Dowlad Soomaaliyeed sidee loo dhisaa?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
June 24, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad oo dhan leh.
Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Juun 26-keeda, 1-da Luuliyo,
21 Oktoobar, iyo 8-da May oo SNM ka dambayso, in kastaa oo ay taariikhdaas
ugu dambaysa markii Boosaaso la joogo micno kale samayso. Carta iyo
Salbalaar taariikhdeedii sumcad saas ah ma leh.
Waxaa dhici karta in
Mbagathi ay kasoo baxdo taariikh kale oo tiraahda “wixii hore quba/daadiya”
oo ay dhici karto in sida taariikhahaas farxad ama nacayb lagu qaabilo mar
dambe.
Horta taariikhaha noocaas
ah ee saas loo wayneeyo waa shirki. Waxaa dhici karta in qof is yiraahdo
maxay tahay fatwada ninkaasi bixiyey. Walaalayaal anigu fatwo ma bixin karo
laakiin waxaan ka hadlayo waa arrin la rabo qof kasto oo muslim ah inuu
yaqaan. Ma lihi dadku waa musrikiin laakiin waa arrin loo baahanyahay in
laga dheeraado. Oktoobarta oo kale dad badan oo aan rabin baa lagu khasbi
jiray laakiin Juun iyo July dadku iyagaa xamaasadi iska qaaday. Cibaadada la
sheegayaba waa waynaynta noocaas ah.
Waa maxay kursi iyo dowladi?
Qofba dhan u badey!
Sida aan loo kala saari
karin qofka iyo naftiisa ayaan loo kala saari karin dadka iyo dowladda saxda
ah. Oo labadaba Ilaah baa leh. Waad arkaysaa dad diidan in Ilaah abuuray
sidoo kale waad arkaysaa dowlado dhisan oo aan sharicigii Ilaahay raacin.
Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku
sheegay inuu khalqiga, Amarka, iyo xukunka leeyahay. Muslimiinta oo ay
Soomalidu ku jirto waa la isku raacay in abuurka Ilaah leeyahay laakiin
amarka iyo xukunka waa loo diidanyahay Ilaah, waana sida muuqata. “Mayd
waxaa udambeeyey kaas la sii wado”. Ma umalaynaysaan in xukun Ilaahay
Kiplagat, Itoobiya, Afrikaan kale, Yurub iyo Maraykan laga qaybgalinlahaa?
Ilaah wuxuu sidoo kale
Qur’aanka ku sheegay in diinta (nolol maalmeedka) Ilaah agtiis sax ka ah uu
yahay Islaamka oo kaliya.
Maqaalkii ugu dambeeyey
waxaan sheegay in Michael Hart uu xusay 100-kii qof ee adduunka saamaysnta
wayn ku yeeshay siday isaga la tahay, wuxuu koow ka dhigay Nabi Muxamed (SCW).
Maaddaama ay
hogaamiyayaashu (qabqablayaasha) ka dambeeyaan dadka aan muslimka ahayn,
annaguna aan qab-qablayaasha ka danbaysno, aan fiirino qaabkii uu Nabi
Muxamed dowladiisa udhisay, ilayn nin aan muslim ahayn baa sheegay in
Muxamed (SCW) uu ahaa hogaamiyihii dowladiisu ay saamaynta ugu wayn ku
yeelatay caalamka.
Nabigu (SCW) markuu Madiina
tagay muxuu u horbilaabay? Muhaajiriin waxay ka soo tageen guryahoodii,
maalkoodii, qaraabadood, waalidkood, iyo waliba qaarkood carruurtoodii iyo
xaasaskoodii, ee ma waxaa loo hor dhisay xarun dadka lagu quudiyo, ma guryo
ay degaan?
Maya, Nabiga iyo
muhaajiriin badankood oo dulsaar/marti ku ah Ansaar ayey bilaabeen dhismaha
masaajidka. Soomaalidu hadda Mbagathi ayey bilowday/dooratay. Meeshaan
masaajid iyo diin ku bilaabi lahayn haddaan ku biloowno baarlamaan, dad
dajiya sharci ama meel sharci lagu dajiyo waxaan noqonaynaa dad shirki wax
ku bilaabay. Waana sheekada dimuqraadiyadda. Marka dad shirki ku bilaabay
xal u helid waa arrin aan caqli gali karin.
Bal aan fiirino Suurat
Abraahiim marka Nabi Ibraahim (CS) uu leeyahay marka Allaah nooga waramayo:
Afsoomali ahaan. Rabbiyoow waxaan duriyadadii (wiilkiisii iyo hooyadiss)
dajiyey waadi aan beero lahayn oo udhow Xaramka, Rabbiyoow si ay salaada u
oogaan ee ka yeel/jeclaysii qayb dadka ka mid ah inay jeclaadaan/soo aadaan
xaggooda (Xaramka) oo ku irsaaq miro waxay muddanyihiin inay shukriyaan. U
fiirso Ibraahim (CS) maadaama uu xusay dhul aan beero lahayn waxaa la is
dhihi lahaa muxuu irsaaqada ugu xijin waayey laakiin wuxuu ku xijiyey
salaadda iyo inay dadku soo xajiyaan. Waana arrintaas waxa Nabi Muxamed (SCW)
masaajidka ugu bilaabay. “Bacdhuhum min bacdhi”. Soow midkooba kan kale kama
ahaan. Soow Ibraahim (SC) aabe/fog uma ahan Muxamed (SCW). Waa isku u jeedo.
Dib ka fiiri waxa Mbagathi lagu bilaabay.
U fiirso waxa Nabigu (SCW)
sameeyey iyo waxa aan annagu Soomaali ahaan aan hadda samaynayno.
Nabi Muxamed (SCW) iyo
Asxaabtii waxay ka soo tageen Makkah oo ahayd magaalo mushrikiin xukuntay oo
waxay yimaadeen magaalo laga soo dhoweeyey oo noqotay magaalo Islaam waa
Madiinee. Soomaalidu waxay sameeyeen caksigeeda, dhul muslimiin bay ka soo
tageen (Soomaaliya) waxay yimaadeen dhul gaalo xukunto (Kenya). Muslimiin
badan baa Kenya degen laakiin waxa hor booda waddanka waa kiristaan.
Muslimiinta waxay raaceen
oo Nabi u doorteen Nabi Muxamed (SCW) oo ugu khayr badnaa. Yaa Soomaalida
hadda horbooda? Ma kuwooda ugu khayrka badan? Waa qab-qablayaal.
Nabi Muxamed (SCW) wuxuu
xukunka ka soo qaatay Ilaahii adduunka sameeyey. Soomaalidu way ka leexdeen
manhajkii Nabi Muxamed (SCW) isagoo horyaal oo waxay ka haysaa dimuqraadiyad
iyo wax kale oo ay soo amaahdaan.
Nabiga (SCW) waxaa lagu
hagi jiray Waxyi Samada ka yimaada laakiin shirka Kenya waxaa hagga Kiplagat,
Amxaaro iyo reer Galbeed.
Nabi Muxamed wuxuu isku
keenay Ansaar oo labo qabiil isu hayey halka shirka Kenya lasii kala
fogaanayo oo qaab qabiil wax lagu qaybsanayo. Nabigu (SCW) wuxuu yiri ka
taga qabyaalada waa qurune halka Kenya qaab qabiil yaalo oo waliba haddeer
loo yeeranayo kaabo-qabiiladii. Annagu hadda qabyaaladii baan u yeeranaynaa.
Ansaartii waa iska
fogeeyeen munaafiqiintii kaabo-qabiilaba ha ahaadeene sidii C/hi Binu Salool
laakiin Soomaalidu waxay soo dhawaysteen shar-wadayaashii iyo odayaal
kaabo-qabiilo ah oo qaarkood diinta la dagaalayo.
Muslimiintii waxaa qaybta
ugu fiican qaatay dhalinyaradii sidii Ansaar oo kale oo odayaashii
badankoodii dagaaladii sokeeye ayey ku dhinteen laakiin Soomaalidu
dhalinyarada badankoodu waxay taageeraan qab-qablahooda iyo
kaabo-qabiilkooda.
Ansaar waxay nasiib ku
lahayd markii ay gaalada ahaayeenba waxay doorteen kaabo-qabiilo waxgarad ah
marka laga reebo aabihii munaafiqiinta. Waxay ku badbaadeen labadii Sacad,
Usayd Binu Xudhayr iyo kuwo kale. Ka warran qab-qablayaasha iyo
kaabo-qabiilo badan?
Soomaalidu waxay
ubaahantahay wax qabiil ka daweeya sidii Nabi Muxamed (SCW) iyo Islaamku
Ansaar u daweeyeen laakiin annagu haddaaba loo sii tartamayaa. Waan aragnaa
waxa qab-qablayaasha ka yeeraya in middi leeyahay waa inaan xukumo oo aan
cadow usoo wato, mid kalana leeyahay kabo ka wayn buu isku dayayaa inuu
gashado. Kuwo kale waxay leeyihiin annagu qabiil ahaan baan isu taagayna oo
qabiilo dambe wax la qaybsanmayno.
Khiyaamada caddowga ma
garankaraan waxa shirka jooga. Shalay 4.5 baa wax lagu qaybsaday oo waxaa la
yiri qolo kasta tiro ha keensato waana saxiixeen, maantana sheeko kale.
Go’aanka kama dambaysta ah
waxaa leh dadka shirka maamulaya, Soomaalida waxba gacan uguma jiraan.
Inkastoo culimada iyo
ducaada Soomaalidu ayna sidii la rabay howshoodii uga soo bixin laakiin inta
yar oo runta sheegta dhagax baa loo haystaa oo markay yiraahdaan war
meeshaas oo kale faa’iido iyo mustaqbal kama soo socda laakiin way dhici
kartaa in wax la dhoob-dhoobo. Laakiin haddii qaar xeeladaysiga ku dheereeya
ay usheegaan wax labo dhinac loo jiidan karo sidii qiso ka dhacday nin
khadiib ah oo ay Sunni iyo Shiico waydiiyeen keebaa Abuu Bakar iyo Cali
kheyr badan? Khadiibkii wuxuu yiri: key gabadhiisu hoos joogto baa kheyr
badan! Sunniyiintii waxay dhaheen gabadhiisu waa Caa’isho oo Nabiga (SCW)
ayey hoos joogtaa iyagoo raali ah eyey tageen. Shiicadiina waxay dhaheen
gabadhiisu (yacnii Nabiga SCW gabadhiisa) waa Faadumo oo Cali bay hoos
joogtaa, iyaguna iyagoo faraxsan oo u qaba inay guulaysteen bay tageen. Ama
ducadii ay madaxdu akhrin jireen marka jago loo dhaarinayo oo ay dhihi
jireen: waxaan dhaar ku maraynaa inaan dantayada gaarka ah ka hor marinayno
tan dadweynaha. Ama in aan danta dadweynaha ka hormarinayno taayda. Si
kastoo loo dhaho waxay noqon kartaa siduu isagu niyeysanyahay.
Marka haddii daaciga
Soomaliyeed dhaho haddii shirka Ilaahay garab galo waxbaa ka soo baxaya. Qof
kasta oo muslim ah waa ogyahay in Ilaah wuxuu doono sameeyo laakiin addiga
waxa Ilaahay ku baray sheeg. Xaqa waddo loo maro ayuu leeyahay ee sheekadu
ma ahan “luuq-luuq maroow laasim laamigaas tagaa” iyo erayo la mid ah. Sidda
Soomaalidu u tiraahdo meel gawaan ah ama bacaad ah naq kama soo baxo. Ama
hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho. Qof kasta waa ogyahay in Ilaahay wax
ka soo saari karo gawaan ama bacaad ee su’aashu waa in laga hadlo waaqica oo
ah meel gawaan ah ama bacaad ah ama shamiito ah wax kama soo baxaan.
Marka qab-qable oo jirri
iyo mooryaan u qunto oo dhowr qaryo haysta ama qaar ka mid ah qabiilkiisa
yaan khaati ka istaagnee ka warran isagoo la yiri qaran xukun?
Iska daa inaan qof kasta
madaxweyne u dooranee lama rabo in qof walba wax la waydiiyo haddii kale
waxaa dhacaysa sidii sheekadii ahayd.
Nin acraabi ah ayaa niman
culumo ah dhex fadhiyey. Marka mid baa culamadii saf kala raacay inuu
waydiiyo waxa habaynkii saqda dhexe ay qabtaan? Kuwo waxay dhaheen
salaatulayl iyo istiqfaar, kuwo waxay sheegeen inay kutubo iyo culuun ah
aliffaan. Waxay soo gaareen acraabigii, fiicnaan lahaydaa inaysan waxba
waydiinin. Waxay dhaheen oday maxaad habaynkii qabataa? Wuxuu yiri waan soo
toosaa dabadeedna waan soo kaadshaa markaasaan hurdadayda ku noqdaa!
Haddaan hadda “CV”-goodii
soo bandhigino maxaan ka filaynaa? Ma waxay sheeki karaan inta ay wax
dhaceen, biliqaysteen, kufsadeen, furfurteen, dileen, khiyaamo qaran, isku
dir qabiilo, diin nacab, xabashi/cadow u shaqyn, IWM.
Kuwo ku faanaya inay dhibka
Soomaaliya bilaabeen oo ay dhibaatada aabbo u yihiina aragnay.
WABBILLAAHI TOWFIIQ
»Michael H.
Hart:
Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa
u mudan (No. 1) [A/Waxid]
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 24,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|