MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ ??
waxaa isku soo duway:
Cabdiraxmaan Ismaaciil shire (Darbane)
darbane72@hotmail.com
darbane72@yahoo.com
Nairobi Kenya | March 18, 2003
Si uu qof walba uga qaato fikrad ama aragti sax
ah, xaalada ka taagan meel ama wadan, waxa uu u baahan yahay inuu wax uun ka
ogaado sooyaalka taariikheed ee meeshaas ama wadankaa.
Saan la socono baryahaan Ciraaq ayaa noqotay
meel ay aaladaha warbaahinta aduunka ama ruux walbaa oo dunida saaran uu hadal
hayo xiisadda ka taagan Ciraaq.
Sooyaalka taariikheed ee Ciraaq maaha mid hal
ama laba qormo lagu soo koobi karo, sidaa darteed ayaan bal isku dayey inaan soo
ururiyo war bixinno ama taariikho ku saabsan Ciraaq.
Mesopotamia waa eray Greece ah macnihiisuna
yahay dhulka laba webi maraan, labadaaas webi oo kala ah Furaat
iyo Dijle. Ayaa ah magacii hore
e qadiimiga ahaa ee la oranjiray dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq, waxa uuna ahaa
dhulkaa meelihii ugu ilbaxnimada horeeyey ama ugu qadiimsanaa dunidan aynu
saaranahay.
Ilbaxnimadii ugu horeysay ee ka dhalatay
gobolkaa waxay aheyd ilbaxnimadii “SUMERIAN” taa oo ka dhalatay
koonfur Bari Mesopotamia.
SUMER waxay
ka koobneyd 12-magaalo (Adab, Akshak, Bad-tibira Erech, Kish, Lagash, Larak,
Larsa, Nippur, Sippar, Umma iyo Ur) magaalo walbana waxay laheyd qalcadeeda iyo
sanam-keeda oo ay ilaah ka dhigan jireen rumeysnaayeenna inuu magaalada
difaacayo.
Sumerian-ku waxay ahaayeen dad beeraleey ah oo
beerta Qamadiga, Timirta, Qudrada. Sidoo kale Lo’da, Ariga iyo Dameerahaba waa
ay dhaqanjireen.
Sumerian-ku sidoo kale waxay meel wanaagsan ka
gaareen cilmiga Xisaabta iyo Xidigiska. Waxay ilbaxnimadaa jirtaba waxaa bedelay
oo ku xigay ilbaxnimadii AKKADIAN-KA ayaduna waxay ka dhalatay dhinaca
waqooyi galbeed gaar ahaan meesha ay isaga soo dhawaadaan labada webi ee Furaat
iyo Dijla, ugu dhawaan meesha hada ay Baghdad tahay.
Sidoo kale waxaa ku xigay tii ASSYRIA
oo ku baahsaneyd inta badan Koonfurta Turkey, Syria, Lebanon, Palestine, Israel,
galbeedka Iran, Kuwait, iyo Masar.
ASSYRIAN-tu
waxay intooda badan ahaayeen dad beeraleey ah maamulkooduna wuxuu ku dhisnaa
boqortooyo.
BABYLONIA
waxay ahaayeen dad ku dhaqan magaalooyin iyo beerahaba ayadoo boqortooyadu inta
badan ka koobnayd 10-15 magaalo, magaaladiina ay ku nooshahay 10,000-50,000
ruux, xukunkooduna waxaa uu ku saleysnaa boqortooyo, maxkamaduna waxay aheyd
xarunta sharciga ayadoo maxkamad walbaa ay leedahay 1-4 qaadi.
Bulshada Babylonian-ku waxay u kala
qeybsanaayeen sadex dabaqadood oo kala ahaa. (A) Dabaqadda sare ee loo yaqaanay
“AWILU” waxaana dabaqaddaa ahaa saraakiisha dowladda, wadaadada
diinta iyo dadka hantida heysta.
(B) Dabaqad dhexe oo la oranjiray “MUSHEKNU”waxayna
ahaayeen dadka beeraleeyda ahaa. (C) Dabaqada hoose (WARDU) waxaana ahaa
dadka la gumeysto.
Ilaha dhaqaalaha ay ku tiirsanaayeena waxaa u
weynaa beeraha sidoo kalewaxay ganacsi la laahaayeen dibada.
Wuxuu boqorba boqor isu dhiibaba taariiqda
islaamku markey aheyd 17-hijriyada oo ku begnayd waqtigii khilaafadii Cumar “RC”ayaa
ciidan uu hogaaminayo “KHAALID BIN WALIID” oo tiradiisu dhamayd
18,000 ay qabsadeen Ciraaq dhulkii la oranjiray Mesopotamia halkaana waxaa ku
dhexmaray dagaalka loo yaqaano (Dhat al-Salasil) “dagaalkii silsiladaha”
magacaana waxa uu ku baxay markii ay gaaladu isku xirxireen silsilado si aysan u
kala cararin. dagaaladii kale ee ay isaga horyimaadeena waxa ka mid ahaa “BUWAYBA”
iyo kii la oranjiray “AL-QAADISIYAH” ahaana kii ugu danbeeyey ee
lagu dilay boqorkoodii la oranjiray “RUSTUM”.halkaana waxaa aawoodii
kula wareegay islaamka oo u talinayey dhulkaa.
Waqtigu wuxu is badbadalaba waxa dhashay
xukunkii Cabbaasiyiinta magaalo madaxna waxay ka dhigteen “Baghdad”, taa oo
noqotay meel aad muhiim u ah xaga ganacsiga, dhaqanka iyo xaruunta awooda ee
dunida ee markaa. Waqtigii ugu fiicnaa ee soo marana waxaa uu ahaa waqtigii uu
xukumayey “HARUN AR RASHID” amniga iyo ganacsiga ka sokoow waxay aad
ugu horumartay cilmiyada sida Xisaabta, gaar ahaan Al-gebrada, caafimaadka
ayadoo ay Baghdada tahay meelihii dunida ugu horeeryay ee Isbitaal sameysta,
waxaana u dheeraa ayadoo isbitaalkaa ay gudahiisa ku yaaleen Machadyo
caafimaadka laga barto.
Ugu danbeyntii wuxuu xukunkii Cabaasiyiinta
halkaa ka jiraba waxaa qabsaday nimankii la oranjiray “Mongol” ama
TATAAR ayadoo ay aad u qaribeen una burburiyeen magaaladii aheyd Baghdad.
Sidoo kale xukuumadihii soo maray waxaa ka mid
ahaa uguna danbeeyay xukuumaddii Othmaniyiinta ayaga oo dhulkaa xukumayey ilaa
gumeysiga Ingriisku qabsado qaar ka mid ah dhulkaa.
Ciraaqda casrigan
Ciraaqdan cusub oo ay soo mareen gumeysigii
Ingriiska iyo dawlado aad u fara badan oo intoodii badani ku yimaadeen nidaam
afgambi ah bal aan u kal qaadno waqtigii gumeysiga iyo madaxbanaanidii ka
danbeysay.
A- Waqtigii gumeysiga
Waqtigii dagaalkii 1-waad 1914-ki ayaa
Ingiriisku qabsaday koonfurta Ciraaq taas oo ka danbeysay markii Ingiriisku
taageero ka helay hogaamiyayaal meelo badan oo dhulka carabta ahaa, ahaana
xiligaas kuwa xornimo doon ahaa, rabayna ineey ka go’aan Cuthmaaniyiintii
Turkiga, waxaana ka mid ahaa “Hashemite” qoyskii Xuseen Ibn Cali ayadoo
markaa Ingirisku u balanqaaday inuu xornimadooda aqoonsan doono dagaalka ka
dib.1917-kiina Ingiriisku waxaa uu qabsaday Baqdaad.
1920-kii ayaa waxaa bilaawday kacdoono xornimo
doon ahaa taas oo ay keentay ka dib markii la daahsaday balantii aheyd in
xornimo la siinayo dagaalka ka dib. Ingirisku waxaa uu caburiyey kacdoomadaa
xornimo doonka ah burburiyeyna.
Ingriisku kadib markuu arkay in uusan danahiisa
ka fushan karin Ciraaq gudaheeda oo uu la kulmay mucaaraddo badan ayuu goostay
qorshe ah in uu sameeyo dowlad isaga taageersan, markaas asaga oo ay
taageerayaan qaar ka mid odayaasha qabaa’ilka ayaa March 1921 la
saxiixday heshiis ahaa inuu Feysal noqdo boqorka wadanka ayadoo weli Ingirrisku
dusha ka heysto.
23-kii Ogosto 1921
ayaa la dhisay boqortooyo uu hogaaminayey Feysal Ibn Xuseen.
10-Oktobar 1921
ayuu boqorku la saxiixday heshiis gaashaanbuureysi ah Ingiriiska. 1930-kiina
waxaa uu heshiis kale la saxiixday Ingiriska kaas oo ahaa in ciidamada
Ingiriisku sii joogaan Ciraaq xornimana ay gaarsiiyaan.
B-Madaxbanaanidii ilaa waqtigan
Wadanku xornimadiisa ma uusan qaadan ilaa laga
gaaray 3-Oktobar-1932 markaa oo lagu dhawaaqay xornimada wadanka ayadoo
uu hogaamiye u yahay boqor Feysal isla markaana ku biirtay ururkii qarama
(League of Nations) sanad ka dib 8-dii Septembar-1933 ayaa waxaa
geeriyooday borqorkii feysal asaga oo joogay markaa magaalada Bern ee
dalka Switzerland waxanaa halkaa xukunkii bortooyada kula wareegay
willkiisii Ghazi.
Bartamihii 1936-dii Ghazi waxaa uu
gaashaanbuur la sameystay qaar ka mid ahaa qaramadii carabta gaashaanbuureysi
taa oo loo yaaqaanay dhaqdhaqaaqii carabnimada (Pan-Arab Movement) ujeedadeeduna
aheyd in ay isku darsamaan qaramada Carabtu, isla sanadkaa wax uu ahaa sanadkii
uu afgambigii milateri ee ugu horeeyey ka dhaco wadan carbeed.
3-April-1939
ayuu boqorkii Ghazi ku geeriyooday shil baabuur xukunkiina waxaa la
wareegay wiilkisii Feysal ayadoo xukunka boqornimadu uu u sii heynayo
adeerkii Amir Abdal Ilah maadaama uu san Feysal aheyn qaangaar
jirayna markaa afar sano.
Horaantii dagaalkii labaad ee dunida Ciraaq
waxay aad u taagersaneyd Ingirirska. si kastaba ha ahaatee ninkii ay ku weyneyd
wadaniyadda Carbeed aadna uga soo horjeeday Ingiriiska Rashid Ali Geylani ayaa
noqday ra’isul wasaare asaga oo badalay Nuri
as-Said.
Ra’isul wasaaruhu waxaa uu istusay in xiriir
sokeeye oo lala sameysto Jarmalka ay tahay rajada kaliya ee lagaga bixi
karo gacan ku heynta Ingiriiska, markaa ayuu Rashid Cali soo bandhigay in
la xakameeyo dhaqdhaqaaqa ciidamada Ingriiska; Abd Al Ilah iyo Nuri as-Said labadooduba
waxay ka soo horjeesteen fikraddaa siyaasaddeed ee Rashid Cali kuna
cadaadiyeen in uu is casilo, taa asaga oo ka duulaya ayuu Rashid Cali,
april-1941-kii xukunka kula wareegay afgambi milateri asagoo kaalmo ka
helaya jarmalka. markaa ayay sii hayihii boqornimada iyo intii ka ag
dhaweydba ay u baxsadeen Habaniyah ugana sii gudbeen Basrah ilaa
ay galeen Cumaan-Jordan .markiiba Ingirisku waxa uu sii kordhiyey
ciidamadiisii difaaca soona dejiyey Basra halkaana uu ka dhacay dagaalkii
afarta asbuuc ugu danbeyntiina laga guuleystay Rashid Cali iyo
ciidamadiisii.may-30-keedii Rashid Cali iyo dawladiisii waxa ay u
carareen dalka Iran ilaa ay ka tageen Jarmalka.
1-dii June ayaa
uu Ingiriisku u yeeray sii yahihii boqortooyada Abd Al Ilah waxayna kuna
soo celiyeen xukunkii.
May-1953-dii
ayuu boqorkii Feysal xunkunka si toos ah ula wareegay ka dib markuu
sideed iyo toban jir saday.
14-July-1958 ayaa
afgambi milateri oo ay hogaaminayeen Abdulkarim Qassem iyo col. Abdulsalam
Arif kula wareegeen xunkunkii waxayna halkaas ku dileen boqorkii Feysal iyo
adeerkii Abd Al Ilah iyo ra’isul wasarihiisii Nuri
as-Said.
Inkastoo dhow jeer laysku dayey in si
shirqool ah lagu dilo Abdulkarim Qassem laakiin maysan noqon kuwa lagu
guuleysto, wuxuu wadanku ku jiraba dagaanasho la’aan siyaasadeed iyo
afgambiyo isku xigxigsaday, ayaa 8-feb-1963-dii lagu dilay Abdulkarim
Qassem shirqool ay soo maleegeen saraakiil ka tirsanaa xisbiga Ba’ath,
loona doortay Abdulsalam Mohamed Arif Madaxweyne, ra’isulwasarana
Axmed Xasan Al-Bakr.
13-apr-1966-dii
ayaa madaxweyne Abdulsalam Mohamed Arif ku dhintay shil diyaaradeed
waxaana xukunkii la wareegay walaalkii Gen.Abdulrahman Arif. 1967-dii
waxaa dhacay dagaalkii qaatay lixda casho kaa oo ay xisbiga Ba’ath ku dareemeen
awooda xooga badan ee ay kulee yihiin xukunka ayaga oo 17-July-1968-dii
xukunka kaga tuuray afgambi aan dhiig ku daadan, halkaana uu Axmed Xasan
Al-Bakr ku noqday madaxweynihii dalka..
Sanadahaa intii lagu guda jiray Ciraaq ayaa
aheyd mid u halgameysay qaranimada carabta, waxayna sidoo kale aheyd madaxii
ciidankii hogaaminayey dagaalkii Israel iyo Carabta ee 1967.
1970-kii
ayuu aad u sii xumaaday xirirkii Ciraaq iyo Iraan ka dib markii dowlada Iraan
ay siisay taageero hub ah , hogaamiyihii Kurdiska Mustafa
Al-Barzani.
6-march-1975 ayaa
sadam Xuseen oo ahaa nin ay xigaalo yihiin madaxweyne Al-Bakr heshiis
la saxiixday shaahii Iraan, heshiiskaas oo ahaa in Ciraaq ay ka
tanaazusho xurguftii dhuleed ee ka dhaxeysay, labada dal sida Khuzestan iyo
Shatt el-arab Iraana ay joojiso taageerada ay siinayso kacdoonka Kurdiska.
Qalalaase dheer iyo dagaalo badan ka dib
dhamaadkii sanadkii 1977 ayaa dadka Kurdiska ah loo ogolaaday in la siiyo
xukun hoosaad lana aqoonsaday luuqada Kurdiska si sharci ahaan ah.
June-1979-kii
Sadam Xuseen waxa uu ku qasbay madaxweyne Bakr inuu xukunka ka
dego halkaana waxaa xunkuki kula wareegay Sadam
Xuseen.
Isla sanadkii xigayba 17-sep-1980-kii Sadam
waxaa uu ku dhawaaqay, kana soo qaaday waxba kama jiraan heshiiskii uu
lagalay Shaaha Iraan wuxuuna cadeeyey in Shatt el-Arab, Ciraaq ku soo noqotay.
shan maalin ka dib 22-sep-1980 waxaa bilaabmay dagaalkii Ciraaq iyo
Iraan kaas oo socday mudo sideed sano ah sababayna in dhaqaalaha labada wadan
uu aad hoos ugu dhaco siiba soo saarida Saliida, dad hal milyan lagu
qiyaasayna waxay ku dhinteen dagaalkii labada dal.
20-august-1988 ayaa
waxaa dhacay xabad joojintii Ciraaq iyo iraan ka dib soo saaridii qaraarkii
qaramada midoobay ee la oranjiray (UN Resolution 598).
Isla markiiba Ciraaq waxey dib u habeeyn ku
sameeysay Ciidmadeedii.
17-July-1990-kii
Ciraaq waxa ay kuwait iyo Imaaraatka ku eedaysay in ay suuqa Saliida ku
harqiyeen Saliid aad u jaban, isla bishaa ayay yeesheen wadahadalo toos ah
laakiin waa lagu guuldarestay in xal laga gaaro murankaa, taa oo ay garab
socotay Mareykanka oo Ciraaq hubaal uga dhigay in ay soo faragalin doonin
xurguftaa u dhaxeysay Ciraaq iyo Kuwait kulan ay yeesheen Sadam iyo
Safiirkii Mareykanka ee la oranjiray April
Glaspie 25-july 1990.
Dawladaha Carabata ayaa ku qanciyey Ciraaq
iyo Kuwait in ay murankooda ku dhameeyaan wadahadalo isuguna yimaadaan Jidah,
Sacuudiga. Wuxuuna kulankaas dhacay 1-ogosto-1990 nasiib daro ma noqon
mid wax ka tara dhibkii jiray waxaana lagu balamay kulankan xiga in lagu qabto
Baqdad, laakiin Ciraaq maalinkii xigtay Ciidamdeedii waxay ay gabi ahaanba
qabsadeen Kuwait. Isla markiiba waxaa eedeeyay qabsashadaa Golaha Amaanka iyo
Uruka Jaamcada Carabta. Afar maalin ka dibna Golaha Amaanku waxaa uu Ciraaq ku
soo ragay cuno qabatayn, Ciraaq taas ayadoo ka jawaabeysa ayey ku dhawaaqday
in Kuwait ay tahay Gobolkii 19-naad ee Ciraaq.
Nov-1990-kii
Golaha Amaanku waxaa uu soo saaray qaraar ogolaanaya in la adeegsado wax walba
oo suura gal ah si Ciraaq looga saaro Kuwait kaas oo la oranjiray (Resolution
678) dalbanayana in ay Ciraaq si dhan uga baxdo Kuwait ugu danbeyn 15-ka
jan-1991.
Sadam arintaa
muusan ogolaan halkaana waxaa ku biloowday dagaalkii gacanka (operetion “Desert
storm”) 17 January 1991, 3.am waqtiga Ciraaq, ayay Ciidamo
gaashaanbuur ah oo ka koobnaa 28-dawladood oo uu Mareykankuna uu
hogaaminayey.waxay dagaal ku qaadeen Ciraaq dagaalkaas oo burbur xoog badan u
geystay Ciraaq, wuxuuna socday mudo lix usbuuc ah.
April-1991 ayaa
xabad joojin dhab ah lagu heshiiyay.
27-June-1993 ayaa
mareykanku ku duqeeyay xarunta wardoonka ee Baghdad 23- gantaal oo ah kuwa
looyaqaan “Tomahowk cruise missile”
Ayaga oo laga soo tuurayey maraakiibta
dagaalka ee fadhiday Bada Cas iyo Gacanka Khaliijka.
May-1994 waxaa
dagaalamay taageerayaasha labada urur ee kala ah “ururka wadaniga ee
kurdistan”(Patriotic Union of Kurdistan) iyo “xisbiga dimoqradiga
Kurdistan”(Kurdistan Democratic Party) kaas oo sababay geerida
300- oo qofood.
Nov-10-1994 ayaa
Ciraaq waxeey si dhab ah u aqoonsatay madaxbanaanida kuwait.
May-1995 Sadam
waxaa uu eryay walaalkii Wathban oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha.
August-1995 Major
General Xuseen Kamil Xasan Al-majid oo ahaa wasiirkii warshadaha milateriga
ahaana nin daacad u ah Sadam ayaa u baxsaday Jordan asaga oo ay la socoto
xaaskiisii oo aheyd gabar uu dhalay Sadam iyo walaalkii oo asna qabay gabar uu
dhalay sadam kuna dhawaaqay in la rido dowladan.
May-1996 Ciraaq
waxa ay heshiis la gashay Qaramada Midoobay kaa oo ogolaanaya in ay Ciraaq
gadi karto $1-Bilion Saliid u dhiganta 90-kii beriba, lacagtaas oo loo
isticmaalayo raashin iyo daawo iyo magdhaw kuwait lasiinayo.
1997-baarayaashii
hubka ee Qaramada Midoobay ayey Ciraaq eriday
Dec-1998 Mareykanka
iyo Biritain waxa ay bilaabeen duqeyn joogta ah ee xarumaha milateriga Ciraaq.
MADAXDII SOO MARTAY CIRAAQ
KING FAISAL
20-May-1885 ayuu
ku dhashay Maka wuxuuna ahaana wiilkii 3-aad ee xusen bni Cali boqorkii
xijaaz.
1908-ayaa
Maka looga dhigay gudoomiye wuxuuna maamulka kala
shaqeyn jiray aabihii.
1915-waxa
uu u safray Dimishiq si uu hubaal uga dhigo taageerada carabtii qaranimo
doonka aheyd
1916-waxaa
uu hogaaminayey kacdoonkii Carabta ee Hijaaz gudaheeda loogana soo hor jeeday
Cuthmaaniyiintii taas oo ay ka dhalatay xornimadii Xijaaz. Aabihiina waxaa uu
noqday boqorkii xijaaz.
August-1923 ayaa
loo caleemo saaray boqornimada Ciraaq.
Sept-8-1933 feysal
waxa uu ku dhintay Bern, Switzerland.
KING GHAZI
1912-ayuu
ku dhashay Maka
1921-waxa
uu noqday amiirka leh dhaxalka boqortooyada.
1933-waxaa
uu noqday boqorka Ciraaq.
April-1939
waxaa uu ku dhintay shil baabuur.
Abdullah Bni Cali
1912-ayuu
ku dhashay Xijaaz
1925-waxaa
uu yimid Ciraaq asagoo la socda reerkooda ka dib markii Xijaaz uu qabsaday
Boqor Ibn SA’ud
1939-markii
uu geeriyooday boqor Ghazi wiilkiisii Feysal II waxaa uu ahaa
4-jir Abullah ayaa markaa noqday sii hayaha boqornimada.
April-1941-afgambigii
markuu dhacay Abdullah iyo boqortooyada inteedii kale waa ay
baxsadeen
June-1941-Abdulah
waxaa loo ogolaaday inuu wadanka ku soo noqdo ka dib markii Ingiriisku cagta
mariyey afgambigii iyo kooxdiisiiba.
1953-Feysal
ayaa qaangaaray oo la wareegay boqornimadii Abdullah-na waaxaa lo magacaabay
Amiirka Ciraaq.
14-july-1958-waxaa
lagu dilay afgambi milateri oo ahaa mid boqortooyo naceyb ku dhisan.
KING FAISAL2
2-May-1933-ayuu
dhashay asaga oo ahaa wiilkii kaliya ee boqorkii Ghazi.
1940-waxaa
uu dhigtay Harrow School ,Britain
1953-waxaa
loo saaray taajka boqornimada.
14-July-1958-ayaa
lagu dilay afgambigii ay Ciidamadu hogaaminayeen.
ABDUL KARIM QASIM
1914-ayuu
ku dhashay Baghdad waxana iska dhalay aabe suni ah iyo hooyo shiica ah
1948-49-waxaa
uu ka dagaalamay Falastiin
14-July-1958-ayuu
afgambi ku qabsaday wadanka, wuxuuna noqday ra’isulwasare iyo wasiirka
gashaandhiga.
1960-waxaa
uu marti galiyey shir ay isugu yimaadeen dawladaha Iraan, Kuwait, Saudi
Arabia iyo Venezuela si loo sameeyo (OPEC) ururka wadamada Saliida dhoofsha.
Feb-8-1963-ayaa
ladilay asaga iyo in badan oo kooxdiisii ah.
ABDULSALAM ARIF
1920-waxaa
uu ku dhashay Baghdad
1930’s ayuu
ku biiray kuliyada Ciidamada ka dibna waxaa uu noqday sarkaal.
14-July-1958 waxa
uu xubin muhiim ah ka ahaa afgambigii lagu riday boqortooyada asagoo madax
ka ahaa Ciidankii qabsaday Baghdad
Sept-ayaa
laga qaaday dhamaan jagooyinkii uu hayey ka dib markii ay isku dhaceen ra’isulwasare
Qasim ayaa la xiray oo lagu eedeeyey inu qorsheynayey inuu dilo Qasim
kadib waxaa waxaa lagu xukumay dil toogasho
1961-ayaa
xabsiga laga soo daayey.
Feb-1963-wuxuu
ka qeyb qaatay afgambigii Qasim xukunka looga tuuray kaa oo ay hogaaminayeen
saraakiil xisbiga Ba’ath ka tirsanaa . Arif waxaa uu noqday
madaxweyne.
Ap-1966 waxa
uu ku geeriyooday shil diyaaradeed.
ABDULRAHMAN
ARIF
1916-waxaa
uu ku dhashay Baghdad.
1930’s ayuu
ku biiray kuliyada Ciidamada wuxuuna noqday sarkaal
Feb-1963 kii
ka dib kacdoonkii xisbiga Ba’ath ee lagaga tuuray xukunka Qasim, Arif
walaalkiisna madaxweyne noqday ayaa waxaa asaga loo dhiibay Ciidanka oo dhan
Apr-16-1966 dhimashadi
walaalkii ka dib waxaa uu noqday madaxweynaha Ciraaq
July-17-1968 xukunkii
ayaa looga tuuray afgambi ay wadeen xisbiga Ba’ath waxaana hogaaminayay Axmed
xasan Bakr iyo Abdulrahman Nayif. Markaa ayuu u baxsaday
Istanbul, Turkey.
1980’s Sadam ayaa
u yeeray oo waxaa uu ku soo noqday Ciraaq.
AXMED XASAN AL-BAKR
1921-waxaa
uu ku dhashay Tikrit
1938-ayuu
ciidamada ku biiray
1956-ayuu
si qarsoodi ah ugu biirayu Ba’ath asagoo korneel ah.
Feb-1963 waxa
uu qeyb ka ahaa afgambigii lagu riday Qasim wuuxuna noqday ra’isul
wasare.
17-July-1968 Bakr iyo
taageerayaashiisu waxa ay rideen dawladii madaxweyne Arif, Bakr-na
wuuxuna noqday madaxweynaha dalaka Ciraaq.
1970-waxaa
uu heshiis lagalay hogaamiyayaasha Kurds-ka ee waqooyiga
June-1979 Bakr waxaa
uu fariin qarsoodi ah u diray madaxweynihii Syria Asad taa oo
aheyd in ay bilaabaan wadahadal ah in ay isku darsamaan labada dal,
Sadam arintaa waa uu ka soo horjeestay wuxuuna ku qasbay Bakr
inuu xukunka ka dago. Waxaana la dhigay xabsi guri.
4-Oct-1982-waxaa
uu u dhintay daruufo aan lagaraneyn.
SADAM XUSEEN
Ap-28-1937-ayuu
ku dhashay Auja oo u dhow magaalada Tikrit oo u jirta 200km
waqooyiga Baghdad.
1956-ayuu
ku biiray xisbiga Ba’ath
1958-lix
bilood ayuu xirnaa ka dib markii lagu eedeyay inuu waday dhaqdhaqaaq dowlada
looga soo horjeeday.
1958-waxaa
uu ka qeyb qaatay afgambigii leysku dayey in xukunka looga tuuro Abdulkarim
Qasim, wuxuuna ka dhaawacmay lugta kadibna waxaa uu ufakaday Syria ka dibna
Masarayuu sii galay.
Feb-25-1960-ayaa
dil lagu xukumay asaga oo dalka dibada kaga maqan.
1962-waxaa
uu Masar ku dhameystay dugsiga sare.
Feb-8-1963-waxa
uu ku soo noqday Ciraaq.
Oct-14-1964-ayaa
la xiray waqtigaa oo ay socdeen olole lagaga soo horjeeday xisbigii Ba’ath.
1966-ayaa
asaga oo xabsiga ku jira loo magacaabay ku xigeenka xoghaya guud ee xisbiga
Ba’ath.
1967-xabsiga
ayuu ka fakaday.
1968-asaga
oo xubin firfircoon ka ahaa afgambigii waqtigaa waxaa uu mas’uul ka noqday
nabadgelyada gudaha wadanka, isla sanadkaana waxaa uu dhameeyay kuliyada
sharciga.
June-1-1972-waxaa
uu hogaaminayey qorshe lagu qarameynayay ilaha Saliida kuwaaa oo ay
maamulayeen shirkado reer galbeed ahaa.
June-1979-Sadam waxaa
uu noqday madaxweynaha dalka Ciraaq.Ka dib markii uu xukunka kala wareegay
madaxweyne Bakr taa oo ka dhalatay damacii Bakr ee ahaa in uu Syria
la midoobo Sadamna taa waa uu ka soo horjeeday. Wuuxuna ku xukumay
xabsi guri.
Sep-17-1980-Sadam
waxaa uu ka baxay heshiiskii uu 75-kii la galay Iraan ee ku saabsanaa
xuduudaha.
Sep-22-1980-
waxaa bilaabmay dagaalkii Ciraaq iyo Iran.
1988-Ciraaq
ayada o kaalmo ka heleysa Ciidamada bada ee mareykanka ayey dib u qabsatay
dhulkii Iraan kaga qabsatay intii dagaalka lagu guda jiray ee u dhaxeysay 1984-86.
July-waxaa
dhamaaday dagaalkii Iraan iyo Ciraaq.
Aug-2-1990-Ciraaq
waxa ay qabsatay Kuwait.
Jan-17-1991-ayaa
in ka badan 30-dawladood Ciraaq ka saareen dhulkii Kuwait.
1994-dhaqdhaqaaq
melateri ayuu Sadam ka sameeyay xuduudka Kuwait.
1998-Sadam
waxaa uu eryay shaqaalihii qaramada midoobay.
Oct-15-2002-waxaa
la qabtay doorashooyinkii madaxweynaha Sadam waxaa uu ahaa musharaxa kaliya
ee u taagan madaxweynenimada wuxuuna ku guuleystay aqlabiyad dhan cod ah
100%.
QOYSKA SADAM
|
|
Uday |
Qusay |
Sadam waxaa
uu 1958-guursaday Sajida khayrallah waxayna u dhashay shan caruur ah oo
kala ah laba wiil (Uday
iyo Qusay) iyo sadex
gabdhood.
MADAXDA KU DHOW DHOW SADAM
AZIZ:-ku
xigeenka ra’isulwasaraha iyo wasiirkii arimha dibada waqtigii dagaalka
gacanka waxaa uu dhashay 1936-waqooyiga Ciraaq, waxaa uu ka baxay
Jaamcada Baghdad,qeybta luuqadaha asaga oo dhigtay (english literature)
suugaanta Ingiriiska. Marna waxaa uu ahaa wasiirka warfaafinta.
TAHA:-madaxweyne
ku xigeenka dalka Ciraaq waana dadka aadka u dhow dhow Sadam waxaa uuna
ka badbaaday laba shil-1997 iyo mid-1999.
SAA’DOUN:-waxaa
uu ka mid yahay xubnaha ugu cadcad ee taliska Sadam laga soo bilaabo
horaantii xisbiga Ba’ath, mar waxaa uu ahaa madaxa shirkada Saliida
qaranka ee Ciraaq ka hor intaan loo magcaabin wasiirka saliida 1970-kii.
Waxaa u soo qabtay xilal aad u muhiim ah oo ay ka mid tahay ,wasiirka
arimaha dibada intii u dhaxeysay 1974-1984. Sidoo kale ra’isulwasare
ku xigeen 1989-1991..ra’isulwasare 1991.
1957-ayuu
shahaadada doktareydka ka soo qaatay Jaamacada Wisconsin, USA. Qeybteeda
dhaqaalaha.
IZZAT:-waxaa
uu ka mid yahay dadka tirada yar ee uu Sadam aaminsanyahay.1942-ayuu ku
dhashay meel u dhow Tikrit.
Izzat.Taha iyo
Sadam waa madaxda kaliya ee ka badbaaday afgambigii 1968 ee uu
xisbiga Ba’ath xukunka kula wareegay.
AL-MAJID:-waa
nin ay qaraabi yihiin Sadam, waxaa uu madax ka ahaa Ciidankii Ciraaq ee
weeraray magaaladii Kurdish-ku daganaa ee Halajba-1988 weerarkaa
oo la aaminsanyahay in Kurdish-ka loo isticmaalay hubka kiimikada
ah,halkaana Al-majid waxaa ugu baxay magaca ah ALI-Chemical.
CIIDANKA CIRAAQ
Ciidanka Ciraaq waxaa gaaray dhib aad u
weyn dagaalkii gacanka hoos
U dhac badan ayy kala kulmeen. Qeybaha
ugu waaweyn ee Ciidanka Ciraaq.
Waxaa ka mid ah, Ciidanka Cirka, kuwa
Bada iyo kuwa dhulka.
Ciidanka Cirka:-Ciidanka
cirka Ciraaq waxaa uu aad u burburay dagaalkii gacanka ayada oo
Ciraaq dagaalkaa ku weyday 37- diyaaradood oo hawada lagu burburiyey
100-kalena lagu burburiyey ayaga oo dhulka fadhiya, 112-na waxaa ay u
baxsadeen xaga Iraan, qaarna waxaa ay la fadhiyaan dayactir la’aan
taas oo ay keenatay cunaqabataynta saaran.
Hada Ciraaq waxa ay heysataa
316-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.
H-6D iyo
TU-22 iyo noocyada kale ee kala ah Miraage F-1Eqs, Su20s, Su22s,
Su24 iyo Su.
Sidoo kale kuwa difaaca cirka oo ay ka
mid yihiin MIG-25s, 50-MIR 29, MIG recce, sidoo kale kuwa
xamuulka IL-76 iyo kuwa kale oo tira badan.
CIIDANKA BADA:-Maraakiibta
dagaalka ee Ciraaq waxaa ay dhan yihiin sida la sheego 6-markab oo
waaweyn, ciidanka badanu waxa uu dhan yahay ilaa 2000 oo ciidan kuwaa oo
kala fa dhiya sadex dakadood oo kala ah (BASRA, AZ-ZUBEYR,UMM QASR).
TAANGIYADA DAGAALKA:-Ciraaq
waxaa ay leedahay taangiyada noocyada kala ah (T-72, T-62, T-55)
iyo kuwa fudu fudud oo ah nnooca(PT-76s) sidoo kale baabuurta
gaashaaman oo kala noocyada ah .
1-BMP-1 IYO BMP-2.
2-SU-100.
3-AML-60.
4-EE-9
IYO AML-90
5-BRDM-1, BRDM-2
6-PSZH-IV, BTR-50, BTR-60, BTR-152,
EE-11, OT-62, OT-64, WALID, M-60P. iyo
in badan oo anti tangi ah.
DIYARADAHA QUMAATIGA U KACA:- Ciraaq
waxa ay leedahay diyaaradaha qumatiga u kaca ilaa 100-diyaaradood oo
kuwa qumaatiga u kaca oo waa weyn iyo 275 ah kuwa yar yar ee qumaatiga u
kaca waana noocyada kala ah.(S-342,
SA-321 EXOCAT, MI-24, SA-315, AS-12, SA-316/319, SS-11/12,BO-105, AS
11/HOT.
MADAAFIIC:-
waxa ay leedahay madaafiic gaareysa ilaa 2050 madaafiic iyo HOWITZER.
KURDS
Kurds-ku waa dadka ku nool inta u
dhaxeysa koonfurta Turkey, waqooyi bari Syria, waqooyiga Ciraaq, galbeedka Iran,
Azerbaijan iyo Armenia.Tirada dadka ee Kurdiska aad ayaa loogu kala duwanyahay
waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 15-25 milyan intooda badan waxay ku
noolyihiin Turkey, Kurdiska waxey ku hadlaan afka kurdiska, inta badan dadka
kurdiska ah waa muslin Suniyiin ah inkastoo ay jiraan qaar ah shiico iyo kuwo
cawaan ah oo ku kala firisan Turkey iyo Syria.
Kurdiska ku nool Kurdistan intooda badan waxay
ku noolyihiin magaalooyinka.qaarna waa xoolo raacato,, beera falasha iyo
dhaqashada Idaha waa lafdhabarta dhaqaalaha ee kurdiska.
Kuridska waxay inbadan ku hoos jireen
xukuumadao ajnabi ahaa. Qarnigan ayey isku dayeen ineey aasaasaan
Kurdistan.Ciidamada gaashaanbuurta ee dagaalkii koowaad ayaa kurdiska u
balanqaaday in dowlad looga dhisayo gudaha turkey dagaalka koowaad ka dib
laakiin balantii looma oofin.
Kurdiska Ciraaq waxay dowlada Ciraaq la
dagaalamayeen ayaga oo kaalmo ka helaya Iraan laga soo bilaabo 1962-70
iyo 1974-75 wuxuuna joogsaday ka dib markii xiriirka labada dal ee Ciraaq
iyo Iraan uu hagaagay 1975. Gudaha Turkey-na waxay kacdoon ka bilaabeen 1984
oo ilaa hada socda inkastoo aan wax guul ah laga gaarin.
Markale ayey kurdiska Ciraaq bilaabeen kacdoon
dagaal ah waqtigii dagaalkii gacanka 1991 inkastoo si dhaqso leh cagta
loo mariyey taas oo sababtay in inku dhow 1-milyan oo kurdis ah u qaxaan Turkey.
Hadii la abuuro wadan Kurdistan. Wadamada
deriska ah waa mid ay u arkaan colaad haba ugu weynaato Turkey oo ka mid
ah gaashaanbuurta NATO.
Lasoco qoraalada kale ee Darbane....
waxaa isku soo duway:
Cabdiraxmaan Ismaaciil shire (Darbane)
darbane72@hotmail.com
darbane72@yahoo.com
Nairobi Kenya
March 18, 2003
Afeef: Fikrada qoraalka iyo
xuquuqdeeda waxaa leh qoraaga ku saxiixan, waxaana lagu faafin karaa
ogolaanshaha qoraaga. TIXRAAC: SAWIRADA
Sawirada: Encyclpaedia of the Orient, CNN, AP CIRAAQ
& DAGAALKA MAREYKANKU LA DAMACSAN YAHAY MUDAHARAADYO
LOOGA SOO HORJEEDY DAGAALKA CIRAAQ....
|