SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
FAAQIDAAD - CIRAAQ
Bush Saddam
Maxaa Ciraaq loo Qabsanayaa? 

Faaqidaad:  Qaybtii I  | Qaybta II

W.Q Axmed Dowlo
dawlo@hotmail.com
  

March 19, 2003

Waxaan qaybtii hore ee qormadan soo faaqidnay xasarada ay abuurtay go'aankii Ciraaq ee ahaa inay saliideeda ku gadato lacagta Euro. Waxaa haddaba lagama maarmaan ah inaan xusno ahmiyada ay u leedahay dawlada Maraykanka inuu Dollar ku ku baaqi ahaado inuu sii ahaado lacagta aduunku u isticmaalo inuu ku iibsado saliida. Iyo waliba inaan yara ishaaro saliidu sida ay u tahay neerfaha dhaqaalaha Maraykanka laftiisa.

 

Dawlada Maraykanku laga soo bilaabo sanadkii 1971 markii uu maamulkii M/weyne Richard Nixon ka saaray lacagta Dollar ka miisaankii caalamaga ahaa ee ahaa in dahabka lagu qiimeeyo qiimaha lacagaha aduunka, wuxuu Maraykanku hogaan u ahaa dhaqaalaha caalamka (eeg buuga la yidhaado: International Financial Structure boggaga 12-28). Wuxuu meeshaasi Maraykanku daaqada kaga tuuray heshiiskii la odhan jiray Bretton Woods ee dhacay 12 July 1944 ee lacagta aduunka miisaanka uga dhigay in lagu qiimeeyo dahabka oo wiqiyadiiba lagu qiimeeyay US$ 35. Micne ahaan waxay noqonaysaa in inta uu wadanku leeyahay kaydka dahabka uu hanti leeyahay. Heshiiskaasi wuxuu ahaa kii u gogol xaadhay markii danbe in la aas-aaso Hay'ada Caalamiga ah ee Lacagta Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IMF (eeg taariikhda IMF www.imf.org).

 

Dhaqaalaha Maraykanka oo ku dhisan nadaamka "Hanti Goosadka" ayay go'aankan Maraykanku qaaatay gaadhsiisay heer sare, waxaana sii xoogiyay markii ay ogolaadeen wadamada saliida soo saara ee ku bahoobay ururka OPEC inay shidaalkooda ku iibsadaan Dollar ka oo noqday 'Fiat Currency". Dollar ku wuxuu intii taas ka danbaysay noqday lacagta ugu muhiimsan aduunyada iyadoo wadan waliba wuxuu sii gadayo iyo wuxuu soo gashanayaba uu Dollar u isticmaalo. Haddaba su'aashu waxay tahay ahmiyad intee dhan ayay Maraykanka u leedahay inuu sii xafido siyaasada "Dollar Hegemony" ee sida muuqata ay Ciraaq dhabar jabisay 6 Nov 2000 (eeg maqaalkii hore). 

 

Dhaqaalayahanka Aasiyaanka ah ee la yidhaahdo Henry C K Lui wuxuu ku xaqiijiyay buugiisa la yidhaahdo "Awooda Dollar" ka daraaasad dheer ka dib inuu Maraykankuna sameeyo Dollar ka, aduunka intiisa kalena was soo saar.  Taas micnaheedu waxaa weeyaan inuu Maraykanku wax walba ku helo bilaash maadaama oo uu Dollar ka asaga kaligii sameeyo xaashidiisa. Waxaa kale oo khabiirkani uu ku andacoonayaa inuu Maraykankau 'Transaction" da dhex mara aduunka intiisa kale oo lagu kala wareejisto lacagta Dollar ka iyo waliba dulsaarka "interest" ka soo baxa uu ka helo faa'iido ka badan dakhliga sanadlaha ah ee soo gala Maraykanka "GDP".

 

KAAH

Dhinaca kale, isticmaalka saliida iyo waliba faa'iidada ganacsi ee uu Maraykanku ka sameeyo saliida ma ah mid lagu soo koobi kaaro maqaal iwm Dawlada Maraykanku marka laga reebo inay ilaalinayso awooda Dollar ka ee ay Ciraaq jabisay, waxay in wadankaas la qabsadaa  dhabarkeeda ka dajinaysaa baahideeda saliideed ee faraha badan. Maraykanku wuxuu kaliggii isticmaalaa afar meeloodow meel dhammaan saliida caalamka oo dhan. Sida uu sheegay ribootkii M/weyne ku Xigeenka Maraykanka Mr D Cheney bishii May 2001 wuxuu halkii maalin u baahan yahay Maraykanku ilaa 20 malyuun oo foosto oo saliida caydhiin ah (eeg Cheney Energy Report May 2001).

 

Wuxuu ku andacoonayaa qoraaga la yidhaahdo Paul Webster in shidaalka ay isticmaasho Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka 'Pentagon' kaliyahi 24 saacba ay baabuur ku filaan karto inuu ku soo wareego aduunka oo dhan 8 jeer. Maraykanka waxaa dibada kaliya kaga maqan askar gaadhaysa nus malyuun askari oo degan shan qaaradood (Eeg maqaalka Empire Overstrech ee Naom Chomsky 12 April 2002). Ciraaq, sida ay la tahay Maraykanka, waa wadanka ugu muhiimsan ee dabooli kara baahidaas maadaama ay ceegaagto 11% saliida aduunka oo dhan haddana uu xukumo maamul ayna Maraykanka isku fiicnayn.

 

Sida ay dawlada Maraykanku ugu gacmo mudan tahay inay hesho kayd saliideed oo ay siday doonayso ugu tasarufto waxaa si xoog leg loogaga niqaashay Congrees ka Maraykanka dabayaaqadii maamulkii Clinton sanadkii 1999 kii April 13. Doodaas oo raggii ka hadlay uu ku jiray General Anthony Zinni (eeg dhammaadka qoraalkan) wuxuu ku nuux-nuuxsaday 'inay dawlada Maraykanku uga baahan tahay Gacanta Carabta inay gacanta ku dhigto shidaal ay iyadu leedahay " (Eeg State Department Bulletin 13 April 1999). 

 

Waxaa halkaas laga garan karaa ujeedada ay leeyihiin sharikadaha saliida ee Maraykanka ee sida is daba jooga ah ula shirayay madaxa cusub ee mucaaradka Ciraaq ee uu sameeyay Maraykanku dhawaan ee la yidhaahdo Mr Axmed Jalabi oo u balan qaaday inuu Maraykanku maamuli doono saliida Ciraaq oo la qarameeyay sanandkii 1972 dii marka la af ganbiyo xukuumada S Xuseen.  

Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien oo ku celiyey in uusan taageersanayn dagaalka Ciraaq. Daawo...

Canada oo Qayb Ciidankeedii ka jogey Khaliijka kala soo baxaysa Dhegeyso halkan...

ISHA: TV-CANADA (CBC)
SAWIRKA: CBC
 

Dhinaca ka ganacsiga saliida, wuxuu Maraykanku hogaan u yahay aduunka intiisa kale isaga oo shirkadihiisu ay yihiin kuwa ugu badan uguna waaweyn shirkadaha saliideed ee caalamka. Shanta shirkadood ee ugu waaweyn aduunka ee ka ganacsata saliida afar ka mid ahi waa Maraykan iyo Ingiriis. Waxay kala yihiin Exxon Mobil, Royal Dutch-Shell, British Petroleum-Amoco, iyo Chevron-Texaco. Shirkada shanaad wxaa la yidhaahdaa TotlaFinaElf waxaana iska leh Faransiis/Talyaani. Waxaa xusid mudan in shirkadahan saliidu ay door weyn ku leeyihiin qabsashada Ciraaq. Sida ay sheegayso jariirada Arabnews 12 Dec 2002 waxay shirkadahan saliidu siiyeen M/weyne Bush markii uu u ololaynayay jagadda madaxtinimada sanadkii 2000 ilaa US$26 malyuun. Lacagtaas waa mid loo baahan yahay inay faa'iido u dhasho sharikadahan.

 

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la xuso iyana in maamulka Bush uu yahay saliid aqoon. Waxaa lagu naanaysaa "Maamulkii Saliida" Tusaale ahaan M/weyne Bush wuxuu ahaan jiray maamule sare oo  shirkadaha saliida ee Arbusto Energy/Bush Expolaration Oil Co sanandihii 1978-1984. Wuxuu kale oo lasoo shaqeeyay shirkada Harken Oil Co sanadihii 1986-1990. Ku xigeenkiisa Mr D Cheney wuxuu ahaa maamulaha shirkada Halliburton Oil Co wixii ka horeeyay sanadkii 2000. Sidoo kale La Taliyaha Amaanka Qaranka ee Maraykanka Mrs C Rice waxay ahayd maamule sare shirkada Chevron Oil Co. Intaas kuma eka ee waxaa jira 41 qof oo ka tirsan maamulka sar-sare ee M/weyne Bush oo ama soo ahaan jiray maamulayaal ka shaqeeya ganacsiga saliida ama haatanba ku leh saamiyo waaweyn shirkadahaa nacfista saliida.

 

Haddaba iyada oo ay jiraan dhammaanba xaqiiqooyinkaas aan kor kusoo sheegnay lalama yaabi karo inuu Bush go'aansado inuu Ciraaq qabsado isaga oo ku mar-marsoonaya waxay Ciraaq haysataa hub halis ah, waxay diiday dhawaaqa QM iyo waxay khatar ku tahay nabada aduunka!. Waxaase la yaab noqotay in qaar ka mid ah wadamada saaxiibka la ah Maraykanku ay ka soo horjeedsadaan go'aankan. Marka aan eegno diidmada  Faransiiska iyo Ruushka oo sidaan maqaalkii hore kusoo sheegnay aan ahayn mid 'mooraal' ah ee ah mid la xidhiidha dhaqaale.  

Ruushku, tusaale ahaan, wuxuu Ciraaq la sixiiday qandaraasyo xoog leh oo saliideed. Shirkada ugu weyn Ruushka ee saliida LukOil waxay sanadkii 1997 dii maamulka S Xuseen la sixiixatay kunturaad saliideed oo qiimahedu yahay US$ 20 billion oo  ah inay saliid kasoo saaraan aagga Qurna. Iyadoo waliba shirkada saliida ee kale ee Ruushka ee la yidhaahdo Zarubezhneft ay dhawr sano ka hor la sixiixdeen Ciraaqiyiinta qandaaraas qiimihiisu ku kacayo ilaa US$ 90 billion oo dhigaya inay horumariyaan soona saaraan kaydka saliida ee la yidhaahdo Bani Cumar. Dhinaca Faransiiska asaguna waxaa Ciraaq ooga shaqeeya shirkada saliida ee TotalFinaElf oo S Xuseen la sixiixatay inay soo saaraan kaydka saliida ee la yidhaahdo Majnuun oo u dhigma 15% saliida Ciraaq ee lagu qiyaaso inay tahay 112.5 Billion oo foosto. Faransiiska iyo Ruushkuba waxay rumaysan yihiin in haddii maamulka S Xuseen laga takhaluso inay waawayaan danahan ayaga u gaarka ah.

 

Waxaa isna buda caydhiin kusii daray dagaalkan diblomaasiyada ah ee salkiisu yahay inaan Ciraaq lexejeclo kale laga lahayn aan ahayn kuwa dhaqaalaha ee u dhexeeya reer Galbeedka, fikirka laga qabo maamulka M/weyne Buush oo ay awoodahani rumaysan yihiin inuu kaliggii tashad yahay. Dadka diblaamisayada ku xeel dheer waxay aaminsan yihiin in sida Maraykanku u suuq geeyay dagaalkan uu Ciraaq ku qabsanayo ay liidatay, waxayna ka cadhaysiisay dawlada Faransiiska oo kale oo saaxiib lama huraan u ah Maraykanka. Haddii bay ku doodayaan aqoonyahanada diblomaasiyadu uu Bush u ogolanaan Faransiiska ‘percentage’ wanaagsan oo saliideed isma uusan dhariijiyeen. Waxaa haddaba Faransiiska u soo baxday saliida Ciraaq oo uu haatan asagu saami weyn ku leeyahay oo ay Maraykanka, Ingiriiska iyo Israel isu daba fadhiisteen.

 

Waxaa haddaba is waydiin leh haddii ay dhacdo inay Maraykanka iyo Ingiriisku kaliggood qaadaan weerar lagu qabsanayo Ciraaq maxay kala kulmi karaan awoodahan ayna ugu yaraan la qumanayn in durba la qabsado? Maxaase kale oo dhici kara haddii laysugu yimaado fadhi kale QM oo Faransiiska iyo Ruushku ay isticmaalaan diidmada Veto dagaalku ma soconayaa mise way hakinayaa? Dadka ku takhasusay siyaasada QM waxay aaminsan yihiin in xataa haddii Faransiiska iyo Ruushku ay isticmaalaan Veto in dagaal lama huraan yahay. Ma aha bay leeyihiin markii 1aad ee awood ka mid ah kuwa leh Veto ay isticmaasho diidmadeeda ayna awoodaha kale wadaan ama fuliyaan isla wixii asaga ahaa. Waxaa ugu danbeeyay diidmadii Ruushku diiday ee uu Veto u isticmaalay inay NATO awooda ka tuurto M/weynihii hore ee Yoguslavia Mr Milosevic, NATO way socodsiisay go’aankeedaas.

 

MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ ?? TAARIIKHDA CIRAAQ
Waa faallo ku saabsan Ciraaq oo uu qoray C/Raxmaan Darbane

CIRAAQ & DAGAALKA MAREYKANKU LA DAMACSAN YAHAY
Faallo iyo warbixin dheer oo uu qoray Shariif Macallin Maxamed

MAXAA CIRAAQ LOO QABSANAYAA? ... FAALLO 1aad
waxaa isku soo dubaridey Axmed Dowlo...

VIDEO: BUSH OO SADDAM U QABTAY 48 SAACADOOD
Kudhbaddii uu Bush xalay u jeediyey dadka Maraykanka ayuu ku sheegay in Saddam iyo wiilashiisu ay Ciraaq kaga baxaan 48 saacadood hadii kale la weerarayo... Daawo Khudbadii Bush 

Dad badan ayaa rumaysan in haatan Maraykanku uusan tix galinaynin diblomaasiyada caalamiga ah ee uu ku mashquulsan yahay abuurida barnaamij hub oo markhaati u noqda inuu S Xuseen been sheegayay, oo marka uu qabsado Ciraaq uu tuso ra’yi caalamka kuna qanciyo in M/weyne Bush uu ogsoonaa in Ciraaqiyiintu ay xasaynayeen hubka halista ah ee wax gummaada.  Barnaamijkan hub samayntu wuxuu ka socdaa Waqooyiga Ciraaq aagga la yidhaahdo wuxuu ka caagan yahay duulimaadyada (Eeg Pravda, 25 Feb 2003).

 

Waxaan shaki ku jirin inay umuurtani (waa haddii Ciraaq ay qabsadaan USA iyo UK kaliyahi) ay bilow u noqon doonto dagaal kii qaboobaa oo kale ah oo dhex mara Anglo-American iyo xulufada cusub ee uu Wasiirka Gaashaandhiga ee Maraykanku Mr Donald Rumsfeld ugu yeedhay Yurubtii Hore ama “Old Europe” oo Faransiiska iyo Jarmalku hogaaminayaan si aan buuxina uu Ruushku ollog ula yahay..

 

Maxaa Xigi…………. La soco qaybata 3aad ee Faaqidaad Insha Allaah.

 

 

 

Fiiro Gaara ah: General Anthony Zinni wuxuu agaasime ka ahaa ciidamadii UNITAF (Unified Task Force, Somalia ) intii u dhexeysay Nov 1992-May 1993. Wuxuu kale oo ahaa caawiyaha ergeygii gaarka ahaa e Maraykanku u diray Somalia Robert Oakley. Wuxuu General Zinni ahaa ninka kaliya ee jawaab ka bixiyay dadkii Soomalida ahaa ee ay ciidamadii Maraykanku dileen intii ay Soomaaliya joogeen oo lagu qiyaaso 6000-10 000. Wuxuu General Zinni caan ku noqday inuu yidhi “Ma aanaan tiriniynin (maydka Somaalida) sababtoo ah maanaan xiisaynaynin” Markii la waydiiyay waxa ay galabsadeen dadkaas la laayay oo haween iyo caruur u badnaa wuxuu yidhi; ‘Waxay ujeedadanadu ahayd inay dadkani dhintaan”  

   

Qaybtii 1aad ku laabo 

Waxaa soo diyaariyay iskuna soo duba riday:

Axmed Dowlo

dawlo@hotmail.com 

I  I  D  H  E  H

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.

Tixraac: SAWIRADA: AP, Encyclopedia of the orient

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD