SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
ERGAYGA TALYAANIGA OO GUDIGA HOGAAMIYAASHA LA KULMAY

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 19, 2002

imdeeq@hotmail.com

Ergayga dawladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mr. Carlo Ungaro ayaa Khamiistii kulan uu la yeeshay gudiga hogaamiyaasha ka sheegay inay bulshada caalamku shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret u soo jeedo oo aysan jirin cid ka mid ah wadamada qarashka shirka bixiya oo lacagtii ay shirka ku bixinayeen joojisey.

Hoos Akhri

Mr.Carlo Ungaro wuxuu hogaamiyaasha soomaaliyeed u sheegay inay ku deg degeen go’aankii ay wejiga sadexaad e shirka ku guda galeen, isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi: “Marka aan leeyahay ha deg degina macnaheedu ma aha wakhti bad haysataane iska jooga ee waxaan uga jeedaa in arimaha si weyn looga fiirsado oo looga baaraan dego”. Wuxu sheegay inuu ka mid yahay dadyoowga iyagoo bulshada caalamka ka socda soomaaliya booqday oo uu markaas ooyey kolkuu arkay marxalada ay magaalada Muqdisho ku sugan tahay.

Mar uu Ergaygu ka hadlayey doorka ay bulshada rayidka ahi ku yeelan karto shirka ayuu Mr. Carlo xusay in loo baahan yahay in wax kasta oo ay madaxda soomaalidu soo saarayaan ay bulshada rayidka ah ka qayb geliyaan, isagoo carabka ku dhuftay inaan adag tahay in la aqbalo wax ay dhinac keliyihi soo saareen oo ay hooyooyinkii iyo madaxdii dhaqanku ka maqan yihiin. Hogaamiyayaashii soomaaliyeed ee shirkaas ka hadlay ayaa iyaguna ergayga talyaaniga u sheegay inay hadda heshiiyeen ayna u baahan yihiin taageerada caalamka.

Dhinaca kale Gudiga hogaamiyayaasha ayaa todoba iyo tobankii bishan qaybsaday ergooyinkii 300 ahaa ee loogu talo galay inay wejiga labaad ee shirka ka qayb qaataan, iyadoo afarta beelood ee waaweyn midkiiba la siiyey 53 ergey, dawladda ku meel gaadhka ahna la siiyey 46, qaybta 5aadna la siiyey 26 ergey, halka bulshada rayidka ahna laga siiyey 11 ergey, iyadoo haweenkana la siiyey shan ergey.

Waxayna qolo kastaab si gaar ah ugu guda jiraan sidii ay u sii kala qaybsan lahaayeen qaybta gaar ahaan loo siiyey.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD