Xaaji Dhurwaa hadalkiisa yaa
dheg u dhigaya?!
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Feb 28, 2003
Asalaamu calaykum.
Qof waajibkii Xajku ka
dhacay ma dhihi karaa gumaystayaashii dhabarka naga rartay, Ingiriis baa
dhaladkooda ah uguna laan-dheeraysan! Mise xaajigu waa kii la iska dhihi
jiray ee ninka ka dhignaa? Waxay dhahaan waa nin ay Somaliland ay ku
dhaadato oo ku dhex jira raggii dhidabbada u aassay, guurtinimana waa
udheertay.
Horta raggii dhugta lahaa
ee Ingiriis dhaayaha saaray issagoo dadkeena dhibaya aan fariintoodii
dheehanno. Ina Gahayr wuxuu yiri Ingiriiska dhulkayga haysta iyo Jarmalkaba
gaalaa dhashay isku dhan bayna iga jiraan. Dhuuni dartiis mid ma soo
dhawaysan karo. Barkhad Cas dhoobadii Hargeysa oo Ingiriis ku salaqdhabanayo
oo dadkii cabsi wadnaha u dhigay, markii wafti boqortooyada dhankeeda ka
socdaa soo caga dhigtay, dadkii waxaa ganaax looga dhigay inay soo
dhaweeyaan, isagu dhogarta Ingiriiska wuu dhibsaday oo wuxuu ku dhawaaqay
siday awoowayaashii ay u dhabanaanayn jireen, shaabuugna ula dhici jireen.
Sidaan buu u dhahay (ninkii aabahay adoonsaday, ninkaas aragiisa uurkaan ka
nacee aan ooyee albaabka ii xira). Cali Dhuux wuxuu yiri: oo dhagaxan qaad
iyo adeeg gaaladaa dhihine. Ma Talyaanuu indhaha saaray? Dhurwaagaas
baa dadka waxgarad looga dhigayaa! Raggaasi waxaan maka dhegaysanlahaayeen?
Marka Talyaani iyo Ingiriis isku meel dhig.
Dhurwaa anigu ma oran ee
magaciisa ayaa ku dhaca. Horta wanaagga aad Ingiriiska u dhaamisay halkan
soo dhig? Miyaan Sayidka canshuur dhiib la oran oo uusan ka dhiidhiyin halka
dadku baad dhiibi jireen? Miyuusan Sayidku carruur macatab ku dhegenyahay ka
dhifan markuu magacooda dhegaystayna ayna Laatiin ku dhawaaqin. Waxaas
dhiigu nagu kicinayaa. Yaa Soomaaliya kala dhantaalay? Yaa Xarshin Amxaarada
udhiibay? Yaa NFD Kenya hoos dhigay? Yaa inta dhulka kaa doofshay oo
calooshi ushaqayste kaa dhigtay gaalo kale xabbad kuugu dhiibay?
Waa adiga Xaajiga isku
dhajinayee Masjid Al-Aqsaa yaa Yuhuud u dhiibay? Yaa Ciraaq iyo Kuwayt
dhibka kala dhexdhigay? Yaa khilaafadii Islaamka dhulka dhigay? Yaa
Xaramaynkii boqortooyo udhiibay? Dhibta aduunkoo dhan ka dhacaysa yaa dhigay?
Xaaji Dhurwaa waxa dadka
sharaf dhaca ku rida waa hadalka la iska dhaho adoon si fiican udhuuxin ama
iska dhayalsada. Waxaad u dhaqmaysaa sidii aad Ingiriis ka dhuntay oo aad
leedahay ninkii dhaxalka ii lahaa xaggiis hala ii dhigo sidii aan annaguna (Koonfur)
kaaga dhaaranay oo aan teed idin kala dhexdhignay. Soow adigu xornimaa iga
dhimman shirarka kama dhahaysid.
Mayd naftu ka dhacdo kaas
godka lasii dhigayo ayaa ugu dambeeyey marka dhurwaayoow miyeysan Ingiriis
iyo Maraykan ciidamo dhoobin Khaliijka si dhallaanka Ciraaq iyo shacab
guryahooda dhacdiida hantidooda loo dhaxal wareejiyo kumannaanna udhintaan.
Inkastoo Talyaanigu gaal kale yahay sida Ingiriiska nooma dhibi karo suu
tabar saas ah naguma dhaamee.
Horay baan ussoo dhigay in
reer Waqooyi qulatayn dhaafeen oo dhurwaa hadalladiisu wax uma dhimi karaan
laakiin adiga iyo Ilmo Gahayr labo buug baan idin kukala dhigaynaa. Teeda
kale reer Koonfur waxay ku dhiirranayaan inay Waqooyi oo dhan cay ku
dhammooqaan ilayn adigiiba “Walawayntii” oo dhan baad aflagaado ku
dhammaajaysay.
Hadalka saas looma dhaho.
Kalmadda wanaag lagama soo dhambalan karo dhib gumaysi noo gaystay (Ingiriis
baa ugu wanaagsan) . Waxay ka dhigantahay adoo cadaabaha (naaraha) mid ka
mid ah naruura ka dhowra oo yiraahda taasaa loo babac dhigi karaa!
Ilayn Zenawi wuxuu
dharbaaxada noola daba joogaa si aan ammaan u dhiibno.
Afeer: Maqaalkan wuxuu ku
socdaa xaaji Cabdi Xuseen Waraabe oo shirkii beelaha rayadka ah ee Hargeysa
ku yiri Talyaaniga ayaa Koonfur saas ugalay laakiin Ingiriisku isagaa ugu
fiican waxa wax gumaystay. Haddii uu hadalka saas u yiri ama si udhow
maqaalku isaguu ku socdaa laakiin hadday website-yadu hadalkiisa bedeleen
maqaalku waa wax kama jiraan. Hana la gaarsiiyo fariintaas si aan qof kale
waxaas oo kale meel fagaare ah uga oran.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
»»DHULKA
SOOMAALIDA
[Qoraaladii taxanaha ahee ee
Cabiwaaxid Khaliif]
|