Haddaynu 60-kii Xornino qaadanay,
“mawaalii” baynu nahay.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
June 26, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahadleh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
In aan naynaaso xun la
isugu yeerin iyo in magacyo fiican la isu bixiyo diinta Islaamka ayaa
nabartay.
Qofkii Ingiriis xornimo ka
qaatay, mowlaa ayuu u yahay Ingiriiska, kii Talyaani ka qaatanayna, Talyaani
buu u yahay.
Arrintu waxay ku fiicnaan
lahayd in aan si fiican u fekerno oo qofku marka hore maskaxda ka xoroobo.
Nabi Muxamed (SCW) iyo
muhaajiriin miyeey dhaheen markii ay Makkah qabsadeen, xornimaan qaadanay?
Waddamo badan oo muslimiin ah ayaa marar badan cadow qabsaday sida Tataarkii
iyo “Crusaders” waa kiristaankiiye. Waligiin ma maqasheen muslimiinta oo leh
xornimaan qaadanay markay cadowgaas saareen?
Haddaad tiraahdid xornimaan
qaatay waa halka ay daciifnimadu (inferiority) iyo cuqdadu (complexity) ka
bilaabato.
Qofkii ay ka hayso inuu
dabbaal-dego, inkasta oo ay ahayd in Ilaahay loo mahad celiyo oo cibaado
lagu jiro haddana waxay ku fiicnayd in layiraahdo:
1. Waqtigii aan
gumaystayaasha dhulkayaga ka saarnay.
2. Ama waqtigii aan
dhulkayaga xoraynay.
Marka haddaan rabno inaan
isticmaalno kalmada xornimo waxay ku fiicnayd in aan dhahno dhulkii baan
xoraynay si aan annaga iyo dhulkeenu “wilaayo” nooga dhaxayso laakiin
haddaan dhahno dad Yurub ah baa na xoreeyey waxaad arkaysaa in wilaayadii ay
ka dhaxayso iyaga iyo annaga.
In waliyadaas ay meesha ku
jirto waxaad ku garanaysaa waxaan qaadanay mabaadiidii ay nooga tageen oo
dimuqraadiyad ku sheega ahayd. Waxaan raacnay qaabkoodii maamul. Marka in
nala xoreeyey waa caddahay markaan raacnay qaab nololeedkoodii.
Waxa arrintaas sii
xaqiijinaya in qof walba oo Soomaaliya uu jeclaa inuu Ingiriis ama Talyaani
loo diro si uu wax uga soo barto ama u soo arko. Sidii adoo raba inaad soo
aragtid qof ku xoreeyey oo xaq aan la ilaawi karin kugu leh.
Dhibtu Soomaali oo kaliya
ma haystato laakiin muslim-ka kale, Afrikaan iyo qaarado kalaba waa nala
qabaan.
Mar nin dhalinyaro ah oo
Somaliland daneeya aan qoraal isku tuur-tuuraynay waxaan soo xusay sheeko uu
wiil nooga sheekeeyey mar aan kurayo ahayn. Wuxuu yiri waxaa isa soo raacay
seddex nin oo midi Caddaan yahay, midna Carab, midka kalana Madow yahay.
Marka wuxuu yiri Ilaahay bay baryeen. Caddaankii wuxuu yiri Ilaahoow
adduunka kheyr isii. Carabkiina wuxuu yiri Ilaahoow adduunyo iyo aakhiraba
kheyr isii. Wuxuu wiilkii yiri sidii kii Madoobaa hadal looga sugayey ayuu
yiri aaway/meeyey Caddaankii. Wuxuu yiri ilaa maalintaas waxay dabo ordayaan
Caddaankii.
Runtii Carabta hadda
joogtaaba Caddaan jecayl kama marna haddaysan dadka kale uga horayn laakiin
sheekada wuxuu ka wadaa waa dad wali aakhiro iyo adduun rajo ka leh.
Maxay maanta Soomali diin
ugu ooli lahayd?
Marka haddaynaan xornimo ka
hadalkeed daynayn waxay ku fiicnayd in la yiraahdo waxaan ahayn addoon ka
dhuumatay sayidkeed maxaa yeelay haddaan xornimo qaadanahay dhibtaan naguma
dhacdeen maxaa yeelay nin gumaysi iyo addoonsi soo maray oo iyadoon tobonaan
sano lagaarin isagii is dilaya, ma ahan wax la fahmi karo.
Maxamed Siyaad Barre ayaa u
hor arkay in Soomaalidu tahay addoon soo baxsatay marka waxaa dhici karta
inuu isyiri intii belaayo kale qaadanlahayd adigu gumayso. Soow dadka
badankiisu sacabka uma tumin? Dadka waxaad moodaysay inay lahaayeen ma rabno
baarlamaankan la isku caayayo iyo lacagta iyo aqoonta la isku khiyaamayo ee
waxaan rabnaa qaab kale.
Hadda Soomaalideenii
addoonimadii baa nagu raagtay meeshii la rabay in aan xal kale raadino waxay
u muuqataa in aynaan madax banaani rabin oo aan gumaysi diyaar u nahay
laakiin waxaa shardi ah in uusan gumaysigu ka imaan Soomali kale ee uu
Caddaan ama Madow kale oo aan muslim ahayn ka yimaado. Xittaa Carabta iyo
muslimiinta kale diyaar uma nihin. Madaxweyne Soomaaliyeed lama rabo.
Miyaadan u jeedin wixii lagu dhigay C/Qaasim?
Maskaxi ma jirto. Haddaan
xornahay maxaan dib ugu noqonaynaa wixii lixdankii aan soo marnay? Maxaan
Islaamka u diidaynaa oo aan wiligeen aynaan xukunkiisa tijaabin? Maxaa
Soomaalideenu isu maqli la’nahay? Maxaa shisheeyaha loo maqli ogyahay?
Saxid:
Maah-maah Soomaalidu
sheegto ayaa jirta oo aan rabo inaan xoogaa ka bedelo. Afxumo waa kaa
timaada laakiin Ilaahay kaagama tago ilaa aad ka toobad keentid. Inkastoo
wax kasta Ilaah abuuray looma baahna in wax xun Ilaah loo tiiriyo.
Haddaad tiraahdid xornimaan
qaatay waxaa jirta waqti aad addoon ahayd. Laakiin hadda maxaan nahay?
Waxaa la sheegaa in nin
adiib ah (macalin) uu u dhigi jiray Qur’aan wiil uu dhalay amiirkii
muuminiinta waqtigii Cabbaasiyiinta. Wiilkii wuxuu ku jiray Suurat An-Naasicaat.
Macalinkii wuxuu wiilkii ku yiri haddii aabahaa ku waydiiyo Suurada aad ku
jirto ku dheh Suurada Cabasa ku xigta (ka saraysa). Macalinku wuxuu diidayey
in wiilka aabhihii ku dhaho “ anaa fii An-Naasicaat” oo ay noqon karto
sakaraatkii baan ku jiraa. Ilayn qofku waa inuu yiraahd suuradaas baan ku
dhexjiraa. Suurada magaceedu waa sakaraatka waliba marka gaalada nafta laga
qaadayo.
Amiirkii markuu wiilkii
waydiiyey Suurada uu ku jiro ayuu sidii macalinka u sheegay kaddibna
amiirkii inta la yaabay qaabka uu macalinku ardayga u edbinayo ayuu wuxuu
siiyey abaal marin qaali ah.
Marka waxaa fiican in aan
is daawayno oo qaabka fiican loo hadlo oo loo fekaro oo aan ku dhagno
diinteena qiimaha badan ee adduunkoo dhan ay qireen in qofkii qabsada uuna
wax kale u baahnayn.
Bal qab-qablayaasha iyo
waxa taageera ee dibadaha dhooban waydii Zenawi xaggiisa, waxay ku oranayaa
waa nin aan darisnahay, Soomaali badan Itoobiya kusoo dhoweeyey,
walaaltinimo iyo daris-wanaag ayaa naga dhaxeeya. Bal waydii Shiikh
Soomaaliya laga yaqaan isla markii ayey ku oranayaan waa argagixiso, waa Al-Qaacida,
Waa Al-Itixaad, waa Al-Islaax, Waa….., IWM.
Xornimo ayaan qaadanay
maanta ayey nasoo ridatay ee dadwaynoow afkeena waxaas aan ka dayno. Aan
dhahno waqtigii aan gumaysiga dhulkeena ka saarnay ama dhulkeena aan
xoraynay sidaan horay usoo xusay.
Bal arrintaan ila fiiri:
Somaliland waxay sheegtaan inay Ingiriis ka xorobeen 26/06/1960. Inta
goosashada rabta waxay il raxmad leh ku eegayaan in Ingiriisku aqoonsado.
Haddaad akhriseen haweenayda wasiirka arrimaha dibada u ah maamulkaas, Edna,
inay arrintaas jeclaan lahayd inay aragto sanadkan. War soow wilaayadii aan
sheegay hadda ma muuqato in reer Waqooyiga goosashada rabaa ay leeyihiin war
Ingiriisoow, belaayo ku dhacdaye annagaa is lehe na aqoonso. Mararka
qaarkood waxaad ka arkaysaa sheekadaas oo laga soo daynayo TV-da Ingiriiska
ama iyagoo shirar caalami ah ka leh Ingiriisoow dagaaladii baan ku caawinaye
na caawi. Haweenaydaasi waxay tiri sida Talyaanigu ugu ololeeyo in ay
Soomaaliya mid ahaato, Ingiriisku umaga olaleeyo inaan go’no.
Nabi Muxamed (SCW) markuu
Makkah xoreeyey wuxuu cafiyey kuwii mushrikiinta ahaa waa tuu Nabigu (SCW)
lahaa waxaad tihiin xor ee hortiina u socda.
Soomalidu ma waxay naga
dhaadhicinayaan Ingiriis iyo Talyaaniyoow dhulkayaga waa idin ka erinay
laakiin noo sheega meesha aan wax ka bilowno iyo qaabka aan isku xukuno!
Haddii aan leenahay
Ingiriis iyoTalyaani waxay naga soo iibsadeen dad kale sida Xabashida
kaddibna waa na xoreeyeen, waxaa dhici karta in la isyiraahdo “mawaalii”
baan isu nahay. Ama in la yiraahdo iyagaa Ilaah dartii noo xoreeyey kaddib
markay arkeen inaysan arrintaasi fiicnayn.
Marka Ilaahay cidna ma
dulmiyo.
WIBILLAAHI TOWFIIQ
» Dowlad
Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]
»Michael H.
Hart:
Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa
u mudan (No. 1) [A/Waxid]
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 24,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|