SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ELDORET
QAABKA IYO HABSAMI U SOCDKA SHIRKA ELDORET 

FAALLO 

Faalanqaynta  maanta waxay ku saabsantahay: Qaabka iyo Habsami usocodka Shirka Eldoret, iyo sida malmihii lasoo dhafay shirku uu u hakaday, daruufaha jira, iyo ugu danbayntii hadda heerka uu marayo shirka.

I  I  D  H  E  H

Shirkan oo bilaabmay horatisii 15.10.2002 oo ay soo agaasimeen Urur Goboleedka IGAD, oo ay martigalisay Dowladda kenya , oo hormood u yahay madaxwayne Daniel Torotich Arap Moi, waxaa kale oo shirku kakoobnaa wafuud caalami ah,sida Ururka Midowga Yurub (EU), Ururka Isutagga Africa Wafuuddiisa,(AU), Ururka Islamka (IOC),Ururka Jamacadda Carabta, Ergayga Yurub, Safiirada Dalalka qaarkood, iyo waliba marti sharaf kale oo badan oo ka kala socota Hay'adaha Dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen dhammaan qaybaha kala duwan ee Somaliya , sida Ururada Siyaasadda, Aqoonyahano, Isimo, Salaadiin, Ugaasyo, waxa ka maqan madasha wadahadalka nabadda soomaaliya , Jamhuuriyadda Gooni isutaagga Somaliya ee Somaliland, iyo Madaxwaynaha DKG ah ee lagusoo dhisay Carte, C/Qasin Salad Xassan.

Shirkii Taarikhdu markii ay ahayd 18.10.2002 waxaa soo baxay dhaliilo ay ugu waynayd , Aqoonsigii (ID CARD) Ergooyinka oo labadsaday, iyadoo ay taasi ka danbeyen wafuudda katimid Magalada Muqdisho, gaar ahaan Dhinaca DKG ah ee Carte waxa ay samaysteen illaa 250 Card oo ay siiyeen dadwayne laga soo aruurshay Nairobi Iyo Mombasa kenya, haddaba waxa maalmihii lasoo dhaafay Guddiga Farsamada ee IGAD iyo hay'adaha Ku howlan shirka ay mashquul ku ahaayeen sidii ay u xakamayn lahayen BEEN ABUURASHADAAS, Arrintan waxa ka gadooday qaybihii kale ee Soomaalida.

Guddiga waxa uu sameeyay Hadda Aqoonsi ka duwan kii hore, aqoonsiga waxa uu ka kooban yahay qaabkan hoose:
1-Magaca Qofka oo Saddexan.
2-Cidda Uu Matalayo, sida (Carte, USC/SRRC, ) IWM.
3-Darajada Qofka, sida Guddomiye, Hogaamiye Koox, ama Wafdi koox hebel oo kale ah. IWM.

Markii qofku uu aqoonsigaas helayo waxaa loogu soo dhiibaya Cidda matalaysa Isaga ama Hogaaminaysa, tasi waxa dheer qofkii qaata aqonsigaas, Guddiga farsamada IGAD waxay kaqaadayan Faro (Finger Print).

Taarikhdu markii ay ahayd 14.10.2002 ayaa waxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soosaareen baaq ay si toos ah ugu taageerayan Shirkan lagu qabtay Magalada Eldoret oo katirsan Gobolka looyaqan RIFT VALLEY PROVINCE, Goobta shirka lagu qabanayo waa halka uu ku dhashay madaxwaynaha dalka kenya, haddaba Qoraalka kasoo baxay Golaha amaanka oo uu wakiil u'ahaa Madaxwaynaha Dalka Cameroon (President Martin Belinga-Eboutou (Cameroon).

Qoralkaas kasoo baxay xafiiska Golaha Ammaanka oo ku tixraacsanaa Warqadda Numberkedu yahay ( SC/7530 AFR/496 )waxa si toos ah loogu dhiiri galiyay Dhamman Ummadda Somaliyed inay ka faa'iidaystaan fursaddan , iyadoo laga sii faa'iidaysanayo waaya aragnimadii lasoo dhaafay, iyo wakhtigii adkaa ee laga soomaray Xaaladda somaliya .

Qoraalka waxa si gaar ah loogu mahad celiya Dowladaha IGAD ee safka hore kaga jira Arrimaha Somaliya, iyadoo lamagacaabay Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Maalmihii lasoo dhaafay waxa jiray caqabado ka'imanayay qaabka looga soo qayb galayo Shirka, Tusale ahaan waxa Dowlad Goboleedka Soomaaliya ee PUNTLAND STATE of SOMALIA waxa kayimid shirkan dad aad iyo aad losooxulay, waxana hogaaminayay Madaxwaynaha Dowlad Goboledkaas Mudane, Madaxwyane C/lahi Yuusuf Axmed iyo Kuxigenkiisa Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, Haddaba Wafdigaan Puntland waxa garab socday Wafdi kale oo uu hogaaminayo Mudane Jamac cali Jaamac, haddaba waxa dhacday in Guddiga IGAD uu dalbaday in Wakiilada wafuudda ay isugu yimaadaan Goobta shirka, markii ay taariikhdu ahayd 19.10.2002, waxa madashii soo xaadiray Jamac cali Jamac oo uu weheliyo mid katirsan wafdigiisa oo layirahdo JOOCAAR, markii ay madasha soofariisteen ayaa guddiga farsamada IGAD waxay Jamac Cali Jamac waydiiyeen cidda uu matalayo, dabadeedna waxa uu ku jawaabay Jamac waxan ahay Madaxwaynaha Puntland, Guddiga farsamada iyada oo adeegsanaya Liiska dadka Puntland matalaya ayay waxay Mudane Jamac Cali Jamac ku wargashen inuu ka mid yahay ergada Puntland, isla markana uu magaciisa ku diiwan gashan yahay Qofka 21aad ee Puntland, isla markana uu ka mid yahay qaybta Civil Society mucaaradka Puntland, dabadeedna Jamac Cali jamac  waxana loo sheegay in Puntland ay kala xariirayaan C/Laahi Yusuf Axmed.

Ergada ka socota DKG ah Carte waxa ay u kala socdaan Saddex (3) qaybood, qayb waxa hogaminaya Xassan Abshir Farax, qaybna waxa hogaaminaya Cabdalla Deerow Isaaq, Qaybta Saddexaadna waxa hogaaminaya Ra'isul wasaare ku xigenka Carte Cismaan Kalluun, waxa ay ergadan wada daggan yihi SARIGWA LODGE, Xassan Abshir iyo Muuse Suudi Yalaxow waxa ay daggan yihin Laba qol oo iska soo horjeeda mana isa salaaman, waa xaqiiqo arrintaas.

Waxaa jiray Maalmihii lasoo dhafay Culays xagga siyaasadda ah oo ka imaanayay qaar kamid ah siyaasiinta, waxayna taasi ahayd markii qolka weyn ee shirka looga dhawaaqay in madasha uu yimaado C/qaasin Salaad Xassan oo kolkii horeba kamaagtay inuu shirka kasoo qayb galo, isagoo sabab oga dhigay arrintaasi laba arrimod oo kala ah:

1- In Madasha Shirka uu ku yimaado Madaxwayne Soomaaliyeed.
2-Inuu Shirka Noqdo mid aan Bilow ahayn ee uu ahaadaa mid lagu dhamaystirayo Shirkii Carte.

haddaba arrintaan uma cuntamin IGAD, iyo dowladaha ka qayb galaya shirka, Ergooyinka qaybaha kala duwan ee soomaalida iyo marti sharafka kaleba, taasi waxa garab socday LIX (6) Go'aan oo kale oo daba socday go'anada labada ah ee aan kor kusoo muujiyay.

Culayskii ka'imanaya qaybaha kale ee Soomaalida kasoo lagu dalbanayay In C/qasin Yimado Shirka waxa u sabab ahaa , iyadoo aan lagu kalsoonayn Go'aan lagaaridda Xassan Abshir Iyo Derow ama Kalluun, tasoo loo arkayay in Go'an lala garaa iyaga uusan fulayn, illaa uu C/Qasim fuliyo mooyee, siyaasiinta qaar katirsan ayaa Saddexdan nin ku tilmaamay inay lahayste-yaal yihin oo ay marti u yihiin C/qasin haddana Go'aankooda ay lagaaraan Soomaalida inteeda kale aysan macne wayn samaynayn, taasi ayaa keentay in C/qasin looga dhawaaqo inuu yimado shirka dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed.

Arrintan oo aad loogu riyaaqay markii lasoo bandhigay waxay IGAD, Iyo Marti sharafta kale ee Caalimiga ah u wakiisheen arrintan in Ergayga Dowladda Masar Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti , oo wakiil u ah Dowladda Jabuti ay C/Qasin Saalaad Xassan keenaan madasha shirka.

Inta uu soconayo shirka, Dowladaha carabta waxay soo bandhigeen in Shirku uu socdo Muddo kusiman Toddobaatan iyo Shan Casho (75) days, halka Soomaalida Madasha fadhida , marka laga reebo qayb yar iyo marti sharafta kale ee Addunka isku raacen in shirku noqdo mid miro dhala oo waqtigiisa labadiyo illaa ugu yaraan Shan (5) Bilood, fikraddan danbe ayaa loowada riyaqay.

Tariikhaha 19 iyo 20 October.2002 wax shir ah oo dhacay majiran, iyadoo ay sabab u tahay, laba arrimod, waxay ku aadeen sabti iyo Axad, iyo waliba faysto ku aadaned maalinkii madaxwaynihii hore ee kenya Jommo Kenyatta Day 21.10.2002.

Lasoco faalooyinka dambe, insha Allah.

Mahadsanidin
Wariyaha somalitalk
Eldoret , Rift Valley Province

eldoret@somalitalk.com

LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/faallo 

October 21, 2002

ELDORET: Taxanaha Wararka 

 

 AFEEF: Qoraagu wuxuu weydiistey in aan la magcaabin

  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD