SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
 Eldoret yaa ku shiraya, yaase wax ka sugaya

Hassan Nuur | SRG14@jubiimail.dk  | Oct 17, 2002

Inkasta oo Eldoret taagero ballaadhan ka helay bulshada siyaasada hadana wax waliba waa bilow, waxaanse weli la hubin sida uu u arko guud ahaan shacabka Soomaliyeed oo 13 shir oo ka horeeyey ay ku guul daraysatay rajadoodii.

32 qof oo aan wax ka waydiiyey shirka ayaa ku taageeray niyad kalsoonideedu aanay adkayn. Waxay u muuqataa dadka taageeradiisu inay ku xidhnaan doonto miisaanka wixii ka soo baxa hordhaca qaybta labaaad iyo dhamaadka shirka.

Waxaad moodaa dadku inay iska ilaalinayaan inay ku fududaadaan sidii kal hore, waxaa kale oo dadku miisaamayaan culayska iyo taageerada uu ka helo bulshada caalamka oo la’aantood loo arko waraaqihii ay kala qoran jireen had iyo goorale marka ay kulmaan hogaamiyaasha Soomaalidu.

Waxyaalaha ugu wayn oo dadka badidiisu quud-daraynayo dhinaca caalamka ayaa u badan go’aano wada jir ah sida:

I  I  D  H  E  H

1. In bulshada caalamku meel uga soo wada jeesto cid kasta oo madax adaygta

2. In la sameeyo guddi sare oo heer dublamaasiyadeed ah (bulshada caalamka)

3. In go’aanada ka soo baxa lagu meel mariyo taageero abaabulan cudud iyo sharciba

4. In salka loo dhigo meel wax ka fulikaraan

5. In ay la guuraan hay’adaha caalamiga ah sida UNka iyo ha’adaha kale ee sal dhigoodu yahay Nairobi, una xilsaaran arimaha Soomaaliya iyaga oo la fadal qaadaya gurya noqoshada dawlada la filayo.

6. Dadka maamulka loo doodranayo kan dawlada dhexe iyo dawladgoboleedyadaba

7. In la helo hab maxkamadeed lagu kala bogsoon karo iyo arimo kale oo badan

Waxaa kale oo iyana xusid mudan dad u arka in shirkan aduunku isu urursaday uu khatar ku noqon karo dan u gaar ah sida kuwa abaabulan ee qabaliga.

Marka aynu usoo noqono guusha ballaadhan oo shirku ka helay qaybo ka mida bulshada iyo khudbadihii furitaanka oo ahaa kuwo aan loo kala hadh lahayn ayaad moodaa arin sida heenka isjiidanaysa.

Marka aad eegto rajada soomaalida iyo sida ay wax u rabto oo mowqifkoodu aad u kala fogyahay way adagtahay ugu yaraan waqtigan hadda ah in meel la isugu duwo shirka Eldoret, balse wax waliba waxay ku xidhnaan doonaan mowqif midaysan iyo hal adayga bulshada caalamku la timaado.

 

 

Oct 17, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD