SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
SHIRKA ELDORET IYO WAXA KU CUSUB

 

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 21, 2002

 

 

I  I  D  H  E  H

Shirkii dibu heshiisiinta soomaalida ee uu madaxweynaha Kenya magaalada Eldoret Talaadadii dhoweeyd ka furay isla markaana ay dhamaan hogaamiyayaasha siyaasadda soomaaliya ku muransani Somaliland mooyee ka soo qayb galeen ayaa weli ka socda magaalada Eldoret oo Magaalada Nairobi 300 oo KM u jirta.

In kastoo laba goor Ergooyinka shirka ka soo qayb galay la isugu geeyey hoolkii loogu talo galay haddana ma jirin shir ay hogaamiyayaasha siyaasadda ee Eldoret joogaa u dhamaayeen marka laga reebo shir ay gudiga farsamada ee Igadh isku soo hor fadhiisiyeen madaxda soomaalida, kaasoo galabnimadii Jimcaha Hotel Sirikwa ka dhacay. Shirkaas oo ay shir guddoominayeen guddiga Farsamada ee Igadh Waxay madaxda siyaasadda badankoodu isku waafaqsanaayeen in ergooyinka tiradii hore ee loo qorsheeyey loo daayo.

Waxay kaloo siyaasiyiinta soomaalida qaarkood soo jeediyeen inuu madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ahi ka soo qayb galo shirka marka laga reebo Cabddalle Deerow oo madaxweynahooda iyo dawladoodaba difaacay iyo Kornayl Barre Hiiraale oo gebi ahaanba arintaas ka aamusay. Ragii arintaa sida adag uga hadlay waxaa ka mid ahaa Kornayl Cabdillaahi Yuusuf iyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo labaduba ku celceliyey inuu Cabdi-Qaasim shirka yimaaddo ama uu si cad u qaaddaco, shirkii Jimcihii oo socday muddo Shan Saac oo dhow dhow...waxaa madaxda siyaasadda Soomaliya ee ka qayb gashay loogu qaybiyey waraaqo ay ku qoran yihiin qoddobbo laga rabo inay ka soo talo bixiyaan. Oo kala ah sidan:

Xukunka, Balaadhinta Xukunka, Joojinta Colaadaha, Xaqiijinta nabad ku gudbinta mucaawinada bani'aadanimo, Aqbalaadd wixii shirkan dibuhishiisiinta soomaalida ee Eldoret ka soo baxa, La dagaalanka argagixisada iyo in la ilaaliyo baaqan.

Qodobaddaas oo u sii kala baxa faracyo yar yar oo badan ayeey ergooyinka kooxuhu weli ku mashquulsan yihiin sidii ay figradooda uga soo dhiiban lahaayeen, shalay oo Axad ahayd iyo maanta oo Isniin ahba waxaa lagu jiray feestada maalinta sida weyn Kenya looga weeyneeyo ee Kenyatta day oo ah maalintii uu madaxweeynahii ugu horreeyey ee Jommo Kenyatta xukunka dalka Qabtay...ergooyinkuna wax hawl ah ma ay qaban marka laga reebo shirar gooni gooni ah oo ay koox waliba goonideeda u haysatey.

Marka aad la sheekaysato ergooyinka kala duwan ee halkan jooga waxaad dareemaysaa inay weli jiraan koooxo sidii markii hore wax loo qaybiyey diidan, Guddoomiyaha Isbahaysiga dooxada Jubba CoL. Barre Aadan Shire oo Barre Hiiraale loo yaqaan oo aan galabta waraysi dheer la yeeshay ayaa ii sheegay inaysan ku qanacsanayn sidii tirada ergooyinka markii horeba loo qaybiyey isagoo caddeeyey inay arintaa dood weyn ka qabaan.

Xubnaaha metelaya bulshada rayidka ah ayaa dhawrkii beri ee u dambeeyey shirar khaas ah lahaa kaasoo ay weli laftoodu isku mari la' yihiin ciddii hogaan u noqon lahayd, waxaana aad uga dhex muuqda labada aqoonyahan ee Prof. Gandhi iyo Prof, Cabdi Saamatar oo labadooduba wadamada reer galbeedka ka yimid. Waxaa kaloo jira in ergooyinka loo qaybiyey warqado aqoonsi oo kale…Taasoo lagu xadadayo tirada ergooyinka ee uu sicir bararku ku dhacay.

Ilaa iyo hadda iima muuqato wax ka qabsoomay shirka oo aan ka ahayn qodobaddaas siyaasiyiinta soomaalida laga sugayo. Jawiga magaalada Eldoret waa mid kulayl iyo qaboow u dhexeeya oo aan midna lagu sheegi Karin, laakiin waa magaalo ay nabad gelyadeedu aad u sarayso, Adeegga ergooyinka loo samaynayaa waa mid ilaa iyo xad uu dadaal weyni ka muuqdo, hoteel kasta oo ay ergo degan tahayna waxaa ku sugan xayn ciidamada nabad gelyada wadanka Kenya ka tirsan, marka aad daafaha Hoteelka Sirikwa oo xarun shirka u ah soo gaadho waxaad arkaysaa dad ergooyin iyo kuwa kaleba leh oo goonyaha kala duwan ee hoteelka tuban, Dhamaanna soomaalida halkan joogtaa waxay is weeydiinayaan su’aasha ah: "Eldoret natiijo shaqayn kartaa ma ka dhalan doontaa mise sidii shirarki hore ayaa natiijo aan soconayn qalinka lagu duugi doonaa.

Ibraahim Maxameddeeq

E-mail: imdeeq@hotmail.com

Eldoret, Kenya 

Oct 21, 2002

 ELDORET: Taxanaha Wararka  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD