SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay!

“Labo dhaqan kala dheer”

 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

June 26, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Nin baa mar dad tujiyey markaasuu Qur’aankii dhaqaajin waayey. Markuu marar badan ku celceliyey “ACUUDU BILLAAHI MINA SHAYDHAANI RAJIIM” ayaa nin ku dabo tukanayey wuxuu yiri: shaydaan dambi ma lahee waxaad akhrido ayaadan garanayn!

Maxamed Mooge Allaha u naxariistee mar uu ka hadlayey 26-Juun iyo 1-da Luuliyo wuxuu ku sheegay inaan lulanay laakiin markuu ka hadlayey 21-Oktoobar wuxuu ku sheegay inaan luufluufnay oo leel-leelnay.

Maxamed Mooge oo aan ognahay sidii suugaanta u yaqaanay marna eedda dusha ugama tuurin 1-da Luuliyo maxaa yeelay waqtigaas xoog ma jirin. Nin walba xirfadiisa iyo xoolaha uu haysto ayuu isticmaalayey. Markuu 21 Oktoobar ka hadlayey wuxuu haystay Maxamed Siyaad ee wuu ogaa inaysan maalini dambi lahayn.

Muxuu Maxamed Dirirdhaba 1-da July maalin madow ugu sheegay? Horta waxaan filayaa inaan aniga iyo isaga midna waqtigaas dhalan. Carabtu waxay tiraahdaa “Laysal khabaru kal mucaayanah” oo ah wax laguu soo tebiyey la mid ma ahan waxaad usoo taagnay.

Maxamed waxay ku fiicnaanlahayd inuu waraysto waxay dareemayeen maalintaas dadka hadda Somaliland horbooda iska daa dadweynaha kalee.

Annigu waxaan aaminsanahay in maalmaha laga daayo inay shirki noo soo jiidaan oo aysan dhaqamada shisheeyuhu na saamayn ee marna ma oran waa maalmo dhib noo keenay.

Waxa jirta in dhibta Soomaaliya looga horeeyey Waqooyi haddana looga dambeeyo.

Horta sideeda dimuqraadiyadu ma ahan xukunkii Ilaahay rabay laakiin waxaa la isku raacay inay shuuciyadda dhaanto. Maxamed wuxuu xusay Aadan Cadde, C/Rashiid iyo Ra’iisul wasaarayaashii kale.

Aadan Cadde ma xoog baa loo qaaday madaxweynanimadii? Ma qabiil ahaan buu awal xukunka ku qabtay? Ka warran C/hi Ciise Allah u naxariistee?

Maxamed waxaa la rabay inaad daristo waxa Soomaalida ka dhaxeeya ee ah diin, midab, Af, walaalnimo iyo darisnimo. WALLAAHI sheekadan aan soo wado haddaad u dhabo-gasho waxaad is leedahay waa khiyaali.

Markii la rabay C/hi Ciise Allaha u naxariistee waa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya in loo diro Yurub waxaa looga baahnaa in la talaalo. Nin ka soo jeeda Bari ayaa yiri hadday Talyaanigu damcaan inay sumeeyaan anaa talaalka qaadanaya si aan u dhinto intii C/hi Ciise dhiman lahaa. Allaahu Akbar. Maanta labada qabiil waxay u muuqdaan inay yihiin labada qabiil ee Soomaaliya isu neceb.

Isla C/hi Ciise waxaa lasheegaa inay dad reer Waqooyi ah oo London jooga ka caawiyeen inuu Paris ama meel kale tago.

Maxamadoow maalintii Nabi Muxamed laga cayrshay Makkah oo ahayd magaaladii ugu qiimaha badan Caalamka, Nabiguna (SCW) wuxuu yiri waxaad tahay dhulka Ilaahay tan xagayga loogu jecelyahay, haddii ayna tolkaa iga kaa soo saareen kaama baxeen.

Saasooy tahay muslimiintu maalintaas waxay ka yeesheen maalin taariikhi ah. Maxaa yeelay cuqdad looma baahna. Hijradii waxay sababtay in dowlad Islaam ahi Makkah ka dhalato. Dhibtii gaartay saxaabada waxaa ka waynaatay dheeftii ay heleen. Ilaa waqtigaan la joogo muslimiintu maalintaas waxay ku hayaan qalbiga oo waa u maalin taariikh ah.

1 JULY MAALINTII MADOOBAYD EE SOMALILAND [Diridhaba]

Maxamadoow soo maanta xor ma ahid. Ma cid baa idin khasabta? Maad dhibtii aad sheegaysid ka baxdid. Haddii aad maanta runtii ogaateen, 21 Octoobar faa’iido ayaa idiin ku jirtay maxaa yeelay waxay sababtay in aad halgan gashaan oo aad maanta meeshaad marayso gaartaan iska daa inaad eedayso 1-da Luuliyee.

Teeda kale haddii aad Koonfur ka tabanaysid inay belaayo gooni ah idin ku sameeyeen ma waxaan ka liidanaa wiilashii walaalkood Nabi Yuusuf (CS) oo dhallaan ah ceel ku riday?

Nabi Yuusuf (CS) wuu cafiyey, waliba wuu u duceeyey in Ilaahay u dambi dhaafo. Marka haddaad tihiin walaalahayo naga hormaray noo soo duceeya ee taariikh aanaan dhibkeed garanayn iyo belaayo ha soo xusin.

Sida kale Nabi Muxamed (SCW) wuu cafiyey qaraabadiis iyo Qurayshtii Makkaad markuu galayey Makkah. Ina adeerkiisii ugu gabyi jiray (Abuu Sufyaan) oo diinta dhibay markuu u yimid ayaa Cali Binu Abuu Dhaalib (RC) wuxuu u sheegay wixii ay Nabi Yuusuf (CS) Walaalihiis ku dhaheen. Haddee maxaad ka filaysaa Nabi Muxamed (CSW) oo ahaa shakhsigii ugu naxariista badnaa, isna sidii oo kale buu cafiyey oo Ilaah uu dambi dhaaf u waydiiyey.

Maxamed Mooge Allaha u naxariistee ka soo hadalnay ee meeye Hadraawi, Qaasim iyo Cabdi Qays? Waa abwaanadii Soomaaliya ugu caansanaa. Ma aragtay iyagoo ka hadlaya waxaan dadka sufahaada ah gaysteen? Way arkaan waxaan la isku falayo laakiin waxay ogyihiin qaddiyada dhabta ah.

C/Qays wuxuu aaminsanyahay in Jabuuti ay Soomali tahay iska daa in Xamar xisaabta ka baxdee. Ka warran markuu laha:

  • Agoon xoolo kama dhicin
  • Xargo goysna maan noqon
  • Eexana rag kama galin
  • Jabuutidaan u xaydnaa
  • Ee Soomaali laga xaday
  • haddii aan xaggaa tagay
  • Ma shidaynin xeerkee
  • Maxaa la igu soo xiray?

Hadraawi Balweyn waa u duceeyey oo heesta dadka badankiisa waa yaqaaneen.

Qaasimna gabayadiisa guubabada ah waa lawada ogaa oo wuxuu xusay in dhibka lala qabo sidii markuu lahaa:

Annaga iyo Saleebanada waa na sidataaye

Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahaaye.

Wuxuu xusay in Soomaalida oo dhani dhibbantahay ee ma aaminsana sidaada oo kale in aad adinka kaliya belaayo qabtaan.

Dad badan oo Xamar iyo Kismaayo degenaa ayaa wali dhulkoodii ka maqan. Sidoo kale dhul beereedyada dad deganaa hantidoodii waa kala abaadeen.

Marka abwaanadii cadaabka iyo xariga ka soo maray taliskii hore hadday wali kuwaas yihiin, wax aad idiga oo Maxamed Dirirdhabe ah aad lasoo dhawaaqdo ma arko.

Ilaah baan dambi dhaaf waydiisanaynaa.

» Haddaynu 60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 » Dowlad Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]

»Michael H. Hart: Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa u mudan (No. 1) [A/Waxid]  

» Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD