SHIRKA ELDORET, MARBA WEJI
Ibraahim Mohamedeeq
imdeeq@hotmail.com
Oct 26, 2002
Siyaasiyiinta Soomaalida ee Eldoret ku shirsan
ayaa ilaa iyo Talaadadii dhoweyd kulan ay u dhan yihiin ku lahaa qolka shirarka
ee Hotel Sirikwa, waxayna ka doodayaan oo ay gorfayntiisa ku hardamayaan,
qodobada barnaamij qabyo ah oo ay gudiga farsamada Igad goor hore soo hor
dhigeen, looguna tala galay inay madaxda soomaalidu isla ogolaadaan si loo
ansixiyo. Waxay kaloo gudiga farsamada Igad Arbacadii siyaasiyiinta Soomaalida
soo hor dhigeen liis ay ku qoran yihiin 17 qof oo gudiga farsamada Igad u rabaan
inay shirka la taliayaal ka noqdaan, liiskan la soo bandhigay dadkii ku qoraa
waxay kala ahaayeen sidan:
- 1- Dr. Maxamed Aadan Sheekh
- 2- Dr. Saynab Maxamed Jaamac
- 3- Maxamed Abshir Welde
- 4- Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi
- 5- Prof. Maxamed Cali Tuur yare
- 6- Dr. Cabdilaahi Maxamed Shirwac
- 7- AVV. Cabdilaahi Maxamed Cabdille
- 8- Prof. Maxamed H. Mukhtaar
- 9- Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
- 10- Cumar Carte Qaalib
- 11- Dr. Xuseen Caabbi Faarax
- 12- Cabdilqaadir aadan Cabdille
- 13- Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
- 14- Cali Saciid Caraale
- 15- Ibraahim Macalin Maxamed
- 16- Idiris Xasan Diiriye iyo
- 17- Caasha Xaaji Cilmi
Laakiin markii ay in door ah madaxda
siyaasiyiinta Soomaalidu liiskan ka doodayeen ayeey intooda badani si qayaxan
uga hor yimaadeen gudigan la taliyaasha ah, waxaana jirtey inay xitaa kooxaha
qaarkood dhexdooda ku kala duwanaayeen aqbalaadda gudigan, tusaale ahaan
guddoomiyaha baarlamaanka dawladda ku meel gaadhka ah ayaa ka mid ahaa ragii
sida weyn uga hor yimid gudigan, mar aan wax ka weeydiiyey arintanna wuxuu
guddoomiyuhu ii sheegay inaysan gudigan beelaha Soomaaliyeed u dhamayn halka uu
Raysal-wasaare Xasan Abshirna gudigan ka taageeray.
Qodobkii kale ee Arbacadii badda la soo dhigay
ee ka baxsanaa ajandaha shirka ayaa ahaa doorka ay shirka ku yeelanayaan xubnaha
ka socda bulshada rayidka ah oo aysan iyadana badiba madaxda siyaasadda
Soomaalidu wax weynba ka soo qaadin, una muuqatay mid ay ganafka ku dhufan
doonaan kadib markay doodooda sal uga dhigeen inay iskaba yar tahay cid dhex
dhexaadka ah arimaha soomaalida oo ciyaari karta doorka bulshada rayidka ah. Si
Kastaba ha ahaatee madaxda siyaasadda Soomaalidu waxay habaynimadii Khamiista
isku raaceen inay bulshada rayidka ahi saddex xubnood oo ay midi dumar tahay ku
yeeshaan gudiga sare ee la damacsan yahay in laga dhex xulo hogaamiyayaasha
Soomaalida.
Dhinaca kale Jaamac Cali Jaamac oo isku deyey
inuu Arbacadii shirka soo fadhiisto ayeey saraakiisha baratakoolka shirku
dibedda u soo saareen kaddib markii uu Cabdillaahi Yuusuf sidaas dalbaday. Jamac
Cali Jaamac oo aan weli loo ogolaan inuu shirarka madaxda soomaalida ka soo qayb
galo ayaa waxaa si weyn ugu doodaya ergooyinka ka socda dawladda ku meel gaadhka
ah iyo Isbaahaysiga dooxada Jubba oo mar kasta shirka dhexdiisa ku soo qaada in
Jaamac shirka loo ogolaado.
Isla Arbacaddii guddoomiyaha shir guddoonka
gudiga farsamada Igad Mr. Mwangala oo weriyayaasha ugu waramayey shir jaraa’id
ayaa shaaca ka qaaday inuu habsami u socodka shirku ku xidhan yahay sida ay
siyaasiyiinta Soomaalidu isugu raacdo barnaamijka qabyada ah ee loo soo hor
dhigay inay isku raacaan, Mudane Mwangala wuxuu kaloo xusay hawsha uu ku dhex
jiraa sida ay u adag tahay iyo faraqa siyaasadeed ee madaxda siyaasiyiinta
Soomaalida u dhexeeya oo uu ku tilmaamay mid aan xad lahayn, wuxuu kaloo sheegay
inay jiraan wax yaabo badan oo hor yaala oo aysan uga maarmi Karin inay u helaan
guddi Soomaalieed oo ay kala tashadaan.
Maalintii khamiistiina markii ay siyaasiyiinta
Soomaalidu hoolka shirka soo xaadireen ayeey durba isku qabsadeen shir guddoonka
oo markii hore loo doortay inuu Mawliid Macaane sii ahaado. Xubnaha dawladda ku
meel gaadhka ah ayaa si cad uga hor yimid inuu Mr. Macaane shirka Soomaalida sii
guddoomiyo, iyagoo dalbaday inuu shir guddoonku meerto noqdo, laakiin
habaynimadii Khamiista ayeey si wada jira madaxda soomalidu mar kale isugu
raaceen inuu Mawliid Macaane kulanka shir guddoomiyo ilaa iyo inta cid rasmi ah
loo dooranayo.
Shalayna waxay siyaasiyiinta soomaalidu
yeesheen kulankii ugu doodda kululaa tan iyo intii qodobadan ka doodayeen,
waxayna dhaafi waayeen qodobka ugu horeeya ajandaha oo ka hadlaya waxa loola
jeedo ereyga ka qayb gale oo sida daraafka ku cad lagu macneeyey ergooyinka
shirka ka qayb gelaya, Taas oo ay dawladda ku meel gaadhka ahi soo jeedisey in
lagu xuso magacooda ah dawladda ku meel gaadhka ah iyo magacyada ururada iyo
maamulada balse ay kooxaha kale oo dhami si cad u diideen.
Raysal wasaaraha dawladda ku meel gaadhka ah
xasan Abshir ayaa ku andacooeday in ay waalidkii magaciisa u bixiyeen isla
markaana aysan jirin cid ka bedeli kartaa sidoo kalena ay dawladda ku meel
gaadhka ah Soomaaliyi la baxday aysana jirin cid bedeli kartaa. Muuse Suudi
Yalaxow ayaa isna yidhi: “haddaad halkan ku diidey inaad magacan ku reebto in
dawlad soomaali loo dhiso dooni maysid, Xamaraad ayaad ku cararaysaa saddex
kiiloo mitir ayaana kuu jiraa”.
Cismaan Xasan Cali Caato ayaa isna fadhigii
xalay ka sheegay inaan been la isu sheegin maadaama aysan soomaaliya dawladi ka
jirin, wuxuuna Hogaamaiyayaasha soomalida ugu baaqay in la iska dhaafo waxa aan
macanaha lahayn , dadkana dawlad loo dhiso.
Markii in badan mindi mindi ku taag iyo dood
aan natiijo lahayn la waday ayuu wakhtigii gabaabsi noqday shirkiina laguna kala
hadaafay. Rejada laga qabo in qodobka laga gudbo oo lagu heshiiyo ayaa aad u yar,
Xoghayaha amuuraha dibedda ee Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa Radio Scerdo u
sheegay inay adag tahay inay dawladda ku meel gaadhka ahi taanaasul ka samayso
dawladnimada ay sheeganayaan, isagoo dhinacoodana caddeeyey sida aysan u
aqbalayn inay kooxi dawlad sheegato.
Dhinaca kale Habayn hore waxaa gurigeeda oo ku
yaala xaafadda Giri Giri ee magaalada Nairobi ay niman hubaysani ku dileen
gabadha magaceeda la yidhaahdo Istarliin Cabdi Caruush oo Soomaaliya wakiil uga
ahayd hayadda lagu magacaabo Cossovo oo ay xarunteedu ku taalo magaalada Milaano
ee cariga Talyaaniga , Geerida gabadhan oo aad looga hadal hayey xarunta shirka
dibu heshiisiintu ka socdo ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn ciddii dilkeeda ka
dambaysey.
Dhanka
kale Hotel Sirikwa ee magaalada Eldoret ee uu shirka dibu heshiisiintu ka socdo
oo aan xalay oo Khamiis ahayd kula kulmay danjiraha Itoobiya u qaabilsan arimaha
Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyey waraysi uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo
uu horay wargayska Ayaamuhu u daabacay, Safiirka oo Idaacadda Scerdo
International ugu waramayey Eldoret ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax waraysi ah
cidna siin.
Ambassador Cabdi Casiis Axmed oo ah nin weji
furan oo dhaliyarada soomaalida aad u jecel ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay
in laga faafiyo inuu siyaasiyiinta soomaalida ee isugu midka ah qaarkood
cambaareeyey, wuxuuna yidhi: “Aniga soomaalidu waa isgu kay mid mana jirto
koox ama qayb aan si gaar ah u cambaareeyey iyo kuwo aan si gaar ah u
taageersanahay”., wuxuu sheegay inay Eldoret u joogaan hawlo dibu
heshiisiineed oo loo bahan yahay in uu ka soo baxo natiijo ay Ummadda soomaalidu
kaga bogsooto dhibatadii ay mudada dheer ku soo jirtey. Waxaa uu safiirku si
qoto dheer ugu cel celiyey inay beentu tahay qadaf culus oo aan bani aadamka ku
haboonayn.
Ibraahim Maxamedeeq
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Eldoret, Kenya
Oct 26, 2002
ELDORET:
Taxanaha Wararka
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|