Warsaxaafadeed:
Ururka DDP

Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow"
Guddoomiyaha Ururka DDP:
Emailka:
abgaalow56@hotmail.com
February 07, 04
Warbixino soo gaarey Ururka DDP, kana soo
gaarey degaanka ururka, ayaa sheegay in Daahir Riyaale uu dagaal soo
wado (inkastoo aan xabad la isweydaarsan markii aan warkaan helay)
maleeshiyadiisana lagu sheegay aagga Yagoori.
Wararka degaanku waxay sheegeen in kornayl
Axmed Xasan Guure oo ku magac dheer "Axmed Raan" iyo rag kale oo u dhashay
degaanka ay ka soo tageen maleeshiyada Daahir Riyaale, soona gaareen degaan
kooda. Waxaa wararku sheegeen in kornalka oo ka tirsanaan jirey ciidankii
lugta ee qaranka Soomaaliya uu iska soo tegey kaddib markuu arkay in Daahir
Riyaale uu dagaal soo hurinayo iyo in loo sheegay in uu weeraro Xudun oo ah
degaanka kornaylka. Waxana la sheegay in la rabey in kornaylka iyo dadka
degaankiisa u dhashay laga dhigto gaashaan la isaga dhigo xabadda.
Haddaba ugu horayn Ururka DDP wuxuu halkan
ku muujinayaa mowqifkiisa rasmiga ah in uu yahay mid katarjumaya dadka
degaanka Sool, Sanaag iyo Cayn, dadkaas oo ah Puntland, oo ahaa Puntland, oo
ahaan doona Puntland, sababtoo ah markii uu burburku ka dhacay Soomaaliya
qolo walba deegaanka ay ku abtirsadaan ayey aadeen. Sidaas daraadeed ururka
DDP wuxuu ka tarjumayaa siyaada guud iyo gaar ahaan Puntland.
Mar labaadka ururka DDP waxa uu halkan kasoo
jeedinayaa laba baaq oo ah:
1. Gabay ayaa wuxuu ahaa: maandhow asxaan
lagama tago eed haddaad faliye...
Sidii aan caadada u lahayn waxaan leenahay
waar dagaalka hala joojiyo, oo nabada halaga shaqeeyo, haddii la diido waxaan
u sheegeynaa beelaha dagaalka soo shidaya waa dad dagaalkana dhaqan u lahaa,
marka wixii aad ka qaadaan ayaad leedihiin, haddaad samo iyo nabad diideen.
2. Waxaan kaloo baaq usoo jeedineynaa
jaaliyadaha adduunka ku firirsan ee u dhashay degaanka in ay waxkasta nabada
ka hor mariyaan, haddii laga fursan waayona ay u diyaar garoobaan dagaal
difaac ah oo ay difaacanayaan degaankooda. Dadka degaanka joogaana waa in ay
is difaacaan. Reer Puntlandna siday isu difaaci lahaayeen iyagay jirtaa.
Odayaasha iyo Isimada Awdal dega waxaan ka
codsanayaa in ay qabtaan wiilkooda gardarada ku socda, oo berri ka maalin
may-tirina waa la is yiraah daaye in aan baaq nabadeed idiin soo jeediyey
ogaada.
Ilaahayna waxaan ka baryaayaa in uu
colaadaas qaboojiyo.
Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow"
emailka:
abgaalow56@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2004
Urur
Siyaasi ah oo Lagaga Dhawaaqay Laascaanood
Guddoomiyaha ururka DDP oo ah Maxamed Xasan
Maxamud "Abgaalow" ayaa SomaliTalk u xaqiijiyey in
Guji
4/2
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh ururka DDP
-dhammaad-
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|