dhibaatada ay soomaalidu noo geeysatey
haddaan reer Banaadir nahay wax la soo koobi karo maaha waxa ugu daran waa
Dil, Dhac, Kufsi, bara kicin iyo madax furasho, waxa intaas noogu darana waa
magac xumada ay nagu reebeen, ninka muslimka ahna waxaa dembi ugu filan inuu
xaqiro walaalkiisa muslimka ah, waxay na yiraahdeen Others, meel aan
maxalkeena ahyn bay na dhigeen, magac labaxshey maaha, qowmiyad ahaan waxaan
nahay qowmiyaddii ugu horaysey ee hooyada soomaaliyeed, dhibka xusuusta lama
ilaawaanka ah igu reebay waxa ka mid ah maalin baa gurigayga la iga watay,
deegaankayga la iga baxshey, ilaa iyo haddana waxan ku joogaa 6 sano oo dabiin, nin baa iga dabiin ah, taasna waxaa iiga sii daran magac xumada ay
soomaalidu nagu hayso".
Dadka reer banaadiriga ah dhibaatooyinka
xiligan dagaalada sokeeye soo food saaray waxaa ka mid ah inay dayactirka
guryahooda dhib kala kulmaan waxaa aritaas iiga waramay ninka magaciisa la
yidhaahdo Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi oo ku magic dheer Muriidi Golof,
wuxuuna yidhi:
“Marka dulaysiga iyo xaqiraadda laga boxo
waxaa kaloo jira inay reer Banaadirigu xaafadaha ay ku nool yihiin wakiilo
laga wada yahay oo aysan xirfadohooda shaqo u madax banaanayn, marka ay
doonaan inay guryahooda dayac tiraan oo ciidda bacaadka doontaan waxaa laga
qaadaa lacag, marka ay damcaan inay xeebta ku dabaashaan iyadana waa lacag,
marka ay jilabanayaan waa lacag, waxaa awood sheegasho loogu diidaa marka
ay doonayaan inay u dabaal degaan dabaysha iyo Shirta caadada la yidhaahdo,
waana waxyabo naxdin leh oo in laga waantoobo u baahan nagana soo gaadhay
waalalahayaga soomaaliyeed”.
Weligaa ma maqashay Mukulaal madow, waxaa
inoo faah fahinaya Axmed Shujac Suufi, waan kan:
“Mukulaal madow waa nin soomaaliyeed oo
kafiil kaa noqonaya, marka anigu ma Boortaqiis baan ahay?, ma ajnebi baan
ahay?, waxaa ugu daran kuu kafiilka kaa haa ayaa mararka qaarkood ku
afduubaya, laba iyo tobankii sano ee u dambeeyey Marka ayan ku sugnaa mana
shaqaysan, caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ilaa iyo inta qowmiyadda
Banaadiriga xaqooda laga aqoonsanayo aan nabad la gaadhi karin".
In badan akhristoow waxaad indhaha soo
marisay reer Banaadiriga oo ka eed sheeganaya soomaalida hubaysan ee
dhibaatooyinka uu qof kasta oo soomaaliyeed la dheregsan yahay ku haysa
dadka reer banaadiriga hadaba aan is weeydiinee reer Banaadirigu iyagu wax
eed ah ma leeyihiin, waxaa ka hadlayaa Cismaan Maxamed Cismaan waana kan:
“Eed way leeyihiin waxaana lagu eedeeyaa
inay xan badan yihiin, xantana waxaa keenaya ninkii hadduu qorigii meel
iska dhigay inuusan faa'iido lahayn baa loo haystaa, hadda waxaa halkan kula
fadhiya dhawr kornayl iyo injineero dawladdii soomaaliyeed u soo shaqeeyey,
dagaaladii gobanimo doonka iyo kuwii guumaysigii xabashida lala galayna ka
qayb qaatay, wax dagaal ah oo sokeeyana kama ay qayb gelin".
Dadka reer Banadir qoriga ma qaataan, mana
laha koox hubaysan, hadaba inay hubka iska xarimaan ma xadaarad ay dadka
dheer yihiin baa mise waa arin uun iska dhacday, waxaa ka hadlaya Maxamed
Shujaac Suufi:
"Taas waxaa keenaya xadaarada aanu
leenahay ilbaxnimada iyo diinta aanu ku dhaqano oo xumaha naga celisa,
diintuna waxa u baahan tahay in la dhaqan geliyo kuwa na dhibaataynayana
taladaasaa ka maqan".
Dhamaad
Waxaa Eldoret ku diyaariyey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
HALKAN
KA AKHRI WARAYSIGII MAWLIID MACAANE EE SOMALITALK ... GUJI
Wajigii
Labaad ee Shirka Eldoret oo si rasmi ah u Furmay
"Wejiga labaad ee shirku wuxuu ku saabsanaan
doonaa qorista iyo habaynta tiirarkii ay dawladda Soomaaliyeed isku taagi lahayd"
sidaas waxaa yiri Mwangale oo ah... Ibraahim
Maxameddeeq 30/11
Wufuuda
Shirka ELdoret oo Cuntadii loo diyaariyey
kaddib markii wufuudu aysan ilaa shalay wax cunto
ah ka helin hoteelada ay deggan yihiin ayaa... Ibraahim
Maxameddeeq 27/11
Rajo
Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»» Ibraahim
Maxameddeeq
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|