Waxa si rasmi ah loo bilaabay
diiwaan gelinta xadiisyada Rasuulka (CSW) wakhtigii khilaafada Cumar Binu
C/casiis isagoo ku tala bixiyay in la qoro xadiisyada rasuulka (CSW),
waxa uu fariimo u diray magaalooyinkii kala fogfogaa ee islaamka, culumadana
waxa uu amar ku siiyay in ay aruuriyaan xadiisyadii rasuulka (CSW) oo ay
diiwaan geliyaan, waxana jiray qoraalo ay sameeyeen reer madiina. Cumar
Binu C/casiis waxa uu yidhi “waxa aan ka baqayaa duruusta cilmiga in ay
ehelkoogu dabar go’aan”, laga bilaabo wakhtigaa culumadii islaamku waxa ay
bilaabeen in ay aad ugu hamiyaan una samraan uruurinta axaadiista rasuulka (CSW)
oo ay ku diiwaan geliyaan kutub, may ahayn mihiimad sahlan iyo masuuliyad
fudud, culumadaa u hawlgashay in ay xadiisyada rasuulka (CSW) soo aruuriyaan
waxa ay galeen hawl ka daran tii soo aruurinta quraanka ee wakhtigii Abu
bakar (RC) waayo quraanka waxa wada xafidsanaa asxaabta Rasuulka (CSW)
waana ay adagtahay in quraanka wax lagu khaldo laakiin sunaha rasuulka (CSW)
waxa laga soo aruuriyay dhul kala fog fog lamana garanayo tirada axadiista
rasuulka (CSW), beenalayaashuna waxa ay dhex gelinayeen axadiista rasuulka
wax aan ahayn hadalkiisii sidaa darteed waxa loo baahday in la helo manaahij
iyo garasho xeel dheer oo lagu kala cadaynayo xadiiska rasuulka (CSW) iyo
wixii aan ahayn, sidaa ayayna ku hawl galeen culumadii waaweynayn ee soo
aruuriyey axaadiista rasuulka (CSW).Intii lagu jiray
qarnigii labaa ee Hijriyada ayay bilaamatay diiwaan gelinta axaadiistii
rasuulku (CSW), ninkii ugu horeyey ee xadiiska Maka ku aruuriyey waxa uu ahaa
Jureex Al Basri oo dhintay 150H iyo Maxamed Binu Isaxaq oo 151H
ku dhintay Madiina, Macmar Binu Raashid oo isna ku dhintay Yaman 153H,
Saciid Binu Abi Caruuba oo isna ku dhintay Basra, Layth Binu sacad
oo isna ku dhintay Masar 175H, Maalik Binu Anis oo isna ku dhintay
Madiina 179H, dhamaantood illaahay ha u naxariistee.
Waxa ugu weynaa mu-alalifaatka ay dejiyeen culumadaasi
xadiiska rasuulka (CSW) iyo fatwooyinkii asxaabta iyo taabiciinta sida ku cad
kitaabka Al Muwada ee uu dejiyey iimaam maalik , waxana uu ka
kooban yahay ilaa 3000 oo masalo iyo 700 oo xadiis, kitaabka markii la
qorayay ragbaa taagnida ugu yeedhiyay iyagoo xafidsanaa xadiisyada iyo ma-alafaad
khaas oo kale waxana soo baxday kutubtii Musnadka ee lagu soo aruuriyey
xadiisyada, xadiiskastana waxa lagu hoos qoray magaca asxaabigii soo weriyey
waxana lagu celiyey musnadka axmed binu xamar oo ah kitaabka ugu caansan
uguna waafisan diwaanada sunaha.
Hadaba markii la soo gaadhay qarniga saddexaad ee hijriyada
waxa bilaamay dhaqdhaqaaq firfircoon oo lagu aruurinayo xadiisyada, is barbar
dhigna lagu samaynayo daciifnimada iyo saxeexa xadiiska iyo aqoonta ragii
xadiiska iyo derajada ay ka gaadheen alle ka cabsiga iyo toosnaanta.
Waxa markaa soo baxay kutub xadiisyada saxeexa ah lagu soo
aruuriyey, ninkii ugu horeeyey ee qora kutub xadiis ah oo saxeex ah waxa uu
ahaa Iimamul
Bukhaari waxana ku xigay imaamul muslim oo raaciyay kitaabka saxeexul
muslim waana kuu ku saabsan yahay mawduucan aynu ka hadlayno.
Dhalashadii iyo Barbaarintii Imamul Muslim (Raximahu
Laah)
Muslim binu Xujaaj waxa uu ku dhashay magalada niysaabur
(Naisabur) Sanadku markuu
ahaa 206H, magaaladaas oo ahayd magaalo qani ah cilmiga iyo aqoonta xadiiska
sida ay isku raacsan yihiin culumada taariikhda, waxa uu ku soo barbaray qoys
fiican waxana lagu edbiyay guri uu leeyahay nin caalim ah, aabihii waxa uu
akhriyi jiray xalqado cilmi ah sidaa darteed ayuu aabihii ku tarbiyadeyay wax
barashada, waxna uu korey isaga oo aad u jecel cilmiga, isagoo sagaal jir ah
waxa uu wax ka dhigan jiray culimadii Naysaabur, caalimkii ugu horeeyey ee
wax u dhigaana waxa uu ahaa Yaxye Binu Bakar.
Waxa ay xusaan kutubta taariikhdu in uu ahaa nin ganacsada
ah oo mulkiyey hanti, waana uu ka tagay hawshii ganacsiga ahayd si uu wakhti
ugu helo barashada cilmiga, waxa uu galay socdaalo faro badan oo uu ku
raadsanayo culumadii faro badnayd ee ku baahsanayd calamka islaamka ee
balaadhan, waxa uu bilaabay socdaal kiisu ugu horeyey ee cilmiga waxana uu
tagay Xijaas, isagoo da-diisu ayna gaadhin 14 ayuu soo gutay xajka,
waxana uu la kulmay culumadii xadiiska iyo sheekhyo waaweyn intii uu joogay
Xijaas, waxa uu wax ka baranjiray Ismacil Binu uways iyo
Saciid Binu Masuur, intaa ka dibna waxa uu tagay Basra, Kuufa, Raay,
Shaam iyo meelo kale, mudadii uu ku jiray safaradan waxa uu la kulmay
xaafidiin waaweyn iyo muxadisiin gaadhaya ilaa boqol, waxana ka mid ahaa
Imaamul Bukhaari muda ayuuna la joogay waxana uu gaadhay jacalkiisu heer
uu ku yidhaado “Kaalay aan lugaha aan ku qabsado
macalinkii macalimiintow, sayidkii muxadisiintow, dhakhtarkii xadiiska ka
saarayay cilladow”.
Waxa ka mid ahaa mucalimiintii wax baray Maxamed Binu
Yaxya oo ahaa imaamkii ehlu xadiiska ee kharasan iyo xaafidkii daarami oo
ka mid ah kuwii xafidsanaa axadiista, C/laahi binu Muslama iyo Abu
Sarcata Al raasi oo ahaa muxadis deganaa magalada
Raay.
Heerka uu ka gaadhay aqoonta
Dadaalkasta oo uu u galay cilmiga waxa uu helay midhihiisi,
illaahay (SW) ayaa u barakeyey wakhtigiisi waxana uu helay cilmi aanay isku
keenin kuwii la mid ka ahaa, illaahay waxa uu ku arsaaqay xusuus aan kala go
lahayn iyo caqli degan iyo fahan xeel dheer, taas ayaana ku keentay in ay soo
jiidato culimada.
Waxa ay culimadu ku amaani jireen isaga oo yar in uu iska
celin jiray waxa la siiyo waxana uu uga waramay macalinkiisi Isaxaq in
uu arkay daabad iyo ninkii ilaalinayay waxa uu ku yidhi ninkii waar yaa leh
daabadan ka dibna waxa uu ku noqday sheekhiisi Maxamed Bishaar waxa uu
ku yidhi xaafidiinta aduunyadu waa afar Abu Sarca al raasi oo
magaalada Ray ku sugan iyo Imaamul muslim oo Masabur ku sugan, C/laahi
Daarami oo Samra qandi ku sugan, Maxamed Binu Ismacil oo reer
bukhaari ah.
Imaamul muslim (raximahu Laah) waxa aad u amaanay
culumada ehlu xadiiska waxa uu yidhi Qaadi Cayaad oo ka mid
ahaa imaamyadii islaamka iyo xaafidiintii xadiiska iyo musanifiinta kuwii ugu
qanisanaa sida uu u amaanay umay amaanin kuwa danbe iyo kuwa horeba, culumadu
waxa ay isku raaceen imaam-nimadiisi iyo horu markiisa saxsanaanta
xadiisyadiisa iyo is barbardhigiisa, kalsoonidiisa iyo aqbalaada
xadiisyadiisa.
Waxyaaba uu alifay
Imaamul Muslim (Raximahu Laah) waxa uu ka mid ahaa
culumada ugu tahliifka badan xadiiska faniyadiisa kala duwan iyo warintiisaba,
waxa naga soo gaadhayna waxa ka mid ah tiro aan yareen oo ka markhaati ah
heerka uu ka gaadhay xadiiska oo yar yihiinba wax ka gaadhay marka loo eego
dadka u adeega sunaha iyo kuwa lagu arsaaqay balaadhnida cilmiga oo ku fiday,
waxa ka mid ah mu-alifaadyadiisa Alkunya wal asmaa, Dabaqaad Taabicin,
Rijaalu Curwa Binu Sumer, Mu faridaatu Wujdaan, waxa kaloo uu leeyahay
kutub kale oo laba helaynba wax ka mid ah Awlaadul
asxaaba, Ikhwatu wal akhwaat, Aqraan, Aw haam muxadisin, Dikri awlaadul
xuseyn, Mashaayikhul Maalik , Mashaayikhul Thawri iyo Mashaayikhul Shucba.
Saxeexul Muslim
Waxa baahiyay magaciisa oo caan ka dhigay kitaabka weyn ee
saxeexul mulsim, culumadu aqoon umay laheen heerka garashada imaamul muslim
uu u leeyahay cilmiga xadiiska ilaa inta uu dhamaynayay kitaabka, kitaabka
ayaa lagu bartay caana uu ku noqday.
Waxa uu yidhi Imaamul Nawawi hordhaca sharixiisa saxeexul
muslimka (waxa ka soo hadhay xusuus qurux badan iyo amaan wanaagsan ilaa
qiyaamaha) waxa uu bilaabay alifaada kitaabka mudo hore isagoo jooga
naysabuur markii uu soo dawaafay dhulal badan, culimo badana la kulmay, waxna
ka soo bartay, cimrigiisu waxa uu ahaa markii uu bilaabay hawshan barakaysan
ee kitaabka qoristiisa 27 jir, qorida kitaabkuna waxa ay ku qaadatay 15 sano,
waxana uu isku keenay imaamul muslim xadiisyo uu qoray oo gaadhaya 3033
oo uu ka maqlay culimadiisa intii uu ku jiray socdaalka waxana uu ka soo
qaatay 3033 xadiis oo ku soo noqnoqonayn kitaabka halka inta ku soo
noqnoqonaysaana ay tahay 7395 xadiis marka laga soo bilaabo 10 kan
xadiis uu ku sheegay hordhaca kitaabka, axaadistani waa kuwa u dejiyay
tartiibta wanaagsan si ay ugu sahlanaato cidii baranaysa, waxana uu u dejiyay
qaybo, kitaab kastana waxa uu ka kooban yahay intaas oo qaybood, kutubtiisa
saxeexa ah ee nambarsana waxa ay gaadhaan 54 kitaab oo ka bilaabma kitaabul
Imaan oo ay ku hoos jiraan qaybta ah Diintu waa naseexo iyo qaybaha nifaaqa,
Xaaranimada kibirka, waxana uu akhriyey kitaabka imaamka iyo ka daharamada,
kitaabka xaydka, kitaabka salaada, waxa uu ku dhamaada saxaaxul muslim
kitaabka tafsiirka oo ah kitaabka 54-naad.
Muslim waxa u laasimay in uu xadiiskasta uu geliyo mawduuc
kaliya isagoo ku soo koobay dariiqooyinkii loo doortay xaga sanadka iyo
laftiga kala gedisnaantooda si ay ugu sahlanaato daalacashada ardayga ee
wajiga xadiiska ee ah sanadkiisa iyo qoraalkiisa iyo kala gaxaynta, umaduna
waxa ay isku raacday qubuulka kitaabka saxeexul muslimka waxana la barbar
dhigay saxeexul bukhaari, waxana la tiriyay inta xadiis ee saxeex ah ee ku
jirta, waxana culumadu is barbar dhigeen labadoodaba, badhkood waxa ay door
bideen imaamul muslim, laakiin sida ku cad daliilka muxaqiqiinta ahlu cilmiga
ah saxeexul bukhaariga ayaa ka afdalsan xaga saxnimada xadiiska, saxeexul
muslimkuna waxa uu kaga fadli badan yahay xaga sahlanaanta axaadiis ku kulmo
mawduuc kaliya oo aanay qoybo kala jarayn sida uu yeelay bukhaari, culimadu
aad ayay uga shaqeeyen ugana adeegeen saxeexul mulsimka, waxa la sameyeyna
toban sharax waxana ka mid ah Ikmaalu Al macalin bi fawaa’id muslim oo uu
qoray Qaadi cayaad, Minhaaj waxa qoray Nawawi, Ikmaalu macalin waxa qoray
Maxamed Binu Khaliifa, sadexdan sharaxba wey daabacan yihiin weyna diiwaan
gashan yihiin.
Itijaahan saxeexul muslim culimo badan ayaa wax ka qoray oo
ay ka mid yihiin Ibnu Manjawi Al Asbahaani, waxa kale oo culimadu ka
sameeyeen kitabo koobkooban (Mukhtasir ah ) sida ka Qurdibi, Culimada
badhkood waxa ay meel isku geeyeen labada saxeex (Bukhaari iyo muslim) Sida
ka Jawsaqi, waxa kale oo qoray muslim waxa u ka waafaqay Bukhaari waxana
qoray Shanqiidi, waxa isaguna jira lulu wal marjaan oo ka kooban waxa ay isku
waafaqeen labada sheikh waxa qoray Maxamed Fu’aad.
Waxa la daabacay saxeexul muslimka dhowjeer oo kali kali ah
iyo isaga oo sharixiisu la socdaba waxana ugu wanaagsan ka uu xaqiijiyay
Maxamed Fu’aad Cabdi baaqi waxana uu u sameeyey xadiisyada nambaro iyo
tusmooyin kala saaraya.
Dhimashadii
Imaamul muslim binu xujaaj intii uu joogay Naysabuur waxa
uu qaban jiray xalqado cilmi ah oo ay wax ka bartaan ardayda iyo dadka jecel
dhageysiga xadiisyada rasuulka (CSW) waxana ugu caansanaa ardaydiisi uu ka
tagay Abu Ciisa Tarmiidi, Yaxya Binu Saacid, Ibnu Khusayma, Abu bokor Maxamed
Binu nadir iyo kuwa kale oo badan.
Wakhtigiisi oo dhan waxa uu ku mashquulsanaa alifaada iyo
tasniifta kutubta ilaa habeenkii uu geeriyooday waxa uu ku mashquulsanaa
xaqiijinta masalo cilmi ah oo lagu weydiiyay majliskii uu casharada ka
akhriyi jiray waxana uu u soo toosay si uu u baadho masaladan laakiin waxa uu
la kulmay rabigii intaanu waagu baryin 25 Rajab 261-kii oo la mid ah 6 may
875M isagoo dadiisu ah tahay 55 jir waxana lagu aasay maalin isniin ah
Qubuuraha Nasrabaad ee Naysabuur.
Wabilaahi Tawfiiq
Waxa wada jir u diyaariyey
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
C/fataax Xasan Aadan
cabdifataax_96@hotmail.com
Taariikhdii Imaamul Bukhaari