SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
 

SIDAAN KUGU LISAY IIGUMAAD HAMBAYN.

ISBAR BAR DHIG SHIRKII CARTA IYO KAN ELDORET.

waa hubaal iney dad badani soo xasuusan doonaan teendhadii quruxda badneyd ee carta oo lagu xardhay hadal murtiyedyo badan oo ka tarjumayay nabada iyo dowladnimadu macnaha iyo faa,iidada ay u leyihiin nolosha aadanaha, isna weydiin doonaan halka ay ka baxeen suugaantii qiimaha badneyd oo ay soo bandhigayeen hobalada soomaliyeed iyo kuwii J-jabuuti.

I  I  D  H  E  H

waxaan xasuustaa ducooyinkii masaajidyada iyo iyo faataxadi looga mari jiray xaafadaha iyo somali meel walba oo ay joogto shirkii carta in uu alle ka dhigo midkii ay somali weyn ku midoobi lahayd kuna heli lahayd dowlad caadil ah oo somali ku xukunta shrciga islaamka.

waxaana kuu muuqaneysa in dhamaanba ay meesha ka baxeen kadib markii lagu guuldareystay shirkaasi carta.

waxaana wali dad badan ka hor muuqda TVgii RTDga,ee dowlada jabuuti ugu talagashay in caalamka iyo guud ahaan somalidu kal socdaan qaabka uu shirku u dhacayo

ma yareyn dadka soo iibsaday TVyada guryaha la dhigto si ay ayaga iyo ubadkooduba ula socdaan xaalada shirka.

waxaan xasuustaa wali habeenkii dheeraa ee doorasha madaxweynaha Jsomaliya ee loo dhaarinayay xilka loo doortay iyo farxadii saameysay ummadda somaliyeed,iskuguna soo baxay dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada iyo meel kasta oo aduunka somaliyi ka joogto.

waa mid lama ilaawaan ah ergadii kasoo qeyb gashay shirkaas carte oo tira beelay waxay ahaayeen maalmo xusus badan lahaa oo walibana qurux badnaa waxayna iskugu hambalyayanayeen ha guuleysto shirku somalidu ha midowdo iyo erayo xamaasad badnaa.

balse maanta marka lays barbardhigo waxaa kuu sawirmaya inuu wax badan ka wanaagsaa shirkii carta xag qaban qaabo xag ka soo qeyb gal iyo xag madadaaloba.

shacabka iyo Dowlada Jabuuti waxay ahaayeen kuwo aan u kala harin taageerada walaalahood dhibaateysan kuna dadaadalayay in ay mar uun dowlad la helo.

balse nasiib daro somalida ayaa ku maahmaada sidaan kugu lisay iigumaad hambayanin,taasna waa tan maanta keenatay in shirkani uu ahaado mid caajis leh waayo waxaa meesha ka maaqan hobaladii dadka caajiska ka sari jiray kuna dhalin jiray xamaasada iyo is jaceylka oo ay soo bandhigayeen si wada jir ah hobalada iyo somaliyeed iyo jabuutiba,waxaana ka mid ahaa riwaayad hal ku dhigeedu ahaa (DARAJO IYO XIL YAA MUDAN) oo uu alifay abwaanka soomaaliyeed ee aad wada garaneysaan,waxaana ka xasuustaa erayadaas (WAA DACAR QABIILKUYE YAA DIIDAY ORAN KARA ,DADKA YAA HOR IMAN KARA HADAL DEEQA ORAN KARA KASBANKARA RAG IYO DUMAR OO XUMAATA DAAHIRA, YAA QARANKII DUMAY SHALAY DARBIGA U ADKAYN KARA BULSHADA YAYSKU DUMI KARA KALA DURUGTAY WAAYADAN,

WAXAA DUUDKA XIRAN KARA OO DOONTAA WADI KARA NIN LA DOORTAYOO MUDAN ANAGUNA DARAJADAASAAN DUCA IYO KALSOONIBA UGU SII DAREYNAA)

riwaayadahan xambaarsanaa murtida iyo macnaha weyn waa kuwo qeyb weyn ka qadanayay sii socoshada iyo mira dhalka shirkii carta.

balse nasiib daro maanta waa kuwo ay maqan tahay kaalintoodii.

kadib markii Madaxweyne Drc/qaasim iyo dowladiisu soo caga dhigteen magaalada madaxda muqdisho ayaa ahayd maalin jawi gaar ah oo lagu soo xasusto lahayd

waxay noqotay niyad jab weyn markii ay hogaamiyayaasha kooxuhu diideen in ay shirk dib u heshiisiin ah oo ay DKM ku qabatay magaalada muqdisho ka soo qeyb galaan,dhalisayna in ay qabqablayaashu badan abuuraan xiisado dagaal iyagoo jilaafaynaya dowlada carta.

Dhibaatooyinkana waa kuwa dhaliyay in hadba wadan lagu qabto shir iyo dib u heshiiisiin sida la sheegayo u dhaxeya somalida balse aan la haynin xaqiqadii qof doonaya xal ee u muuqda in ay wada doonayaan xil waa qabqablayaashee iyagay nabadii ka dagi la,dahay aduunkana dalka iyo dadka soomaaliyeed ka soo xirxiray.

mar ay ku sheegaan argagixiso iyo mar ay shir kasta oo maslaxadi ku jiri lahayd ay burburiyaan ayay ku dhameyeen mustaqbalkii somalida iyo kumanaan caruur ah oo barri assaagood iyo dalkaba wax u qaban lahaa.

ugu dambayntii maxaa laga fili karaa hogaamiye siyaasadeedyada meeshaa iskugu tagay ma waxay la iman doonaan sheekadii waraabihii yiri magaca halayga badalo oo aamin halaygu magac daro markii xayawaanadii kale ku ag xireen hal xabo oo ari ah laguna yiri hadaad magan galiso caawa aamin ayaan kuu bixinayaa,balse nasib daro uu isla markiiba ka laacay (cunay)sidaasna ku seegay magacii marka sidaas daraadeed markii dalka lagu noqdo ma sidaas ayay uga baxayaan mase nabaday bay noo horsedayaan.

ugu dambayantii waxaan alle ka baryayaa inuu nabad ka dhex dhaliyo ummada somaaliyeed dhexdeda shirkana uu alle ka dhigo midkii ugu dambeeyay ee soo af jara dhibaatada dalka ka jira.AAMIIN...........................

W/D,canab maxamud clle.

canabmumtaz@hotmail.com

  

Oct 17, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD