Wq. Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret |
Janaayo 19, 2003
Letter to President
Kibaki From Eldoret |
Waa warqadii ay
hogaamiyayaasha kooxaha Soomaaliyeed ee joogay Eldoret u direen
Madaxweynaha Kenya, Kibaki, (Janaayo 6, 2003) warqadaas oo ku qoran afka
ingiriiska oo ay ku saxiixan yihiin hogaamiyayaashu....
ka
akhri halkan...... GUJI
|
Madaxweynaha Dawlad goboleedda Puntland Col.
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa galabta 3:30kii ka soo degey garoonka caalamiga ah
ee magaalada Eldoret. Waxaana halkaas ku soo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo
madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane. Maxamed Cabdi Xaashi oo kala ahaa
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Puntland Mr. Kulan, Wasiirka
caddaaladda Puntland Cawed Casharo, Wasiirka dib u heshiisiinta Puntland
Mudane Jinni Boqor. Waxaa kaloo soo dhoweeynta Col. C/llaahi Yuusuf ka qayb
galay saraakiil ka socota gudiga farsamada IGAD, gudoomiye ku xigeenka ururka
SPM/SRRC/NAKURU mudane Cadillaahi Cismaan Maxamuud, Cabdillaahi Sheekh
Ismaaciil oo ka mid ah la gudoomiyaasha isbahaysiga SRRC, Mudane. Cumar Aadan
Dhebed oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Hiiraan, Gudoomiyaha RRA
Mudane Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud. Haween iyo odayaal ka socda
ergooyinka ka qayb gelaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret iyo
dad kale oo aan yarayn.
Col. Cabdillaahi Yuusuf oo ay safarkiisa ku
wehelisey marwadiisa Xaawo Cabdi Samatar ayaa markii uu saxiixay buugga marti
sharafta kaddibna weriyayaasha kula kulmay qolka martida ee garoonka Moi
international airport ayaan nasiib u yeeshay inaan weeydiiyo dhawr su’aalood
oo ay ugu horaysey bal inuu madaxweeynuhu iiga warramo nabad gelyada guud ee
Puntland, wuxuuna ku jawaabay:
“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Nabad gelyada
guud ee Puntland aad iyo aad ayeey u wanaagsan tahay, waana meesha ugu
xasiloon geyiga Soomaaliyeed maanta, Midda kale intii aan Soomaaliya jirey
dalka Kenya doorashaa ka dhacday, dawlad cusub baa dhalatay, aad iyo aad baan
ugu hambalyaynayaa madaxweeynaha cusub, golihiisa wasiirada iyo baarlamaanka
intaba, dawladdii horena waan u mahad celinayaa waayo iyagaa markii hore
hawsha qaban-qaabada shirka gacanta ku hayey oo waddey”.
Su’aal: Intii
aad ku maqnayd Puntland waxaa kugu qabsaday dagaaladii Laascaanood iyo Dhuudo
ka dhacay, dagaaladaasi hadda xagee ayeey ku dambeeyeen?.
Col. C/llaahi Yuusuf: Laascaanood
annagu kamaanu dagaalamine shacabkii deegaanka ayaa dagaalamay, ninkii isagoon
cidna ruqso uga qaadan meesha iska soo galay iyagaa iska saaray. Puntland baa
wax weerartay iyo Puntland baa wax dishey waxaasi wax jira ma aha, shacabkii
baa ku kacay, shacabkii baa iska eryey. Xaq bayna u lahaayeen inay sidaas
yeelaan, ninkii gar-darro ku yimaadana in sidaa loo galo waxay ila tahay inay
xaq tahay. Dhinaca kale niman shufta ah ayaa kacay oo dadkii nafta u keenay,
wadooyinkii isu taagey, hantidii dadweeynaha dhacay, dadkii inay laayaan
bilaabay, sal dhigyo shuftanimo ah Puntland gudaheeda ka samaystay, kuwaas
waanu sifaynay, wax yar oo ka hadhayna Somaliland bay galeen, Waxaanuna
rejaynayanaa inay wax yar ee hadhay ay nabad qaataan, annagu nabad baanu ugu
baaqnay, hubkana ay iska soo dhiibaan, nabadna qaataan, dadkoodana la mid
noqdaan.
Su’aal: Arintii
lacagta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay maxay ku dambeeyeen?.
FILE:
Oct 31:
kabilow Bidix koofida qaba: Maxamed Cabdi Xaashi, Cabdilaahi Yuusuf, Mawliid Macaani,
Xasan Qalaad, Maxamed Seyid
|
Col. C/llaahi Yuusuf: Arrintii
lacagta waa la xaliyey, waxaanu nimankii keenay ku khasabnay inay iyagoon la
khasbin si ikhtiyaar ah u soo xareeyaan, waa la soo xareeyey dawladdaana
gacanta ku haysa, Bangiga dawladay taal, dhaqaalihiina wax dhibaato ah oo ay u
geeysatey ma jirto, wax sicir barar ah oo dhacay ma jiraan, mana aqbalayno wax
caynkaas oo kale ah oo sharci darro ah, oo dhaqaalaha wax yeelaya oo dadka
noloshiisa wax yeelayaa inay dib dambe Puntland uga dhacaan.
Su’aal: Shirka
Eldoret ka socda oo aad mar hore si kedis ah uga tagtay ka warran rejadiisa?.
Col. C/llaahi Yuusuf: Dadka
Soomaaliyeed rejo weyn bay shirkan ka qabaan, waxayna shirkan ka sugayaan inay
dawlad qaran ka soo baxdo, markii aan ka tegayey shirkana si xasiloon baan ku
tegey, fasax baan qaatay, ruqsaa la I siiyey, hawlo dalka ka jirey awgood
baanna u tegey, waxaana halkan noo joogey ergadii Puntland iyo madaxweyne ku
xigeenkii, anigana shaqooyin gudaha ah ayaa la iiga baahday, wax dhibaato ah
oo kalena ma jirin, wax shirka ku saabsan oo aannu shirka saluugaynayna ma
jirin, qalalaase culus oo Puntland ka jireyna ma jirin, arrimo maamul oo
runtii awel iyagoo qabyo ah aannu ka soo tagnay ayaan u aaday inaanu soo
xalino. Haddana arimihii muhiimka ahaa ee nalooga baahnaa waan soo dhamaynay,
waxaanuna u soo noqonay shirka, waayo ergadaan ka mid ahay, inaan raga ka qayb
gelaya kala shaqeeyo sidii shirka guul looga dhalin lahaa ayaan u soo noqday.
Dadweeynihii aan ka imidna raalli bay ku ahaayeen, waxayna sugayaan shirkani
dhamaadkiisa inay dawlad qaran Soomaaliya uga soo baxdo.
Su’aal: Haddii
ay hogaamiyaasha ururadu ku guul darraysteen inay ka midho dhaliyaan 14 shir,
maxaa idinla gudboon inaad shirka Eldoret la timaadaan?.
Col. C/llaahi Yuusuf: Dadka
shirka jooga oo dhami wada hogaamiyayaal urur ma aha, anigu Puntland ayaan ka
imid, madaxweyne ku xigeenkii Puntland waa kan, annagu dawlad goboleed (Reoginal
state) ayaanu nahaye urur ma nihin, waxaana laga yaabaa inay qaarkayo
hogaamiyayaal kooxeed yihiin, nin kasta iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo
masuuiliyad hayana waxaa laga rejaynayaa inuu dhibaatada Soomaaliya haysata
sidii looga saari lahaa uu xoogiisa saaro, oo gacan weyn ka geeysto, niyad
sami la yimaaddo, oo wixii Soomaali dan u ah lagu heshiiyo, dad khilaafaad
wadaa hadday jiraanna haddee hadday gar leeyihiinna gartooda ha la eego,
haddii ay gar darran yihiina waa in la yidhaahdaa wad gar-darran tihiine
joojiya, bani-aadamkuna haddii marka ay khaldan yihiin la odhan waad khaldan
tahay, wuxuu doonuu samaynayaa.
Su’aal: Maxaa
iminka shirka ka hadhsan?.
Col. C/llaahi Yuusuf: Gudiyadii
haddii ay hawshoodii dhameeyeen ama soo dhamaynayaan waxaa nin kasta oo wax
garanaya oo shirka ka maqan laga rejaynayaa inuu shirka yimaaddo, hawshii
gudiyada in loo fadhiisto, wejiga 2aad hawshii noo tiil in la dhameeyo,
dabadeedna wejiga 3aad loo gudbo.
Suaal: Sidee
ayuu kuugu muuqdaa khilaafka hogaamiyaasha Soomaalida iyo Gudiga farsamada
IGAD ka dhex taagani?.
Mwangale oo lagu badalay
danjire aan ka ah Kenya GUJI....
19/1
Dowlada Kenya oo magacawday ambassador Bethwell Kiplagat inuu bedelo Mwangala
GUJI....
|
Col. C/llaahi Yuusuf: Gudiga
farsamada IGAD iyo dawladaha deeqda bixiyaa shirka ha ka daayeen fara gelinta,
dhibaataynta, dad aysan Soomaaliyi wakiilani inay meesha soo galaan, dano gaar
ah hadday leeyihiin, dee dano gaar ah dalalkooday ku leeyihiine Soomaaliya
annagaa masuul ka ah, annagaa Soomaali ah, annagay noo taal wixii Soomaaliya
wanaageeda ah inaanu garano oo markaa ku tilaabsano. Soomaali wixii na
diiddana way nala arkayaan, inta badani waxba diiddi mayaane wax bay
hagaajinayaane, inta badan in la saacido ayaa loo baahan yahay, oo garab iyo
gaashaan loo noqdo. Wax nalagu khasbaanan yeelayn, ajande nalagu khasbaanan
yeelayn, wixii Soomaali dan u ahna anagaa naqaan, in annaga nalaga dambeeyo
weeye.
Su’aal: Maxaa
sababay bay kula tahay khilaafakaas?.
Col. C/llaahi Yuusuf: Soomaalida
iyo Gudiga farsamadaa is haystey, ammuuro halkan ka dhacay ayaana la isku
haystey, in la xaliyey iyo in kalena kama war qabo. Waxaa loo baahan yahay
dadka Soomaalida ah oo masuuliyiinta ah oo jooga, ergooyinka ay keensadeen iyo
siday iyagu dadkooda iyo dalkooda u doonayaan in lagu xushmeeyo oo la dhawro
hanaankii shirka ee lagu heshiiyey. Oo dadka aan cidina keensan ee la
magacaabayo la joojiyo hadday dawlado ka dambeeyaan iyo haddii ay gudiga
farsamada keligood tahayba, dabeeto waxaa loo baahan yahay dadku go’aankooda
inay iyagu gaadhaan, inta badani go’aankii ay gaadhana waa in la
socodsiiyaaye, ninkii diiddan ama doonaya inaysan waxba dhalan in la maqlo ma
aha. Shirku waa inuu socdaa, waa in guul la gaadhaa, ninkii diidana waa in
laga takhalusaa, wuxuu doono ha noqdee.
Ergadayadii waa joogtey, madaxweeyne ku
xigeenkaa madax u ahaa, anigoo xagga joogey iyo iyagu waan isku xirnayn, wixii
ay wax ka go’aamiyeenna waan waafaqsanahay, waxii ay diideenna waan ku
waafaqsanahay, Soomaali inteeda badanina wanaag bay rabtaa, waxaanan qabaa
intaa wanaagga rabta inaan ka mid ahay, intaasaanan la shaqaynayaa, ninkii
wanaagga diidana waa la isla arki doonaa oo tuke cambaarluu noqon doonaa.
Waxayna ila tahay dadka Soomaaliyeed inuusan hadda wixii ka dambeeya yeelayn
dagaal sokeeye oo iska socda oo 12 sano socday in lagu sii hayo, oo wixii la
doono la bi’iyo.
Su’aal: Madaxweyne
ka warran ka bixidda uu Muuse Suudi shirka ka baxay?.
Col. C/llaahi Yuusuf: Muuse
Suudi Yalaxow inuu shirka ka tegey waan maqlay, wuxuu ku hadalyna waan maqlay,
( qosol yar) haddana u jawaabi maayo. Waxaanse ka codsanayaa annagu in danaha
Soomaali la ilaaliyaan meesha u joognaaye haddii uu danaha Soomaaliyeed nala
ilaalinayo, inuu dib u soo noqdo, shirka ku soo noqdo, wuxuu xaq u leeyahay
hadday jirtana uu sheegto.
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk,
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
....
WARARKII
KALE EE DECEMBER -GUJI
com