Bal Garwaaqso, Warankaad
Gantiyo Gadaha Aad Joogto!
Mudane C/risaaq Xaaji
Xuseen
Qof hadduu
gaaro darajo sare oo heer qaran ah , xil ayaa ka saaran
dalka iyo dadkaba , cisada iyo karaamada uu bulshada ka
mudan yahay kama agab sokeeyso , karaamada iyo xushmadda
isimada (duubabka ) ay naga mudan yihiin , haddaba
aqoonsigaas waxaa habboon in loo adeegsado wax ku toosin
, wacyi galin iyo xaajo qaadis.
Halaaggii
iyo Musiibooyinkii taxanaha ahaa ee ku dhacay umdadda
Soomaaliyeed laga bilaabo kacaankii Siyaad iyo aafaduu
reebay , kadibna na dhaxalsiiyay , caaqibo xumada ay
leedahay dawlad la'aanta. Kuwa dusha saartay
masuuliyadda badbaadinta hambadii soo hartay. Mudane
C/risaaq hadal iyo haddaad la daba-gashay qalin-daar;
aan kuu fasaxnee su'aalahan nooga soo jawaab:
Mudane,
maxaa ku aamusiyey Kow iyo labaatankii sana ee Siyaad
Barre dalka ka talinayay, ugana soontay siyaasadda
Soomaaliya, haatanna ugu hammuun-yootay adigoo da'
gaaray?
Mudane,
maxaa ku aamusiyey goortuu kacaanku dilay culimadii ka
dhiidhiday in meel looga dhoco caqiidada islaamka?
Mudane,
maxaa ku aamusiyey goortuu kacaanku gumaaday
warmaqabayaashii guryahooda lagala baxay ee lala tagay
xeebta Jasiira (Xeebta Geerida).
Mudane
Maxaa ku aamusiyey goortuu kacaanku xasuuqay bulshadii
Hargaysa ku noolayd ayadoo loo adeegsaday dayuurado ka
kacaya isla Hargaysa?
Xilliga
burburka iyo soo hambaaburi-taan kaagii siyaadda
Soomaaliya.
Baaqii
lagaa maqlay oo ku jiheysnaa hogaamiyeyaashii
geriyooday.
Labadii
hogaamiye ee dalka soo maamulay oo kala ahaa Maxamed
Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Maxamed Siyaad Barre maxaad u
kala soocday, oo kii 27 bilood oo qura maamulkiisu jiray
qabriga ugu dhacday, iyadoo aan la laabin gogoshii
tacsidiisii EEBBE jannada haka waraabiyee, adoo ku
cambaareyay jeebkiisa iyo hantida dawladda ineyan u kala
soocneyn. Ugana sarriigtay kii 242 bilood dalka soo
maamulay oo raadkiisuna qoyan yahay, aafaduu nooga
tagayna ay weli nag a muuqato.
Baaqii
kugu baaqday ee ku toosnaa labadii hogaanka ku heshiin
weyday
Labadii
ku soo baxday dawladdii lagu soo yagleelay Carta in ay
qabtaan hogaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya waajibkooduna
ahaa ummadda iney heshiisiiyaan, kuwaas oo kala ahaa
C/qaasim Salaad Xassan iyo Cali Khaliif Galleyr, bal
waxay heshiisiiyaan ha joogtee, qof kala qabta makii la
waayay, soo halkaa baaq nabadeyn ah iyo rnurtidii lagugu
tuhmayey kuguma baaqan?
Baaqii
lagaa maqlay ee ku jiheysnaa labada haatan hogaanka haya
ee loo han weyn yahay
Labada
hogaamiye ee haatan ku hawlan dhismaha qaranka oo kala
ah Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo
Ra'iisulwasaare Cali Maxamed Geeddi oo sida wacan isula
saanqaaday oo u muuqaal ekaaday, lama simine Abubakar
Alsadiiq iyo Cumar Bin Khadaab EEBBE raali haka noqdee,
oo aan la kala garan jirin kooda hogaanka haya Mudane:
Cabdirisaaq , waa meesha aan u bukay una socdaye, maxaad
qaraxa u dhex dhigtay, tuuryo mooyee, toosin iyo talo
san lagaaga waayey?
Inta
aanan u gudbin barnaamijka Federaalka ee lagu tagi lahaa
Xamar, ii ogolow Mudane in aan ka faaloodo su/aalaha kor
ku qoran iyo malaha aan is iri, sawirna ka baxsho
Soomaalida maanta.
Waxaan
is iri malaha MD C/risaaq halbeegga uu sito ayaa saxarka
aan la arag, sar weyn uga dhiga, sarta weyn oo muuqatana
saxar uga dhiga. Mudane, waa hubaal inaad ogtahay in
boqortooyada Ingiriisku mar hore ku faantay:
"CALANKA INGIRIISKA QORAXDU KAMA DHACDO ”
soo wax
fool xun ma aha, oo laga dhiidhiye in ay ku sugan
yihiin:
"QAXOOTIGA SOOMAALIDA QORAXDU KAMA DHACDO”
hawl
iyo waxqabad mooyee ma gudboon tahay oo hadal ma bannaan
yahay?
qalin
daarse ma ogolaan karnaa?
"MD GURGUR LAMA
SHIRAYSTIYO HASHII GEELLA KA IRMAAN"
Caasimadda
Xamar iyo Sidii lagu tagi lahaa Mudane C/risaaq waxaad
sheegtay in madaxweyne Cabdullaahi iyo Ra'iisulwasaare
Geeddi looga fadhiyo barnaamijkii caasimadda Xamar lagu
tagi lahaa.
Bisha
Ramadaan markay dhalato dadka qaar aan arkin oo loo
sheego ayaa jira, labada hogaamiye iyo inta caafimaadka
qabta oo sida hagar la'aanta ah ula shaqeysa, oo uu
hormuud ka yahay Maxamed
Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo bud dhigaha u ah
qaranka iftiinkiisu noo muuqdo, waxay ummadda u
muujiyeen inaan Soomaali talo loo waayine balse
tubteedii aan la marin.
Mudane
Haddaan warbixin kooban ka baxsho sida ay hawshu ku
socoto waxaa lagu hor maray xallinta dhibaatooyinka
fudud, federaalku kuma degdegin oo dib ayuu u dhigtay
arrimaha adag oo ismari-waaga keeni kara kuna ridi kara
guuldarro aan laga soo kaban.
Waa hubaal
xallinta arrimaha iyo meelaha fudud inay noqon doonaan
fure sahla ka gun-gaarka arrimaha iyo islaaxa goobihii
adkaa.
La soco
qaybta labaad....
WQ: Duuliye Sare: M. X. Cilmi
(Xaaji Dhagax)
captainelmi1@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
July 30, 2005
Afeef:
Afkaarta qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Jawaab
Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji
....Waxaa wax lala
yaabo ahaa markuu yiri mudane C/risaaq, madaxweynuhu wuxuu
shanta kula jiraa shaqo uusan lahayn markaas micnuhu sow la
ma oran karo mudane C/risaaq wuxuu taas ula jeedaa in
Shariifkuna shaqada uu faraha kula jiro inay shaqadiisii
tahay oo hawlihii dawlada inuu shariifku dhex boodo ay
waajib tahay sow uma dhacayso mar hadii mudane C/risaaq uu
ka meermeeray inuu si buuxda uga jawaabo eedaynta dawlada ee
gudoomiyaha baarlamaanka...
Guji...
Sawirada: Yahoo/Google Images |