1- In gudiga farsamada ee Igad ergooyinkii
uu rasmi ahaan u casuumay ay isugu jireen aqoonyahayno, dhalin yaro,
haween, iyo culimaa’u diin. Cid kastaana ay ku tirsan tahay beesheeda.
2- Dadka isku magacaabay inay madax u
yihiin bulshada rayidka ah oo uu intooda badani ka mid yihiin ururada aan
dawliga ahyn ee loo yaqaan NGO.
3- Tirada xubnaha gudi ku sheega Bulshada
rayidka oo ay ku tilmaameen kuwo aan buuxinayn shuruudaha isu dheeli tirka
ay beeluhu wax ku qaybsadaan ee 4.5.
Gen. Gabyow wuxuuu kaloo warqadiisa ku
sheegay in gudoomiyaha bulshada rayidka Shariif Saalax uu jagooyin muhiim
ah u soo qabtay dawladdii milateriga ahayd ee soomaaliya, taas oo sabab u
ahayd buu yidhi bur burkii iyo dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay,
waxuuna sheegay in mar loo dalacsiiyey inuu gudoomiye ka noqdo Jaamacaddii
ummadda Soomaaliyeed, muddo dheerna uu danjire ka ahaa wadanka Ingiriiska.
Wuxuuna Gen. Gabyow sheegashada uu
Shariifku sheeganayo inuu bulshada rayidka ah ee aan hubaysnayn madax u
yahay ku tilmaameen inay tahay ku danaysi siyaasadeed.
Ugu dambayna wuxuu Gen. Gabyow warqadiisa
ku soo geba gebeeyey isagoo yidhi: “Sababahaas dartood waxay ka qayb
galayaasha shirka u oo jeedinayaan gudiga farsamada Igad iyo
gudoomiyahoodaba inay si deg deg ah uga joojiyaan gudigaas aan horay u soo
sheegnay iyo (national resources Persons), ka soo qayb galka shirarka
madaxda gudiyada”.