SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Gabar reerkoodii laga soo masaafaystay, qaalliga oo aan muslim ahayn iyo markhaatiyaashii oo mid kaliya marag furi karo!

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 12, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Ilaah baa mahad oo dhan leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

“ Waa mugdiyaal uu midiba mid saaranyahay”.

Xorriyo nin gayaa ha guursado. Sangub baa nasoo gaarsiiyey. Sangub inuu fidradiisa uu ka helay iyo inuu maqlay xaddiiskii ahaa: haddii uu idiin yimaado nin (soo geed fariisto isagoo gabar idin ka doonaya) aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa raali ka tihiin uguuriya haddii kale waxaa ahaanaya dhulka dhexdiisa fitno iyo fasahaad wayn. Xaddiiskaas waxaa wariyey Tirmidi iyo Ibnu Maajah. Waxaa xaddiiska ku jira nin la yiraahdo C/Xamiid Binu Sulaymaan oo dhaciif lagu sheegay.

Dhulkii waxay ku sheegeen hal geel ah oo ay ubaxsheen Maandeeq. Bal anigu dhulka Soomaaliyeed aan gabar ka dhigo. Isla magacii Maandeeq sii.

Dadka gabadhaas usoo geed fariistay waa kuwii aabbaheed, walaalaheed, iyo ehelkeed wadkoodii galay, idinkuse qab-qablayaal baad ku garataan.

Qab-qablayaasha garaadkoodu waa kii geel-jirayaasha. Ninkasta oo geel lihi geel-jire maahan. Ninku hadduu waxgaradyahay geeluu haysto waxaan wanaag ahayn uma kordhiyo.

Maaddaama Hadda aysan qab-qablayaashu baadiye joogin waa tikniko-jirayaal, daroogo-jirayaal, dhiig-sokeeye-jirayaal, gaalo-jiriyeyaal, IWM.

Geel-jiraha caqligiisa ufiirso. Wuxuu oranjiray:

  • Geela hooyadi waa hareeriga

  • Anna hooyaday waa hasha irmaan

  • Say waxay tiri hareeri i gee

  • Horaad iga maro oo hadba i maal.

Halkaas miyaad ka aragtaan wax uu Ilaah ugu shukriyey? Geel-jiruhu waa maan-gaab “shallow minded” ama dheh wuu aragti gaabanyahay (short sighted).

Anigu markaan kasoo hadlayey taxanahii ahaa qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida waxaan hooyo ku sheegay dhulka. Geel-jiruhu isagoon is ogayn buu dhulka hooyo ku sheegay laakiin hashii uu maalayey buu usii maray. Ka dib hareeri oo hasha hooyo u ah. Hareeriga yaa hooyo u ah? Arrinta dhulku waa cajaa’ib oo dhulku xittaa markaan dhimano oo ehelkeen na fogeeyo waa na aqbalaa oo isagaa god noo ah.

Geel-jire caqligiisa waxaa ku qufulan isaga iyo hasha oo hunguri kaliya ugu xishay. Diinta Islaamku markay ka hadlayso xoolaha aan dhaqanno waxay xustaa, qurux, inaan suuntooda ku subkano, inaan rarano, inaan diyada iyo qaamaha kale iskaga bixino, IWM. Xittaa ilmihiisa yar-yar dan kama leh. Haddaadan i rumaysanayn waakan hadalkiisii.

  • Geerida haween guud la firo iyo guursi laga qaad

  • Geeridaadana (geela) gaawo maran iyo gaajo laga qaad

  • Geeridaydana guryo ba’ay iyo gablan laga qaad.

Ma u jeeddaan hasha ayaa haweenka kala qiimo badan! Inkaari ku dhacday aaway ciyaalkii yar-yarka ahaa oo ay hooyadaasi ka tagtay? Maaddaama uu isagu carruurnimo ka koray ciyaalkiisa dan kama leh! Ilayn calooshi ushaqayste weeyee wuxuu leeyahay naag kale ayaan guursan oo carruur wax iga galay ma leh, iyaga iyo aayo ha is arkeen. Waxaan caano ahayn kama hadlayo.

Haweenka uu caanaha ka doortay waa kuwee? Waa hooyo. Waa hooyooyinkii muuminiinta. Waatii mar Malaku Jibriil (CS) uu Nabiga (CSW) ku lahaa u sheeg Khadiijo (RC) Ilaah baa soo salaamayey. Ka warran haweenaydii Nabiga usoo dacwootay ee Ilaah Suurat ku soo dajiyey waa “Al-Mujaadilah” ama “QAD SAMICALLAAHU” oo aan wada ognahay canaantii ninkeeda gaar ahaan iyo guud ahaan ragga ku dhacday iyo ganaaxii loo soo jeediyey isaga iyo ragga ka dambeeya ee arrintaas ku sifooba.

Geel iyo adduunyo midna Nabi Muxamed (SCW) iyo dadka Ilaah yaqaan kuma aglaha qiimo xadkaas gaara. Dad badan baa deeqsinimada Nabiga (SCW) markii hore usoo islaamay.

Geela inta aan xoog ku bixino ayaa ka wayn marka loo eego waxa naga soo gala. Waxaan ku fakanay badnaanta geela oo qoys ayaa haysta geel badan laakiin soow daaq, dugaag ka celin, xero, shillin ka gurid, arroorin, IWM looma diyaarin. Geel-jiruhu wuxuu geela u xannaaneeyaa si uusan carruurtiisa iyo xaaskiisa u xannaanayn. Fiiri hadaladiisa kore. Hasha intaas loo maray oo sanadna guran sanadna haruub aad ka maashid ma uqalantaa in ehel iyo ubad ay ka hor marto?

“Caawa maxaa xalay uga eg”. Qab-qablayaashu waa sidii. Wax aan naftiisa ahayn iyo mooryaan/jirrida oo booskii hasha u joogta oo uu yaqaan ma leh.

Xamar oo waxaan xasuustaa haddii reer gabar laga xado inta Cagaaran la geeyo isla habaynkiiba loo soo cesho iyadoo ninni cududda kasoo xirtay. Marka laga reebo xeeladaysigii ahaa in seddex ari soof ka badan la fogeeyo oo aan garanayn meelay ka keeneen ilayn safar salaad la gaabiyo iyo guur wax iska galay ma lahee waxaa qasadkoodu ahaa qaalli muslim ah.

Qab-qablayaashu Maandeeq ha afduubeene xaggay la aadeen? Eldoret! Qaalligii yuu noqday? Waxaa loogu doowgalayba meherkii hore qabsoomi waa’ laakiin haddaa la leeyahay meherkii ayaa Mbagathi ka dhacaya.

Qolyihii Carta Maandeeq way masaafaysteen laakiin waa ka caqli badnaayeen oo waxay yiraahdeen mar haddii aan Cagaaran lagu meherin karin maan Carta la aadno. Qolyihii Carta qaalli iyo markhaatiyaal muslim ah ayeey xusheen waana arrinta ay Itoobiya ka samri la’dahay.

Maandeeq way ka fakatay madaxweynihii isagoon la aqal galin isna diid inuu madaxeedii siiyo. Laakiin qaalligii baa usheegay oo yiri si kastaba ha ahaatee hadday ku diido waa in seddex sano markay dhamaato aad furtaa. Hadda waqtigii waa dhowyahay.

Madasho waa Mbagathi, qaalligu waa Kiplagat. Markhaatiyaasha seddexda ah Jibuuti kaliya ayaa maraggiisu guntamaa!

Qaalliyaasha muslimiinta ah khudbadii Nabiga (SCW) ayey akhriyaan oo furfurashada ka dib akhrin jiray seddexda Aayadood ee caanka ah.

Qaalli Mbagathi maxuu akhrin? Meherkaas ma ansaxayaa?

Waagaan carruurta ahayn waxaan oranjirnay marka gaaladu tukanayso oo aan xabashida tusaale usoo qaadan jirnay waxay akhriyaan ducadaan. Qaar ka mid ah afkaygu ma karo laakiin aan qaar xuso wixii laga sheegi jiray:

  • Alloow na cadaab oo hanna cafiyin

  • Cad xalaal ah iyo caano naga dhowr.

Carruurtu waxay sheegi jireen, gaaladu waa sameeyaan maxaa yeelay wax cadaab uga samrid badan ma leh qof usoo taagan gaalnimo iyo Ilaah diid. Tan kale oo ah hilibka haddee haddaysanba wax goowricin oo bisinka u qaban soow bakhti isma hayaan? Mar hadday caano geel iska xarrimeenna soow caanihii ugu fiincaa iskama afqaban.

Aayadahoodan iyo kuwa la mid ah Kipligat wuu soo qaadan karaa. John 1:1. In the beginning was the Word, and the Word was with God, and the Word Was God.

Aayaddaasi waxay leedahay say leeyihiin: Biloowgii waxaa jiray hadalka (Weedha), hadalkuna ilaah buu la jiray, hadalkuna ilaah buu ahaa.

John 14:20 At that day ye shall know that I am in my Father, and ye in me, and I in you.

Maalintaas waxaad ogaandoontaan in aan ku dhexjiro Aabbahay, aad iddinkuna ani igu dhexjirtaan,aan anniguna iddinka idin ku dhexjiro.

Ephesians 5:22 Wives, submit yourselves unto your own husbands, as unto the Lord.

Dumarku waa in ay raggooda isu dhiibaan/ka dambeeyaan, sida ay Rabbigooda isugu dhiibaan.

Meherkii muxuu noqon? Waan ognahay in ayna qab-qablayaashu waxaan dhib ahayn uhayn dadkii Maandeeq. Kiplagat haddii uu ogaan lahaa qabqable wax ka yaqaan Cahdigii hore iyo kan cusub, “Bible” oo ay English ahaan u qoraan: Old and New testaments wuxuu u meherin lahaa kaas si uu Soomaalida wuxuu buugaas ka bartay igu gudbin lahaa laakiin intooda badani kuma fiicna. Waxa qaalliga hadda u furan inuu doorto kan Diinta Islaamka iyo dadkeeda ugu madax adag oo ugu dhibka badan si halkaas Diin iyo dadkeedu ukala tagaan.

Ragga jagadaas buuxin kara qof walba maskaxdiisa way ku soo dhacaysaa. Waa qolyihii aan horay usoo niri waa kuwii Maandeeq aabaheed, walaalaheed iyo ehelkeed mariyey.

Kursigu meel dheer buu saaranyahay, jaranjarana meeshu ma leh. Qofkastaa wuxuu ku fuuli karaa inuu maydadkii uu dilay uu isdulsaaro si ugu istaago.

“TODDOBADA NAAROOD WAA KALA SUBXAANALAYSTAAN”. Iyagiiba hadda qaylinaya oo leh hebel cadow hebel baa wata mana aqbali karno.

Markasta oo ummaddan Soomaaliyeed luggooyo,dhib iyo khiyaano lala maago Ilaah baa ka kala daadiya. Waataas hadda ay halkaas isku haystaan.

Sidaan mar horayba xusay waxaan shirkaa uga faa’iidaysankarnaa in labadaas gobol ee midi Somaliland la baxday ay isku soo noqdaan. Waxaan samaynkarnaa in iyaga loo yeero oo Siilaanyo ama Jaamac Qaalib ama qofkii kale ay rabaan ay keensadaan oo ay iyagu madaxweyne qaataan si ay u arkaan haddii madaxweyne faa’iido leeyahay.

Haddaad diiddaan waxaa la siin nimanka la magacaabayo ee Soomaali oo dhani ka qaylinayso.

Haddii la isku dayo in nin inkaar qaba madax naloo ka dhigo miyeyna u jeedin Charles Taylor-kii Liberia? Xagguu u socdaa hadda?

Haddii gabar uu nin akhyaar ahi naga soo doonay oo aan udiidno keeni karto adduun dhan oo fasahaada ka warran geyi dhan oo qab-qable iyo qoowsaar Amxaaro loo dhiibay? Dhibtiisu waa mid qarniyaal soconaysa. Marka taasi dhaci mayso insha Allaah.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa waxaa jira Xaddiis saxiixa ah oo sheegaya qofkii shardiya shardi aan kitaabka (Diinta Islaamka) Ilaahay ku jirin, shardigiisu waa baadil.

WIBILLAAHI TOWFIIQ

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003

Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! [Cabdiwaaxid]

» Haddaynu 60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 » Dowlad Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]

»Michael H. Hart: Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa u mudan (No. 1) [A/Waxid]  

» Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD