SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
MUDANE. JINI BOQOR OO U JAWAABAY MUUSE SUUDI YALAXOW

 

imdeeq@hotmail.com

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 25, 2002

SomaliTalk Eldoret waxaa soo gaadhay war saxaafadeed uu soo saaray wasiirka dibu heshiisiinta ee Dawlad goboleedda Puntland Mudane Cabdi Cabdille Saciid (JINNI-BOQOR). 

War saxaafadeedkii oo aanan waxna ku darin waxana ka dhimin wuxuu u qoraa sidan:Hoos Akhri

 

..

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Daarood ee jooga shirka Eldoret, Kenya, waxaa layaab ku noqotay hadal uu 20.12.2002 Muuse Suudi BBC'da ka sii daayey.

waraysigaas oo aanu u aragno figrad abaabulan oo loogu talo galay in lagu majaxaabiyo shirka dibu heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret, ayna soo curiyeen kuwii sababay dhibka iyo bur-burka ka taagan muddada laba iyo tobanka sano ah dalka soomaaliya, kuna caan baxay fashilinta is hor taaga isku day kasta oo lagu samato bixinayo Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Muuse Suudi xoogga uu sheegtay uu ula jeedo gumaadkii maatada Birimageeydada, Bililiqaysigii hantidii guud iyo tii gaar ahaaneed ee ummaddii soomaliyeed ee Muqdisho wada deganayd ay ku uruurisay iyo sidoo kale bur burintii dhamaan sooyaalkii taariikheed oo ay ku jiraan goobihii taariikhiga ahaa, saldhigii iyo kaydkii aqoonta ee magaalada Muqdisho yaalay, taa oo hadda muuqaalka Muqdisho ka dhigtay jabad laga guuray.

waxaa wax lagu qoslo ah in Muuse Suudi sheegto in beesha uu magaceeda ku hadlay ay koonfurta degan tahay, kana taliso.

Waxaa is weeydiin leh xagee Muuse u yaqaan Koonfurta soomaaliya?.

Muuse iyo kuwa la figriga ah waxaa ka maqan in soomaaliya aysan hadda dhalan, ayna muran ma doonto tahay in koonfurta soomaaliya ay degan yihiin Beelaha Daarood, Digil iyo Mirifle, Dir, Jareer weyne iyo beelo kale.

beesha uu u hadlayna ay ku kooban tahay inta u dhaxaysa Balcad iyo Hobyo, sheegashadiisuna ay ka turjumayso oo keli ah damaca dhul doonka ku dhisan ee uu qabo. Cidda soomaaliya madax u noqon doonta iyo in mar kale Muqdisho caasimad soomaaliyeed moqon doonto waxay caddaan doontaa marka la gaaro dhisme dawladeed. Balse waxaan caddaynayaa in soomaalida ay cay ku tahay in Muuse Suudi iyo ciddii la fil ah ay damciyaan madaxnimada soomaaliya.

Mudane Cabdi Cabdulle Saciid Jinni-boqor
Wasiirka Dibu heshiisiinta ee Dawlad Goboleedda Puntland Soomaaliya

Waxaa qoraalkaas oo u qoran sidaas lasoo gaariisyey SomaliTalk Eldoret.

Waxaa isku soo dubaridey madaxa SomaliTalk Eldoret, Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD