SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DDP

Urur Siyaasi ah oo Lagaga Dhawaaqay Laascaanood

SomaliTalk.com | Feb 4, 2004

Maalintii Ciidul-Adxaa ee taariikhdu ahayd Febraayo 1, 2004 ayaa magaalada Laascaanood waxaa laga dhawaaqay urur siyaasi ah oo lagu magcaabo DDP [Democratic Development Party].

Ururkaas oo ujeedadiisa ugu weyn ay tahay ilaalinta wadajirka iyo xornimada Soomaaliyeed, sida uu SomaliTalk maanta u sheegay guddoomiyaha ururkaas oo ah Maxamed Xasan Maxamud oo loo yaqaan "Abgaalow".

"Abgaalow" oo hadda ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA waxa uu yiri "Waxaan nabad ugu baaqeynaa gobolada deriska la ah Sool, Sanaag iyo Cayn", asagoo hadalkiisii sii watana waxa uu intaas ku daray "qolooyinka dagaalka soo shidaya waxaan u malaynayaa in aysan dagaal kulaylkiisa aqoon, oo nabadu waa caano ee hala adkeeyo".

Maxamed Xasan "Abgaalow" wuxuu kaloo ku baaqayaa ummadda Soomaaliyeed in ay u baahan tahay dawladnimo "Waxaa nadhibay adduun weynuhu marka uu naweydiiyo waxaan isku haysano oo aan jawaab u weyno, xaqiiqaduna waxay tahay jawaabta garanmeyno" ayuu yiri.

Waxa uu "Abgaalow" hadalkiisii kusoo gabagabeeyey "waxaan ka baryeynaa in hoggaamiyayaasha jooga Nairobi ay ceebta naga mayraan, haddey duco naga rabaan".

Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow" waxaa toos loogaala xiriiri karaa emailka: abgaalow56@hotmail.com (abgaalow56@hotmail.com)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2004

-dhammaad-

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa
kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD